12/06/2020
waxaa lagu kala gudbin karaa dhowr xanuun, kuwaasoo ay keenaan jeermis ama .
labadaas jeermis oo ku noolaan karo calyada ama dhiigga.
shumiska loogu kala qaadi karaa xanuun?
●Taabasho: waa in qofka uu shumiyo meel lahayd jeermis gudbin karo xanuun ama caabuq.
●Dhibco qoyaan ah: dhibcahaas oo xambaarsan jeermis il-ma-aragto ah, wuxuu ka imaan karaa sanka ama dhuunta,
●Hawada: waxaa jiro xanuuno lagu kala qaado neefsiga oo labada qof isweydaarsan karaan xilliga shumiska.
maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo uu keeno jeermiska feyraska?
●Hergabka
●Qandhada qanjirrada "Glandular Fever", loona yaqaano xanuunka shumiska,
●Caabuqyada herbeska: waa caabuq ay keenaan dhowr feyras oo kala duwan, waa xanuun ku kala gudbin karo taabasho,
● Cagaarshawga nooca B: waa cudur uu keeno feyras, waxaana lagu kala gudbiyaa shumiska inkastoo badankiis lagu kala qaado dheecaannada jirka oo isgaaro.
●Honqorta: markii ay ka soo baxdo afka, waxaa lagu kala qaadi karaa shumiska, khaasatan haddii honqortaas ay dillaac leedahay,
maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo ay keento jeermiska bakteeriyada?
Bakteeriyada qoorgooyaha "Meningitis": waa xanuun halis ah oo qofka u dhiman karo, wuxuuna ku faafaa taabasho ama neefsasho dhibicyo qoyaaneed "droplets" xilliga shumiska.
●Bakteeriyada suuska keento: waa bakteeriyo ilkaha ku dul korto, waxayna keentaa ilko bololka,
●Tiibishada sambabka oo lagu kala qaadi karo neefsashada markii la is shuminaayo
Waxaa ilaah mahaddiis ah in qaadista xanuunadaan aysan aad u badnayn, laakiin waxaa muhiim ah in qofku uu sameeyo tilaabooyin taxaddar ah sida:
●Ka fogow shumiska qof xanuunsan
●Hadduu qofka afka ku leeyahay nabar ama dhaawac ka fogow in aad shumisid
●Ku dadaal caafimaadka ilkahaaga
●Haddii aad hergab qabtid qofna ha shumin,
●isticmaal maro marka aad qufacaysid ama hindhisayso.
●Ka fogow shumiska xaaraanta ah iyo dadka aadan garanayn.
●Waalidku waa in aysan caruurta ka yar hal sano aysan afka ka shumin.
xaquuuq somalimedicaldoc.
Salaad
Siii share gareey wll mhdsnd
Like saarna page kaaan