25/11/2025
Usbuucyada Ugu Dambeeya ee uurkaga: Liiska Diyaar-garowga Muhiimka ah
Markaad ku dhowaaneyso taariikhda dhalmada la qiyaasay (EDD), laga bilaabo usbuuca 36-aad, diiraddaadu waa inay noqotaa diyaar-garow wax-ku-ool ah, daryeel nafeed wanaagsan, & aqoonsiga calaamadaha foosha.
1. Boorsooyinka Diyaari:
Diyaari boorsada isbitaalka adiga, lammaanahaaga, iyo ilmaha. Ku dar waxyabaha muhiimado sida ID-ga, dukumentiyada caymiska, iyo qorshahaaga dhalmada.
2. Diyaarso caawiye Dhalmada Ka Dambeysa:
Qorshee caawimaadka laba usbuuc ee ugu horreeya (cunto, nadiifin, daryeelka carruur kale). Samee oo qabooji cuntooyin fudud oo dhowr ah hadda.
3. Dhameestir Dukumentiyada:
Dhameyso diiwaangelinta isbitaalka iyo arrimaha fasaxa dhalmada ee goobta shaqada.
4. La Soco Dhaqdhaqaaqa Ilmaha:
Sii wad tirinta dhaq-dhaqaaqa ilmaha maalin kasta. Haddii uu hoos u dhaco si weyn ama gabi ahaanba yaraado, isla markiiba la xiriir dhakhtarkaaga.
5. Ka Qaybgal Ballamaha Ugu Dambeeya:
Ha dhaafin ballamaha usbuuc kasta ee ugu dambeeya. Waa muhiim oo waxaa lagu hubiyaa cadaadiska dhiigga, diyaarinta ilmaha, iyo tijaabooyinka muhiimka ah (sida in uu infection jiro ).
Farqiga u dhexeeya Braxton Hicks (fool beeneedka) iyo Foosha Dhabta ah
Braxton Hicks (Foosho Been ah):
• Aan joogto ahayn
• Fudud
• Way baaba’aan markaad beddesho booska (socod) ama cabto biyo
Foosha Dhabta ah:
• Joogto ah
• Inta jeer, muddada, iyo xanuunku way kordhaan
• Ma joojiyaan markaad boos beddesho
Wac dhaqtarkaga ama aad xaruun cafimaad Haddii:
1. Dhaqdhaqaaqa ilmaha uu yaraado ama istaago.
2. Biyo kaa yimaadaan (gush ama dhibic-dhibic), gaar ahaan haddii ay yihiin cagaar, bunni, ama ur xun.
3. Dhiig bax culus (ka badan dhibco fudud).
4. Foosho la jaanqaadaysa xeerka 5-1-1:
• Foosha oo imaanaysa 5 daqiiqo kasta
• Mid kasta soconaya 1 daqiiqo
• Muddo 1 saac ah
Ku kalsoonow dareenkaaga.
Haddii wax aan caadi ahayn kuu muuqdaan ama aad ka walwasho, isla markiiba wac kooxdaada daryeelka—waa 24/7 kuu diyaarsan.
WhatsApp: 615210034 si aad ugu biirto baxanaanda uur (Antenatal care ) oo aad uga dheeraato walbahaarka usbuucyada ugu dambeeya una beddesho kalsooni maalinta dhalmada.
By Dr Maria Mohamud