30/07/2022
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaan ehelka, qaraabada, qoyskii uu ka baxay, dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo shacabka Jubaland uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Wasiirkii Arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Jubaland Marxuum Gen: Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.
Alle ha u naxariistee Marxuumku wuxuu heerar kala duwan uga soo shaqeeyay dalka gaar ahaana Jubaland isagoo kamid ahaa aas aasayaashii wakhtigooda iyo aqligoodaba u huray dhismaha Jubaland iyo dadaaladii Dowlad dhiska ahaa ee ka danbeeyay isagoo qeyb weyn ku lahaa sal u dhigida Wasaaradahii uu soo maamulayay wakhtiyadii lasoo dhaafay iyo howlahii baaxada lahaa ee uu u hayay shacabka Jubaland.
Waxaan Allaah uga baryayaa in uu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, asxaabtii, dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Bulshada Jubaland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee marxuumka.
Aaamiiin.