Haldoor Multi-Specialty & Teaching Hospital

Haldoor Multi-Specialty & Teaching Hospital You can reach us at +252-520850 for reception desk, or +252-520878 for our 24/7 Pharmacy, for additional information contact our info line at (063)609-6834

Our biggest focus is in Neurological surgical and medical intervention's along side a wide spectrum of specialist Consultation Doctor's such as, ENT, Urology, General surgery ETC, equipped with a fully prepared ICU/CCU available 24/7.

20/11/2025

Cisbitaalka Haldoor waxaa uu bulshada uu so kordhiyey qayb cusub oo Hooyada iyo Dhalaanka ah, taaso ku qalabaysan qalab casri ah.

Qaybtani waxay u balan-qaadaysa Hooyo kasta inay ku dhali karto iyadoon wax xanuun ah dareemin (Painless delivery), taaso ay fulinayaan dhakhaatir khibrad iyo waayo-aragnimo fog u leh.

Wixii faahfaahin ah Kala xidhiidh:
520850/520878/7505552

*FURSAD SHAQO*Cisbitaalka Haldoor wuxuu baahinayaa fursad shaqo oo ka banaan cisbitaalka qaybta farmasiiga (Pharmacy Tec...
16/11/2025

*FURSAD SHAQO*
Cisbitaalka Haldoor wuxuu baahinayaa fursad shaqo oo ka banaan cisbitaalka qaybta farmasiiga (Pharmacy Technician), shuruudaha laga rabo qofka soo xaraysanaaya waa kuwa hoos ku xusan.

Ugu danbayn waa in lagu soo xareeya shurudaha maalinta Arbac (19-11-2025), 6:00pm fiidnimo, xafiiska cuduuda shaqaalaha ee cisbitaalka (HR Office)

🩺 Maanta oo kale – 14-ka November – waa Maalinta Caalamiga ah ee Xanuunka Macaanka (World Diabetes Day).Haldoor Hospital...
14/11/2025

🩺 Maanta oo kale – 14-ka November – waa Maalinta Caalamiga ah ee Xanuunka Macaanka (World Diabetes Day).
Haldoor Hospital waxa ay ku biiraysaa dadaallada caalamiga ah ee lagu xusayo maalintan muhiimka ah, iyadoo diiradda la saarayo “Macaanka iyo Nolosha Marxaladaha Kala Duwan” – Diabetes Across Life Stages WHO. Xanuunka macaanku wuxuu taaban karaa qof kasta iyo da’ kasta oo uu joogo. Waa waajib in la helo wacyigelin joogto ah, daryeel isku dhafan, iyo nolol caafimaad leh oo qof walba ka caawisa is-maamulkiisa.

✳️ Haldoor Hospital waxay xasuusinaysaa bulshada muhiimadda ay leedahay:• In la ogaado calaamadaha h**e ee macaanka
• In la sameeyo baaritaanno joogto ah
• In la qaato cunto caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah

Waa maalin aan ku mideysanahay daryeelka, wacyigelinta, iyo rajada.💙 Haldoor Hospital – Daryeelkaaga Waa Mudnaantayada.

*FURSAD SHAQO*Cisbitaalka Haldoor wuxuu baahinayaa fursad shaqo oo ka banaan qaybta Hooyada iyo Dhalaanka (Midwifery), s...
10/11/2025

*FURSAD SHAQO*
Cisbitaalka Haldoor wuxuu baahinayaa fursad shaqo oo ka banaan qaybta Hooyada iyo Dhalaanka (Midwifery), shuruudaha laga rabo qofka soo xaraysanaaya waa kuwa hoos ku xusan.

Ugu danbayn waa in lagu soo xareeya shurudaha maalinta khamiis (13-11-2025), 11:00Am fiidnimo , xafiiska cuduuda shaqaalaha ee cisbitaalka (HR Office).

21/10/2025

Cisbitaalka Haldoor wuxuu bulshada la wadaagaya wacyigalin ku saabsan qanjidhka Thyroidka iyo gooraha ay timaado in laga fakiro inu halis keeni karo.

Waxaa wacyi-gelitan ino soo jeedinaya dhakhtarka baadhista xanuunada kansarka (Pathologist) Dr Yaxya Cabdi Cali.

Wixii faahfaahin ah Kala xidhiidh:
520850/520878/4822952/7505552

*FURSAD SHAQO*Cisbitaalka Haldoor wuxuu baahinayaa fursad shaqo oo ka banaan qaybta dhakhaatirta (General Practitioner),...
11/10/2025

*FURSAD SHAQO*
Cisbitaalka Haldoor wuxuu baahinayaa fursad shaqo oo ka banaan qaybta dhakhaatirta (General Practitioner), shuruudaha laga rabo qofka soo xaraysanaaya waa kuwa hoos ku xusan.

Ugu danbayn waa in lagu soo xareeya shurudaha maalinta isniinta (13-10-2025), 6:00pm fiidnimo , xafiiska cuduuda shaqaalaha ee cisbitaalka (HR Office).

30/09/2025

Cisbitaalka Haldoor wuxuu xusayaa maalinta wadnaha addunka, Dr Sead Fawzy oo ah dhakhtarka daaweynta xanuunada wadnaha aya bulshada ka wacyigelinaya xanuunada wadnaha.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh:
520850/520878/7505552/

27/09/2025

Cisbitaalka Haldoor wuxuu markasta bulshada la wadaaga wacyi-galinaha ku saabsaan xaaladaha caafimaadka.

Dr Rabie Soliman oo ah dhakhtarka ku takhasuusay daaweynta iyo qalliinka kelyaha iyo kaadi-mareenka (Urology/Uro-surgery) wuxuu inoo sharxayaa mihiimada ay leeyihiin kelyuhu, xanuunada u badan ee ku dhaca iyo sida u wanaagsan ee loo samayn karo ka hor-tag (Prevention is better than Cure), waxaana ka turjumaya Dr Gabboose.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh:
520878/520850/7505552

20/09/2025

Maamulka Cisbitaalka Haldoor wuxuu abaalmariyey shaqaalahi ugu mudnaa in la abaal mariyo.

Cisbitaalka Haldoor shaqaalihisu waa dad soo gaadhsiyey cisbitaalka maanta halkaa uu joogo, bulshadoodana ka haqab-tirey adeeg kasta oo caafimaad oo ay u baahnaayen.

Dhamaan shaqaalaha ka hawl-gala cisbitaalka Haldoor waa laf-dhabarta uu ku taaganyahay cisbitaalku.

14/09/2025

Cisbitaalka Haldoor wuxuu ugu bushaaraynayaa bulashada inuu maalinta Isniinta kaga dhigey kaadhadhka araga dhakhaatirta ka hawl-gala cisbitaalka lacag la’aan (Free Consultations), sidoo kale uu qiimo dhimis balaadhan idinku sameeyey adeegyada cisbitaalka laga helo (Services Discount), ka dib markii bukaanada cisbitaalka soo booqda uu ka yimi dalabkani.

Fadlan la wadaag ehelkaga, azxaabtada iyo cid kasto u baahan adeeg caafimaad oo tayo leh.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh:
520850/520878/7505552/4822952

Cisbitaalka Haldoor wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan ummadda Muslimiinta munaasabadda dhalashada xabiibkeeni, nabigeeni M...
03/09/2025

Cisbitaalka Haldoor wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan ummadda Muslimiinta munaasabadda dhalashada xabiibkeeni, nabigeeni Maxamed (SCW).

Maanta waa maalin xasuus gaar ah u leh ummadda Islaamka. Waa maalintii uu dhashay Nabigeenna suubbanaheeni Maxamed (SCW), noloshiisa oo ahayd mid hagaysa, naxariis leh, iyo iftiin u ah bani’aadamka oo dhan.

🕌 Naxariis iyo nabadgalyo ha ahaato korkiisa.

Fadlan aynu badino saliga nabiga SCW iyo xuskiisa.

09/08/2025

Cisbitaalka Haldoor waxa ka hawl-gala laba dhakhtar oo takhasus sare u leh daaweynta xanuunada caruurta (Pediatrician Consultants).

Dhakhaatirtu waxay bilaaben wacayigelin ku saabsan caafimaadka caruurta.

“Hooyo ama Aabo ubadku waa udub dhexaadka mustaqbalkeena, waana waajib in aynu ka war hayno markasta xaaladooda caafimaad”

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh:
520850/520878/7505552

Address

Hargeisa Main Road No 1 Tog Dheer Junction 26 June District
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haldoor Multi-Specialty & Teaching Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Haldoor Multi-Specialty & Teaching Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category