26/05/2025
Caanagocatada Caruurta
Dr.Abdilahi Wacays
(Caruurta iyo caanagocatada )
Caruurta way yartay inay ku dhacdo caano gacatadu
Dhawr sababood aw good.
1. Virus kan oo la yidhaa Herpes virus oo dhawr jaad ah.
Waxa uu Soo eegtaa xaalado caafimaad oo Gaara ah oo qofku ku jiro.
Ilmaha yar inta badan caafimaadkiisu waa fiicanayay waxayna yaraynaysaa fursadda uu ugu dhici karo maqaarka ilmaha.
2. Caruurta badankoodu talaal ayay qabaan oo yarayn karta fayrasyada isku DNA da. Taasi waxay hoos u dhigaysaa in herpes ku dhaco.
3. Herpes ka ku dhaca dibinta iyo kan ku dhaca jidhka kale way kala daran yihiin xagga aafada oo Waxa daran kan jidhka kale ee Shingles ku magaca dheer.
Taasi waxay ku tusaysaa in ka dibintu uu ku badanyay caruurta oo xataa Marka xasaasiyad ku xumaato wajigooda in uu herpes ugu Soo dhex gaban karo.
Waxa kale oo badin Kara ka dibinta Marka ilmaha yar qof waynu dhunkado.
4. Dadka waawayn Waxa ku badin Kara xaalado ay ka midyihiin
-Macaanka
-Dhiig Marka
-daawooyinka kala duwan ee uu qaato.
-shaqada jidh ahaan uu ugu daali karo.
-cadceedda joogtada ah.
- Soo jeedka
-daalka
-isku buuqa
-taraagga dheer ama safarka dheer.
- difaaca jidhka oo is dhima
-wakhtiga uurka.
Iyo qaar kale oo badan
Caruutu duruufahaas oo dhan ma maraan sidaas awgeed Waxa yar fursadda Caano gocato ugu dhici karto.
caafimaad
Caano gocatada waa virus kaligiis iska dagaya
Uus iyo harag ama dhiig midna laguma daaweeyo.
Daawo antivirus ah iyo daawo neerfaha ah ayaa ku Filan iyo boomaato.+follow up
Dadka waawayn Waxa uu kaga tagaa wax layidhaa PHN oo ah xanuun joogto ah iyadoo meeshi bogsatay bari h**e taasna dhakhtarka ayay tahay inuu la tacaamulo.
Waxa yarayn Kara PHN in doctor maqaar lala kulmo maalinta koobaad ee finanku kaa Soo yaacaan.
Fiiro Gaara .
Ilmahan sawirkan ka muuqda wiiggii h**e ayay ii timid.