Dr Amin A. Abyan

Dr Amin A. Abyan A Doctor gives life to the patient through medicine while pharmacist gives life to medicines through.

WHY is it beneficial to take cold showers? Cold showers are useful for coping with moodiness and decreasing the level of...
25/06/2024

WHY is it beneficial to take cold showers?

Cold showers are useful for coping with moodiness and decreasing the level of irritability. The thing is that cold water affects the "blue spot" area in the brain, which produces the hormone noradrenaline, responsible for fighting depression.

Since cold water improves the transport of nutrients to the body and oxygenates the cells, you become more alert. You get less tired and can concentrate on a specific task for longer.

A cold shower in the morning is just what you need to wake up more quickly. It activates the cells and circulation. You feel stronger and more energetic to take on important tasks.

08/12/2023

King's OSCE Training & Consultant Centre is a premier training facility dedicated to providing comprehensive preparation for the Objective Structured Clinical Examination (OSCE) and other health trainings such as OSH and First Aid and other soft skills. Our centre offers high-quality training programs, state of the art facilities, and experienced instructors to assist students, professionals, and healthcare practitioners in developing the necessary clinical examination skills and knowledge required to excel in their OSCE assessments and other health services. With a focus on personalized attention, practical training, and continuous improvement, King's OSCE Training and Consultant Centre aims to be the leading destination for individuals seeking to enhance their performance in OSCE exams, soft skills and capacity and competence for health services/care.

  (Dhiig karka iyo Xasuus gabka)Hypertension also known as high blood pressure, can increase the risk of developing deme...
17/07/2023

(Dhiig karka iyo Xasuus gabka)

Hypertension also known as high blood pressure, can increase the risk of developing dementia. High blood pressure can damage the blood vessels in the brain, which can lead to reduced blood flow and oxygen supply to the brain cells, causing cognitive impairment (Decline) over time.

Studies have found that individuals with high blood pressure have a higher risk of developing cognitive impairment and dementia, including Alzheimer's disease. Hypertension is considered a major risk factor for developing dementia, along with other factors such as age, genetics, and lifestyle factors.

It's important to manage high blood pressure through lifestyle changes such as a healthy diet, regular exercise, and stress reduction, as well as medication if necessary, in order to reduce the risk of developing dementia and other related health problems.

"Hypertension or high blood pressure is not just a silent killer, but also a potential thief of our cognitive abilities.”

By Dr ABYAN

24/05/2023

XANUUNKA TIIFAWGA, TAYFOODHA (Typhod/Enteric Fever)
Xanuunka/Cudurka loo yaqaano Tiifow (Typhoid/Enteric Fever) ama Tayfoodh waa xanuun ku dhaca badi bulshadeena dadka waaweyn iyo carruurta labadaba, waxaana keena ama sababa mid kamid ah Ilma-aragtayga (Microorganisms) gaar ahaanna Bacteeriyada (Bacteria) loona yaqaano Salmonella Typhi. Maaha cudur ama xanuun lagu ogaan karo baadhitaan caafimaad la’aantii (Clinical Syndrome).

HABKA UU KUFAAFO: Waxa uu ku gudbaa hab loo yaqaano (Feco-oral) kaas oo ah wasakhowga gacmaha, cuntada iyo cabitaanada oo ay taabtaan noolahan ilma-aragtayga ahi kadibna afka gaadha.

ASTAAMIHIISA: Calaamadaha lagu garto waxa kamid ah ee lagu arki karo qofka uu asiibay xanuunkani Madax xanuun, jidh xanuun (murqo xanuun), kala daadsanaan (tamar dari), qandho iyo oon-diid, Calool socod dadka waaweyn ay ku keento, calool istaag iyo matag carruurta lagu arko, garaaca wadnaha oo hoos udhaca xummada/qanadhada darteed, dibiro.

SIDA LOOLA TACAALO
• U joogtaynta biyo ama cabitaan kufilan si qofka fuuq bax looga ilaaliyo.
• Cunto fudud si looga hortago oon diidka ku yimi inuu daciifiyo tamarta jidhkiisa oo lasiiyo sida caanaha.

Waxa ay tahay uun intani remedies (latacaalid) balse maaha daawaynta saxda ah ee bukaanka uu asiibay xanuunkani waxaana daawayntiisa bixiya dhakhtar caafimaad ee maaha wax cid waliba u talin karto badqabka bukaanka.

Hadaba, Xanuunkani hadii aan ladaawaynin waa mid halis caafimaad leh, waxa uu uqaybsamaa labo qaybood oo ku kala dhaca Madaxa iyo Caloosha. Qaybta madaxa haleesha ayaa gayaysiin karta in bukaanku hadii aanu helin daawayn ku habboon ku keento dhibaato neerfaha ah oo aakhirka keenta in uu qofku halis u galo xanuunada maskaxda kudhaca ee dhimirka oo dawooyinka maskaxda lanoolaado qaadashadooda.

Sidaas darteed, xanuunka sidan u halista badan waxa uu bulshadeena dhexdeeda kayahay mid ladhayalsado dhibtiisa, waxa ka mamnuuc ah in dadka qaba cudurkani ay u adeegaan bulshada gaar ahaanna meheradaha sida Hudheelada cuntada oo aanay u diyaarin bulshada cuntada, hanoqdo Mudalabka iyo Dabaakha karinayaba’e. Maaha in ay shaqadaas qabtaan waayo waxa ay sifudud u gudbin karaan xanuunkan una gaadhsiin karaan dad tiro badan.

Ugu danabayntii waxa muhiim ah in kor loo qaado nadaafadda iyo fayo-dhawrka (Hygiene and Sanitation) guryaheenna iyo nafaheenaba taas oo ah isha ay kasoo burqanayaan gudbiyayaasha xanuunkani hadii aan si fiican looga taxadarin oo kayimaadda waxyaabaha qofka jidhkiisa kasoo baxa (Body fluids) gaar ahaan Saxarada iyo kaadida. Ku dedaal in aad nadaafadda gacmahaaga kawarqabto inbadan ugu yaraan.
By ABYAN

XANUUNKA EBOLAHORDHACXanuunka Ebola (Ebola Virus Disease EVD) waa mid halis ah sidoo kalena halis galiya nolosha Aadmiga...
22/09/2022

XANUUNKA EBOLA
HORDHAC
Xanuunka Ebola (Ebola Virus Disease EVD) waa mid halis ah sidoo kalena halis galiya nolosha Aadmiga kaas oo uu sababo fayras (Virus) gaar ahaanna ka tirsan Qaybta Negative sense RNA ee Qoyska (Family) Filoviridae. Waxa uu saameeyaa qaybo muhiima oo jidhka aadmiga kamid ah, sida difaaca jidhka, kelyaha, iyo beeryarada halkaas oo uu ku ugaadhsado Unugyada jidhka qaar kamid ah sida kuwa jidhka ka caawiya isku dheelitirnaanta dareere iyo kiimikaad ee jidhka kujira kuwaasi oo kaqaybqaata samaynta borotiino caawiya xinjirowga dhiiga. Heerka dhimashadiisu waa mid u dhaxaysa qiyaastii 50% wax kabadan, sida daarasado lasameeyay xaqiijiyeen ama muujiyeen. Bilawga dillaacii ugu h**eeyay ee Xanuunkani (EVD) ayaa la diiwaan galiyay sannadii 1970-meeyadii gaar ahaan Qaaradda Africa halka 1967 lagu Ogaaday Europe. Laga soo bilaabo ilaa waqtigaas cudurkani waxa uu noqday mid kubadan oo si joogta ah ugu soo noqnoqda una saameeyay oo ugu fiday Qaaradda Afrika Gaar ahaanna Qaybta Galbeed dalal ay kamid yihiin Guinea (2013-15), Uganda (2000, 2007 & 2012), Gabon (1994, 1996 & 2001), South Africa (1975), Angola (2004), iyo Sudan (1976, 1979 & 2004). Waxa laga diiwaan galiyay ugu horrayn Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo meel u dhaw Wabiga Ebola. Hadaba, Xanuunkani waa mid Asiiba Ibnu aadamka iyo qayb duurjoogta kamid ah sida, daanyeerrada, iyo fiidmeerta. Waxa jira shan nooc oo la ogaaday oo xanuunkan (Ebola Virus) ah oo uu ka kooban yahay, Afar nooc oo kamid ah (Zaire ebolavirus, Sudan ebolavirus, Tai Forest ebolavirus (Ivory Coast), iyo Bundibugyo ebolavirus) ayaa loo aqoonsaday inay ku dhacaan Ibnu aadamka lagana helo Afrikada Galbeed, halka Reston ebolavirus uu yahay jeermis aan aadanaha saamaynin sidoo kalena ah nooca shanaad ee sababa cudurkan Ebola (EVD/EBOV) lagana helo dalka Filibiin balse la koox ah Ebola Virus.

CALAAMADAHA LAGU GARTO XANUUNKAN
Mudada kasoo ifbixidda oogada qofka ee xanuunkani waa mid qaadata muddo u dhaxaysa 5-7 maalmood, iyada oo kayaraan karta oo noqon karta ugu yaraan 2 maalmood kana badan karta oo ugu badnaan gaadha 21 maalmood (saddex todobaad) halkaas oo badanka dadku muujiyaan calaamadaha muddoda 21-ka maalmood ah.
Hadaba, waxa lagu arkaa qofka uu haleelo cudurkani calaamado ay kamid yihiin;
• Qandho (Xummad) iyo madax xanuun.
• Daal ama tamar darro ay weheliso murqo xanuun.
• Shuban uu weheliyo dhiig.
• Uurkujirta oo xanuunta iyo majiirasho/casiraad.
• Yalaalugo iyo Matag
Muddo kusiman saddex ilaa shan maalmood kana badan karta oo waa ay sii jiri karaan ilaa hal toddobaad.

SIDEE AYAA UU KU FAAFAA CUDURKANI?
Waxa uu ku faafaa xanuunkani bulshadana isaga gudbaa marka ay dhacaan;
• In qofku taabto qofka qaba cudurka waxyaabaha kasoo baxaya jidhkiisa kadibna ku taabto Afkiisa, Sankiisa, iyo jidhkiisa kaleba isaga oo aan iska dhaqin.
• In bulshadu ama Aadmigu macaamil la sameeyo xayawaanka duur joogta ah ee u degel deegaaneedka ah caabuqan sida; Fiidmeerta.

QAABABKA HAB GUDUBKA XANUUNKA
Waxa uu maraa afar qaab marka uu xanuunkani gudbayo ama fidayo (Transmission patterns) kuwaas oo kala ah;
• Habka 1aad: Xidhiidh lasamaynta xayaanka duurjoogta ah ee fiidmeerta sida warbixintii shaybaadh Marburg, Germany lagu soo saaray.
• Habka 2aad: Macaamil toos ah oo Aadmigu layeesho fayras sidaha laftiisa.
• Habka 3aad: Cusbitaallada dhexdooda inuu ka fido marka bukaanka qaba ladhigo iyada oo aan lasiinin taxadarkii iyo xakamayntii cudurka ee qofka buka iyo badqabayaasha ay ugu h**eeyaan dhakhaatiirta iyo Kalkaaliayaasha caafimaadku (this was first observed in the ebola Zaire Outbreak in 1976, when the reuse of contaminated Syringes).
• Habka 4aad: In qof qaba xanuunka oo aan la ogsoonayn uu lamacaamilo bulshadii iyo qoyska intiisa kale sida duugidda qof geeriyooday oo qabay balse aan la ogayn kaas oo aan la aqoon meesha uu ka qaaday isla isagu caabuqa.

MAXAA LASAMAYNAYAA SI LOOGA HORTAGO/XAKAMEEYO XANUUNKA
1. In la diyaariyo oo lahawl galiyo Kooxaha caafimaadka gaar ahaanna koox qaabisha hawshan.
2. Waa muhiim in qofka h**e laga karantiilo marka la aqoonsado ama laga shakiyo la xareeyo si aanu u sadhayn bulshada kale.
3. In nadaafadda bulshada kor loo qaado sido kalena aan la taaban qofka bukaanka ah wax kasta oo dareere ah kana soo baxa jidhkiisa sida; Dhididkiisa, Saxaradiisa, Matagiisa, Dhiigiisa, Kaadidiisa IWM. Iyada oo lagu dadaalayo in sifiican saabuun laysagaga dhaqo wixii kaasoo gaadhana.
4. In aan booqashada bukaanada la karantiilay labadin amaba aan labooqan, hadii labooqanayana ay jirto xad idiin dhexeeya bukaanka iyo booqdaha si looga hortago fiditaanka loona dhawro fayoqabka bulshada kale.
5. Samaynta iyo ku duugista maydka udhinta caabuqan xabaalo ammaan ah oo si adag loo ilaaliyay.
6. In kor looqaado Wacyigalinta bulshada ee fayo dhawrka.

CAWAAQIBTA XANUUNKAN HADDII AAN LADAAWAYN
• Hypovolemic Shock
• Hemorrhagic/bleeding
• Death

FG: Xanuunkan waxa 1967 lagu ogaaday oo uu ka dilaacay Europe Gaar ahaanna Germany, markii daanyeer qabay xanuunkan laga qaaday dalka Uganda lana geeyay Marburg si loohu sameeyo shaybaadh balse uu saameeyay shaqaalihii macaamilka layeeshay intii ay gacanta ku hayeen sadheeyayna tiro dan 31 qof, halka ay aragtiyo kale sheegayaan in dalxiisayaal iyo macdan qodayaal Uganda soo gaadhay ay qaadeen uu ugasoo gudbay macaamilkii xidhiidh ee fiidmeerta ay kula kulmayeen godadkii ay macdanta ka qodayeen.

Waxa uu ka bilaabmay oo uu dib ugu soo laba kacleeyay cudurkani Qaaradda Qaybtteda Bari gaar ahaanna Dalka Uganda.
hadaba, Dalkaasi waa mid aynu xidhiidh dhaw leenahay xag socdaal oo bulshadeenu isu furan tahay sidaas darteed, waxa waajib ah in lagu baraarugo halista xanuunkan oo DAWLADDU ka diyaar garowdo aadna Garoonka loo hubiyo dadka safarka ah ee ka soo galaya Dalka Uganda.

W/Q: Amin A. Abdillahi (jeesto)

Address

Hargeisa

Telephone

+252634454197

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Amin A. Abyan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Amin A. Abyan:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category