10/01/2026
Ku socota dhammaan dhakhaatiirta carruurta (Pediatricians).
Fadlan farriintan gaarsiiya dhammaan waalidiinta.
Ilko-go'/ ilkojabajab (tooth decay) ku dhaca ilkaha caanaha (baby teeth) waxay waxyeello u geysan kartaa ilkaha joogtada ah ee mustaqbalka. Waalidiinta waa in la baraa in daryeelka ilkaha la bilaabo isla marka ilkaha ugu horreeya soo baxaan, xitaa haddii ilmaha uu yahay 6–7 bilood jir oo leh hal ama laba ilig oo keliya.
Waxaa lagu talinayaa in ilkaha la caddeeyo laba jeer maalintii iyadoo la isticmaalayo qadar aad u yar oo caday leh fluoride (qiyaas leeg hal xabo oo bariis ah), si loo ilaaliyo ilkaha caanaha.
Dayacaadda ilkaha caanaha waxay keeni kartaa xanuun, caabuq, dhibaatooyin hadalka ah, iyo kharashyo qaali ah oo daaweyn ilko ah mustaqbalka, maadaama ilko-burburka uu bilaabmi karo goor h**e sababtoo ah sonkorta ku jirta caanaha (ha noqoto caano warshadaysan ama caanaha hooyada), cabitaannada macaan (juice), ama cuntada.
Tixraac:
Naga, O. (2024). General Pediatrics. In: Naga, O. (eds) Pediatric Board Study Guide