24/04/2018
ku soo dhowada pagekena
maanta waxaan ka hadli doona
CAFIMAADKA ILKAHA
Ilkuhu waa qayb muhiim ah oo kamid ah jirka aadanaha kuwaasoo qabta shaqo aan xubnaha kale ee jirku qaban Karin, ilkuhu waa xubnaha inoo sahla inaan wax cuno, waxay kaloo noo sahlaan inaan dhoola cadayno ama qosolno, sidoo kale ilkuhu waxay kaqay b qaataan quruxda qofka. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis u maleeyaan in ilkuhu yihiin wax aan noolayn balse waa xubno nool oo dareen leh.Marka aad fiirisid ilkahaaga waxa kuu muuqda waa wax lafo la moodo oo midab ahaan cadaan ah oo saaran ciridka korkiisa, qaybta ugu koraysa ilkaha ee kuu muuqata waxaa la dhahaa enamel waa qaybta qarinaysa unugyada iyo xididada kale ee kujira gudaha iliga, gudaha marka loosii galo ilig walba waxaa gudaha usii qodon dalool ay maraan xididada dareemayaasha. Ilig walba waxaa ku haya ciridka seedo iyo walax kale oo loo yaqaan cementum.Ilkuhu waxay qaabtaan shaqo muhiim ah oo ay ugu horayso jarjarida hilibka iyo waxyaalaha adag, burburinta cunada, iyo calaalinta. Calaalinta waa shaqada ugu horeeysa ee dheefshiidka cuntada, taasina waxay kuu cadaynaysaa in dheefshiidka cuntadu uusan ka bilaaban caloosha ee laga soo bilaabo ilkaha. Hadii marka koowaad aan ilkuhu soo calaalin cuntada waxaa dhib kugu noqonaya liqida cuntada.Kahor intaa cuntada la calaalin waxaa qanjirada ku yaala afka ay soo daayaan dheecaano ka qayb qaata dheefshiidka cuntada ee afka ka bilaabanaya.
& Share