المستشفي المصري بمقديشيو —إتحاد الأطباء العرب—Isbitaalka masaarida

  • Home
  • Somalia
  • Mogadisho
  • المستشفي المصري بمقديشيو —إتحاد الأطباء العرب—Isbitaalka masaarida

المستشفي المصري بمقديشيو —إتحاد الأطباء العرب—Isbitaalka masaarida Hospital in Somalia - Muqadisho �

18/10/2025

Lakulanka dhaqtarka caruurta waxaad ku arki kartaa si bilaash ah 20ilaa 30 bisha 10aad
Wac

Hospital in Somalia - Muqadisho �

17/10/2025

Lasocdka hooyo uurka leh waxeey badbaado utahay hooyada iyo dhalaankaba

Hambalyo!Maalinta Caalamiga ah ee Suuxdinta.Maanta waxaan sharfeynaa Kooxda Suuxdinta, geesiyaasha aamusan ee baabi’iya ...
16/10/2025

Hambalyo!

Maalinta Caalamiga ah ee Suuxdinta.

Maanta waxaan sharfeynaa Kooxda Suuxdinta, geesiyaasha aamusan ee baabi’iya xanuunka, keena raaxo iyo degganaansho, kana dhiga qalliin kasta mid ammaan ah.



15/10/2025

Dr. Ahmed Zaki oo leh 25 sano oo khibrad qurxinta jirka ah plastic and reconstructive surgery
waa dhaqtarka ugu h**eeya uguna qibrada badan qaliimada qurxinta jirka Dr Ahmed Zaki waxuu ku guuleystay in uu soo celiyo quruxda iyo muuqa bukaano badan asiga oo adeeg sanayo xirfadiisa iyo qalab casri ah oo aad ka heli karto isbitalka masarida.
Dr x waxuu sameeya dhamaan qaliimada qurxinta jirka iyo dib u hagaajinta maqarka iyo jirka sida
• Burn reconstruction – dib u dhiska maqaarka gubtay.
• Cleft lip and palate repair – qaliimada caruurta ku dhasha iyagoo faluuran
• Trauma reconstruction – qaliiamda dhaawac wajiga, sanka, ama gacmaha.
• Breast reconstruction – qaliimada haweenka kansarka naasaha laga saaray.
• Skin grafts & flaps – qaliimada maqaarka laga beddelo meel kale oo jirka ah.
• Hand surgery – qaliimada adimaha gacmaha.
• Scar revision – qaliimada qurxinta sida kuwa haaraha ay reebaan dhawacyada.
Quruxda iyo muuqa waa astaantaada la kulan dr ahmed Zaki khabiir aan lawada helin

Calaamadaha breast cancer (cancer-ka naasaha) waxay ku imaan karaan si tartiib ah ama degdeg ah, waxaana muhiim ah in la...
13/10/2025

Calaamadaha breast cancer (cancer-ka naasaha) waxay ku imaan karaan si tartiib ah ama degdeg ah, waxaana muhiim ah in la ogaado calaamadaha h**e. Calaamadaha ugu caansan waxaa ka mid ah:

🔹 Calaamadaha H**e:

Xanuun la’aan buro (lump) oo ka muuqata ama laga dareemo naaska ama kilkisha (underarm).

Isbeddel ku yimaada qaabka ama cabbirka naaska.

Maqaarka naaska oo adkaada ama noqda sida “orange peel” (maqaarka liinta oo kale).

Ibta (ni**le) oo gudaha u laabanta ama aan caadi u muuqan.

Dhiig ama dareere kale oo ka yimaada ibta.

Isbeddel midab ama cuncun joogto ah oo ka dhaca maqaarka naaska ama ibta.

🔹 Calaamadaha Horumaray:

Xanuun joogto ah oo naaska ama kilkisha laga dareemo.

Barar ku fida kilkisha ama qoorta (lymph nodes).

Daal badan, miisaan dhaca ama qandho aan sabab la’aan ahayn.

⚠️ Ogaal Muhiim ah:

Dhammaan burooyinka naaska maaha kansar, balse waa muhiim in dhakhtar lagu baaro.

Baaritaan joogto ah oo naaska ah (breast self-exam) hal mar bishii ayaa lagula talinayaa haweenka.

Haweenka ka weyn 40 sano waa in ay sameeyaan mammogram sanadkiiba hal mar haddii suurtogal ah.

12/10/2025

Soodhowow 𝐃𝐫. 𝐇𝐮𝐬𝐬𝐚𝐦 𝐀𝐤𝐫𝐚𝐦 𝐀𝐥.𝐦𝐮𝐫𝐢𝐛𝐞𝐞

Isbitaalka masaarida wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa, una soodhoweynayaa 𝑫𝒓.𝐇𝐮𝐬𝐬𝐚𝐦 𝐀𝐤𝐫𝐚𝐦 oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurada guud iyo wadnaha , lehna 15 sano oo khibrad 𝑫𝒓. 𝐇𝐮𝐬𝐬𝐚𝐦 𝐀𝐤𝐫𝐚𝐦 in uu kusoo biiro Isbitaalka masaarida waxay astaan u tahay ballanqaadkeenna ku aaddan bixinta 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐥𝐞𝐡, 𝐥𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨, Caafimaadkaada waa mudnaanteena





Hospital in Somalia - Muqadisho �

11/10/2025

In kamida bulshada marka ay galaan xaalad sida shilalka, xanuun ku yimaada xubnaha muhiimka ah, saxashada, dhaawacyada, dhiig bax degdega ma helaan gargaar ku haboon taasina waxay sababtaa dhimasho maadaama uusan qofku helin gargaarkii loogu tala galay ee degdega ahaa (Emergency) xaalad yar oo haddii qofku helo gargaar caafimaad uu ka bogsan karo ayaa laga yaabaa inay naf bax sababto.

Markasta oo ay naftu gasho xaalad caafimaad oo degdeg ah meesha ugu horaysa ee aan u baahanahay waa qaybta gargaarka degdegaa.

Isbitaalka Masaarida isaga oo ka duulaya in dhammaan xaaladaha degdegaa ay galaaftaan nafta qofka wuxuu Bulshadiisa u diyaariyey qaybta gargaarka degdegaa. Waxaana heegan kuugu ah dhaqaatiir aqoon u leh Emergency-ga iyo shaqaale u tababaran xaaladaha kadiska ah.
Goobtan ayaa ah mid si wanaagsan loo qalabeeyey waxaanad ka helaysaa dhamaan agabka lagula tacaalo xaalada adag.

Hadaba hadii aad dareentid ama ku dhacdid xaalad Emergency ah Degdeg u imoow Isbotalka masarida si aad daryeel iyo daawo u heshid.

11/10/2025

Mohamed Abiikar Abshir marak furka bukaanka
Haddii aad ka cabaneeyso xanuun nuucaan Ah nagu soo booqo Xarunteena

Welcome back
10/10/2025

Welcome back

10/10/2025

Xalkaada cunaha dhagaha iyo sanka waa isbitaalka masaarida fadlan hada soo booqo dhaqtarka inta eey xaaladaada dhawdahay

09/10/2025

Guurka ha hor in leeys baaro waa muhiim fadlan waxaad nagu soo booqan kartaa 24 xarunta المستشفي المصري بمقديشيو —إتحاد الأطباء العرب—Isbitaalka masaarida

08/10/2025

Bisharo iyo war farxad leh: Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda in uu dib ugu soo laabtay Isbitaalka Masaarida Dr. Khalid Albuhi, khabiir ku takhasusay cudurrada cunaha, sanka ,dhagaha, iyo qaliimadooda isla markaana leh waayo-aragnimo dhan 25 sano. Dhaqtarka ayaa imanaya 11-ka bishan, wuxuuna fulin doonaa qalliinnada xuubka dhagaha iyadoo la adeegsanayo qalabka casriga ah ee Endoscopic
Waxan mar kale kugu bishaareyneynaa numberka ama la kulanka dhaqtarka uu bilaash ama(Free) yahay laga bilaabo 11-ka ilaa 31-ka bishan.
Sidoo kale baaritaanada casriga ee cudurrada cunaha, sanka iyo dhagaha ayaa lagaaga dhigay qiimo dhimis 50% ah.
Sido kale Dhaqtarku waxa uu fulinayaa Qalliimada lagu saxo qaybta dhexe ee sanka, saarista burooyinka sanka, Daaweynta dillaaca dhegta,ka saarista qumanka,qalliinnada ,qalliimada hilbaha sanka, soo saarista walxaha ay carruurta ka gala dhagaha, sanka iyo cunaha, cabirka iyo kormeerka dhagaha ee casriga ah (Computerized Ear Measurement), daaweynta iyo xakameynta infekshinnada dhagaha, iyo daaweynta maqal-yarida iyo ciladaha la xiriira dhagaha, sanka iyo cunaha.
Haddaba, ha sugin inta caafimaadkaagu halis gaarayo, maanta ayaad haysataa fursad aad kula kulmi karto Dr. khalid albuhi, dhakhtar lagu kalsoon yahay oo leh aqoon iyo khibrad ballaaran.

Address

شارع ترابونكا/taraboonka
Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when المستشفي المصري بمقديشيو —إتحاد الأطباء العرب—Isbitaalka masaarida posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to المستشفي المصري بمقديشيو —إتحاد الأطباء العرب—Isbitaalka masaarida:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category