17/02/2026
Cisbitaalka Gargaar waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan bulshada Muslimiinta ah iyo macaamiishiisa sharafta leh, munaasabadda curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Ramadaan waa bil naxariis, isu-gargaar, samafal iyo toobad. Waa bil lagu xoojiyo midnimada bulshada, laguna gargaaro kuwa tabarta yar, laguna badiyo ducada iyo camalka wanaagsan.
Cisbitaalka Gargaar waxa uu bulshada u xaqiijinayaa in adeegyadiisa caafimaad ay si joogto ah u socon doonaan inta lagu jiro bisha Ramadaan, si loo hubiyo badbaadada, daryeelka iyo raaxada bukaannada iyo macaamiisha.
Waxaan Alle uga baryeynaa dhammaanteen: In uu inaga aqbalo soonka iyo cibaadada, In uu bukaannada siiyo caafimaad degdeg ah, In uu Ramadaantan inoogu beddelo mid nabad, barwaaqo iyo midnimo leh.
Ramadaan Kariim
Ilaahay ha inoo sahlo cibaadada, hana inaga dhigo kuwa ka faa’iidaysta kheyrka bisha barakaysan.