31/12/2025
Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr. Ahmed-wali Daahir Xaddi, wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa dhammaan shaqaalaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa munaasibadda curashada sannadka cusub awgeed.
Agaasimuhu waxa uu ammaanay doorka muhiimka ah ee ay shaqaaluhu ka qaataan bixinta adeegyada caafimaad, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka joogtada ah, kartida iyo naf-hurnimada ay ugu adeegayaan bulshada. Waxa uu rajeeyay in sannadka cusub noqdo mid barwaaqo, horumar iyo guulo caafimaad lagu gaadho.
Sidoo kale, Dr. Ahmed-wali Daahir Xaddi waxa uu Alle uga baryay caafimaad degdeg ah dhammaan bukaannada kala duwan ee lagu dabiibayo Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, isaga oo Alle ka baryay inuu siiyo caafimaad dhamaystiran iyo daryeel suuban.
Allaa Mahad Leh.