Somali Health Development Advocacy SOHDA

Somali Health Development Advocacy SOHDA Somali health development advocacy SOHDA

انا لله و انا اليه راجعونIlaahay ha unaxariistee waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawo Cabdi oo ka ...
05/08/2020

انا لله و انا اليه راجعون

Ilaahay ha unaxariistee waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawo Cabdi oo ka mid ahayd Dhaqaatiirta waa weyn ee Dalkeenna Soomaaliya, sida ay xaqiijisay Gabadheeda Drs Aamina.

Drs Xaawo Cabdi ayaa mudo ka badan nus qarni ka soo shaqeynaysay Arimaha Caafimaadka Soomaaliya iyadoona lagu xasuusto Halgankii ay u soo gashay badbaadinta Bulshada Soomaaliyeed mudadii Dalka uu ku jiray Burburka.

Naxariistii jano Alle haka waraabiyo

Bahda Somali Health  Developmemta Advocacy SOHDA waxay dhammaan hamblyo   ufirayaan ardayda somaaliyeed eimtixaanka mana...
18/07/2020

Bahda Somali Health Developmemta Advocacy SOHDA waxay dhammaan hamblyo ufirayaan ardayda somaaliyeed eimtixaanka manata u fariisaty sanad dugusiyedka2019-2020 fasalak 4aad ee dugsiga sare wxaa alaha ugu baryenaa in uu imtixaan llah waa fajiya .
Hay'ada u dooda hormarinta caafimaadka
Wxay siqaas farxada la qebsaneysaa Hooyo Shmaso Waxa ay ka mid ahayd Ardayda maanta u fariistay Imtixaanka Dugsiga Sare, balse waxa ay ku Umushay Isbitaal maalintii koowad ee Imtixaanka.
Waxa ay labada maaddo ee maanta ku geleeysaa Isbitaalka Kalkaal oo loogu geeyay Warqadaha Imtixaamka. Waxaa alha kaga baryena laha ku fududeyo

Bahda Somali Health  Developmemta Advocacy SOHDA waxay dhammaan bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadaba waxan lenayhy JIM...
02/07/2020

Bahda Somali Health Developmemta Advocacy SOHDA waxay dhammaan bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadaba waxan lenayhy JIMCA MUBARAK

Anshaxa caafimaadka(Medical Ethics).Qof kasta oo ah Doctor ama xirfadle caafimaad waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo xeerark...
20/06/2020

Anshaxa caafimaadka(Medical Ethics).

Qof kasta oo ah Doctor ama xirfadle caafimaad waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo xeerarka uu leeyahy caafimaadka,si looga fogaado in ladhibaateeyo bukaanka ama dhibaato ay dhaxmarto xirfadlaha caafimaad iyo bukaanka.

Hadaba waxa jira afar(4) xeer oo muhiim ay tahy inuu ilaaliyo xirfadlaha caafimaad.

1. ( bukaanka(patient) ama qofka lasocda(informed consent) oo wakiilka ka ah waxa uu xaq uleeyahy in uu wax ka ogaado goaanada caafimaadkisa kusaabsan,fikir ama talo,waana inuu ogyahy faaidada iyo qatarta ka imaankarta dawada uuqadanayo ama qaliinka lagusamaynaayo,dhakhtarka ama xirfadlaha caafimad ayaa lagarabaa inuu fahamsiiyo.

2. : adeega caafimaad ee lasiinayo bukaanada waa inuu ahaadaa mid cadaalad kusalaysan,si siman waa inay bukaanada adeega caafimaad uhelaan ayada oo loo eegin ,medeb,jinsi,qaraaboIWM.

3. :markasta kuda daal inaad usameyso bukaanka waxa u wanaagsan caafimaadkiisa.
Si taas loohelo Doctorka ama xirfadlaha caafimaad waxaa laga rabaa inuu ahaado mid update ah,lana socda waxa is bedelaaya ee caafimaadka kusaabsan,wax badan waa inuu aqriyaa si uu hormariyo aqoontiisa,tababaro badan waa inuu qaataa.

4. - : Hadii aadan bukaanka wax fiican usameyn karin haugadarin,ee ugudbi ama latasho qof kaaga aqoon roon.

Ugu dambeytii Doctorka ama xirfadlaha caafimaadku waa inuu markasta ku dadaalaa inuu qanciyo bukaanka xanuunsan ee usoo raadsaday adeeg caafimaad,masuuliyadas adagna uu daremaa maadama hadii uu hal naf badbaadiyo ay lamid tahay asagoo umad dhan badbaadiyay.
ومن احياها فكانمااحياالناس جميعا،
Mahadaanidin.

Fadlan lawadag asxabtada.

Bahda Somali Health  Developmemta Advocacy SOHDA waxay dhammaan bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadaba waxan lenayhy jim...
18/06/2020

Bahda Somali Health Developmemta Advocacy SOHDA waxay dhammaan bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadaba waxan lenayhy jimca wangsan .

khuburada caafimaad Ee dunida ayaa mashquul ku ah soo saarida daawooyin lagu la dagaalamo ama lagu dilo virus-ka corona ...
17/06/2020

khuburada caafimaad Ee dunida ayaa mashquul ku ah soo saarida daawooyin lagu la dagaalamo ama lagu dilo virus-ka corona ( ), hase ahaatee qubaro ka tirsan jaamacadda Oxford Ee London iyo khuburo kale ayee sheegeyn hadal aad logu farxo.

Daawada loo yaqaano ’ oo ka tirsan dawooyinka steroid-ka, oo ay bulshada soomaliyeed qaarkood u yaqaanaan ( ) laguna daweeyn jiray cuduro badan sida: Neef qabatinka ayaa la ogaaday in ay tahay daawada kaliya Ee dili karto virus-ka corona.

Dawadaan ayaa la xaqiijiyaya in ay caawin karto uu soo ritay cudurka coronavirus ( ), gaar ahaan kuwa ku jira xaaladaha adag oo ay neefsashada ku adagtahay.

waxaa lagu tijabiyaya in ka badan 2,000 qof oo ah dadka neefsashada ay ku adkeed Ee koomada ku jiray oo ku xirnaa mashiinka , daawadaan ayaa ah mid si wacan u caawisay bukaanada.

Dhammaan dadkii la siiyay daawadaan ayaa 40% ka ladnaaday.

Waana daawo aad hooseeyo Ama jaban oo suuqayada laga heli karo.

  waxaa lagu kala gudbin karaa dhowr xanuun, kuwaasoo ay keenaan jeermis   ama  . labadaas jeermis oo ku noolaan karo ca...
12/06/2020

waxaa lagu kala gudbin karaa dhowr xanuun, kuwaasoo ay keenaan jeermis ama .

labadaas jeermis oo ku noolaan karo calyada ama dhiigga.

shumiska loogu kala qaadi karaa xanuun?

●Taabasho: waa in qofka uu shumiyo meel lahayd jeermis gudbin karo xanuun ama caabuq.

●Dhibco qoyaan ah: dhibcahaas oo xambaarsan jeermis il-ma-aragto ah, wuxuu ka imaan karaa sanka ama dhuunta,
●Hawada: waxaa jiro xanuuno lagu kala qaado neefsiga oo labada qof isweydaarsan karaan xilliga shumiska.

maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo uu keeno jeermiska feyraska?

●Hergabka
●Qandhada qanjirrada "Glandular Fever", loona yaqaano xanuunka shumiska,

●Caabuqyada herbeska: waa caabuq ay keenaan dhowr feyras oo kala duwan, waa xanuun ku kala gudbin karo taabasho,

● Cagaarshawga nooca B: waa cudur uu keeno feyras, waxaana lagu kala gudbiyaa shumiska inkastoo badankiis lagu kala qaado dheecaannada jirka oo isgaaro.

●Honqorta: markii ay ka soo baxdo afka, waxaa lagu kala qaadi karaa shumiska, khaasatan haddii honqortaas ay dillaac leedahay,

maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo ay keento jeermiska bakteeriyada?

Bakteeriyada qoorgooyaha "Meningitis": waa xanuun halis ah oo qofka u dhiman karo, wuxuuna ku faafaa taabasho ama neefsasho dhibicyo qoyaaneed "droplets" xilliga shumiska.

●Bakteeriyada suuska keento: waa bakteeriyo ilkaha ku dul korto, waxayna keentaa ilko bololka,

●Tiibishada sambabka oo lagu kala qaadi karo neefsashada markii la is shuminaayo

Waxaa ilaah mahaddiis ah in qaadista xanuunadaan aysan aad u badnayn, laakiin waxaa muhiim ah in qofku uu sameeyo tilaabooyin taxaddar ah sida:

●Ka fogow shumiska qof xanuunsan

●Hadduu qofka afka ku leeyahay nabar ama dhaawac ka fogow in aad shumisid

●Ku dadaal caafimaadka ilkahaaga

●Haddii aad hergab qabtid qofna ha shumin,

●isticmaal maro marka aad qufacaysid ama hindhisayso.

●Ka fogow shumiska xaaraanta ah iyo dadka aadan garanayn.

●Waalidku waa in aysan caruurta ka yar hal sano aysan afka ka shumin.

xaquuuq somalimedicaldoc.
Salaad
Siii share gareey wll mhdsnd
Like saarna page kaaan

Fahanka dhakhatiirta miyaa yar mise dawada ayaa si ganacsi ah ayaa loo socodsiiyaa haddii aan u tago dulucda hadalkeyga ...
05/06/2020

Fahanka dhakhatiirta miyaa yar mise dawada ayaa si ganacsi ah ayaa loo socodsiiyaa haddii aan u tago dulucda hadalkeyga dawadda Ranitidine 150 mg loona yaqaan Zantac

Waxaa walaac weyn ka muujiyey haayadda maamusha dawada iyo cunadda ee Mareykanka (FDA) kana digtay in dalkeeda lagu iibiyo ama ka mabbuucday suuqyadda dawada ee markeykan

Halka caadi ka noqtay in dalka soomaaliya ay dhakhatiirta iska qoraan

Daawada Ranitidine ee lagu daaweeyo gaaska iyo laabjeexa ayaa laga heley maado keeni karta Kancer, maadadaas ayaa ah N-nitrosdimetylamine (NMDA)

Noocyada kancer ee ay keeni karta dawada waxaa ka mid ah ?

✓Kancerka beerka
✓Kancerka caloosha
✓Kancerka Dhuunta
✓Kancerka mindhicirada
✓Kancerka kaadi haysta

Dadka ka shaqeya Goobaha Cafimaad waa in ay iska ilaaliyaan in ay qoraan dawada Ranitidine oo keeni karta xanuunka kancerka, haddii aad rabtid in aad qortid dawo gaaska lagu daweeyo Fadlan u qor Omeprazole, lansoprazole iyo wixii la mid ah ama sii talo ku habboon sidii uu ula tacaali lahaa gaaska..

https://www.fda.gov/news-events/press-announcements/statement-alerting-patients-and-health-care-professionals-ndma-found-samples-ranitidine

Dr Cadceed

Mar kasta oo ay tintu guranku walwalka aya kugu sii bata sababtoo ah raguna waxay ka baqaan in ay bidaar yeeshaan dumark...
05/06/2020

Mar kasta oo ay tintu guranku walwalka aya kugu sii bata sababtoo ah raguna waxay ka baqaan in ay bidaar yeeshaan dumarkuna waxay ka baqaan in ay ka gaabtaan timaha.
Caadiyan qofka waxaa maalintii ka goa qiyaastii 100 tin waana wax dabiici ah oo dadka oo dhan ay ka siman yihiin. Hadii aad isku aragto tima guran intaas ka badan waxaad u baahan tahay in aad wax ka badasho hab nololeedkaaga

1. Shaambada: Sida la xaqiijiyay rag badan oo ay bidaar gashay ama gabdho badan oo ay tintu gurantay waxaa sabab u noqday nooca shaambada ay ku qabaystaan waxaana la xaqiijiyay in qofba qofka uu ka shaambo isticmaal badan yahay uu ka timo guran badan yahay.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay qofba qofka uu ka qubays badan yahay in uu ka timo guran badan yahay.

Waxaa la sheegaa in maalintii hal mar in aad qabaysato ay tintaada siinayso awood ay ku nasato sababtoo ah tintu waa beerta oo kale hadii beerta biyaha ay ki bataan waa ay dhimataa beertu sidaas si la mid ah hadii tintu ay ku bataan biyuhu iyadana way gurantaa

2. Fooneeyaha: Marka laga hadlo fooneeye waxa kaliya ee laga hadlaayo waa dumarka waayo raggu inta badan ma isticmaalaan fooneeyaha marka laga reebo in yar oo timaha daysatay.
Waxaa la sheegaa qofba qofka uu ka fooneeye isticmaal badan yahay waa uu ka timo guran badan yahay.

Tusaale warqad meel ku koolaysan fooneeye ku buufi waxaa laga yaabaa in aysan marka h**e warqadu ka fuqin meesha balse muddo marka aad ku buufiso waliba si joogto ah warqadii meesha ku dhaganayd waa ay fuqaysaa sidaas si la mid ah ayay tintu u soo goaysaa marka isticmaalka fooneeyaha uu ku bato

3. Biyaha kulul: Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay aaminsan yihiin in biyaha kulul tinta ay ka dilaan jeermiska balse waxaysan is waydiin in kuleelka jeermiska dilay in uu isna dili karo nafaqada tinta tayada u yeelaysay sababtoo ah dadka biyaha kulul ku dhaqa madaxa waxaa ku bilawda marka h**e in tintu qafiif noqoto madama nafaqadii tinta au dileen biyihii kululaa.
Sidaa darteed biya qabow ama iska caadi ah oo aan qaboobeen ama kululeen ayaa lagula taliyaa qofka in uu ku dhaqo tintiisa

4. Saliida Timaha: In timaha saliid la mariyo waa waxyaaba la isku waafaqsan yahay hadana nooca saliida aad marinayso iyo inta jeer ee aad marsanayso ayaa ah waxa inta badan dadka ka qaldan.
Saliid kasta oo timaha loo marsado waxaa ku jirta dhowr maado oo faaiido u leh tinta, hadii qofku si qiyaas la'aan ah u marsado saliida waxaa dhacaya in maadooyinkii faaidada u lahaa tinta ee saliida ku jiray ay keenaan dhibaatooyin ay ugu h**eyso tima guranka.

Tusaale kaniini caloosha bixiya ayaa dhakhtar kuu soo qoray in maalintii hal xabo aad qaadato si ay calooshaadu u baxdo, ka waran hadii aad maalintii 10 xabo laqdo, isla kaniinigii dhakhtarka kuu soo qoray si caloosha fadhisa aad ugu daawayso ayaa kuu keeni kara shuban xad dhaaf ah oo xata aad naftaada ku wayn karto

Tusaalahaan waxaan usoo qaatay wax kasta oo faaido u leh jirka hadii ay ka bataan dhibkooda ayay la imaadaan.
Sidaa darteed labadii maalin ama sadexdii maalin mar ayaa lagula taliyaa in qofku marsado saliida timaha taas oo ah qiyaasta ugu fiican ee tintu ay uga faaiidaysan karto maadooyiinka ku jira saliida

5. Walwalka iyo murugta: Qofba qofka uu ka walwal badan yahay waa uu ka timo guran badan yahay sababruna wax kale ma ahan walwalka ama murugtu waxay yareeyaan awooda jirka oo dhan uu kusoo saari lahaa hormonada jirka oo dhan ka shaqeeya.
Marka qofka uu walwalo ama ay hayso murug waxaa yaraada wax soo saarka jirkiisa taas oo keenaysa in nafaqadii tinta ay heli jirtay aysan u helin sidii loogi talagalay.

Marka tintu ay wayso nafaqadii gudaha waxaa qasab ah in tintu ay dhimato ka dibna ay bilawdo in ay guranto micna badan ma keenayso xitaa hadii aad dhaqdo ama saliidayso sababtoo ah beerta hadii aan bahalada gudaha uga jira laga buufin micno badan ma keenayso in la waraabiyo sidaas si la mid ah hadii nafaqadii saxda ahayd uusan jirku soo saarin micni badan ma keenayso in saliiid la mariyo ama daawooyin kale la isticmaalo

6. Cuntada nafaqada leh: Shay kasta oo aad cunto jirka faaido ayuu u leeyahay anaga oo taas tixraacayna waa in aan is waydiinaa maxaan cuni karnaa si tinteenu uga joogsado guranka ama tinteenu u kobacdo.
Cuntooyinka ay feeradu ku jirto iyo proteinka waa cuntooyinka ugu badan ee kobciya ama koriya timaha sida ukunta, kaluunka, digaaga, timirta, caanaha, beerka lo'da, hilibka lo'da iyo khudaarta cagaaran sida ansalaaada

Dadka sida joogtada u isticmaala talooyinkaan ayaga oo aan ka caajisin waxaa la sheegaa in isbadal dhab ah ay arki karaan muddo 90 maalin ah gudahooda hadii aan si kale u dhigno 3 bil gudahooda

Qaladka ugu badan ee ay dadku sameeyaan ayaan ah in ay dagdagaan wax walbana ay jecel yihiin in si dhaqso ah lagu helo, is waydii tima guranku hal maalin ama 2 isbuuc kuma bilaaban waxa uu soo maray maraxalo kala duwan sidaas si la mid ah dawayntiisana waxay maraysaa marxalado kala duwan

Fadlan Uga Faaiidee Qof Kasta Oo Ay Anfacayso
Dr.Hami

Wxaa nasiib  daro ah in Kaalmadii covid-19 caalamku Soomaaliya  ugu deeqay dowladaha turkia iyo qdar kalmada ay ino keen...
03/06/2020

Wxaa nasiib daro ah in Kaalmadii covid-19 caalamku Soomaaliya ugu deeqay dowladaha turkia iyo qdar kalmada ay ino keenan wxaa lo iib geeyey suuqyda magaalda mogdisho auago daka shacab ka kaga baahan yiiin waxaa xaraashatay dad magca dowladda sheganaya wxaan so jedinayaa talao in uso jedinyaa madaxada qaranka iyo bahda caafimaaadka oo gu h**eeeyso wasaarda caafimadka iyo ururka dhaqaatiirta soomaliyees in ay ka hortagaan dhibatda dadaka ku lugleh ama gudiga la gu aamina howsha loxilsary aygoo ugu faa ideysanya danahoda qaaska iyo gancsatda o si musquqmaasuq lo ii begaya aygo ubaaahn isbitalada mogdisho iyo goblaada dalaka suuqa ayaa la geystey magaca dowdlada ayaa kedka loga so baxsaday
Somali Health Development Advocacy SOHADA.

01/06/2020

Address

Mogadisho

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252615776055

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Health Development Advocacy SOHDA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Somali Health Development Advocacy SOHDA:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram