Mustafe M. Dhegey

Mustafe M. Dhegey Relief pharmacy and laboratory, waxaad ka helaysaa dhammaanba shaqooyinka uu qabto clinic. Dawooyin

27/01/2016

Qoontii Iigaadhay Qoladayda

Qaylada, sawaxanka iyo hoonka baabuurta awgeed waxaan si halhaleel ah uga soo baxay albaabka guriga. Markii aan kadinka sidaa uga soo wada baxay ayaan gartay, in meesha caawa aroos ka jiro. Laba qof oo is calmadayna lagu lamaanaynayo.

Waxaan iska fadhiistay kaabadda guriga oo meesha aroosku yahay, si fiican looga arki karo. Cabbaar haddaan daawaday, waxaan si aan ku tala gal ahayn u xasuustay sheeko aanan jeclayn ka fekerkeed.

Xilli laga joogo muddo door ah ayaannu si walaaltinimo ah isku barannay, weli waan xasuustaa galabtaasi waxay ahayd galab roobab dabaylo wataa da’ayeen. Waxaan ku dedaalayay in aan gaadho meel aan ka jirsado, roobka iyo dabaylaha qabow ee ay wataan. Hayeeshee nasiib umaan yeelan in aan meel ka gaadho oo waddadii ayuu roobkii dhibicda igu saaray. Waxaan isla markiiba ku orday oo hoos galay meel laga carraabay oo barandhe jiingad ah leh, aad baan ugu badhaadhay inkasta oo hadba weedhka roobku igu soo celinayay iyar qooyay, haddana aad bay u dhaantaa waddadaan marayay.

Cabbaar haddaan iskaga jiray meeshaydii oo roobkiina si xawli ah u socdo, ayaa waxa si kedis ah iigu soo biirtay gabadh malaha roobka soo dhex jiidhay oo aad u qoyday. Xijaabkay sidatay ayaa waxa ku dhejiyay biyihii roobka, waxayse ku dedaalaysaa in ay iska soofogayso oo jidhkeedu aanu sawirmin. Waxaan aad ugu bogoy sida laabteedu u dhisnayd, waxa aan indhaha si ku talagal ah ugu eegay naasaheeda u eeg hootada, ee aad mooddo in ay dharka soo dhaafayaan. Korbaan u siiraacay oo indhaheedaan eegay mise xishoodka ka muuqda quruxdiisa ayaaba kaddaran .

Indho iyo daymo dareen abuurtay kaddib, waxan si kalfurnaan iyo niyad sami ah ugu idhi soo dhawoow walaal. Waad mahadsantahay waan dhawahay walaal, roobka ayaan in badan soo dhexqaaday oo waan xamili waayay. Markaa sidaa ayaan meesha ugu soo laabtay ayay iigu halcelisay iyadoo malaha ,idareensiinaysa in aanay si kale ka ahayn. Anigoo dhoolacaddaynaya ayaan ku idhi waan fahmi karaa walaal aniga qudhayda intaas uun baa ikeentay. Sheeko iyo is barasho annakoo ku jirna ayuun buu marqudha roobkii qaaday s**g! Waxaan dareemay in ay rabto in ay baxdo oo sii socoto. Waxaan ka codsaday aleenkeeda nambarkiisa in ay isiiso, si sahal ah ayay iigu sheegtay iyadoo waliba sii raacisay soo dhawoow marwalba walaal. Waar qoftu wanaagsanaa intaan hoosta ka idhi baan idhi haye iyo hawraarsan walaal.

Markay baxday kaddib ayaan cabbaar sii eegay ilaahay danbigeeda hannaga dhaafee, qof nool bay ahayd. Meeshii ayaan ka baxay anigoo ku dawakhsan quruxda iyo qaayaha dadnimo ee ku jira. Haddii aad layaabantahay qiimaheeda sidaan ku ogaaday miyaanad weligaa maqal maahmaahdan “ Qof aadan maalin ku baran sannad kuma baratid” magceedii ayaa weli iga sii dhex guuxaya oo waxaan ku celcelinayaa si hoose Milgo…Milgo .

Waan ku guulaysatay in aan helo tilifoonkeeda iyo magaceedaba, waxaanse illaaway wax aanan iminka marna illaabin in aan waydiiyo inankasta oo aan barto. Habeenkaas suuqa kumaan daahin, oo waxaadba moodaysay in ay Milgo guriga igaga horayso. Cishe haddaan tukadayba waxaan iska xaadiriyay baradii aan deganaa. Dadkiibaa wada yaabay waar miyaad buktaa caawa maxaa ku soo eryaday? Alla yaa u sheega intaan hoosta ka idhi ayaan afkana ka idhi mayee hawlo iga qabyo ah ayaan diyaar sanayaa.

Cashadii kaddib waxaan si degdeg ah ugalay, qolkaygii. Sheeko kale maan geline waxaan sitoos ah u gaaracy aleeenkii Milgo. Nasiib wanaag markiiba way iga qabatay. Tolow maanigay isugaysay?

Salaan iyo is waraysi kaddib waxaan u sheegay in aan ku faraxsanahay barashadeeda. Iyaduna sidoo kale ayay ii muujisay. Iyadoo sheekadu meel wacan noomaraysa, ayay igu tidhi inyar isug walaal aan kuu soo noqdee. Aqbal iyo wayahay ayaan ugu halceliyay. Intay iga maqnayd baan sii xantay, xantu sidaa maahee aniga iyo niyaddaydaa ka sii wada sheekaysannay. Balkawran iyadoo aan foodadba sidan tolow waa sidaa. Dee waa qof caadi ah, waxaan ujeedaa quruxdeeda kawaran ? haa way maraysaa. Halkaa markan marinayay ayuun baan marqudha Hello.. Hello maqlay show marh**e ayay timi oo cabbaaradanba way ila hadalaysay anaa islamaqnaa oo iyada kumaqnaa. Malaha kii jacayl ahaa baa ihaya waxaay sidani.

Soo noqodkeeda kadib hal-cabbaar ah baanu sii wada kaftannay. Waxaase aniga aad iigu waynaa in aan bal ku dhaho aynu xidhiidh galcayl abuurno. Waxaan marba la soo warwareego hadalka, iyana ii qososho. Waxaan ugu danbayntii si hoose oo xishood ku jiro ugu idhi. Milgo kawaran walaal haddaynu xidhiidh kalgacayl iyo jacayl ku dhisan abuuro. Intay qosol ka dhagsiisay ayay si il-baxnimo iyo ixtiraam ka muuqdo iigu jawaabatay:walaal waad ku mahadsanatahay su’aashaada iyo sidaad ugu dhiiratayba innakoo galabta uun is barannay, wayna wacantahay in xidhiidhkaa la sameeyaa. Laakiin walaal anigu Milgo ahaan diyaar iminka uma ihi xidhiidh noocaas ah. Sidoo kale in aan been kuu sheego dooni maayo. Markaa waxaan kuula ahay diyaar xidhiidh walaalnimo kusalaysan.Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay tidhi: runtii inan aad u fiican baad tahay. Haddaanu fiicannahay maad na yeeshid, intaan hoosta ka idhi baan anna intaan istiilay si kalsoonileh, uga aqbalay uguna raacay warkeedii.

Maalintaa wixii ka danbeeyay waxaanu noqonnay dad aad isugu dhaw, marwalba iska war haya. Sidoo kale hadday ubaahato in aan wax uun ka caawiyo waan usamayn jiray. Milgo waxay noqotay gabadh aad iigu kalsoon oo aad iigu qanacday. Iminka badanaa iyadaa isoo wacda. Subaxdii markay soo toosto ayay isoo bariidisaa. Anna markayga waan garacaa, laakiin sidii h**e kuma ihi. Habeenkii waxaannu wada hadalaa muddo badan oo khadka ayaanu aad ugu dhex kaftannaa. Muddo sannad ku dhaw ayaanu xaaladdaa saaxiibtimada ah ku jiray. Waxaan marqudha qalbigayga ka bixin wanaageeda iyo in aan ku dedaalo in aan hanto oo ay maruun ooridayda noqoto. Waxaan aad ugu kalsoonahay in aan iminka qalbigeeda dagay oo aanay waxba iga diidayn.

Habeen galabtii roob da’ay oo jawi aad udagani jiro ayaan lasugayay maalmahanba caawa ayaanse hayaa waxaan fiidkii ka codsay in ay aniga ii casuumantahay sidaa darteed ay toddobada timaaddo hudheel aannu ku balannay. Iyaduna si farxad iyo qosol ku jiro ayay ku qaabishay soo jeedintaydii. Mar h**eba waxan sii tagay hudheelkii oo waxaan sii qabtay laba kursi oo meel dhir hoosteed ah ku yaala waxaan sugayaa inay timaaddo. Waxyar kaddib waxaan dareemay uduga iyo carafta mise waa Milgo oo aad mooddo qorrax soo baxday. Fadhiga ayaan uga kacay oo si furan usoo dhaweeyay. Casho iyo cabitaan markii aannu is daynay ayaan u holaday in aan soo bandhigo wixii aan caawa soo qorshaystay. Intaanan hadalka bilaabinba dhawr jeer ayay si kaftan ah iigu tidhi caawa hawl wayn baad waddaa.

Waxaan guda galay hadalkaygii anigoo aan wax cabsi ah dareemayn. Waxaan si faahfahsan uga hadlay intii aanu is naqaanay iyo wanaaga na dhex maray, sidoo kale waxaan uga mahadceliyay wanaageeda iyo waji furnaanta ay marwalba igu qaabisho. Waxaan ugu danbaytii u sheegay in aan caawa la socdo sheeko ay sannad ka hor igu diiday oo ahayd in aanu xidhiidh guur wada abqaalo. Halkaa markaan marinayay waxaan wajigeeda ka dareeemayay xishood iyo farxad isku jira. Waxaan ku soo gaabiyay hadalkaygii in ay arrinkaa ila qabato oo aannu qoys noqonno. Milgo iyadoo isbedelka shucuurteeda wajigeeda laga dheehanayo ayay hadashay waxay si xirfad iyo codkarnimobaleh u sharxday walaaltinimadii iyo wanaagii aanu soo wada marray waxay sidoo kale iga raali gelisay in ay berigaas igu diiday jacaylka waxayse sheegtay in ay qoraal ahayd. Ugu danbayntii waxay si aan ku farxay marqudha iigu tidhi anigu waayadanba waan ku jeclaa arrinkaana waan aqbalay. Alla farxad waynaa intaan si wayn ugu mahadceliyay ayaan si kaftan ah ugu idhi dee malaha aan meherkana raaciyo. Waxay iyana tidhi haddaa maxaad sugaysaa ma iminkaynu is baranaynaa sidaan doonayaaba waa sidaa.

Halkaa markay maraysay ee aannu wax walba isla ogolaannay baan ku idhi iminka waa xili danbe xaafaddii aan ku geeyo markaa hawshana waynu gelaynaa. Iyana way iga aqbashay. Dhankii gurigooda ayaanu u kacnay annakoo ah laba is jecel, isku kalsoon, oo nafqaybsileh. Markii aan gurigii geeyay ayaan macalsalaameeyay.

Xaafaddii baan imi anigoo farxad iyo qosol iga soo horreeyo hooyaday baa aad ii taqaanay markiiba waxay iga soo daba gashay qolkaygii. Waxay iwaydiisay caawa maxaad heshay hooyo waadigan faraxsane. Cabbaar haddaan hooyo wada qosolay waxaan jeclaystay in aan hooyo lawadaago sheekadayda. Markii aan hooyo uga wada warramay sheekadii aad bay ugu farxday waxayse iwadiisay su’aal aan dhaawaceedii weli iga bi’in. su’aashaasi waxay ahayd waar hooyo horta gabadhu waa qoloma armay tahay reerahan ina xaqira oo aad ku hungawdaa?... Naxdin ayaa laydafsiiyay waligay maan waydiin qabiilkeeda iyana imaywadiin. Hooyo ma aqaan ayaan ku idhi laakiin waanu is jecelahay oo cidi iima diidi karto waayo iyada ayaa irrabta. Hooyaday intay madaxa ii saxaalday bay igu tidhi khayr bay noqon hooyee iska seexo waxba caawa inanta hawaydiine. Waayahay hooyo intaan idhi baan qolkaygii hoosta ka xidhay. Wali waxa iga guuxaysa su’aashii hooyo, waxay igu abuurtay su’aashaasi kalsooni darro iyo werwer aan maalin qudha i helin. Tolow iminka ma waydiisa mayee iskaddaa. Waan iska seexday habeenkaas.

Subaxdii markaan soo toosay ayaan wacay gacalisadaydii aan dunida ugu jeclaa bariido iyo salaan kadib waxaan si kaftan ah ugu idhi waan ku soo doonayaaye reerkiinana ma aqaane horta yaad tahay? Qosol intay ka dhagsiisay bay ii sheegatay reer aan aqaan oo ka mid ah kuway hooyaday sheegaysay. Iska aamus lahaydaa illin ayaa indhahayga ku soo istaagtay. Cabbaar ayaan hadli kari waayay maxaa ku helay walaal ma reerka ayaad ka boodday mise isku qolaynu noqonnay horta awal miyaynaan xaggaa iska baranba? Waxay kaloo sii raacisay adna bal iscaddee? Intaan indhaha isku qabtay baan ku idhi walaal kalsoonida iyo jacaylka aankugu qabo dartii ayaan runta kuugu sheegayaaye waxaan ahay reeraha lahayb sooco. Wallee waar nagaddaa cayaarta ma ha cadhootaad isleedahay bay igu tidhi. Anna dhaar baan ka riday oo waan ugu dhaartay. Waan dareemay in ay is bedeshay waxayse ii balan qaadday in ay sidaydaa igu rabto ninkalena aanay adduunkan ka raacayn.

Waxaan ka codsaday in ay aabbeheed usheegto arrinka maaddaama aan dhawaan usoo gola fadhiisanayo. Waayahay ayay igu tidhi. Waxay markiiba aabeheed u sheegtay arrinkii iyadoo aan waxba ka kala reebin. Aabbeheed oo nin suldaan ah ahaa ayaa indhaha ka dhirbaaxay inantii uguna hanjabay in aanu waxaa mardanbe afkeeda ka maqli Karin. Way ila soo hadashay iyadoo ooyaysa sida wax ujiraanna iiga warrantay. Aadbaan anna u murugooday. Waxay iga codsatay in aan anna aabeheed utago oo usheego arrinta waan aqbalay. Waxaan ka xaystay odayaal adeeraday ah suldaankii Milgo dhalay ayaanu la kulannay wuuna soo dhaweeyay , markaanu warkayagii dhamaysannay una sheegnay in aannu inantiisa rabno ayuu warcad nagu yidhi inantayda idinkoo kale magaydaan, waxaana maalin danbe hayla imannina haddi kale waxa ka dhaca idinkaa qaadaya. Iminkana i dhaafa. Si halhaleel ah ayaannu gurigii uga baxnay. Maalintaas ayay ii caddaatay in aanan Milgo guursan karin.waxay nakala geeyeen qof aannu is rabnay waxay igu tokooreen ciddaan ahay waxay ku ciyaareen qalbigayga iyo kii Milgadii aanu is jeclayn. Sidaa awgeed ayaan caawa arooskan ugu xasuustay murugadaa sannado ka hor igu dhacay.



W/Q: Mustafe M.Dhegey

27/01/2016

Madax xanuunka

Madax xanuunku waa xanuun qofku dhibsanayo oo madaxa laga qabto kaasoo sababi kara cadaadis badan oo madaxa kaa fuulaya.

Wuxuuna badanaa noqdaa xanuun meel dhaxaad ah saamaynta ugu badan wuxuu ku yeeshaa labada dhinac ee madaxa.

Meelaha khaaska ah ee uu madax xanuunku ku dhaco waxaa kamid ah, qaybta h**e ee madaxa, dhafoorada iyo qaybta gadaale ee luqunta ama qoorta. Madax xanuunku wuxuu badanaa qofka hayn karaa 30 daqiiqo ilaa hal isbuuc.

Noocyada madax xanuunka:

Nooca ugu badan ee madax xanuunka waxaa layiraahdaa (tension headache) waa nooc kamid ah madax xanuunka oo ku dhaca qaybta gadaale ee madaxa waxaana sababa shaqada badan iyo cadaadiska badan.noocyada kale ee madax xanuunka waxaa kamid ah

Cluster headaches: noocan wuxuu ku dhacaa hal dhinac oo madaxa ah lakin maahan mid badanaa dhaca calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah sanka oo biyo ka yimaadaan, indhaha oo biyo kayimaadaan iyo sanqada oo xirmata.
Sinus headaches: noocan waxaa badanaa lagu qaldaa madax faradka ama migrainka calaamadahiisa waxaa kamid ah qandho, qufac, iyo Hawa mareenka oo xirma.
Madax faradka (Migrain):

Madax faradku wuu ka yara duwanyahay madax xanuunka caadiga ah wuxuuna leeyahay xanuun saaid ah iyo cadaadis madaxa ka fuula qofka bukaanka ah.

Calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah:

Xanuun indhaha gadaashooda ama dhagaha gadaashooda aad ka dareemaysid
Xanuun daran oo dhafoorada kaa qabta
Araga oo khalkhala
Iftiinka iyo codadka oo qofka dhibaya
Mar marka qaarkood araga ayaa si kumeel gaar ah kaaga tagi kara
Matag mar mar ah wuu jiri karaa
Madax faradku wuxuu kaga duwanyahay madax xanuunka caadiga ah wuxuu leeyahay xanuun saaid ah oo qofku uusan wax shaqo ah qaban karin. xanuunka madax faradku wuxuu badanaa dadka ku qasbaa inay isbitaalka aadaan siay xaalkooda wax uga ogaadaan.

Madax fardka wata xanuunka daran wuxuu kaloo leeyahay xasuus yari bukaanka haleesha iyo dulqaadka ooka yaraada bukaanka kaasoo sababa in bukaanku u adkeesan waayo hadalada dadka iyo jabaqda kale ee agagaarkiisa ka dhacaysa.

Farqiga ugu wayn ee madax xanuunka iyo madax faradka waa cadadka xanuunka ee bukaanku dareemo iyo cadaadiska uu wato xanuunkaas.

Farqiga kale ee ay ku kala duwanyihiin waa meelaha khaaska ah ee ku kala dhacaan.

Tallo: maadaama madax faradku uu yahay xanuun saamayn wayn kuyeesha nolosha qofka bukaanka ah waxaan kula talinaynaa dadka qaba xanuunka inay ilaaliyaa xiliyada hurdada.

Hurdada oo kaa yaraata ama xiliyada hurdada oo aad isku khaladid waxay sababi kartaa madax farad ama waxay kasii dari kartaa xaalada aad horay ugu jirtay.

Fadlan isku day inaad hurdo kugu filan hesho

Xigasho: Barocaafimaadka

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 21:00
Tuesday 08:00 - 21:00
Wednesday 08:00 - 21:00
Thursday 08:00 - 21:00
Saturday 08:00 - 21:00
Sunday 08:00 - 21:00

Telephone

+252634351014

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustafe M. Dhegey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram