Somali Higher Hospital

Somali Higher Hospital Somali Higher Hospital(SHH) waa xarun caafimaad oo ku taal magaalada Laascaanood ee Caasimadda Waqooyibari.

Xaruntu waxa ay bixisaa adeegyo caafimaad oo tayo sare leh, haddaba si aad noola soo xidhiidho fadlan guji botonka farriinta.

Maanta oo ah 1da December waxaa sannad walba la xusaa maalinta AIDS ka adduunka, iyada oo kor loo qaado wacyigelinta ku ...
01/12/2025

Maanta oo ah 1da December waxaa sannad walba la xusaa maalinta AIDS ka adduunka, iyada oo kor loo qaado wacyigelinta ku saabsan cudurkaas. HIV waa fayras weerara habka difaaca jidhka. Waxa uu wiiqaa awoodda jidhka ee la dagaalanka caabuqyada iyo cudurrada. Haddii aan la daaweyn, HIV wuxuu u gudbi karaa AIDS, kaas oo horseedi kara halis dhimasho. Ka-hortagga HIV waxa uu ku xidhan yahay in la yareeyo fursadaha uu fayrasku ugu gudbi karo qof kale. Cusbitaalka SOMALI HIGHER HOSPITAL waxa uu bulshada kula talinayaa in ay ka taxaddaraan caafimaadkooda isna baadhaan si ay nafahooda u bedbaadiyaan una yareeyaa fursadaha uu cidkale ugu sii gudbi karo. Sida oo kale bulshada la nool xanuunnkani waa qayb inaga mid ah oo aan mudnayn takoor iyo in la fogeeyo, aan daryeelno oo la dagaallano cudurka haleelay.

Wacyigelinteennu naf ayaa ay bedbaadin kartaa ee aan joogtayno wacyigelinta ku aaddan xanuunkan.

Cusbitaalka Somali Higher Hospital isaga oo kaashanaya hay'adda la dagaallanka Aidska ee waqooyibari iyo wasaaradda caafimaadka dawladdaas waxa uu ka qaybqaatay xuska maalintan oo ka dhacay Laascaanood. Waxa ayna si wadajir ah u soo saareen warbixin caafimaad oo ku aaddan prevalence ga Aidska Laascaanood ee shantii sanee ugu danbaysay. Taas oo noqotay in 100,000 kii kun ee qofba ay ku jiraan laba qof oo xanuunkaas la daaladhacaysa, iyada oo boqollay ahaanna noqonaysa 0.0024%.

Habka ugu waxku-oolsan ee aad jeermiska isaga ilaalin karto ugana hortagi karto faafitaanka xanuunnadu waa in aad si joo...
30/11/2025

Habka ugu waxku-oolsan ee aad jeermiska isaga ilaalin karto ugana hortagi karto faafitaanka xanuunnadu waa in aad si joogto ah u faraxalataa si joogta ahna aad u nadiifisaa meelaha sida joogtada ah loo qabsado/taabto.

Caadooyinka Shakhsiga ah ee Nadaafadda

1:Si joogto ah u faradhaqo:
faradhaqashadu waa tallaabada ugu wanaagsan ee aad uga hortagi karto in ay infegshinadu/caabaqyadu faafaan.

2: Ha taaban wejigaaga:
jeermisku waxa uu s fudud ugu faafaa indhaha, sanka, iyo afka. Aad isaga dhawr in aad marwalba wejigaaga taataabo, gaar ahaan kolka xanuun jiro.

3: Gurigaaga joog kolka aad xanuunsato:
kolka aad xanuunsato ha ka soo bixin gurigaaga si aadan dadka kale ugu faafin xanuunka.

4: Istallaal:





ku dedaal qaadashada tallaallada.

Dhakhaatiirta ka hawlgasha cusbitaalka Somali Higher Hospital maalinkasta oo khamiis ah si bilaash ah ayaa aad ula kulmi...
26/11/2025

Dhakhaatiirta ka hawlgasha cusbitaalka Somali Higher Hospital maalinkasta oo khamiis ah si bilaash ah ayaa aad ula kulmi kartaa. Na soo booqo si aad u hesho talooyin caafimaad. Hal talo oo uu dhakhtar ku siiyo ayaa kaa bedbaadin karta halos caafimaad oo kugu soo wajahnayd.

Wixii macluumaad ah ee dheeri ah nagala soo Xidhiidh:
Lanbarka: 63 7470160
Email: SOHHO2021@gmail.com



Adeegsiga Faytamiinno badani caafimaadka qofka kor uma qaadaan balse taa beddelkeeda adeegsiga xad dhaafka ahi waxa uu w...
24/11/2025

Adeegsiga Faytamiinno badani caafimaadka qofka kor uma qaadaan balse taa beddelkeeda adeegsiga xad dhaafka ahi waxa uu waxyeellayn karaa kelyaha iyo beerka qofka adeegsanaya.



Si fudud isu baadh oo ogow caafimaadkaaga iyo waxyaabaha halista kugu noqon karaya. Baadhista maanta waxaa suuragal ah i...
23/11/2025

Si fudud isu baadh oo ogow caafimaadkaaga iyo waxyaabaha halista kugu noqon karaya.
Baadhista maanta waxaa suuragal ah in ay kuu horseeddo badhaadhe waara.


Ka qabso ballanta xarunta cusbitaalka. Ama soo nagala soo xidhiidh:
63 7470160
SOHHO2021@GMAIL.COM.



Jimce wanaagsan muslimiinta dhammaantood.
21/11/2025

Jimce wanaagsan muslimiinta dhammaantood.

COPD waa xanuun ku dhaca sanbabada oo  waxyeello sanbabada soo gaadha ay sababto. Waxyeelladaas waxaa ka dhasha neefmare...
19/11/2025

COPD waa xanuun ku dhaca sanbabada oo waxyeello sanbabada soo gaadha ay sababto. Waxyeelladaas waxaa ka dhasha neefmareenka gudihiisa oo barara ama cuncun ku yimaaddo. Sababta ugu weyn ee keentaana waa cabbidda sigaarka, hase ahaatee waxaa kale oo sababa boodhka iyo waxyaabo kimikaal ah in uu qofku hawo ahaan u qaato.

Calaamadaha lagu garto.
•Neefsashada oo adkaata, gaar ahaan kolka uu qofku hawlqabanayo.
•Codad foodhi oo kale ah oo qofka ka soo baxa kolka uu neefsanayo.
•Qufac aan kala go' lahayn oo xaako badan wata.
•Laabta oo culays laga dareemo.
•Tamar darro iyo daal.
•Caabuq sanbabada ah oo soo noqnoqda.
•Miisaanka oo is dhima.

Dhakhtar la xidhiidh haddii aad calaamdahaas isku aragto. Kana dheeroow waxyaabaha keena.

Raac talooyinkan caafimaad si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh.
16/11/2025

Raac talooyinkan caafimaad si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh.



Cusbitaalka Somali Higher Hospital waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa naadigeenna kubbadda cagta oo guul ka soo hoy...
09/11/2025

Cusbitaalka Somali Higher Hospital waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa naadigeenna kubbadda cagta oo guul ka soo hoyay garoonka weyn ee caasimadda Laascaanood. keep up the good work, fellas!



Cusbitaalka Somali Higher Hospital  waxaa bulshada diyaar ugu ah qaybtii gargaarka degdegga ah. Soo wac lanbarkan si aad...
08/11/2025

Cusbitaalka Somali Higher Hospital waxaa bulshada diyaar ugu ah qaybtii gargaarka degdegga ah.

Soo wac lanbarkan si aad ballan u qabsato ama faahfaahin dheeri ah aad u hesho.
63 7470160


Biyuhu jidhkaaga muhim ayaa ay u yihiin inta aad ogtahay ka badan, sidaa darteed joogtee oo sidii oo ay yihiin WI-FI bil...
06/11/2025

Biyuhu jidhkaaga muhim ayaa ay u yihiin inta aad ogtahay ka badan, sidaa darteed joogtee oo sidii oo ay yihiin WI-FI bilaash ah u adeegso biyaha.




Jimce wanaagsan dhammaan muslimiinta Soomaaliyeed.
31/10/2025

Jimce wanaagsan dhammaan muslimiinta Soomaaliyeed.

Address

Main Highway Street Laascaanood
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Higher Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Somali Higher Hospital:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram