Jubaland Medical Association -JMA-

Jubaland Medical Association -JMA- Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jubaland Medical Association -JMA-, Medical and health, Kismayo.

Jubaland Medical Association (JMA) is an independent, Non-governmental, Non-political and Non-profit organization formed by medical doctors in jubaland state somalia to promote the health status of the people.

Musharax Dr. Yasmin Abdisamad Mohamed oo u taagan xilka Gudoomiye kuxigeenka golaha fulinta Ururka Dhakhaatiirta Jubalan...
03/05/2026

Musharax Dr. Yasmin Abdisamad Mohamed oo u taagan xilka Gudoomiye kuxigeenka golaha fulinta Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa maanta ka qaadatay shahaadada musharaxnimada xafiiska Guddiga Doorashada Ee Ururka, iyadoo buuxisey dhamaan shuruudaha musharaxnimada.

#

Shaacinta Wax Ka Bedelka Jadwalka Doorashada.
01/05/2026

Shaacinta Wax Ka Bedelka Jadwalka Doorashada.

29/04/2026

Hadaljeedinta Musharax Dr. Abdisalan Nur Ahmed (ASNAC) oo u tartamaya xilka Xoghayaha Guud e Ururka Dhakhaatiirta Jubaland.
#

Isdiiwaangelinta Musharaxnimada Labada Gole ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland waxaa ka dhiman 3 maalin oo qura.
27/04/2026

Isdiiwaangelinta Musharaxnimada Labada Gole ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland waxaa ka dhiman 3 maalin oo qura.

Musharax Dr. Abdisalan Nur Ahmed (Dr Asnac) oo u taagan xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa maant...
26/04/2026

Musharax Dr. Abdisalan Nur Ahmed (Dr Asnac) oo u taagan xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa maanta ka qaatay shahaadada musharaxnimada xafiiska Guddiga Doorashada Ee Ururka, isagoo buuxiyey dhamaan shuruudaha musharaxnimada.

#

SHAACINTA HABRAACA DOORASHADA URURKA DHAKHAATIIRTA JUBALAND.
11/04/2026

SHAACINTA HABRAACA DOORASHADA URURKA DHAKHAATIIRTA JUBALAND.

SHAACINTA JADWALKA DOORASHADA URURKA DHAKHAATIIRTA JUBALAND.F.G: Khudbad jeedinta musharixiinta waxay noqon doontaa mid ...
09/04/2026

SHAACINTA JADWALKA DOORASHADA URURKA DHAKHAATIIRTA JUBALAND.

F.G: Khudbad jeedinta musharixiinta waxay noqon doontaa mid muuqaal (video) ama qoraal ah oo lagu bandhigi doono baraha bulshada ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland.

WargelinGalabnimo Jimco; 03/04/2026, Waxaa kulankoodii 1aad yeeshey Guddiga Doorashooyinka Ururka Dhakhaatiirta Jubaland...
04/04/2026

Wargelin

Galabnimo Jimco; 03/04/2026, Waxaa kulankoodii 1aad yeeshey Guddiga Doorashooyinka Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, falanqeyn dheer kadib, waxay isla meel dhigeen howlo badan oo hortabin uleh shaqada guddiga, waxayna maalmaha soo socda soo saari doonaan jadwalka iyo habraaca doorashada.

Guddiga Doorashada Ururka Dhakhaatiirta Jubaland Waxa uu ku wargelinayaa dhamaan musharixiinta inay sii bilaaban karaan ololahooda doorashada. Mahadsanidiin.

Dr. Mohamed Dhubow Roble
Gudoomiyaha Guddiga Doorshada Ururka Dhakhaatiirta Jubaland

03/04/2026
Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa si heer sare ah u agaasimay munaasabad lagu dhiirigalinayay loogana mahadcelinayay Dr...
01/04/2026

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa si heer sare ah u agaasimay munaasabad lagu dhiirigalinayay loogana mahadcelinayay Dr. Abdullaahi Kawir, taas oo ku muteestay dadaalkiisa joogtada ah, kartidiisa hogaamineed, iyo naf-hurnimada muuqata ee uu ugu adeegayo bulshada Soomaliyeed.

Dr. Abdullaahi Kawir, oo ah Madaxa Dhakhaatiirta isla markaana Chief Surgeon ka ah Kismayo General Hospital, ayaa si weyn loogu ammaanay doorkiisa badbaadinta nolosha bukaannada, isaga oo habeen iyo maalinba u taagan gudashada waajibaadkiisa, kana shaqeynaya daryeelka caafimaad si daacadnimo iyo dulqaad leh, isaga oo aan muujin wax daal ama caajis ah.

Munaasabadda lagu guddoonsiiyay shahaadadan sharafka ah ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Jubaland, xil Shire Guddoomiyaha Haweenka Jubada Hoose, Guddoomiyaha Dhalinyarada Jubaland, iyo Guddoomiyaha Suxufiyiinta Jubaland. Sidoo kale waxaa goobta joogay bahda caafimaadka, dhakhaatiir, iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageero iyo bogaadin ay u hayaan shaqada qiimaha leh ee Dr. Kawir.

Qaar ka mid ah masuuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in Dr. Kawir uu yahay tusaale ifaya oo muujinaya sida ay muhiim u tahay in xirfadlayaasha caafimaadku ay u adeegaan bulshada iyagoo leh daacadnimo, xilkasnimo, iyo dareen masuuliyadeed oo sare.

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Jubaland,
Dr. Abdirisaaq Gaaxnuug,nayaa isna sheegay in abaal-marintan ay tahay mid dhiirrigelin u ah dhammaan shaqaalaha caafimaadka, si ay ugu daydaan dadaalka, hufnaanta, iyo anshaxa shaqo ee uu muujiyay Dr. Cabdullaahi Kawir.

Gunaanadkii, shahaadadan sharafka ah waxay ka tarjumaysaa qaddarin iyo ixtiraam ballaaran oo loo hayo kaalinta muuqata ee Dr. Kawir kaga jiro horumarinta iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka ee Jubaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo, taas oo ka dhigeysa shaqsi mudan in lagu daydo laguna ammaano.

Magaacibista Guddiga Doorashada labada gole ee Golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland.Madaama ...
29/03/2026

Magaacibista Guddiga Doorashada labada gole ee Golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland.

Madaama uu dhamaad ku dhawyahay mudo xileedkii gudiyada hada dhisan, gudoomiyaha ururka dhakhatirta Jubaland ayaa magacabay gudiga doorshada labada gole ee ururka si ay u qabtaan doorosho cadaalad ah.

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhakhaatiirta Jubaland, shacabka ...
17/02/2026

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhakhaatiirta Jubaland, shacabka reer Jubaland, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddoomiyuhu wuxuu ku tilmaamay bisha ramadaan in ay tahay bishii cibaadada , naxariista iscaawinta, danbidhaafka, nabada islamrkaana uu ku boorriyay bulshada in laga faa’iideysto fadliga bishan si loohelo dhamaan fadaaisha waa in kordhiyo samafalka, samirka iyo isu-tanaasulka.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah ugu dardaarmay in la is-caawiyo lana isu gargaaro, gaar ahaan dadka nugul, bukaannada iyo qoysaska danyarta ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Ramadaantu tahay bil naxariis iyo garab istaag, isaga oo ugu baaqay ganacsatada, culumaa’udiinka iyo hayadaha samafalka in ay ka soobaxaan kaalintooda taageero siinta bulshada jubaland Sidoo kale, wuxuu dhakhaatiirta ku dhiirrigeliyay in ay si daacadnimo iyo naxariis leh ugu adeegaan bulshada inta lagu jiro bishan barakeysan.hoosna u dhigaan qiimaha adeeyada caafimaad.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu Alle uga baryay in uu roob iyo raxmad ugu beddelo abaaraha saameeyay dad iyo duunyo, isla markaana uu ka dulqaado dhibaatada haysata bulshada. Wuxuu rajeynayay in bishan Ramadaan ay noqoto mid nabad, barwaaqo ku soo kordhisa Jubaland, Soomaaliya iyo guud ahaan dunida Muslimka, isagoo ku soo xiray fariintiisa duco iyo rajo wanaagsan.


Address

Kismayo

Telephone

+252610303039

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubaland Medical Association -JMA- posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Jubaland Medical Association -JMA-:

Share