Dr. Aden Dhayow

Dr. Aden Dhayow Ma u baahan tahay la Talin caafimaad

Sanad waliba 28, julay ayaa ah malinta loo asteeyay malinta Cudurka Cagaarshowga.Cudurka Cagaarshowga waa cudur dhibaato...
28/07/2024

Sanad waliba 28, julay ayaa ah malinta loo asteeyay malinta Cudurka Cagaarshowga.

Cudurka Cagaarshowga waa cudur dhibaato wayn ku haya bulshada caalamka sidaa darteeda waxaan farintaan idinku soo qoray si bulshada loogu wacyi galiyo khatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah ee sida aamusan dadka u dila.

Sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO sanad kasta waxa uu cudurku soo ritaa dad lagu qiyaasay 325 Milyan oo qof aduunka oo dhan iyadoo sanad kasta ay u dhintaan 1.34 milyan oo qof.

*Maxaa keena Cudurka Cagarashowga*

Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keeno burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E

*NB: waxaa halis ah labada nuuc ee loo yaqano cagarashow nuuca ( B and C)

*Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)*

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B ( HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah ( Chronic). Qiyaastii waxaa cudurkaan qaba aduunyada ama soo marey tiro dhan 2 bilyan oo qof,waxaa cudurkan la nool ama qabta 350 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.
Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo,
Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual In*******se).

Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-
Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-

Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.
Bukaanada kiliyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
Buukanada HIV qaba oo difaacooda hooseyo.
Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.

Feyruskan cagaarshowga B 7 maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaasku gudin kara cudurka.

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirade aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 170 ilaa 200 milyan qof ; sanad kaste tirade bukaanka cusub uu ku dhaco waxey gaareysaa 3 – 4 milyan.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka h**eeyay , wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

*Cagaarshowga nooca C (HCV)*

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirade aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 170 ilaa 200 milyan qof ; sanad kaste tirade bukaanka cusub uu ku dhaco waxey gaareysaa 3 – 4 milyan.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka h**eeyay , wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV)wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).

Tallo: Qofwaliba aan wili qaadanin tallallka nuuca B fadlan haqato si uu kahortag wanagsan uu ugu noqdo.

Uga dambayn farintaan gaarsii qofkasta si uu uga warhayo mise uu ufahmo dhibatada iyo waxyelada uu cudurkaan bulshada uu keleyahay

Mahadsanidiin

25/04/2024
14-23 APRIL WAXAA LOO ASTEEYEY INAY TAHAY MAALMAHA XUSKA XIRFADLAYAASHA KU SHAQEEYA CILMIGA SHEYBAARKA( Medical Laborato...
22/04/2024

14-23 APRIL WAXAA LOO ASTEEYEY INAY TAHAY MAALMAHA XUSKA XIRFADLAYAASHA KU SHAQEEYA CILMIGA SHEYBAARKA( Medical Laboratory Professional).
waxaan caawa halkan Hambalyo u dirayaan dhamaan ardayda barata cilmiga sheybaarka iyo shaqaala sheybaarka guud ahaan , gaar ahaan kuwa soomaaliyeed.

SHEYBAARISTAHA WAA LAFDHABARKA ADEEGA CAAFIMAADKA.

BAARITAAN SAX AH AYAA KEENA DAAWEYN SAX AH.

CIID WANAAGSAN🌙CIID MUBAARAKDHAMAAN MUSLIMIINTA MEEL WALBEY DUNIDA KA JOOGAAN GAAR AHAAN UMADDA SOOMAALIYEDWAXAAN IDIN L...
09/04/2024

CIID WANAAGSAN🌙
CIID MUBAARAK
DHAMAAN MUSLIMIINTA MEEL WALBEY DUNIDA
KA JOOGAAN GAAR AHAAN UMADDA SOOMAALIYED
WAXAAN IDIN LEEYAHAY CIID WANAAGSAN.
ALLAHANA HANAGA AQBALO ACMAASHAAN
SOO SAMEYNAY BISHII BARAKEYSNEYD EE
RAMADAAN KUNA DHAMEYSANAY NABAD, BARWAAQO, BASHBASH IYO CAAFIMAAD
🌙🌙🌙🌙🌙10/4/2024🌙🌙🌙🌙🌙🌙

Isku day inaad sheegto magaca qalabkaan iyo Shaqada lagu fuliyo ?.                    Waqtisan walaalayaal 😍💯.
01/04/2024

Isku day inaad sheegto magaca qalabkaan iyo

Shaqada lagu fuliyo ?.

Waqtisan walaalayaal 😍💯.

الحمد لله Waxa ino dhashay bishii kherka , bishii quranka , bishii sadaqada, bishii Raxmada , bishii Danbi dhaafka ,, bi...
10/03/2024

الحمد لله
Waxa ino dhashay bishii kherka , bishii quranka , bishii sadaqada, bishii Raxmada , bishii Danbi dhaafka ,, bishii narta la,iska xorenaye, bishiii salatul tarawix Ama leylatul qadarka, bishii cafimadka , bishii laxiraye shiyadiinta iyo Albaabaha narta, bishii lafuraye Albaaha janada, bishii laylatul qadarka , iyo ................. maso koobi karo kheyrka iyo fursada weyn ee ku sugan Ramadan ka .

Faa'iidoyinka Timirta:Tijaabo iyo cilmi baadhis lagu sameeyay timirta waxaa lagu ogaaday in timirta laga helo faa'iido, ...
04/03/2024

Faa'iidoyinka Timirta:

Tijaabo iyo cilmi baadhis lagu sameeyay timirta waxaa lagu ogaaday in timirta laga helo faa'iido, waxtar iyo dheef badan oo aan la koobi karin. Waxaa la odhan karaa timirtu waxay dawo u tahay wax kasta. Waana cuntadii Rasuulku (scw) ugu jeclaa.

1- Timirtu waxa ay yaraysa kalastaroolka dhiigga ku jira sababto ah waxaa timirta laga helaa maaddo Pectin oo halbowlaha dhiigga ka ilaalisa inuu isku dhego ama xidhmo kadibna uu joogsado wareegga dhiigga.

2- Timirta waxaa ku jirta maaddo kale oo la dhaho fluorine (fluoride) taasoo ka hortagta suuska ilkaha. waxayna jidhka (jirka) ka difaacdaa ama ka dhawrtaa sunta waayo timirta waxaa laga helaa saddex maaddo oo caafimaadka u roon oo kala ah Sodium iyo Potassium iyo weliba Vitamin C.

3- Waxaa kalo timirta laga heli kara maaddooyinka kala ah Iron iyo Copper iyo Vitamin B. oo daawo u ah aniimiyada ama dhiig yaraanta (anemia).

4- Timirta waxaa kale ku jira labo maaddo oo kala ah Calcium iyo Phosphorous iyo vitamin A. waxayna dawo u yihiin cudurka carruurta ku dhaca ee loo yaqaan (rickets = lugo qalooc) kaasoo lafahooda ka dhiga jiljileec iyo tamar darri ka dhalatay vitamin D la’aan.

5- Timirta waxaa ku jira maadada la dhaho Magnesium taasoo dawo u ah daciifnimada, tabar-darrida iyo boodboodka ama garaaaca wadnaha.
Waxaa kalo timirta ku jirta maaddo loo yaqaan boron taasoo dawo u ah cudurka tufta ama lafo xanuunka (rheumatism) iyo cudurka kaansarka ee maskaxda gala.

6- Timirtu waxay baajisaa oo ka hortagtaa cudurka kaansarka ee ku dhaca mindhicirka ama xiidmaha.
Waxay kalo ka hortagtaa cudurka bawaasiirta isla markaana waxay yaraysaa in xammeetida dhagxanyo ku samaysmaan. Sidoo kale waxay fududaysaa marxaladaha uuraysiga ama uur bixinta iyo dhalinta iyo muddada umuluhu ku jiraan umulbixinta. Sidaasna waxaa u sabab ah timirta waxaa ku jira maaddo miraha laga helo oo dheef-shiidka cuntada sahal ka dhigta.

7- Waxaa intaas sii dheer, timirtu waxay dawo u tahay timaha Daata, indho-daalka iyo cirrid-dhiiga ka dhasha fiitamiin C la’aan iyo weliba xiiqda iyo lafo jileeca. waxay dawo u tahay dadka habenki si ficn aan wax u arag ama qaba Cudurka Hamiinisow.

Dr. Aden Dhayow

Like, share, follow and comment, si ay dhiira gelin iigu noqoto saaxiibkaguna gaarsii mahadsanid.

02/03/2024

Sheeg 𝐱𝐮𝐛𝐢𝐧𝐭𝐞𝐞 ayaa marka h**e, ka soo baxda ama u hor sameeysma 𝐮𝐮𝐫-𝐣𝐢𝐢𝐟𝐤𝐚 ama 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚 caloosha Hooyada ku jira

𝗮) Maskaxda
𝗯) Wadnaha
𝗰) Kelyaha
𝗱) Sambabada
𝐞) Beerka

𝐒𝐡𝐚𝐫𝐞- dheh, si ay bulshada uga faaideystaan.

𝐌𝐞𝐧𝐭𝐢𝐨𝐧 ku dheh asxaabtaada, si ay ugu faa’ideystaan.

𝐃𝐫 𝐟𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐀𝐥 𝐚𝐭𝐭𝐚𝐬

𝐂𝐨𝐧𝐭𝐚𝐜𝐭 𝐄𝐦𝐚𝐢𝐥: info@drfarisAlattas.com

03/08/2023
Kaniiniga Tramadolka  Xanuunkee lagu Daaweeyaa? Page follow dhaha waa codsi
05/05/2022

Kaniiniga Tramadolka Xanuunkee lagu Daaweeyaa? Page follow dhaha waa codsi

28/04/2022

Address

Mogadishu

Telephone

+252683855308

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Aden Dhayow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category