25/04/2026
🌍 25 Apriil – Maalinta Caalamiga ah ee Malariada
Isbitaalka Luuq wuxuu si sharaf leh ugu biirayaa xuska maalintan muhiimka ah si loo xoojiyo wacyiga bulshada ee ka hortagga cudurka malaria.
🦟 Malariadu waa cudur dilaa ah, balse waa laga hortagi karaa, lana daaweyn karaa haddii si degdeg ah loo ogaado.
⚠️ Calaamadaha lagu garto:
Qandho, madax xanuun, matag, jir xanuun iyo daal.
âś… Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo:
- Isticmaal maro kaneecada (mosquito net) habeen kasta
- Ka fogow biyo fadhiya oo kaneecadu ku taranto
- Nadiifi deegaanka gurigaaga iyo hareerihiisa
- U tag xarunta caafimaadka sida ugu dhaqsaha badan marka aad dareento calaamadaha
👩‍⚕️ Isbitaalka Luuq wuxuu diyaar u yahay inuu ku siiyo baaritaan iyo daaweyn sax ah 24 saac.
🤝 Bulsho caafimaad qabta waxay ka bilaabataa qof walba oo mas’uul ah.
📢 Ka hortag malaria maanta – badbaadi naftaada iyo tan qoyskaaga.