Jubaland Medical Association -JMA-

Jubaland Medical Association -JMA- Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jubaland Medical Association -JMA-, Medical and health, Kismayo.

Jubaland Medical Association (JMA) is an independent, Non-governmental, Non-political and Non-profit organization formed by medical doctors in jubaland state somalia to promote the health status of the people.

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland oo Olole Caafimaad oo bilshaa ah  ka Fuliyay Deegaanada Abaartu SaameysayUrurka Dhakhaatii...
30/12/2025

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland oo Olole Caafimaad oo bilshaa ah ka Fuliyay Deegaanada Abaartu Saameysay
Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA) ayaa ka qayb qaadanaya dadaallada guud ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada Jubaland. Dhakhaatiirtu waxay ka duulayaan doorkooda waxqabad ee ah taakuleynta bulshada marka ay dhacaan abaaro iyo cunto-yaraan, maadaama xaaladahaasi ay sababi karaan hoos u dhac ku yimaada difaaca jirka, taasoo dadka ka dhigta kuwo u nugul xanuunnada fursad-raaca ah (opportunistic diseases).
Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan ka-qaybqaadashadooda gargaarka bani’aadannimo, iyagoo bixinaya adeegyo caafimaad iyo daaweyn bilaash ah.

Ururku waxa uu olole caafimaad (campaign) ka fuliyay deegaanka Hadaafow, oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo. Deegaankan ayaa ay ku nool yihiin dad danyar ah, kuwaas oo si weyn u saameysay abaarta ka jirta dalka.

Deegaanka Hadaafow, oo ku yaalla dhanka galbeed ee magaalada Kismaayo, iyo deegaanada ku hareeraysan, ururka dhakhaatiirtu waxa ay adeegyo caafimaad u fidiyeen in ka badan 150 qof oo isugu jiray carruur, haween iyo dad waayeel ah, kuwaas oo qabay xanuunno kala duwan. Adeegyada la bixiyay waxaa ka mid ahaa latalin caafimaad, wacyigelin, iyo daaweyn bilaash ah.

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa door muuqda ka qaadanaya samatabbixinta iyo badbaadinta caafimaadka bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo ka badan rubuc qarni la daalaa dhacayay abaaro, colaado iyo fatahaado soo noqnoqday.

Gudoomiyaha ururka dhakhatirta Jubaland Dr ABDIRIZAK Gaaxnug ayaa maanta Kismaayo ka qeyb galay kulan ku saabsan ololaha...
11/12/2025

Gudoomiyaha ururka dhakhatirta Jubaland Dr ABDIRIZAK Gaaxnug ayaa maanta Kismaayo ka qeyb galay kulan ku saabsan ololaha “16-ka Maalmood ee Wacyigelinta ka dhanka ah Rabshadaha ku saleysan Jinsiga (GBV)”, oo sanad walba laga xuso 25-ka November ilaa 10-ka December.

Kulanka oo ay Soo qabanqaabisay wasarada caafimadka Jubaland ayaa Ujeeddadiisa aheyd kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka GBV, iyadoo sidoo kale laga hadlayo sida bukaanada dhibbanayaashu u heli karaan adeegyo caafimaad oo degdeg ah.

Gudoomiyaha ururka Dr Abdirisaq Gaaxnug ayaa xusay muhiimada ay leedahay xuska maalintaan iyo in ay door muhiim ka qaadan doonaan badqabka falalka la xiriiro jinsiga loona baahanyahay in bulshada iska kaashato sidii loo joojin lahaa falalka la xirira tacadiga jinsiga.


.

10/12/2025

Jubaland Medical Association -JMA-

Ururka Dhaqaatiirta Jubaland wuxuu u mahadcelinayaa oo bogaadinayaa labada gole ee Dowladda Jubbaland dadaalka muuqda ee...
23/11/2025

Ururka Dhaqaatiirta Jubaland wuxuu u mahadcelinayaa oo bogaadinayaa labada gole ee Dowladda Jubbaland dadaalka muuqda ee ay ku bixiyeen akhriska, dib-u-eegista iyo ansixinta Sharciga Mihnadlayaasha (Xirfadleyda Caafimaadka) ee Jubbaland.

Sidoo kale, ururka waxa uu u mahadcelinayaa Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada, oo uu shirguddoominaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland, ansixinta sharcigan oo maanta bulshada Jubbaland u horseeday guul caafimaad oo taariikhi ah.
Go’aankan muhiimka ah wuxuu caddeyn u yahay horumar iyo hufnaan laga gaaray dhismaha nidaamka caafimaadka, wuxuuna dhabbaha u xaari doonaa shuruuc cad oo hagta tayada adeegyada caafimaadka ee gobolka, isla markaana xaqiijinaya adeeg caafimaad oo tayo sare leh, ku dhisan mas’uuliyad, hufnaan iyo maamul meelmar ah.

Dhanka kale, Ururka Dhakhaatiirta Jubaland wuxuu mahadcelin iyo ammaan gaar ah u jeedinayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Jubbaland, oo door muuqda ka qaatay diyaarinta, dib-u-hagaajinta iyo hor-keenista sharcigan labada gole ee Dowladda Jubaland.
Hoggaaminta, dadaalka iyo hal-abuurka uu muujiyay Wasiirku waxay suurta gelisay in bulshada Jubbaland ay hesho xeer aas-aasi u ah badbaadada, hufnaanta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, taas oo sare u qaadaysa heerka daryeel caafimaad ee bulshada Jubaland.


14 November 2025 – KismaayoXuska Maalinta Adduunka ee Sokorowga Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa ka qeyb galay oo ka q...
14/11/2025

14 November 2025 – Kismaayo
Xuska Maalinta Adduunka ee Sokorowga
Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ayaa ka qeyb galay oo ka qayb qaatay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Sonkorowga oo lagu qabtay magaalada Kismaayo. Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Jubaland Ismaaciil Axmed Garas, Xildhibaan Shire Maxamed Cabdi, gadoomiyaha arimaha bulshada jubalnd, agaasimaha guud ee wasaarada caafimadka jubaland Mohamed huseein iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda wasaaradda, ururka dhakhaatiirta iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo hayadaha maxaliga ah . Kulanka waxaa lagu adkeeyay muhiimada la dagaallanka cudurka sonkorowga, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray kor u qaadista wacyigelinta iyo yareynta khatarta uu cudurkani ku hayo bulshada jubaland .

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in wasaaraddu xoogga saaraysa ka hortagga cudurrada, isaga oo xusay dadaallada lagu yareynayo cudurka sonkorowga iyo muhiimadda gaarsiinta adeegyada caafimaad dhamaan deeganada jubaland. Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, Dr. Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga hortago cudurka sonkorowga, lana xoojiyo baaritaannada (screening-ka), wacyigelinta, iyo yareynta arrimaha keena cudurkan. Wuxuu u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay wacyigelinta, isaga oo codsaday in dadaallada lagu wacyigelinayo bulshada la sii xoojiyo, loona maro idaacadaha iyo warbaahinta si farriintu u gaarto guud ahaan deegaannada Jubaland.


14 November 2025 – KismaayoXuska Maalinta Adduunka ee Sokorowga Sawiro Ololaha baaritaanka, wacyigelinta & la-talinta so...
14/11/2025

14 November 2025 – Kismaayo
Xuska Maalinta Adduunka ee Sokorowga
Sawiro Ololaha baaritaanka, wacyigelinta & la-talinta sokorowga oo bilaash ah
Free Diabetes Screening, Awareness & Campaign
/14 November # Jubaland Kismayo Health jubaland # jubaland medical association ,


Ururka dhakhatirta Jubaland ayaa ka qeyb galay maalinta xusku dabeesha aduunka taasoo lagu qabtay magalada kismayo. Muna...
27/10/2025

Ururka dhakhatirta Jubaland ayaa ka qeyb galay maalinta xusku dabeesha aduunka taasoo lagu qabtay magalada kismayo.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas, Xildhibaan Shire Maxamed Cabdi (Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Jubaland), Dr Nouradin Mohamud Adan (Madaxa arimaha degdega (Head of Emergency) ee ururka dhakhaatiirta Jubaland) iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah wasaarada caafimadka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda la dagaallanka cudurka dabaysha (Polio), iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo cudurkan khatarta ku ah carruurta da’da yar.

Wasiirka Caafimaadka Jubaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas oo ka hadlay madasha, ayaa carabka ku adkeeyay in wasaaraddu ay dadaallo xoog leh ku bixinayso ciribtirka cudurka dabaysha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la gaaro dhammaan carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha fog fog.

Dr Nouradin Mohamud Adan oo ku hadlayay magaca ururka dhakhatirta Jubaland ayaa balanqaday In ururka dhakhatirta Jubaland door Muhiim ah ku yeelan doonan ciribtirka cudurka dabeesha sidoo kalana xusay in ay xooga saari doonan wacyiga bulshada ee ku aadan fahamka talaalka.


Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA)iyo Jamacada kismayo ayaa qabtay 21/10/2025 wacaygilinta kansarka ku dhaco Nasaha (Br...
22/10/2025

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland (JMA)iyo Jamacada kismayo ayaa qabtay 21/10/2025 wacaygilinta kansarka ku dhaco Nasaha (Breast cancer awareness) madama lagu jiro bisha October oo ah bisha Wacyigelinta iyo ogaanshaha kansarka kudhaco naasaha.

Kulankan ayaa lagu qabtay Jaamacadda kismayo waxaana ka faa’iidaystay ardayda dhigata jaamacaddaas.
Kulanka oo looga hadlayay Kansarka Naasaha iyo muhiimadda ay leedahay Baadhitaanka Naaska ee qofka naftiisa ku baarayo (Breast Self-Examination).

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in ardayda lagu baro sida saxda ah ee haweeneydu u sameyn karto baaritaanka naaska iyadoo gurigeeda joogto Iyo sidii hadeey ay dareento caafimad daro dhanka Nasaha ah sideey u heli Laheyd caawinaad caafimad.

Gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Jubaland iyo dhaman dhakhatirta reer Jubaland ayaa hambalyo u diraya gudoomiyahii h**e ...
20/10/2025

Gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Jubaland iyo dhaman dhakhatirta reer Jubaland ayaa hambalyo u diraya gudoomiyahii h**e ururka dhakhatirta Jubaland Dr Adan Jama Musse oo loo magacabay wasiirka wasaarada caafimadka Mamulka waqooyi Bari Somalia.

Dhakhtarku wuxuu in badan kasoo shaqaynayay howlaha caafimaad ee dhamaan deegaanada Soomaaliya, isagoo soo noqdey Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, iyo Gudoomiye kuxigeenka golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryeeynaa inuu u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay iyo howlaha horyaala.


19/10/2025

Olalaha Wacyigalinta iyo baaritaanka iyo cudurka cancerka ee kudhaco naasaha.

Uruka dhakhatiirta jubaland waxa uu bilaabay Ololaha Wacyigelinta, Baaritaanka, iyo talobixinta cudurka cancerka kudhaco naasaha kaas oo lagu qabanayo magaalada Kismaayo maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, 23-24 October 2025.
Talobixin caafimad iyo Baaritaanno bilaashka ah waxaa lagu qaban doonaa isbitaallada kala ah Daryeel Hospital, Baxnaano Hospital, Shaafici Hospital, National Hospital, Bayaan Hospital iyo Kaafi Hospital.

Ujeeddada ololahan waa in lagu wacyigeliyo bulshada, gaar ahaan haweenka, muhiimadda ogaanshaha h**e ee cudurka kansarka naasaha, iyadoo la siinayo adeegyo caafimaad iyo latalin bilaash ah.
Fiiro Gaar ah: Fadlan la wadaag fariintan si ay uga faa’iidaystaan dad badan oo u baahan, waayo ogaanshaha h**e waa badbaado.


19/10/2025

Olalaha Wacyigalinta iyo baaritaanka cudurka cancerka ee kudhaco naasaha

Ololaha Wacyigelinta, iyo baaritaanka Kansarka ku dhaco Naasaha ayaa lagu qabanayaa magaalada Kismaayo maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, 23-24 October 2025. Baaritaannada oo bilaashka ah waxaa lagu qaban doonaa isbitaallada: Daryeel Hospital, Baxnaano Hospital, Shaafici Hospital, National Hospital , Bayaan hospital iyo Kaafi Hospital.

Ololahan waxaa hoggaaminaysa Dr. Hawo Abdulahi Aden, Madaxa Arrimaha Bulshada ee ururka dhakhatirta Jubaland.

Ujeeddada ololahan waa in lagu wacyigeliyo bulshada, gaar ahaan haweenka, muhiimadda ogaanshaha h**e ee cudurka kansarka ku dhaco naasaha iyadoo la siinayo baaritaan o
Iyo la talin caafimaad oo bilaash ah.
Fadlan la wadaag fariintan si ay uga faa’iidaystaan dad badan oo u baahan, waayo ogaanshaha h**e waa badbaado.


Ururka Dhakhaatiirta Jubaland iyo wasaarada caafimadka Jubaland ayaa manta qabtay munaasbad lagu xusayay xuska malinta c...
10/10/2025

Ururka Dhakhaatiirta Jubaland iyo wasaarada caafimadka Jubaland ayaa manta qabtay munaasbad lagu xusayay xuska malinta caafimadka dhimirka aduunka taas oo sanad walba lagu xuso 10-ka Oktoobar, si kor loogu qaado wacyiga bulshada ee ku aaddan caafimaadka maskaxda.

Munaasbada ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka wasaarada caafimadka, Agaasimaha guud ee wasaarada caafimadka, gudoomiyaha ururka dhakhatirta Jubaland, xildhibaano, dhakhatir ka socotay ururka iyo Marti sharaf kale.
Munaasabadda sanadkan ayaa si gaar ah diiradda u saartay mowduuca: “Helitaanka Adeegyada Caafimaadka Maskaxda Xilliyada Masiibooyinka iyo Xaaladaha Degdegga ah.

Gudoomiyaha ururka dhakhatirta Jubaland oo ka hadlay munaasabada ayaa balan qaaday in uu ururka dhakhatirta Jubaland door weyn ka ciyaari doonan bad qabka caafimad dhimirka bulshadeena, isagoona balan qaaday in ay la shaqeynayaan cid waliba oo howshaas wax ka qabadkeeda door ku yeelan doonta.


Address

Kismayo

Telephone

+252610303039

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubaland Medical Association -JMA- posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Jubaland Medical Association -JMA-:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram