04/01/2026
Allaha u naxariisto ustaad Ibrahim janatul firdoowso Allaha geeyo Dhamaanteena samir iyo iiman allaha naga siiyo
Runtii waxaa uu ahaa macalin aad u wanagsan oo ardayda schoolka u dhimriyaa
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون
Dhammaan maamulka, macalimiinta, ardayda iyo shaqaalaha Dugsiga Maxamuud Xarbi waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh udirayaan qoyska, qaraabada, iyo bahda waxbarashada uu kabaxay Alle ha unaxristee Marxuum ustaad Ibrahim Sheekh Abuubakar oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.
Ustaad Ibraahim ayaa ahaa madaxa kormeerka Digsiyada Direct Aid xafiiska Muqdisho, Waxaan Eebbe uga baryaynaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii iyo dhammaan intii ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.