Dilihow Polyclinic

Dilihow Polyclinic kusoo dhawaada barnaamijyo caafimaad iyo sidoo kale talooyin caafimaad oo si qoraaal ah aan idinku s

14/06/2023
Talk the doctor and get advice ur argument
16/07/2022

Talk the doctor and get advice ur argument

Ogaysiis ogaysiis macamiisha sharafta leh waxaan idin haynaa adeeg PHYSIOTHERAPY oo  adiga gurigaaga joogo laguugu shaqa...
19/02/2022

Ogaysiis ogaysiis macamiisha sharafta leh waxaan idin haynaa adeeg PHYSIOTHERAPY oo adiga gurigaaga joogo laguugu shaqaynaayo adeeg caadimaad oo dhamaystiran si hufsne laguugu qabanaayo kusoo dhawaawada gacmo furan iyo adeeg ku raali galiya

*Sidee lagu ogaadaa inaad qabto coronavirus?* 1. Cun-cun dhuunta ah 2. Dhuunta oo qalasho 3. Qufac qalalan 4. Heer kulka...
02/03/2021

*Sidee lagu ogaadaa inaad qabto coronavirus?*

1. Cun-cun dhuunta ah
2. Dhuunta oo qalasho
3. Qufac qalalan
4. Heer kulka oo aad u sarreeyo
5. Neefta oo yaraato
6. Urka oo tago

*Qalabka Caafimaad ee Covid oo looga baahanyahay guriga:*

1. Kaniiniga Paracetamol-ka ah
2. "Betadine" oo ah daawo afka lagu dhaqo laguna luq-luqdo

3. Vitamin C iyo Vitamin D3
5. Cuntooyinka laga helo Vitamin B complex

6. Capsule lagu ridayo biyo kulul kadibna la isku uumiyo muddo 10 daqiiqo ah si loo nadiifiyo neef mareenka

7. Qalabka lagu cabbiro oxygen-ta
8. Dhalada ay ku jirto oxygen-ta (waxa loo isticmaalaa xaaladda khatarta ah kaliya)

9. Jimicsi si aad u hesho oxygen

Saddexda marxaladood ee Covid:

1. Covid ku dhaco kaliya sanka - in laga bogsado waxay qaadataa maalin barkeed (isku uumi uumiga biyaha kulul), isticmaal Vitamin C, marxaladdaan markuu marayo qandho malaha, Waa calaamad la'aan.

2. Covid ku dhaco dhuunta - wuxu leeyahay dhuun xanuun, in laga bogsado waxay qaadataa 1 maalin (ku luq luqo biyo kulul, cab biyo kulul) haddii ay qandha jirto isticmaal paracetamol, Vitamin C iyo Vitamin B complex, Haddii ay xaaladda ka sii darto isticmaal qalajiyayaal (antibiotics).

3. Covid ku dhaco sambabada - wuxu leeyahay qufac iyo neefta oo qofka dhibto muddo 4 ilaa 5 maalmood ah. (isticmaal Vitamin C iyo Vitamin B complex, ku luq luqo biyo kulul, isticmaal qalabka lagu cabbiro oxygen-ta, paracetamol, hadii ay xaaladda kasii darto waxa loo baahanyahay dhalada ay oxygen-ta ku jirto in lagu xiro qofka, cab dareere badan, samee jimicsi si aad oxygen badan u qaadato.

Marxaladda ay tahay inaad ka ag dhawaato isbitaal:

La soco heer oxygen-taada, haddi ay oxygen-taada kasii yaraaneyso 92 (heerka laga rabo waa 98 - 100) markaas waxad u baahantahay in lagugu xiro oxygen. Haddii ay guriga kuu taalo dhalada oxygen-ta leh uma baahnid in isbitaal lagu seexiyo.

Daawooyinka aad qaadan karto marka aad isbitaal karaantiil ku tahay
1. Vitamin C-1000
2. Vitamin E (E)
3. Inta u dhaxeyso (10:00 ilaa 11:00 saac subaxnimo ) isu dhig ileyska qoraxda muddo 15 ilaa 20 daqiiqo ah
4. Cun cunto ukun leh hal jeer
5. Naso/seexo ugu yaraan 7-8 saacadood
6. Cab 1.5 liters biyo ah maalintii
7. Dhammaan cuntooyinka aad cuneysid waa inay ahaadaan kuleyl diirran (iska daa cunto qabow).

Warbixintan haku koobin kaliya naftaada.

  Badanaa fooshu waxay billaabataa inta u dhaxeysa usbuuca 37-aad illaa 42-aad.Markii foosha billaabato dhowr isbadal ay...
19/08/2020



Badanaa fooshu waxay billaabataa inta u dhaxeysa usbuuca 37-aad illaa 42-aad.
Markii foosha billaabato dhowr isbadal ayaa ku dhaco hooyada jirkeeda sida:
1- Afka-ilmogaleenka oo jilco soona gaabto
2- In dahaarka uurjiifka uu qarxo kadibna xab-biyoodka ay soo daataan.
3- In afka-ilmogaleenka uu weynaado uuna furmo
4- In minka uu giigsamo, uurjiifkane banaanka u soo saaro.

Foolis waxaa la oran karaa markii takhtarka ama umulisada ay si artifishal ah ay foosha u billaabaan.

Qiyaastii haweenka dunida ku dhala oo idil, 5-tii haweenba mid ayaa la fooliyaa sababtuna waxay noqon kartaa dhowr sabab oo kala ah:
1- In uu jiro xanuun halis noqon karo sida macaanka iyo dhiig-karka
2- In uurjiifka uu xanuunsanyahay ama cabursanyahay
3- In uurka uu dhaafay 41 isbuuc
4- In biyahii ay dillaaceen, minkina uusan weli giigsamin.

Hadduu takhtarku ku taliyo in la fooliyo haween waxaa looga hortagaa dhi ku yimaado mid ka mid ah nolosha hooyada ama cunugeeda.

Hooyo walba waxay xaq u leedahay in lala socodsiiyo xaaladeeda caafimaad meel kasta ay marayso si ay uga qeyb qaadato go'aanka uu takhtarka gaarayo sidaa darteed inta aan lagu foolin waa in taktarkaaga ama umulisadaada ay ku usharaxdo arrimahaan soo socdo:
1- Sababta fooliska loo sameeyo iyo faaidada laga helaayo
2- Halista ka dhalan karto haddii aan lagu foolin
3- Haddii ay jirto halis ka dhalan karto foolista laftirkeeda.
4- Qaabka laguu foolin doono iyo walxaha la isticmaali doono.

Inta aan la billaabin foolinta takhtarku ama umulisada waxay fiirnayaan afka-ilmogaleenkaaga inuu is badalay iyo heerka uu marayo taasoo lagu dhisi doono go'aanka ah in lagu fooliyo iyo in kale.
qaababka fooliska waxay noqon karaan kuwaan soo socdo mid ka mid ah:
1- In la isticmaalo daawo la yiraahdo "Prostaglandin" oo soo dadijiso foosha iyadoo isbadal ku samayso muuqaalka iyo ballaarinta afka-ilmogaleenka.

2- In afka-ilmogaleenka la ballaariyo lana jilciyo iyadoo la isticmaalayo buufin loogu talagalay (waxayna umulisooyinka qaarkood adeegsadaan farahooda iyagoo yiraahda waxaa adag laastikadeeda sidaa darteed waa la jilcinayaa)
3- Isticmaaladda daawada Oxytocin tanoo soomalida u taqaanno 'Kululeyso" waxayna siyaadisaa giigsamidda murqaha minka si cunugga ay u soo saaraan.
4- In biyaha yixda gacanta lagu dillaaciyo kadibna uu minka shaqo billaabo.

Foolista intaas waa la isla isticmaali karaa ama mid ka mid ah ayaa ku filan.

Waxaa muhiim ah in aad ogaatid, sababta foolista haddii aysan ahayn afarta aan kor ku soo xusay mid ka mid ah in hooyadu u baahan karto in lagu sameeyo qalliinka uurka.
Sida in hooyadu ay kafkeeda yaryahay oo cunugga ka soo bixin karin, in Cunugga uu weynyahay, In Cunugga uu dadbanyahay uuna si sahal ku soo bixi karin ama in ay jirto cillad kale aan ahayn foosha oo dheeraatay kaliya.

Foolista waxay qaadan kartaa waqti dheer marmarka qaar waxay gaartaa hal maalin.

Haddii lagu guul daraysto foolista, takhaatiirta waxay kugula talin doonaan in lagu qalo cunuggane lagaa soo saaro.

Soomaalida maadaama aysan aqoon u lahayn waxay foolistu ay tahay iyo qaabka loo sameeyo ayaa waxaa lag yaabaa in hooyada iska dhaadhiciso in ay tahay wax halis ah ama dhib u geysan karo cunuggeeda ama iyadaba.
Meesha haweenka soomaaliyeed badankood la fooliyo iyagoo aan ka warqabin, maxaa yeelay isticmaalidda kululeysada waa nooc ka mid ah fooliska, biyaha oo la dillaaciyo waa foolis iyadane, in afka-ilmo galeenka oo faraha lagu jilciyo iyadane waa foolis, in sumboostada daawada Prostaglandin la isticmaalo iyadane waa foolis kale.
Share garee page like saar
Mahadsanidii

Bismillah,Dhalmo la'aanta ay haweenku qaar isku arkaan markay dilmaan kadib.Inkastoo dilanku ama dhicintu aysan si toos ...
16/08/2020

Bismillah,

Dhalmo la'aanta ay haweenku qaar isku arkaan markay dilmaan kadib.

Inkastoo dilanku ama dhicintu aysan si toos ah u keenin madhalysnimo laakiin waxaa dhacda in haween badan ay dhali kari waayaan markay dilmaan, taasoo dhakhaatiirtu ay ku sheegaan arrimo kala duwan.

Hooyada oo uur qaadi wayso dilan / dhicin ama uur kadib, waxaa loo yaqaanaa 'Madhalaysnimada Labaad'.

Waxyaabaha ugu badan ee keeno arrintaan waxaa ka mid ah:

Khalkhalka hormoonka: markay haweentu uur qaaddo wuxuu jirkeedu soo deeyaa hormoon loo yaqaano "Estrogen" oo hadafkiisu yahay inuu uurjiifka kobciyo, ugxansidahane ka ilaaliyo inuu ugxan kale soo daayo inta ay hooyadu uurka leedahay, marka ay hooyadu dilanto, hormonkaas wuu sii kacsanaadaa iyadoo jirka u sii maleeyo inuu uur jiro, taasi waxay ka hortagtaa in hooyadu uur kale qaado, marka waa muhiim in hormoonkaas la baaro, hadduu kacsana yahayne la siiyo daawo loogu tala galay oo hormoonka saxdo, si hooyadu uur kale u qaado. tan waxaa la mid ah markay hooyadu cunuga ka saqiiro in naasku uu godlan waayo oo ay u baahato daawo joojiso hormoonka kacsan ee caanaha soo daayo. arrimahaan waxaa lagu arkaa kaliya haweenka qaar, waxaana tilmaan u ah in caadada la waayo dilanka ka dib.

Caabuqa / Infekshanka: Wuxuu ka mid yahay waxyaabaha keeno dilanka, haddii aysan hooyadu ku baraarugin waxay u badan tahay inaysan daawo raadsan dilanka ka dib, taasoo keeni karta in caabuq ku fogaado, dhaawacne gaarsiiyo ugxansidaha iyo tubooyinka.

Dilanka aan dhameestirmin: haddii qeyb ka mid ah dilankii uu hooyada ku haro wuxuu keeni karaa in dhaawac haaro leh uu minka gaaro taasoo ka hortagi karta in ugxantu ku nagaan waydo meeshii loogu talagalay, waxaa kaloo cilladaan lagu arkaa haweenka dhaawaca ka soo gaaro qalabka lagu xaaqo uurka halaabay ama dilanka aan dhameestirmin, waa muhiim in hooyo walba oo dilanto ay xaqiijiso in minkeedu nadiif yahay oo aysan waxba ku harin khaasatan markuu uurka 3 bil ka waynaa.

Cudurro Kale: Haddii ay hooyadu horay u qabtay xanuun dilan iyo madhalaysnimo keeni kara, kaasoo aan lagu baraarugin dilanka kadib waxaa suuragala ah inay uur qaadi wayso illaa laga ogaado waxa uu yahay, kadibne xal loo raadiyo hadduu daawo leeyahay.

Sidee loo xallin karaa madhalaysnimada labaad?
Haddii baaritaanno iyo wiisito kadib, la fahmi waayo sababta ka dambayso inay hooyada uur qaadi wayso ama daawooyinka lagu caawiyay ay wax ka tari wayso, waxaa lagu samayn karaa gacan-ku-rimin ama banaan-ku-rimin oo ah in shahwada ninkeeda iyo ugxanteeda lagu bacrimiyo banaanka, kadibne uurkii lagu beero minkeeda / raximkeeda.

Midda kale waa muhiim, haddii ay hooyadu ka cabanayso uur la'aan dilan kadib inay la xiriirto dhakhtar ku takhassusay cudurrada haweenka oo aysan u dhakhaatiir kale.
garee si ay ugu faaidaystaan dadka kle ee u baahan lifaaqaan

Maxa sababa shahwada oo so baxda ama soo daadata galmada kadib.Dumar badan  aya ka cabta shahwada raga o kaso baxda xubi...
22/06/2020

Maxa sababa shahwada oo so baxda ama soo daadata galmada kadib.

Dumar badan aya ka cabta shahwada raga o kaso baxda xubinta dumarka galmada kadib
Wana kuwa raba in ay uur yeshan ayago u hesta ama aminsan in biyahan noqonaya keenan dhalmo la aan.

wa xaalad cadi ah dhaman dumarka badankod ay arkan, biyaha sobaxaya makenan dhalmo la an,wa wax caadi ah, gaar ahaan dumarka oo dhan.
Ninku wuxu sii daaya halkii mar 15 -200 (Million) oo shahwo ah waxa lobahanyhyna wa 1 marki halkas laga qaato inta kle waxa lagayaba in so noqdan in kasta biyahan baxaya ay xitaa in badan ay hoos u dhigi karto fursada raaxada lamanaha iyo in ugxanti is qabsato.
Mar mar aya lagu saleeyo in dhab ahaantii uuraysto ilmo caafimaad qaba, haweeney ayaa u baahan doonta unug shahwadeed oo caafimaad qaba iyo midabka ugu wanaagsan tas o lolajedo biyaha so baxay in ay yihin kuwo an lobahnen leskana so saray.

qabdhismed keda wa 3 qayb.

1. Madaxa (fusion with the o**m)
2. Jirka (provides energy)
3. Seynta ama dubka (for movement)

Siloxaqijiyo bacriminta 2 ugaxaan wa in ay lahaata shahwada 3 qayb hadi kle waxay noqoneysa mid sababta dhamo la an o kaimatada xaga raga.

Dhanka dumarka ayaga qayb wayn ay kaqatan in ay biyaha so baxan galmada kadib
Dumarka qaba infection (PID) bacteriyada staphylococus iyo STI cudurada galamda ku fafa waxay so deysaa ani sperma antibodies marki biyi raga galan makaanka antibiodigan aya werara madaxa shahwada taso noqota mid dacifta ama socon wayso kadibna gariwayso ugxanta dumarka taso iska so noqoto so dadata qaybna kaqadata dhalmo la aan.

sababa shahwada so baxdo galmada kadib.
Dadka horay udhalay e ilmaha waysan iyo kuwa hada kucusubtahay ee arintan haysato marki laga tago miyaha sobaxaya waxa jirikaro waxyabo kle o sabab wa in ay lasocdan lamanaha siay uyareyaa wax yabahas.

1. Bacterial Infection. Gabdha qabta bacteria kuwa so shegnay kudhaca xubinta taranka waxay burbirin karta shahwada tas aya keni karta in shahwadi dadato.

2. Dietary Choice: gabdha leh dhecan adag ee minka afkisa wa gabdhaha cuna cunada ay kubadan tahay sokorto. Cuntada sokortalehe waxay kordhisa PH levelka xubinta taranka gabdha waxayna adkaysa qoyanka imanaya e kaimanaya gabdha halka shahwada aysan kunolan karin marku cervixka sas noqdo o ay rabto alkaline environment halka vaginaha noqonaya high PH, waxa imanayo halkas in shahwadi sobaxdo.

3. Gabadha makaankeda u san normal ahen (Retroverted Womb)

4. Tayada shahwada ninka (Qualityod sperma)

Marku bukanka kacabanayo shahwada o yar waxay keni karta shahwada qabkeda o isbadala (morphology,motility) taso ayada keni karta in biya so baxan madama tayo laheen.

.B waxa ugu wayn dhalmo la anta usabab dadkena wa calcuim la an .
calcuim wa ubahan shahwada siay ugu dabalato o ay ugarto ugxanta wuxu qayb kaqata socodka shahwada rag iyo dumarba wa ubahanyihin.

(Recommended)calcium in la qato kaso qayb wayn kaqato taranka (95%),

Zinc wuxu badiyaa shahwada tiradeda Cordyceps sinesis kaso mabadina difaca shawada siay ula dirirto waxkasta o aysan rabin e kuimada.

Side loga hortaga biyaha so dadanaya galmada kadib

1. (Qabka galmada (Ideal S*x Position)
Gabdha makankeda yahay (retroverted uterus ) makanka ujanjeda dhanka dobada meshu ujanjeri laha dhanka calosha, gabdha nucana waxay usameyn karaan (rear or doggy class position) kaso ka cawinaya in ay si sahlan uur uyelato.

2. Having Or**sm

3. Waqtiga ugu wanagsan wa 10 12 14,gabdha Wa in galmada kadib dhabar dhabar usexata lugaja barkin gashata musqulna waxay adi karta 20 daqiqo kadib.

4. Raga ( Male factor) raga qaar ayaa ayaga sifican ugaarsin biyaha makaanka ee kaliya biyaha garsiya afkan h**e taas o keeni karta in biya ay so noqdaan o u yarado chaniska uur qadista.

 ?Walwal_makugu_haysaa_caadada_oo_xiligeeda_ka_dib_dhacday_ama_kaasoo_daahday_adigoo_huba_inaadan_uur_lahayn?Caadada oo ...
12/06/2020

?

Walwal_makugu_haysaa_caadada_oo_xiligeeda_ka_dib_dhacday_ama_kaasoo_daahday_adigoo_huba_inaadan_uur_lahayn?

Caadada oo soo daahda ama aan imaan xiligeeda ayaa leh sababa badan oo aan ku ekeen uur.
Waxyaabaha sababi kara waxaa ka mid ah hormoonada jirka oo aan isku dheeli tirneen, iyo xaaladooyin caafimaad.
Waxaa jira laba xili oo kaliya oo ay caadi tahay in caadada ay imaan weydo si joogta ah.
Xiliga ugu h**eeya marka gabadha ay qaan gaarto iyo xiliga ay dhalma joojin gaarto.

Dumarka caadiyan waxay helaan caadada inta udhexeysa 10 ilaa 15 sano.
Labada sano ee ugu h**eysa oo ay caadadu timaado, inta badan caadada ma timaado si joogta ah, sababtoo ah dheecaanada jirka ayaa sameeya la qabsi, waxaana dhici kara in caadada ay soo daahdo amaba aysan imaan.

Dhalma joojinta waxay bilaabataa da’da udhexeysa 45 ilaa 55 sano, jirku wuxuu galaa kala guur, taasna waxay sababi kartaa iney saameyso caadada oo ay jahwareeriso.

Haweenka intooda ugu badan sida caadiga ah caadada waxay u timaadaa 28 maalmood oo kasta, marka ay qaangaaraan ilaa iyo inta ay dhalmada joojiyaan. Hasa yeeshee wareega caadada wuxuu u dhaxayn karaa 21 ilaa 35 maalmood.
Waxyaabaha faragelinta ku sameyn kara habsami usocodka ama umaanshiyaha caadada waxaa ka mid ah
Wal bahaarka iyo Wal walka
Walbahaarku wuxuu isku qasi karaa hormoonada jirka, wuxuu badali karaa waxa maalin kasta joogtada kuu ah, wuxuu kaloo saameyn karaa qeybta maskaxda ee maamusha wareega caadada.
wal walku haduu bato wuxuu sababi karaa jiro, cayil lama filaan ah, ama misaanka oo u dhuma si lama filaan ah, qadobadaan oo dhana waxay saameyn karaa wareega caadada.

Cayilka
Cayilka jirka wuxuu faragelin ku sameyn karaa isku dheeli tirnaanta hormoonadaada, waxaana muhiim ah inaad si joogta ula dagaalan tid cayilka, adigoo isticmaalayah talada dhakhaatiirta oo ay ka mid tahay cunto isku dheeli tiran iyo jimicsiga.

Dawooyinka ka hortaga uurka.
Waxaa is bedel ku dhacaa hormoonada hadii aad bilaawdid isticmaalida dawooyinka ka hortaga uurka, amaba aad joojisid isticmaalkooda, hadii aad horay u isticmaali jirtay.

Dawooyinka ka hortaga uurka waxay ka sameysan yihiin hormoonada Estrojiin iyo brojesteron oo ah hormoona ka hortada in ugxan siduhu soo saaro ukun, mararka qaar waxay qaadataa ilaa iyo lix bil in ay caadadu ku timaado xili joogta u ah.

Cudurada raaga
Cudurada raaga sida sonkoroowga waxay saameyn karaan wareega caadada.
Is bedel ku dhaca sonkorta ku jirta dhiiga ayaa xiriir la sameysa hormonada, oo waxay u horseedaa faragelinta hanaanka hormonada jirka.

Dhalma joojin so deg degta
Inta badan dumarka waxay dhalma joojin sameeyaan marka ay da’dooda u dhexeyso 45 ilaa 55 sano.
Dumarka ay ka soo baxaan calaamada dhalma joojinta ayagoo ka yar 40 sano, waxaa loo qaataa iney dhalma joojintooda ka soo hormartay xiligooda.

Tani waxay ka dhigan tahay iney hoos udhac weyn ku timid sahayda ukumaha ku jira ugxan sidaha, arintaan waxay horseedeysaa in aysan caadada waqtigeeda imaan amaba aysan mardambe dib uhelin wax caado ah.

fadlan booqo dhaqtar si aad u heshid baaris iyo daweyn caaafimad

Dumarka uurka leh waxay isku  argaan dhiig bax ama dhiig tartib u socda,dhigaasi inta badan wuxuu  bilowdaa isbuuca 20na...
21/02/2020

Dumarka uurka leh waxay isku argaan dhiig bax ama dhiig tartib u socda,dhigaasi inta badan wuxuu bilowdaa isbuuca 20naad waa hadii ay cilad jidho.

Xiligaas aan sheegayo hadii aad isku argtid dhiigaas waxaa afka qalaad lagu yidhadaa Antepartum hemorrhage oo ah dhiig bilowday inta u uurka jiro ilaa inta aad ka dhaleysid marna waa tagaa oo waa la wayaa marna si joogto ah ayaad isku argi kartaa dhiig Sidoo kale dhalmada kadib asgna dhiig bax ayaa yimada waxaana la yiradhaa postpartum hemorrhage.

Dhiig baxa maxaa keena ?

Waxaa keena oo ugu muhiimsan waa mandheerta sida aad ku aragtaan sawirka qeybta bidix waa caadi,qeybta midig waxaad u jedaan mandheerta oo hoos u soo dagtay oo timid afka minka waxaana loo kala qeybiyaa mid xirtay afka oo dhan midna qeyb ayey xirtaa minka, mandheerta waxaa la rabay in ay sarnaato qeybta kore.

Sidoo kale dhiig baxa waxaa lagu argay dumarka ka weyn 35 sano iyo dadka ilmaha lagu soo qalay,mandheerta oo weynata, matanaha, minka oo cilad ku timada iyo waxyabo kale ayaa keeni kara.

Qabkee loo baraa ?

Markii aad dhakhtar u tagtid oo aad u shegtid in u dhiig ka socdo wuxuu ku dirayaa baaritaano sida dhiig qaadis si loo hubiyo in u jiro infection, iyo dhiig yari.
-cumpter (ultrasound) si u argo gudha minka
-speculum examination
-dhaqtarka wuxuu kaloo dhageysanayaa ilmaha wadnihisa

Talo
-jooji jimcisi hadii aad jimcisi sameysid
-seexo ugu yaran 8- ilaa 10 sac
-ka naso shaqada guriga
-iska ilaali culeyska iyo istaaga badan
-iska yaree stresska iyo waxyabaha kicin karo
-cun cuntooyin nafaqo leh
-Qaado kaniinyada hadii aad qabtid wadnaha xanuun,sonkorow iyo thyrodism.
-la xariir dhaqtarkaaaga si joogta ah
GAREE WLL
garee page ka

Address

Deg. Deyniile
Mogadisho
333

Telephone

+252615524508

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dilihow Polyclinic posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dilihow Polyclinic:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category