Hargeisa Group Hospital

Hargeisa Group Hospital wadajir baan ugu adeegaynaa caafimaadka bulshada

10/03/2026

Masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa munaasibad Afur wadareed ah u sameeyey hablaha dhakhaatiirta takhasuska leh ee ka hawlgala cusbitaalka, iyadoo kulankaasi uu ahaa mid dhiirigelin, is-xogwaraysi iyo mahadcelin lagu muujinayey dadaalka ay dhakhaatiirtani ku bixiyaan adeegga caafimaadka.

Masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa munaasibad Afur wadareed ah u sameeyey hablaha dhakhaatiirta takhasuska ...
10/03/2026

Masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa munaasibad Afur wadareed ah u sameeyey hablaha dhakhaatiirta takhasuska leh ee ka hawlgala cusbitaalka, iyadoo kulankaasi uu ahaa mid dhiirigelin, is-xogwaraysi iyo mahadcelin lagu muujinayey dadaalka ay dhakhaatiirtani ku bixiyaan adeegga caafimaadka.

Kulanka ayaa ugu horrayn waxa ka hadlay Madaxa Dhakhaatiirta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr Cabdicasiis, oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo dhakhaatiirta, gaar ahaan hablaha takhasuska leh ee ka shaqeeya cusbitaalka, kuwaas oo door weyn ka qaata daryeelka iyo badbaadinta bukaannada.

Munaasibadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr Axmedweli Daahir Xaddi, Agaasime Kuxigeenka Cusbitaalka Dr Cabdiraxmaan Cayngal, Madaxa Dhakhaatiirta Dr Cabdicasiis iyo qaar ka mid ah madax-qaybeedyada cusbitaalka.

Intii kulanku socday, hablaha dhakhaatiirta takhasuska ah ayaa madaxda cusbitaalka uga warramay xaaladda guud ee ay ku shaqeeyaan, iyaga oo sidoo kale uga mahadceliyey maamulka cusbitaalka sida ay u dhegaysteen ugana warqabaan duruufaha shaqo ee ay ku hawlgalaan.

Dhankiisa, Agaasime Kuxigeenka Cusbitaalka Dr Cabdiraxmaan Cayngal ayaa isna halkaas ka jeediyey hadal kooban oo ku aaddan dhiirigelinta dhakhaatiirta iyo muhiimadda wada shaqaynta si kor loogu qaado adeegyada caafimaadka ee cusbitaalka.

Ugu dambayn, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr Axmedweli Daahir Xaddi ayaa kulanka soo xidhay, isagoo u mahadceliyey dhakhaatiirta ka soo qaybgalay, isla markaana ku booriyey inay sii xoojiyaan dedaalka ay ugu adeegayaan bulshada, gaar ahaan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Xafiiska Warbaahinta
Ee Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

Wound Care & Infection Prevention Control TrainingMaanta waxaa si guul leh loo qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan da...
10/03/2026

Wound Care & Infection Prevention Control Training

Maanta waxaa si guul leh loo qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan daryeelka nabarrada (Wound Care) iyo ka hortagga iyo xakamaynta caabuqyada (Infection Prevention & Control). Tababarkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha bahda caafimaadka si loo hubiyo badbaadada bukaanka iyo tayada adeegyada caafimaad.

Tababarka waxaa ka soo qayb galay bahda caafimaadka ee kala duwan, waxaana si sharaf leh shahaadooyin u guddoonsiiyey Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed-weli Dahir Xaddi ka-qaybgalayaashii dhammeystay tababarka.

Waxaan uga mahadcelinaynaa Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa taageerada iyo dhiirigelinta uu u muujiyay horumarinta aqoonta shaqaalaha caafimaadka. Sidoo kale waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan ka qaybgalayaashii si guul leh u dhammaystay tababarkan.

📌 Tababarradan oo kale waxay door weyn ka qaataan xoojinta nadaafadda caafimaadka, yaraynta caabuqyada, iyo badbaadinta nolosha bukaannada.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,Caawa waxaa si rasmi ah loo bilaabay shubkii ugu horreeyay ee kaabadaha dhismaha Cusbitaalk...
08/03/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,

Caawa waxaa si rasmi ah loo bilaabay shubkii ugu horreeyay ee kaabadaha dhismaha Cusbitaalka Taiwan Medical Center.

Waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Xuseen Baashir, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed-Wali Daahir Xaddi, Agaasime ku-xigeenka cusbitaalka Dr. Cabdiraxmaan Cayngal, iyo qaar ka mid ah maamulka iyo shaqaalaha shirkadda Almis Construction Company.

07/03/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Bulshada ugu bushaaraynayaa inay ka heli karaan adeegyada tuumbooyinka Gaasteriga sida Endoscopy-ga, colonoscopy Iyo adeegyada lagaga soo saaro dadka hunguriga wax u istaagaan.

05/03/2026

Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed-weli Daahir Xaddi oo ka warbixiyey muhiimadda kelyaha iyo sababaha keena xanuunada kelyaha. Agaasimaha ayaa bulshada ku booriyey inay taxadaraan, si joogto ahna u sameeyaan baadhitaano caafimaad.

Madaxda Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Oo Munaasibad Afur iyo Isxog-Waraysi La Qaatey Dhakhaatiirta Takhasuska AhMadaxda C...
03/03/2026

Madaxda Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Oo Munaasibad Afur iyo Isxog-Waraysi La Qaatey Dhakhaatiirta Takhasuska Ah

Madaxda Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa caawa munaasibad afur ah ku maamuusay dhakhaatiirta takhasuska ah ee ka hawlgala cusbitaalka, kulan si qoto dheer loogu lafaguray xaaladaha shaqo ee dhakhaatiirta, isla markaana lagu xoojiyey wada-shaqaynta iyo isku-boorinta ka faa’iidaysiga Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Kulanka oo ahaa mid isugu jiray afur, iswaraysi iyo wacyigelin ruuxi ah, ayaa lagu falanqeeyey duruufaha adag ee dhakhaatiirtu ku shaqeeyaan, gaar ahaan marka la eego culayska adeegyada caafimaad ee bulshada iyo baahida joogtada ah ee bukaanadu qabaan.

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr Axmedweli Daahir Xaddi, ayaa hadal dhiirigelin iyo mahadnaq isugu jira u jeediyey dhakhaatiirta takhasuska ah. Agaasimuhu waxa uu ku bogaadiyey dadaalkooda, daacadnimadooda iyo sida ay ugu heelan yihiin u adeegidda dalkooda iyo dadkooda, isagoo xusay in shaqada ay hayaan ay tahay mid qiimo weyn u leh bulshada, inkastoo ay jiraan duruufo adag oo ay ku gutaan waajibaadkooda.

Dhankooda, qaar ka mid ah dhakhaatiirta takhasuska ah ayaa iyaguna uga mahadceliyey maamulka cusbitaalka sida hufnaanta, hawlkarnimada iyo wada-shaqaynta wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan, taas oo ay sheegeen inay dhiirigelin u tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada.

Kulankan qiimaha leh waxa kale oo goobjoog ka ahaa Agaasime-ku-xigeenka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr Cabdiraxman Cayngal, kaas oo xoojiyey muhiimadda midnimada, isku-duubnida iyo ka faa’iidaysiga fadliga Ramadaan si loo laban-laabo dadaalka iyo adeegga bulshada.

Ugu dambayn, munaasibaddan afurku waxay ahayd mid xambaarsan farriin midnimo, is-ixtiraam iyo dhiirigelin, taas oo sii adkaynaysa wada-shaqaynta u dhexeysa maamulka iyo dhakhaatiirta takhasuska ah ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo tayo leh oo ay bulshada si joogto ah uga faa’iidaysato.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

03/03/2026

" Maamulka cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Ayaa Afur Wadareed Cusbitaalka Ugu Sameeyey Dhakhaatiirta Takhasuska Ah Ee Cusbitaalka Ka Hawlgala.

02/03/2026

" Fariin Mihiim Ah Oo Ka Timi Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Kuna Socota Shacab weynaha Somaliland Gaar Ahaana Shacabka Gobolka Maroodijeex.

Maanta waxaa xarunta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka qabsoomay barnaamij wacyigelin diini ah oo ay soo qabanqaabisay Was...
01/03/2026

Maanta waxaa xarunta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka qabsoomay barnaamij wacyigelin diini ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, kaasi oo si gaar ah loogu talo galay shaqaale-waynaha Cusbitaalka.

Wacyigelinta ayaa diiradda lagu saaray xoojinta akhlaaqda shaqada, naxariista iyo samirka bukaanka, daacadnimada iyo in shaqada caafimaadka loo arko masuuliyad qaran iyo cibaado. Sidoo kale, waxaa si gaar ah loogu boorriyay shaqaalaha ka faa’iidaysiga bisha barakaysan ee Ramadaan, iyagoo la dardaarmay in la kordhiyo cibaadada, is-cafinta, samafalka iyo u adeegidda bukaanka si niyad sami iyo Alle ka cabsi leh.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Cusbitaalka Dr Axmedweli Daahir Xaddi iyo madaxda qaybaha kala duwan, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Ramadaanku noqdo fursad lagu xoojiyo wada-shaqaynta, dulqaadka iyo tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada.

Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxa uu sii wadi doonaa barnaamijyada kor u qaadaya aqoonta, anshaxa iyo hufnaanta shaqada, si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo tayo leh oo ku dhisan qiyamka diinta Islaamka.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

26/02/2026

Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Ayaa Laga Daahfurey Qaybta Uur-kujirta Beerka Iyo Kamaradaha Lagu Dhaadhiciyo.

Xarunta Cilmi baadhista ee Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa, ayaa ururisay cilmi-baadhisyadii laga sameeyay Cisbitaalka Weyn...
26/02/2026

Xarunta Cilmi baadhista ee Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa, ayaa ururisay cilmi-baadhisyadii laga sameeyay Cisbitaalka Weyn Hargeysa taas oo lagu daabacay journal-yo kala duwan, intii u dhexeysay 1998-2025-kii. Ururintan waxa ay ka kooban tahay 70-qoraal cilmi baadhiseed ah oo dhammaantood laga sameeyay gudaha cisbitaalka. Cisbitaalku kaydkan waxa uu idin kula wadaagay ood ka heli kartaan; linkga hoose.
https://www.researchcenterhgh.org/wp-content/uploads/2026/01/Research-Archive-Hargeisa-Group-Hospital-%E2%80%93-Publications-from-1998-to-2025.pdf

The Research Center of Hargeisa Group Hospital has compiled all research studies conducted at Hargeisa Group Hospital and published in various academic journals between 1998-2025Å›. This collection consists of 70 research articles, all of which were conducted within the hospital. The hospital has made this archive publicly available, and it can be accessed through the link below.
https://www.researchcenterhgh.org/wp-content/uploads/2026/01/Research-Archive-Hargeisa-Group-Hospital-%E2%80%93-Publications-from-1998-to-2025.pdf

Address

Hargesa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeisa Group Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category