Home of Health Services

Home of Health Services Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Home of Health Services, Medical and health, k. P. P, Mogadishu.

30/12/2025

Muqaalka habeenkii udanbeyay seminarka first aid and emergency care for cabin crew.

Home of Health Services

Waxaa si guul leh u qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Crew” ka...
29/12/2025

Waxaa si guul leh u qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Crew” kaas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Home of Health Services, SIMAD university health students association iyo Civil aviation students association.

Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee la xiriira daryeelka degdegga ah iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee dhulka iyo hawada.

Seminarka ayaa socday muddo sedex maalmood ah, waxaana lagu bixiyay casharro iyo tababaro xirfadeed oo wax ku ool ah. Ka qaybgalayaasha ayaa helay shahaadooyin rasmi ah, taas oo muujinaysa dhammaystirka tababarka iyo ka faa’iideysiga aqoonta la bixiyay inta uu socday barnaamijku.

Waxaa si rasmi ah barnaamijka usoo xiray Guddoomiyaha Home of Health service ahna Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi., Mudane Omar Abdullahi Abdi, kaas oo khudbad dhiirrigelin, mahadnaq iyo bogaadin ah u jeediyay qabanqaabiyeyaasha, tababarayaasha, iyo dhammaan ka qaybgalayaasha. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in ardayda iyo dhalinyaradu helaan tababaro noocan oo kale ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya badbaadada bulshada.

Wbtfq👏👏👏

28/12/2025

Madaxweynaha Dooran ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.ahna gudoomiyaha ururka caafimaadka Home of Health Services mudane Omar Abdullahi Abdi ayaa qeyb ka ahaa seminar ciwaankiisu ahaa first aid and emergency care for cabin crew oo socday mudo 3 maalmood ah kaas oo ay soo wada agaasimeen home of health services,SIMAD university health students association iyo civil aviation students association.

Madaxweynaha ayaa ka jeediyay qodbad uu kula dar daarmayo kuna dhiirigalinayo kasoo qeybgalayaashii seminarkan sidookale wuxuu umahadceliyay qaban qaabiyaashii iyo tababarayaashii seminarkan.

Ugudambeyntii madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay uleedahay xirfadan guud ahaan bulshadeena.👏

Gudoomiyaha ururka caafimaadka eeHome of Health Services ahna madaxeynaha dooran ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD ...
27/12/2025

Gudoomiyaha ururka caafimaadka ee
Home of Health Services ahna madaxeynaha dooran ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Mudane Omar Abdullahi Abdi ayaa galabta soo xiri doono seminarki muhiimka ahaa ee noosoo socday mudadii 2 maalin eheed ee first aid and emergency care for cabin crew oo ay soo wada agaasimeen home of health services, SUHSA iyo CASA.

Maalintii 2aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin practical dhameystiran sidook...
26/12/2025

Maalintii 2aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin practical dhameystiran sidookale wax badan oo muhiim ahna lagu baray ardayddii kasoo qeybgashay.

Waxaan umahadcelineynaa dhaqaatiirtii sharafta badneed ee sida quruxda badan noogu soo jediyay sidookale waxaan umahadcelinaynaa cidwalbo nagala shaqeysay sidii uu noogu qabsoomi lahaa barnaamijkan quruxda badan.

Home of Health Services hiilka bulshada goob walba iyo goor walba👏👏👏

25/12/2025

Home of Health Services Simad University Health Students Association SUHSA👏👏👏

Maalintii 1aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin theory sidookale wax badan oo...
24/12/2025

Maalintii 1aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin theory sidookale wax badan oo muhiim ahna lagu baray ardayddii kasoo qeybgashay practicalka wixii aan baranayne waa isla maalinta xigta insha Allah.

Ka faaideysi wacan👏

Home of Health Services hiilka bulshada goob walba iyo goor walba👏👏👏

Maalinta bari ah waxaan uqaban doonaa seminar ardaydda Aviation-ka barato kaasoo ciwaankiisu yahay ‘’FIRST AID AND EMERG...
22/12/2025

Maalinta bari ah waxaan uqaban doonaa seminar ardaydda Aviation-ka barato kaasoo ciwaankiisu yahay ‘’FIRST AID AND EMERGENCY CARE FOR CABIN CREW’’ waxaa qeybnagala ah Simad University Health Students Association SUHSA iyo CASA waxaana inoo soo jeedin doono seminarka ustad Abdinasir Miuhidin Abdulle wuxuuna ka dhici doonaa seminarka Dr.Sumait hospital saacadu marke tahay 3:00pm.

Kafaaideysi wacan.

Home of Health Services hiilka bulshada👏👏👏

06/12/2025
Waxaan hampalyo iyo bogaadin hawada umarinena gudoomiyaha ururka Home of Health Services drDr ömer ingiliz oo ku guuleys...
19/11/2025

Waxaan hampalyo iyo bogaadin hawada umarinena gudoomiyaha ururka Home of Health Services drDr ömer ingiliz oo ku guuleystay doorashada Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.waxaan lenahay hampalyo allaha kula garab galo masuuliyada adag

Arbaco, 19, November, 2025

Rasmi: Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashada Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi., waxaana ku guuleystay Cumar Cabdullaahi Cabdi, oo noqday Madaxweynaha 12aad ee hoggaamin doona ardayda Jaamacadda SIMAD.

Hambalyo Cumar!

Waxaan kuu rajeynaynaa in Eebbe kugu fududeeyo masuuliyadda culus ee ay ardaydu kuu aamineen, adigoo noqda hoggaamiye ka turjuma hamigooda, horumarkooda iyo danahooda guud.

Alxamdulilaah waxaa si qurux badan inoogu qabsoomay seminarkii ciwaankiisu ahaa Post Traumatic Stress Disorder (PTSD) ka...
24/08/2025

Alxamdulilaah waxaa si qurux badan inoogu qabsoomay seminarkii ciwaankiisu ahaa Post Traumatic Stress Disorder (PTSD) kasoo ay soo agaasimeen ururka caafimaadka Home of Health Services iyo Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Seminarka wuxuu ahaa mid ay kasoo qeybgaleen arday badan, maamulka home of health service ee ugu h**eeyo gudoomiye Omar Abdullahi Abdi iyo maamulka xajsi oo ugu h**eeyo madaxwene Ahmed sheik mohamed.

Ugudanbeyntii waxaan umahadcelineynaa Dr isse oo run ahaantii si aad uqurux badan inogu sharxay faham buuxane nagasiiyay PTSD sidookale waxaan umahadcelineynaa cidkasto kasoo shaqeysay qabsoomida seminarkan iyo qeybaha kala duwan ee kasoo qeybgalay seminarkan waxaan rajeeneynaa in aan kor uqaadno siina dar dargalino seminarada waxtarka uleh bulshadeena sida kanookalana ah.

Wbtfq.👏
👏👏

17/08/2025

Ogeysiis Muhiim ah!

Maalinta khamiista ah taariikhduna tahay 21-08-2025 3:30pm Waxaa xarunta magaalada ee jaamacadda simad lagu qaban doonaa seminar aad muhiim u ah oo kusaabsan Cudurka walaaca ama naxdinta ka dhalata dhacdo xanuun badan oo h**e u soo martay qofka (Post traumatic stress disorder)

Seminarkan waxaa soo agaasimay ururka caafimaadka ee Home of Health Services iyo Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. waxaana noo soo jeedin doono Dr Abdullahi farah isse.

Si aad uga qeybgasho fadlan linkigan hoose iska diwaangali
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSc-2haygmKpkES-MlcAUBCjuy-vysu-0_X9htr3V0jD1nTcIQ/viewform?usp=header

Fiiro gaar ah qofkasta wuu ufuranyahay.
Ka faaideysi wacan🙏🏾

Wbtfq.🙏🏾

Address

K. P. P
Mogadishu

Telephone

+252610428200

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Home of Health Services posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram