Dr.Sowdo Feisal Ahmed

Dr.Sowdo Feisal Ahmed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr.Sowdo Feisal Ahmed, Doctor, Mogadishu.

Tips to help you stay healthy during Ramadan.World Health Organization (WHO)
14/03/2024

Tips to help you stay healthy during Ramadan.

World Health Organization (WHO)

Siyaabaha aan ugu hortagi karno ama aan ku yareyn karno iska caabinta il-ma aragtada ee dawooyinka.1) Waa in aan ognahay...
22/11/2023

Siyaabaha aan ugu hortagi karno ama aan ku yareyn karno iska caabinta il-ma aragtada ee dawooyinka.

1) Waa in aan ognahay sawabta aan bukaanka ugu qoreyno daawada

2) In aan ka joojino isticmaalka daawooyinka, hadii aan u aragno in uusan bukaanka u baahneyn

3) In aan go'aamino dawada saxda ah, bukaanka saxan ee loogu talagalay, qiyaasta dawada, waqtiga uu qaadan lahaa iyo mesha uu ka qaadan lahaa bukaanka

4) Bukaanka iyo bulshada waa in aan u sheegnaa waxyaabahan:

- In aysan isticmaalin daawo aan dhaqtar u qorin

- Daawada sida dhaqtarka ugu so qoray in ay u qaataan

- Hadii uu hargab ku dhoco in aysan antibiotic qaadan

- In ay ka hortagaan caabuqa ayagoo ku dadaalaayo farxalka iyo guud ahaan nadaafada ama in ay iska talaalaan cudurada talaalka loogu hortago.

Dhamaad.

Caqabadaha ugu waaweyn ee ka dhalan kara iska caabinta il-ma aragtada ee daawooyinka ka sameysato waxaa ka mid ah in bul...
20/11/2023

Caqabadaha ugu waaweyn ee ka dhalan kara iska caabinta il-ma aragtada ee daawooyinka ka sameysato waxaa ka mid ah in bulshada dhexdeeda uu si baahsan ugu faafo caabuqa ay keenaan nooleyaashan.

Saameynta ay bukaanka ku leedahay:

1) Caabuqa in uu kusoo laalaabto

2) Bogsashada/Reysashada oo waqti aad u dheer qaadata

3) Daaweynta oo lagu guuleysan waayo

4) Bukaanka wuxuu qatar ugu jiraa in uu u dhinto xanuunka ama uu kaga tago xaalad kale oo caafimaad

5) Daaweynta xanuunka waxaa bukaanka ugu baxaya qarash fara badan maadaama daawooyinka intooda badan uu noolaha la qabsaday.

Lasoco qeybta 3aad

Wacyi galin ku saabsan isticmaalka daawooyinka lagula dagaalamo il-ma aragtada( Anti-microbials).Dawooyinkaan oo si qald...
18/11/2023

Wacyi galin ku saabsan isticmaalka daawooyinka lagula dagaalamo il-ma aragtada( Anti-microbials).

Dawooyinkaan oo si qaldan loo isticmaalo ama ayada oo aan jirka u baahneyn oo la qaato waxaa ka dhasha iska caabin ka dhan ah daawada oo ay sameyneyso il-ma argtada cudurka sababay, sidoo kale waxaa la xariiro qatar caafimaad oo ay bukaanka u leedahay.

Asbaabaha keena in la xakameyn waayo isticmaalka daawooyinkan, waxa ay ka timaadaa 2 dhinac:
Xaga dhaqtarka/dawo qoraha iyo dhinca bukaanka:

1) Qaar ka mid ah bukaanada waxa ay aaminsanyihiin in dawooyinkan qaadshadooda aysan kala kulmeynin dhibaato weyn, sidaas darteed uma arkaan in ay u baahantahay ka fiirsasho iyo la tashi.

2) Qofka daawada qoraayo oo raba in uu qanciyo sidoo kale dhameystiro filashada bukaanka.

3) Shaqaalaha caafimaadka ee daawada qoraayo oo aan waqti badan u heyn falanqeynta xogaha u danbeeyay ee qaadshada daawooyinka.

Lasoco qeybta 2aad

Cudurka Macaanka/Sokoroowga waa cudur uu la noolaanaayo qofka, wuxuuna sabab u yahay dhibaatooyin badan oo bukaanka laso...
14/11/2023

Cudurka Macaanka/Sokoroowga waa cudur uu la noolaanaayo qofka, wuxuuna sabab u yahay dhibaatooyin badan oo bukaanka lasoo gudboonaada kuwaas oo xumeyn doono tayada nolosha.

Caqabadaha uu cudurkan leeyahay waxaa ka mid ah; araga in uu yareeyo taas oo ugu danbeyn bukaanka ka dhigi karta in uu araga beelo, kaliyaha in ay shaqadooda gabaan , faali ama stroke ayuu sababaa, iyo in bukaanka laga jaro adimada oo ay ugu badantahay lugta.

Cudurkan wuxuu ka koobanyahy 2 nuuc: Nooca 1aad oo aan laga hortagi karin, iyo nuuc 2aad oo laga hortagi karo.

Nooca 2aad ee macaanka waxaa loogu hortagi karaa in la sameeyo waxyaabahan soo socda:

• Cunto isku dheeli tiran oo caafimaad leh in la qaato.

• Culeyska jirka in lagu haayo cabirka loogu talagalay.

• Jimicsi joogto ah iyo jirka oo laga shaqeysiiyo.

• In laga fogaado balwada xun oo ay ka mid yihiin isticmaalka tubaakada iyo cabida sigaarka.

Bukaanada sokorta qaba waxaa lagula talinayaa in ay la socdaan xaaldooda caafimaad oo ay sameeyaan baaritaano joogto ah oo ay ku ogaanayaan badqabka xubnaha jirkooda.

Daryeelka ay helaan bukaanada la nool sokorowga waxa ay sare u qaadeysaa yareynta dhibaatooyinka ka dhasha cudurka.

Bukaanka oo la suuxiyo waa hab loogu hortago xanuun ay dareemi lahaayeen bukaanada kolka ay marayaan qaliimada nuucyadoo...
16/10/2023

Bukaanka oo la suuxiyo waa hab loogu hortago xanuun ay dareemi lahaayeen bukaanada kolka ay marayaan qaliimada nuucyadooda kala duwan.

Bukaanada burooyinka ay kasoo bexeen ama cancer-ka qaba si loo daweeyo waxa ay u baahanyihiin suuxdin, taasoo saamexeysa in la saaro xubinta ama cadkaa xanuunsanaya ayadoo bukaanka uusan la dhibaatoon wax xanuun ah.

Badqabkaa dhimirka waa xuquuq caalami ah ee uu aadane kasta leeyahay.Xaaladaha ugu caansan ee caafimaadka dhimirka sida ...
10/10/2023

Badqabkaa dhimirka waa xuquuq caalami ah ee uu aadane kasta leeyahay.

Xaaladaha ugu caansan ee caafimaadka dhimirka sida niyad jabka iyo walwalka waxaa lagu xalin karaa in la isticmaalo dawooyin.

Si joogta ah oo loola socdo bukaanada qaba cudurada dhimirka ee daran waxay ka hortageysaa tayada nolosha in ay xumaato iyo dhimasho deg deg ah.

Ciid mubaarakFarxad iyo caafimaad ku ciida.
20/04/2023

Ciid mubaarak

Farxad iyo caafimaad ku ciida.

Waqtiyada ugu wanaagsan ee biyaha la cabo jirkane faa'ido u ah: • Aroortii markaad hurdada kasoo toosto.• Cuntada ka hor...
16/02/2023

Waqtiyada ugu wanaagsan ee biyaha la cabo jirkane faa'ido u ah:

• Aroortii markaad hurdada kasoo toosto.
• Cuntada ka hor
• Ka hor jimicsiga iyo kadibba.
• Xilliyada aad xanuunsantahay ama aad madax xanuun dareemeyso.
• Inta aanad seexan kahor.

Qormadan waxaan kugula wadaagi doono qiimeynta cabirka xanuunka ayadoo lagu saleynaaayo nambaro. # 0: Wax xanuun ah ma j...
28/09/2022

Qormadan waxaan kugula wadaagi doono qiimeynta cabirka xanuunka ayadoo lagu saleynaaayo nambaro.

# 0: Wax xanuun ah ma jiro

# 1-3: Xanuun yar ayuu dareemayaa bukaanka, balse howlihiisa caadiga ah wax saameyn ah kuma yeelanaayo xanuunkaas.

# 4-6: Waxaa jiro xanuun dhex dhexaad ah, saameynna ku leh shaqooyinka uu qabsan lahaa bukaanka.

# 7-10: Xanuun daran ayaa qofka haya, awood uma lahan in uu wax qabto.

Xumadu waxa ay leedahay dhowr nuuc, wax ka ogow waxa ay ku kala duwanyihiin:□ Kulka jirka waxa uu ka badanyahay xaddiga ...
21/09/2022

Xumadu waxa ay leedahay dhowr nuuc, wax ka ogow waxa ay ku kala duwanyihiin:

□ Kulka jirka waxa uu ka badanyahay xaddiga caadiga ah, maalintii oo dhan isbadalka heerkulbeega k**a badnaanayo 1 C°, noocan waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa Continous fever.

□ Waa mar uu kulka jirka sare u kacayo xilliyo qaar kadibna uu sida la rabay kusoo laabanayo, markaana xumada waxaa la yiraahdaa Intermittent.

□ Nuuca kale waa mid maalinta oo dhan heerkulka uu sareeyo balse la arkayo in uu in yar oo 1 C° la eg uu hoos u dhacayo, waxaa loo garan ogyahay Remittent fever.

wadaag asxptaada

Jadeeco( Measles), waa mid ka mid ah cudurada faafa, ma lahan daawo gaar ah oo lagu daweyo,  balse waxaa jiraan talaaboo...
11/09/2022

Jadeeco( Measles), waa mid ka mid ah cudurada faafa, ma lahan daawo gaar ah oo lagu daweyo, balse waxaa jiraan talaabooyin oo aad ku caawin karto ama aad kaga bogsiin karto calaamadaha uu la yimid bukaanka, sidoo kale kaga hortagi karto dhibaatoyin caafimaad ee uu caabuqa keeni karo.

Xanaanada uu kaaga baahanyahay waxaa ka mid ah; Xumada in aad ka bi'iso, bukaaandan difaaca jirkooda hoos ayuu u dhacayaa hadii aad ku aragto calaamado kuu sheegaayo caabuq ay bacteria sabatay Antibiotic ku haboon sii, ka hortag dhibaatoyinka ay jadeecada ku sababi karto indhaha adigoo siinaaya Vitamin A, sidoo kale waa in aad ka hortagtaa in bukaanka ay nafaqo daro so wajahdo adigoo u dheeli tiraayo baahida jirka una maareynaayo hadba sida ku haboon.

Talooyin caafimaad ku wajahan bukaanada la nool dhiig karka• Guud ahaan caafimaadka bani'aadamka waxaa sare u qaada isku...
18/05/2022

Talooyin caafimaad ku wajahan bukaanada la nool dhiig karka

• Guud ahaan caafimaadka bani'aadamka waxaa sare u qaada isku dheeli tirka cuntada, dadka dhiig karka qabo gaar ahaan waxaa aad lagula taliyaa in ay cunaan raashiin isku dheeli tiran, oo aysan cusbada ku badneen.

• Hadii sigaar cabida ama Kafeeyga uu balwad u yahay in uu iska jooji.

• In uu iska yareeya walwalka iyo walbahaarka uu ka qabo amuuraha uusan waxba ka badali karin.

• Jimicsi in uu si joogto u sameeyo, sidoo kale in uu miisaankiisa dhimo hadii uu culeyskiisa ka badanyahay cabirka laga rabo qofka caafimaadka qaba ee da'diisa jira.

• Cabirka cadaadiska dhiiga in uu la socda marwaliba, dhaqtarkiisane la socodsiiyo wax walba oo kuso siyaado.

Ciid wanaagsanتقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال
01/05/2022

Ciid wanaagsan
تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال

Sidee baad ula tacaali kartaa calool fadhiga:In aad cunto raashiin ay fiber ku badantahay, sida miraha, qudaarta iyo bad...
12/04/2022

Sidee baad ula tacaali kartaa calool fadhiga:

In aad cunto raashiin ay fiber ku badantahay, sida miraha, qudaarta iyo badarka qolofta leh.

Cabida biyaha, in aad cabto biyo kugu filan oo ah xaddiga uu jirkaaga maalintii u baahanyahay , waxaa la sheegaa ilaa 8 koob maalintii.

In aad si joogto jimicsi u sameyso, oo waqtigaaga intiisa badan aadan ahaan qof aan dhaqaaqeyn oo iska fadhiya.

Qormadan kooban waxaan kugula wadaagi doonaa talooyin ku saabsan sida deg dega ah ee aad isga bi'in karto laabjeex:• Hor...
03/04/2022

Qormadan kooban waxaan kugula wadaagi doonaa talooyin ku saabsan sida deg dega ah ee aad isga bi'in karto laabjeex:

• Horay ha ka seexan isla markaas aad raashiin cunto.
• Barkinta aad isticmaaleyso ka dhigo mid xoogaa sare u kacsan.
• Dhar kugu dhagan ama suun hadii aad xirantahay iska dabci.
• Cab biyo caadi ah ama caano.
• Iska jooji hadii aad qaadaneysay daawooyinka NSAIDS-ka.
• Intaa hadii aad wax isaga fahmi weydo, isticmaal Antiacids.

wadaag asxaabtaada.

RAMADAN KARIIM
02/04/2022

RAMADAN KARIIM

Qaar ka mid ah bukaanada la nool cudurka macaanka oo in mudo ah isticmaalayey daawada Insulin waxaa lagu arkaa isbadal k...
01/03/2022

Qaar ka mid ah bukaanada la nool cudurka macaanka oo in mudo ah isticmaalayey daawada Insulin waxaa lagu arkaa isbadal ku yimaada mesha ay cirbada iska mudayeen, xaaladaas waxaa afka qalaad lagu yidhaahdaa , oo noqon karta 2 mikood; in cadiinta/ xeerta ay ka baaba'da ama mel diisan ay noqoto mesha daawada laga qaadanaayey iyo in ay mesha sare uso kacdo oo dufanta ay badato.

Saameynta ay ku ledahay bilicda jirka marka laga soo tago, xaaladan waxey wax ka badashaa insulin-ta jirka laga nuugi lahaa, bukaanka wuxuu isku arkayaa in sokorta ay ka dheceyso in badan.

Si looga hortago waxaa haboon in la bad-bedelo mesha laga qaadanayo oo marba mel laga duro, sido kale aagada midiiba mar kali ah la isticmaalo.

sii dheh si ay uga faa'ideystaan asxptaada.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Sowdo Feisal Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Sowdo Feisal Ahmed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category