JOOJI Qaadka

JOOJI Qaadka QAADKU WAA AAFADA HORTGAAN HORUMARKA SOOMAALIDA DHAMMAANTEED...............

12/12/2023

Wiil yar oo Falastiini ah oo su'aashiisa laga jawaabi la'yahay
■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■■
Cumar oo afar jir ah oo dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ayaa su’aashan waydiinaya dadka ku sugan isbitaal ku yaalla Qasa oo dhaawaciisa lagu dabiibayo.

''Aaway hooyo?Aaway ayeeyo?Aaway dadkii oo dhan?

Qaraabadiisa oo hadda gacanta ku haya ayaa sheegaya in su’aashaan aaney jawaab u haynin.

Moin Abu Rezak, ayaa yiri, "Markii uu iwaydiiyay qoyskiisa, waan ka jawaabi waayay." Aad ayaan u wareeray oo waxaan isku dayay inaan su'aasha iska ilaaliyo anigoo ka hadlaya wax kale sida ilmo.

Xaaladda Cumar, oo la dhigay isbitaalka Al-Aqsa ee Qasa, ayaa ah mid halis ah.

Dhakhaatiirtu waxay ku qasbanaadeen inay Cumar ka gooyaan gacanta bidix iyadoo lugta midigna uu dhaawac kaga yaallo.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo laabta iyo wejiga ka soo gaaray. Cumar ayaa sidoo kale dhaawac ka ah daanka waxaana jirkiisa ku duuban faashado badan.

Ilmahaan yar ee saqiirka ah ayaa dhaawacyadan soo gaareen kadib weerar Israa’iil ay gaysatay oo ay ku nafwaayeen 35 xubnood oo qoyska Cumar ka tirsanaa. Cumar hooyadiis, aabbihiis iyo ayeeyadiis ayaana ka mid ahaa dadka dhintay.
Xigasho BBCsomali

Address

Hargeisa

Telephone

+252659702325

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when JOOJI Qaadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram