Dr-Tahlil

Dr-Tahlil medical wroter

Todobada Shey ee dhaawici kara maskaxda ?●Quraac la'aanta●Hurda la'aanta●Cunista macaanka badan●Cabista sigaarka.●Cunist...
28/05/2022

Todobada Shey ee dhaawici kara maskaxda ?

●Quraac la'aanta
●Hurda la'aanta
●Cunista macaanka badan
●Cabista sigaarka.
●Cunista daroogada sida jadka,xashiiska iyo taboga.
●Dhiig karka.
●Macaanka.

Dr. Cadceed

Sii sheer garee oo la wadaag asxaabtaada

Fayruska Africka ka qarxay wax ka ogow monkeypox ( furuq daayeerka). Monkeypox (Furuqa daanyeeradda) waa cudur uu keeno ...
22/05/2022

Fayruska Africka ka qarxay wax ka ogow monkeypox ( furuq daayeerka).

Monkeypox (Furuqa daanyeeradda) waa cudur uu keeno il ma'araga virus ka, oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan famil ka Poxviridae.

Monkeypox Waa Cudur fayruus ah oo ku dhaca xayawaaanka una gudba Bani aadamka (zoonotic disease) badanaana lagu arko kaymaha Africada Dhexe iyo Africada galbeed.

Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah
●Qandho
●nabaro afka biyo iyo malax ku wata
●qanjiro barar (fever, rash and swollen lymph nodes).

Monkeypox badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 asbuuc gudahood ah (self-limited disease with the symptoms lasting from 2 to 4 weeks).

Xaaladdo aad u daran ayaa dhici kara mararka Qaarkood oo dhimasho keeni kara (Severe complicated cases can occur).

Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xawaan qaba cudurkaas.

Calaamadaha lagu garto cudurkaan waxay u egyihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hada ka hor laga daba jaray iyadoo la isticmaalay Talaal xaaladii ugu danbaysayna cudurka furuqa dunida oo idil waxaa lagu arkay somalia gaar ahaan jubadda hoose.

Monkeypox waa ka faafid yaryahay, waana ka dhimasho yaryahay marka loo eego cudurka furuqa ( smallpox).

Monkeypox Waxaa looga hortagaa Talaalkii cudurka furuqa lagu daba jaray, kuwa cusubna hada ayaa loo helay. Sidoo kale waxaa dhawaan la helay dawooyin lagula tacaalo xaaladaha cudurkaa uu soo rito.
Dr zarqaawi

Dabeecado Ay Ka Siman Yihiin Dadka ugu Caafimaadka Badan DunidaCaafimaadka waa kan ugu muhiimsan dunida, qofka hadii uu ...
06/03/2022

Dabeecado Ay Ka Siman Yihiin Dadka ugu Caafimaadka Badan Dunida

Caafimaadka waa kan ugu muhiimsan dunida, qofka hadii uu haysti caafimaad wax ka maqan ma lahan, hadii uu wax kasta haysto balse caafimaad uusan haysan wax uu haysto ma lahan. Waraysiyo kala duwan laga qaaday dadka ugu cimriga dheeraa dunida waxaa lasoo aruuriyay waxyaabaha ay isticmaalaan ama aysan isticmaalin waxaana si gaar ah loo soo xulay waxyaabaha ay ka siman yihiin

Waxay intooda badan isku raaceen inaysan cabin waligood ama ay yarayd inta ay cabaan cabitaanada la warshadeeyay taas bedelkeedana ay isticmaalaan biyaha caadiga ah. Waxay isku raaceen inaysan isticmaalin cabitaan sokor lagu qasay taas bedelkeedana ay doorbidaan in shayga cabitaanka kaga dhigayo inay caadi u cunaan hadii uu Qare yahay, hadii uu Cambe yahay ama Hadii uu shay kalaba yahay.

Dadkan intooda badan ayaa sidoo kale isku raacay inay aad u yar tahay inta ay cunaan hilibka taas bedelkeedana ay badiyaan cunista khudaarta sababtoo ah dadka khudaarta cuna xita da’du k**a muuqato, midda la yaabka leh ayaa ahayd mid aad noo khuseysa somali ahaan sababtoo ah marka u fiirsato dadkii h**e sida awoowayaasheen 80 jir marka ay ahaayeen awooda ay lahaayeen ma lahan 50 jirka maanta jooga, aabayaasheen way ka liitaan awoowayaasheen, anaguna aabayaasheen ayaan kasii liidanaa

Waraysiga laga qaaday dadkaan da’da iyo caafimaadka isku helay waxyaabaha ay isku raaceen waxa aka mid ah inaysan in badan isticmaalin gaadiid taas bedelkeedana ay cagta maalin jireen xitaa iyagoo heli kara Faras dheereeya ama gaadiid kale. Lugta waa mid ka mid ah waxyaabaha caafimaarka dadka kala reeba, adiga qoraalkan akhrinaya 10 sano kahor meesha aad lug ku tagi jirtay maanta gaari ama bajaaj inaa u raacdo ayaa macquul ah

Qodobka u dambeeya ayaana ahaa inay dadka ugu caafimaadka badan dunidaan yihiin dad hurdadooda ka hormariya wax kasta waxay isku raaceen in hurdada aysan ka kaftamin marka waqtigooda la gaarana ay tagaan sariirta xitaa qofka dad ugu qaalisan hadii ay waqti la qaadanayaan, annagana hurdadeena waxaan u beerdaraynay wax aan micna lahayn sida isticmaalka telka xitaa waxaa dhacda indhaha oo ilmaynaya inaan sii isticmaalno telka

Sida Ugu Fudud La Isaga Daweeyo Madax XanuunkaMadax xanuunka waa xanuunada ugu daran uguna soo noqnoqoshada badan bulsha...
05/03/2022

Sida Ugu Fudud La Isaga Daweeyo Madax Xanuunka

Madax xanuunka waa xanuunada ugu daran uguna soo noqnoqoshada badan bulshadeena, madax xanuunka waxaa jira waxyaabo badna oo sabab u ah sida jug ama nabar qofka in madaxa ka gaarto, waxaa sido kale keeni kara cudurada neerfaha ku dhaca, dhiigkar gaar ahaan dadka waawayn iyo stress-ka qayb ka mid ah

Astaamaha inta badan dadka madax xanuunka qaba lagu arko waxaa ka mid ah lalabo gaar ahaan marka madaxu zaaid u xanuuno, iftiinka qofka dhiba, in qofku mugdiga aad u jeclaado, qaylada inay dhibto iyo in qofku cuntada ka go’, waxaa sidoo kale astaamaha lagu arko dadka madaxa xanuuno oo mid ah halaaqo badan gaar ahaan marka madaxu xanuunku ka yaraado

Madax xanuunka waxyaaabaha sababta u ah waxaa ka mid ah in Vitamin B2 qofka jirkiisa ku yar tahay sababtoo ah waa Vitamin muhiim u ah shaqada maskaxda iyo neerfayaasha. Isticmaalka ama in qofku ku dagdago kaniini xanuun baabi’iye ah waa wax aad looga fiican yahay, waxaa wanaagsan qofka inuu cuno markaas uu madax xanuunayo lows 50 xabbo ah hadii lowskaasi yahay lows la dubay, hadii lows ceeriin ah yahayna lows 20xabo ayaa ku filan

Lowska waxaa ka buuxda maada Vitamin B2 oo ah maado dajisa neerfayaasha iyo maskaxda sidoo kale maadadan waxay u fiican tahay araga sababtoo ah dadka madaxa xanuuna qaarkood aragtida ayaa humaag ka fuula sida darteed si maaline ah u isticmaal lowska hadii aad ka mid tahay dadka qaba madax xanuunka zaaidka ah

Dr: Waahin sabriye

04/03/2022

Maxay Dadka Qaar U Jecel Yihiin Inay Gaariga Ka Raacaan Dhanka Daaqadda Xigta?

Dadku marka ay gaari raacaan qofba wax ayuu jecel yahay, dadka qaar kalama jecla kursiga ay fariisanayaan nooca uu yahay iyo meesha uu xigo halka dadka qaar ay jecel yihiin in ay dhinaca geeska daaqada xigta fariistaan.

Suaasha is waydiinta ah ayaa ah maxay dadku qaar ku jecel yihiin inay gaariga ka fariistaan dhinaca daaqada xigta.

Culimada Cilmi nafsiga waxay sheegaan dabeecado ay ka siman yihiin dadka gaariga ka fariista dhinaca daaqada xigta. Waxyaabaha la isku waafaqsan yahay dadkaasna ka siman yihiin waxaa ka mid ah

1. Dadka noocan ah inay yihiin dad aad u neceb in sirtooda la ogaado, saaxiibo badan ayay leeyihiin sidaas ay tahay ma jecla meelaha dadka badna ku sheekaystaan
2. Waa dad dabeecadoodu aad u wanaagsan tahay balse aan ku fiicneen ballanta
3. Waa dad fahmadoodu aad u sarayso ceebta ay leeyihiin ayaase ah inay xusuustoodu aad u yar tahay
4. Dadkan waxay aad u neceb yihiin marka ay wax akhrinayaan inay kor u akhriyaan, aamusnaan ayay jecel yihiin inay wax ku akhriyaan
5. Dadkaan intooda badan waa dad deeqsiyaal ah, aad u jecel maqaayadaha inay wax ka cunaan sidoo kalana

Astaamahan wa kuwa inta badan ay ka siman yihiin dadka jecel inay gaariga ka raacaan dhanka daaqada xigta, mid iyo labo way ku kala duwanaan karaan balae intooda badan way ka siman yihiin

By : Dr waahen sabriye

꧁RAMADAANKA IYO MACAANKA꧂Bal hal daqiiqo akhri maadama ey inagu soo fool-leedahay bishii barakaysnayd ee Soon-Qaad, waxa...
28/02/2022

꧁RAMADAANKA IYO MACAANKA꧂

Bal hal daqiiqo akhri

maadama ey inagu soo fool-leedahay bishii barakaysnayd ee Soon-Qaad, waxaan wax ka sheegi doonnaa habka la isugu wadan karo soonka iyo dawada macaanta.

inkastoo qofka xanuunsan ee aan awoodin ruqsad eebbe u'siiyey in uu afuri karo bisha barakaysan ee ramadaan, haddana haddii qofka xanuunkiisu sahlan yahay oo uu rabo in uu soomo waxaa muhiim ah in uu dawada uu qaadanayey ramadaanti ka hor sii wato,balse ogyahay habka loo qaadanayo.

Qofka macaanka qaba, isla markaana qaata kiniinada sida "metformin'', kaas oo ah 500mg, lana qaato inta badan saddex waqti, afurka ayuu qaadanayaa laba xabo, halka kii saddexaadna uu qaadanayo suxuurta.

qofka qaata insulin/irbadda, wuxuu kala bar ka qaadanayaa intii horay uu u' qaadan jirey irbadda xilliga suxuurta,wuxuuse si caadi ah u qaadanayaa tii afurka.

Fiiro gaar ah: qofka qaba macaan isla markaana kelyo,wadne ama cudurkale u'weheliyo waxaa muhiim ah in uu dhakhtar la tashado inta aanu soomin.

Walal faafi xogtaan adoo mahadsan, waxay anfici doontaa qof aan ogeyn ama awoodin in uu dhakhtar tago,mahadsanid
Dr zarqaawi.

20/02/2022

ᴅᴀᴀᴅᴀꜱʜᴀᴅᴀ ᴛɪᴍᴀʜᴀ

• inay ka go’aayan maalin 50-100 waa caadi, waxay
Ka mid cusboonaynta wareega timaha.

Timo daadashada qaybaheed waxa ka mid

1. Androgenetic alopecia waa nooca ugu badan ee Rag iyo dumarka ku dhacda. Raga waxay ku samaysa bidaar, dumarkana timihaa dhumucdooda yaraada . Waxa ugu badan ee keena wa hido, iyo hormoonada oo is bedla.

2. Alopecia areata waa xaalada ay timuhu madaxa meelo ka mid ah goobo goobo u go’aan.
Waxa lagu arka madaxa, sunniyaha, badadka/xiribo
Xaaladan waxa keenta marka difaaca jidhku la dagaalamo timiha Autoimmune disorders.

3. Anogen effuvium xaaladan way ku badan tahay dadka qaat daawooyinka cancer.

Sababah u badan ee keena timo daadashada

1. Medical conditions (sababo xanuun)
2. Malnutrition (nafaqo daro )
3. Pregnancy (uur )
4. Hormonal imbalance (ganjidhada oo is dheeli tiri waaya
5. Stress ( werwer / booq )
6. Medication (dawooyinka )
7. Hereditary ( hido )

Hadad isku argtid inay timahagu aad u daadanayaan ama meelo goobo goobo ah, taasi waxay ku sheegaysa inay jirto xaalado caafimad oo dawo u baahan. La xidhidhi dhakhtarka maqaar ee kugu dhow.

Dr Shaahid

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐁𝐀𝐀𝐘𝐀𝐆𝐀.  Babaayga  waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada  wuxu qani ku yahay oo aad ...
14/02/2022

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐁𝐀𝐀𝐘𝐀𝐆𝐀.

Babaayga waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada wuxu qani ku yahay oo aad ugu badan vitaminC sido kale waxa ku jiro xaddi dhexdhexaada oo ah folate iyo vitaminA.

1. Wuxuu xoojiyaa difaaca jirka : xaddiga aadka ubadan ee vitamin C kujiro babaayga wuxuu sare u qaadaan difaaca jirka.

2. Wuxuu yareeyaa infekshanka jirka iyo caabuqa : fiitamin c wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya , feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka.

3. Wuxuu ka hortagaa dhiig yarida :waxaa ku jiro fiitamiinka Folate (folic acid) oo ka qayb waayo samaysan iyo kobcida unugyada dhiigga cascas.

4. Wuxuu ka qayb qaataa bogsashada dhaawaca : sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon.

5. Wuxuu u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka.

6. Wuxu u fiicanyahay dheef shiidka caaloosha : waxa ku jiro dheecaan layiraah papain kaas oo kaqayb qaato hanaanka dheefshiidka.

Dadka uu u fiicanyahay isticmaalka babaayga :

- Dadka difaaca jirkoodu yaryahay.
- Dadka in infekshank-ka iyo caabuqa qabo.
- Dadka calool-fadhiga leh.

Siyaabo kale duban ayaa u isticnaali kartaa babayga sida in aad marsi qeybha kala duban jirka sida: wajiga iyo jirka qeybahiisa kale.

- inyar in aad shiido ayaa 2 qaando Ama macalgo malab ah ku dareysaa dabadeedna wajiga ayaa marinysaa sida Maska ha.

- sidoo kale cabitaan ahaan ayaa u cabi kartaa.

- sidoo kale babayaga asiga oo sidisa ahna waa cuni kartaa.

Digniin:

Babayga uma wanaagsno Hooyada uurka leh gaar ahaan bilaha h**e Ee uurka.

Babaayga ayaa sababa in murqaha minka si adag isugu imaadan oo ay soo daatan uurjifka ku jiro minka eyag oo aan wali bila dhameysan.

Taas waxaa ugu wacan maada loo yaqaano papain Ee laga helo babaayga.
maadadaan ayaa qalada ama wax ka badasha horamonka loo yaqano prostaglandins kaaso ka qeyb qaato foosha..

𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.

Caafimaadka iyo Nafaqada

Dr: shaahid

◼Waa maxay waji saliidka? Wajiga saliida leh dad badan ayaa ka sheegto, khaasatan markii qofka wajiga ku yeesho findoob ...
13/02/2022

◼Waa maxay waji saliidka?

Wajiga saliida leh dad badan ayaa ka sheegto, khaasatan markii qofka wajiga ku yeesho findoob ama haaro.

Eebe wuxuu oogada biniaadanka ku abuuray qanjirro howshoodu ay tahay inay soo daayaan saliid si ay u subkaan maqaarka kore, loogana hortago kor qallaylka.
Qanjirradaas oo loo yaqaano "Sebaceous glands", saliida ay soo saaraane waxaa loo yaqaanaa "Sebum", hadii qanjirradaasi si saa'id ah u shaqeeyaan qofka wuxuu yeesha maqaar saliiddu ku badan tahay khaas ahaan wajiga.

◼Maxaa keeno Waji Saliidka?

-Dhaxal: dadka ugu badan waxay arrintaan ugu dhacdaa dhaxal ahaan, kuwaasoo ku dhasho qanjir saliid firfircoon.

-Welwelka: wuxuu kiciyaa qanjirrada saliida.
Isbadallada hormoonka: waxay keentaa in saliid soo saarista qanjirrada ay badato ama wajiga ay ka soo yaacaan finan, waxaana xaaladaan la dareemaa xilliga caadada, kadibne way baaba'daa.

-Safarka: qofka galo safarrada badan, una kala goosho wadamo kala duwan cimilladooda waxay keentaa in maqaarkiisu uu saliida ku bato.

-Daawooyinka la isku qurxiyo, qaar badan oo ka mid ah waxay keenaan waji saliid.
Daawada looga hortago uurka, waxay keenaan waji saliidka.

-Nafaqo darrida, waxay keentaa waji saliidka.
Hawada sumaysan ama magaalooyinka ay warshadaha ku badan yihiin dadka ku nool waxay u bataan waji ku saliidlayaal.

◼Maxay dhibaato ah ayuu keenaa waji saliidka?

Dhibaatada ugu badan waa in wajiga uu yeesho nabro ama haaro kuwaas oo si dhakhso ah u faafi karo.

◼Sidee looga hortagaa waji saliidka? ama lagu yareeyaa?

Jooji waji dhaqista badan: tan waa qaladka ugu horreeyo oo lagu dhaco, dadku waxay aaminsan yihin hadduu qofka uu wajiga dhaqo in badan in saliiddu ay yaraanayso, waa caksi, saliidda waa sii badataan, marka waxaa wajigaaga dhaqdaa labo jeer kaliya, markaa soo kacdid iyo markaa seexanayso, taasoo dareensiinayso qanjirka saliidda in baahi wayn aysan jirin. (k**a haleeyno weysa salaada) maxaa yeelay wajidhaqa salaada waa waajib

◾Ku dhaq wajigaaga biyo diirran: qaladka labaad waa in wajigaaga aad ku dhaqdaa biyo kulul ama qabow, taasoo labadoodaba wajiga qallajiya, hadduu qalleel yimaadane saliidu waa imaanaysaa.

Haddii aad wajigaaga saliid ka dareento, ku tirtir maro khafiif ah oo jilcan oo wajigaaga aanan dhaawacaynin aad u qallajinaynin
Cabitaanka badso: cabitaanka badan waxuu jirka ka ilaaliyaa qallaylka, wuxuuna hoos u dhigaa shaqada qanjirrada saliidda soo saaro, ogow haddii biyo cabitaankaagu uu yar yahay, saliida way jiraysaa.


Yarey sonkorta, cusbada, dufanka iyo cunnada shiilan: kullamaa cuntada aad cunayso ay caafimaad leedahay, kullamaa shaqada jirkaagu uu dabiici yahay.

Ka fogow in aad isticmaasho waxyaabo ay ku jiraan saliid ama dufan oo wajiga la marsado.
Ka fogow sigaar cabista:

sigaarku wuxuu cariiriyaa xididada dhiiga siiyo maqaarka, tan waxay keentaa kor qallayl iyo saliid badan.
Waxaa jiro waxyaabo badan oo dabiici ah oo ay dadka qaar sheegaan in ay wax iskaga garteen sida wajiga oo lagu tirtiro ama la mariyo khalka ama dheecaanka tufaaxa, malabka, karootada iyo waxyaabo kale oo badan.

-Ku dadaal in aad hesho hurdo kugu filan, tan waa muhiim.

Haddii aad tahay waji ku saliidle, wixii talo ah oo aad wax iskaga garatay waa la wadaagi kartaa akhristayaasheena.

DHAQTARKA CUDDURADA MAQAARKA
DR.Cabdishaahid cabduqadir maxamad (Dr.shaahid)

dheh oo lawadaag asxbtada

Wadno xanuun iyo oodimo joogto ah oo adan lahaan jirin ma isku aragtaa?Inta badan wadna xanuunka iyo oodimaha waxay yima...
12/02/2022

Wadno xanuun iyo oodimo joogto ah oo adan lahaan jirin ma isku aragtaa?

Inta badan wadna xanuunka iyo oodimaha waxay yimaadaa marka socodka dhiigaagu qalqal badan ka jiro ama uusan isku dheelitirneen sidoo kale astaamahan waxaa keeni kara cudurada dheefshiidka sida gaaska ama infakshanada xameetida. Xalka ugu fiican oodimaha, koolba-aariyada jirkaaga uga saari karto ayaa ah in aadan ku seexan barkin dheer sidoo kalana waa inaad subax iyo habeen maalintii laba waqti cabto shaah qarfuhu aad ugu badan yahay. Qarfuhu waa maadada ugu muhiimsan socodka dhiiga isku dheelitirta sidoo kale qarfuhu wuxuu sifeeyaa dheefshiidka wuxuuna meesha ka saaraa halista gaaska, oodimaha iyo aariyada ku wareegata caloosha

𝐌𝐚𝐜𝐚𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐞𝐞 𝐭𝐢𝐦𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐢𝐦𝐨 𝐠𝐨'𝐠𝐨'𝐚.Saliidda toonta faa'iidooyin badan ayey timaha u leedahay, waxay u fiicant...
09/02/2022

𝐌𝐚𝐜𝐚𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐞𝐞 𝐭𝐢𝐦𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐢𝐦𝐨 𝐠𝐨'𝐠𝐨'𝐚.

Saliidda toonta faa'iidooyin badan ayey timaha u leedahay, waxay u fiicantahay cuncunka madaxa, cambaarta iyo timo daadashada, wacay timaha ka dhigtaa kuwo awood leh, kuwo ifaya oo anaan daadanin, sidoo kale waxay meelaha aan timaha laheyn usoo dhalisaa timo cusub.
🔸️ 🔸️
Haddaaba sidee u sameyneysaa saliidda toonta.

1. 10 xabo oo toon ah ayaa soo fiiqeysaa waxaa kusoo daldaloolineysaa cirbadda dharka lagu tolo ama biinka xijaabka.

2. Waxaa ku dareysaa saliid macasaro ama saliidda seytuunka oo waxaa ku shubeysaa weel leh dabool fiican, waxaana gelineysaa meel mugdi ah.

3. 24 saac kadib ayaa marsaneysaa, waxaana wanaagsan in ay 2 isbuuc ku jirto meesha mugdiga ah si toonta ay ugu dhiinto saliidda oo faa'idada toonta oo dhan aa u hesho.

4. Madaxa ayaa marineysaa waxaana fiican inaa marsato ayadoo qandac ah oo dabka aa saarto inyar.

5. Markaa mariso tinta xididadeeda hoose faraha ayaa ku masaajeyneysaa 10 daqiiqo, kadibna shukumaan ama bac ayaa ku dabooleysaa timaha waxaana sugeysaa 2 saacadood.

6. Shaambo ayaa uga dhaqeysaa iyo biyo qaboow.

Ku dadaal saliid yar in aad mariso afka hoose ee tinta si ay isku qabqabsanin lkn salka iyo xididada haddaa mariso aa ka dhaqdo 2 saac ka dib ama ka yar tintaada waxay noqoneysaa shax shax.

Marwayaal iyo saxiibiyaal ku dadaala in aad tintiina daryeeshaan midna ogsonow adoo gurigaada jooga ayaad sameysan kartaa saliido tayo leh

NB:Toonta waxay leedahay shiir waxaad u bahan tahay in aad si fiican iskaga dhaqtid markii aad marsatid isbuucii hal ama labo mar in aad marsatid.

Marwo (Admin)

Dr shaahid

28/06/2021

8 Qof Ayay Timuhu Aad Uga Daataan

1. Qofka mar kasta tinta shanleeya, tinta oo zaaid u qoyan
2. Qofka tinta mariya saliid marka uu soo qubeysto kadib
3. Qofka shaambada ku shuba dhalada ama madaxa bartankiisa
4. Qofka dhafarkiisi badan yahay ama Aad U Isticmaala Sokorta iyo Macaanka
5. Qofka qaba qummanka ama qanjirada ka xanuusan
6. Qofka barkimaha la isticmaalo dadka kale
7. Qofka biyo cabistiisu yar tahay oo 3 galaas ka yar caba maalintii
8. Qofka timaha mariya kalar iyo waxyaabaha timaha lagu midabeeyo

Hadad Ka Mid Tahay Dadka Danaynayay Taladaan Hakkan Love Saar Sidoo Kale Share Dheh Si Walalaha Kale Uga Faaiidaystaan

By: DrWaahin Sabriye

𝐀𝐬𝐭𝐚𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚.✓Bog xanuun✓Wadno garaac✓Dibiro✓Olal jidhka qastan lugaha iyo gacmaha.✓Laabjeex biyo kulul k...
13/06/2021

𝐀𝐬𝐭𝐚𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚.
✓Bog xanuun
✓Wadno garaac
✓Dibiro
✓Olal jidhka qastan lugaha iyo gacmaha.
✓Laabjeex biyo kulul ku soo rogmada shafka.
✓Yalaalug/Lalabo
✓Mattag dhiig la socoda

Astaamahan wali ma isku aragtay ? haddii ay jiraan kuwa cusubna nala wadaag.

Dr Cadceed.

Taxanaha Caafimaadka1. Ha cunin toon ama cunto toon lagu kariyay adiga oo wareega fasaxa ku jira2. Cab wax diiran marka ...
01/06/2021

Taxanaha Caafimaadka

1. Ha cunin toon ama cunto toon lagu kariyay adiga oo wareega fasaxa ku jira

2. Cab wax diiran marka difaaca jirkaagu hoos u dhaco

3. Qof waalid ama walaal ah dhabarkiisa ha ugu xogin ciddiyahaaga

4. Ha haysan kaadida marka ay ku qabata suuliga haka daahin

5. Iska fogee telka shaashadiisa

6. Ha sii isticmaalin telka hadii far yarayda ku xanuunsan

7. Ha afuufin cuntada hadii ay kulushahay

8. Ha is barin kabooshada marka aad cuntada cunayso

9. Ku dhaq qasaalada inta aadan xarayn biyo diirran

10. Dhaq kaadida kadibna saxarada. Iska jir inaad saxarada dhaqdo kadibna kaadida

Qodobkee DareenkaaGa Soo Jiitay

Si Dadka Kale Uga faaiidaystaan inaad garayso Ha Hilmaamin

Source:

Uunsiga Maxaa Ku Qarsoon Oo Aadan Ogeen ⚠️⚠️Caawa oo kale waa habeenka uunisiga la shido,hal mid ayey sameyaan bulshadde...
27/05/2021

Uunsiga Maxaa Ku Qarsoon Oo Aadan Ogeen ⚠️⚠️

Caawa oo kale waa habeenka uunisiga la shido,hal mid ayey sameyaan bulshaddena taas oo ah in uunsiga lagu shido qolka ciyaalka iyagoo hurda ama qolka uu jooga xaajiga.

Uunisiga waxaa laga qadaa xanuuno badan sida xasaasiyad iyo in ay ciyaalka ka qadaan xanuuno kala duwan sida neefta (asthma).

Xilliyada ugu fiican ee lagu shido uunisiga waa maqribkii inta guriga laga maqan yahay ama ciyaalka banaanka jiran markii lagu shido waxaa fiican in xogaa daqadda la fur si uu qiiqa baxo.

Fadlan ha ku shidin uunisiga ilmaha oo jooga qolka ama ay hurdaan.

Uunisiga waa dilaa qarsoon.

Dr Cadceed

23/05/2021
22/05/2021

Oxytocine:- Love hormone😁

FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ama XABXABKA.xabxabka ama qaruhu wuxu kamid yahay cuntooyinka ay dadku ugu ...
19/05/2021

FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ama XABXABKA.

xabxabka ama qaruhu wuxu kamid yahay cuntooyinka ay dadku ugu jecel yihiin inay cunaan, marka lagasoo tago dhadhankiisa macaan wuxuu qani ku yahay nafaqooyin badan kuwaasi oo si weyn ugu fiican caafimadka.

Sidoo kale qaruhu wuxuu qani ku yahay oo laga helaa carbohydrates, protoein, fiber, vitamin C, A iyo B. sidoo kale waxa ku jira macdanaha ay kamid yihiin potassium, iron, calcium, magnesium, phosphorus, iyo sidoo kale sonkoro dabiiciya.

1: Wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo wuxuu kor u qaadaa caafimaadka xididada iyo socodka dhiiga, wuxuna maamulaa macdanta iyo aashatada jirka, miisaankana hoos buu u dhigaa, hadaad dhiig kar qabtid maalin walba galaas ka cab biyihiisa yacni isagoo cabitaan/sharaab ah.

2: Waxaa ku jirta maadoyin la yiraahdo citrulline iyo arginine oo hoos u dhiga dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee (LDL).

3: Wuxuu jirka siiyaa Qoyaanka uu u baahanyahay oo isugu jira biyo iyo macdan sida macdanta kala ah, calcium, magnesium, potassium iyo sodium, wuxuuna aad u anfacayaa dadka meelaha kulul jooga.

4: Wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka indhaha iyo aragooda waayo waxaa ku jira maadooyinka kala ah, Beta-Carotene, Vitamin A, lycopene, vitaminC, lutein iyo zeaxanthin, oo dhamaantood ka qayb qaata aragtida iyo caafimaadka indhaha.

5: Wuxuu kor u qaadaa caafimaadka kalyaha, asagoo jirka kaadi ahaan uga saaraya maadooyinka sunta ah sidaas awgeed dadka kaadidoodu yartahay inay joogteeyaan Qaraha biyihiisa ayaa fiican.

6: Wuxuu dajiyaa qofka xaaladiisa maskaxeed ay kacsantahay waayo waxaa ku jira Vitamin B6 oo nidaamiya neerfayaasha shaqadooda, iyo VitaminC oo jirka ka saara maadooyinka sunta ah (free radicals).

7: Wuxuu isku dheelli tiraa Hormoonada oo muhiim u ah shaqooyinka jirkeena.

Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormdan caafimaad fadlan saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin.

Nagula soo biir boggan si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.

Dhakhtarka Maanta
Share&Like

Source: Dr shaahid

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252612730766

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr-Tahlil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category