14/06/2020
?..ka faaideyso talooyinkan
-----------------------------------------------------------------------------------
F.G. Mowduucani Dumarka kaliya gooni uma ahan, fadlan ragoow aqriya oo ugu faaideeya gabdhaha idin ladhashay, xaasaskiina iyo dhamaan gabdhaha Soomaliyed.
Mid iyo 2bo gabdhaha asxaabtaada ah ku xus halkaan
iyo
Xanuun laxeriiro waqtiga caadada wa mid kamid ah Dhibaatooyinka ugu badan ee Dumarka soo wajaha.
Xanuunkaani waxa uu noqon karaa 2bo Qeybood :
1. Nooca 1aad : Caado xanuun la bilaabatay gabadha Qaangaarkeeda (Caadada ugu Horeyso).
Gabdhuhu kala bar (50%) wa ay la xanuunsadaan Dhiiga caadada 4ta ilaa 5ta sano ee ugu h**eyso qaan gaarka kadib, haba ugu sii darnaadaano Gabdhaha caadada waqti h**e kubilaabataye (9-12jir). Noocaani sabab uma aha Jirro ay gabadhu qabto, kaliya waa wax laxeriiro is badalka Jirka. Gabdhuhu wa in ay is dajiyaan una qaadan wax halis ah. Noocaani waa kan ugu badan ee gabdhuhu isku arkaan waqtiga caadada, waxaana lagu qiyaasaa 4meelood 3meel (4/3) gabdhaha caadada ku xanuunsado iney qabaan Noocaani. Maado jirka laga helo oo sababeyso inuu muruqa ilmo-galeenka soo aruuro (si dhiiga caadada dibada looga soo saaro) ayaa loo aaneeya xanuunka waqtiga caadada la xeriiro. Isku soo aruuridda ilmo galeenka aya keenayo in dhiig iyo nafaqo ku filan gaadhi weyso ilmo galeenka, sidaasne xanuun ku yimado. Maadadaan aya sidoo kale sababta lalabo iyo shuban gabdhuhu isku arkaan waqtiga caadada. Marka gabadha ay cunug dhasho ama da’deedu sii weynaato wa uu baaba’aa Noocaani.
2. Nooca 2aad: Caado xanuun gadaal dambe ugu Bilaabato gabadha/Haweneyda
Noocaan 2baad waa xanuun laxeriira caadada oo aysan isku arki jirin Haweeneyda caadooyinkii horay ugu dhici jiray.Si kaduwan noocii h**e, kani waxa uu laxeriira markaste Xanuuno kale oo ay gabadhu ka qabto mid kamid ah xubnaha gudaha ee taranka sida: Xanuunada ilma galeenka, Xanuunada ugxaanta, Xanuunada Tubbooyinka, caabuqa (ama waxa ay haweenka Soomaliyeed intoodu badan u yaqaaniin infekshanka), burooyinka ilma galeenka iyo ugxaanta, walwalka IWM.
?
• Xanuun noociisu yahay majiir ama middi laguugu mudaayo ookale oo ay gabadhu ka dareento caloosha Qeyteeda xudunta ka hooseyso (Mindhicirada).
Gabdhuhu qaar dhabar xanuun iyo sino ama bowdo xanuun ayey isku arki karaan. Badanaa xanuunkaani waxa uu bilowdaa wax yar un kahor waqtiga caadada, halka mararka qaarne uu bilaaban karo maalin ama maalmo kahor caadada. Xanuunka si tartiib tartiib ah ayu ubaaba’aa mudo 1maalin ilaa 3maalmood gudahood. Xilliga dhiiga caadada socdo ayuu gaara xanuunka heerka ugu daran. Halka marka caadada go’dane baaba’o xanuunka. Gabdhaha qaar xanuunkoodu wa mid meel dhex dhexaad ah halka qaarkoodna aysan shaqo laqabsan Karin xanuunka darnaashihiisa awgeed. Gabdhaha gashaantiyada ah aya intooda badan xanuun awgiis ugu baaqdo/Habsaamo waxbarashadi, Howshii guriga ama Shaqadii ay qaban jirtray inta dhiiga caadada haayo Caado kaste.
• Calaamadaha kale ee lasocon karo mindhiciro xanuunka waxa ka mid ah:
Lalabo ama Dawaqmid
Wareer ama Madax xanuun
Daal ama Cajis badan.
Shuban ama Matag
Dul qaad la’aan iyo xanaaq xad dhaaf ah
.Calaamadaha aan kor kusoo xusnay waxaa lagu arkaa Nooca 1aad ee Xanuunka caadada. Nooca 2aad ee xanuunka caadada waxa la xeriiri karo calaamadaha ay leedahay jirradii sababtay xanuunka waqtiga caadada.
?
Walaasheydi Haddi aad sameyso waxyaabahaan soo socda waxaa gibi ahaanba kaa baabi’i ama kaa yaraan doono xanuunka caadada losocdo in sha allah:
• Isticmaal feerada jidhka ama Biyo lakululeeyay ku shubo cinjirka (Boorsakaalta-da) farmashyaasha lagu iibiyo, kadibna dul saasaar Xudunta ka hoose (Mindhicirrada) xili kaste oo aad fursad u hesho.
• Si tartiib ah ugu daliig faraha gacmahaaga inta ka hooseyso xudunta.
• Cab cabitaan diiran (Qaboowga kuuma fiicno)
• Cun cunto yar 2dii saacbo hal mar. kafogoow Dharagta waqtiga caadada.
• Cuntadaada ha u badnaato:
Raashiinka qolofta leh ee tamarta laga helo sida Qamadiga, Galleyda, iwm
Miraha noocyadooda kala gedisan
Qudaarta
• Kafogow cuntooyinka cusbada badan, kuwa sonkorta badan iyo kaffeeyga.
• Xiliga aad jiifto lugahaaga waa inad ka sara mariso jirka intiisa kale, sida in aad barkin dul saarto iwm. Ama seexo jilbahaaga oo kor u taagan.
• Farmashiga kasoo iibso kaniiniga (Ibuprofen 400mg), kahor maalinta aad sugeyso caadada sedexda waqti min hal kaniini ka cun cuntada kabacdi. Si joogta ah u qaado kaniinigaan maalmaha h**e ee caadada.
• Ku qobeyso/ku meydho Biyo diiran
• Kafogow saxaradaada oo adkaato, calooshaada jilci
• Socod iyo jimicsi joogta ah same (oo ay ku jiraan jimicsiga lafaha miskaha)
• Haddii aad qof cayiilan ama miisaan leh tahay, fadlan yaree miisaankaaga.
• Haddii daryeelka aan kor kusoo xusay wax kuu tari waayo fadlan dhaqtar la xeriir si’ uu daawooyin kale kuugu soo qoro.
• Haddii aad Qabto Nooca 2aad ee xanuunka caadada, waxyaabaha aan kor kusoo xusnay ma xalin doonan xanuunkaaga ee fadlan dhaqtar u tag si’ lagaaga daaweeyo xanuunka jira ee keenay caadada xanuunka la socdo.
ah?
Xanuunka caadada laxeriiro waxa uu u badanyahay Haweenka da’deedu 30 sano ka yartahay, sidoo kale waxa halis ugu jira:
• Gabdhaha miisaankoodu hooseeyo, gaar ahaan waqtiga qaangaarka
• Haweeney kasto oo sigaar cabto
• Gabar kaste oo caadadu ku bilaabatay, ayadoo 12sano gaarin.
• Gabar kaste oo waqtiga caadada heyneyso dheertahay (5-7malmood )
• Gabar kaste oo dhiigeeda caadadu badanyahay
• Haweeney kaste oo aan cunug dhalin
• Gabar kaste oo walwal, walbahaar iyo niyo jab haayo
-------------------------------------------------------------------------------
DHAMAAD
Waa ku mahadsantahay lasocodka qoraalada bogeyga.
Maalmaha nasoo aadan waxan soo dhigi doonaa qoraalo cusub fadlan lasoco.
Mahadsanid walal. JAZAKALLAHU KHEYRAN.
Sheeq shaam