Drs Anab mohamed

Drs Anab mohamed health and Beauty

WAA MAXAY DHIIKAR? ( HYPERTENSION )Dhiikarku waa marka uu  ka kordho cadaadiska dhiigu, sida caadiga ah ee qofka lagu ya...
03/12/2021

WAA MAXAY DHIIKAR? ( HYPERTENSION )

Dhiikarku waa marka uu ka kordho cadaadiska dhiigu, sida caadiga ah ee qofka lagu yaqaano.

Cadaadiska dhiigu (Blood pressure) marka la cabiraayo waxaa la eegaa ama la tiriyaa inta dhiig ee dhaafaysa xididada dhiiga qaada iyo xadiga adkaysi ee uu la kulmaayo marka uu wadnuhu tuuraayo dhiiga.

Xididada halbowlayaasha dhiiga oo yarada waxay kordhiyaan cadaadiska, inta kolba ay yaraadaan ama ay isku soo ururaan halbowlayaasha dhiigu waa inta cadaadiska dhigu kordhaayo, marka uu cadaadiska dhiigu mudo soo jiitamo waxa uu kordhinayaa xaalad caafimaad daro oo ay kamid yihiin wadane xanuun, (heart disease ) .

Dhiikarku (hypertension) waa xaalad iska caadiya oo soo kordha ama soo socda mudo sanada ah, taas oo mudo dheer uu cadaadiska xoogan ee ku dhacaya gidaarada halbowla yaasha dhiigu maro ay keento dhibaato cafimaad.

MAXAA GO AAMIYA DHIIKARKA?

Cadaadisks dhiiga waxaa go aamiya laba, xadiga dhiiga uu wadnuhu tuuraayo iyo xadiga iska caabinta qulqulka halbowlayaasha dhiiga, inta badan ee dhiiga uu wadnuhu tuuro iyo yaraanta halbowlayaasha, ayaa waxa ay sababaan dhiikarkaaga, (your high blood pressure).

CALAAMADAHA DHIIKARKA, ( SYMPTOMS OF HIGH BLOOD PRESSURE).

Sida ay ubadan yihiin dadka dhiikarka lihi, malaha wax calaamadaha ah, xataa hadii uu heerka dhiikarku uu maraayo akhrintiisu meel khatara.
Inyar oo kamida dadka dhhikarka leh ayaa waxa ay leeyihiin calamadahan.

● Madax xanuun (headache).
● Naqaska oo qabta, (shortness of breath).
● Dhiig sanka ka yimaada (nose bleeding).

Calaamadahan kuma muuqda iyo kuwa aan muuqaninba inta badan waxay yimaadaan ama qofka lagu arkaa marka uu dhiikarku aadka u kordho uu qofku ku dhawaado xalad dhimasho keenikarta (life threatening condition ).

MAXAA KEENA DHIIKARKA ( ETIOLOGY OF BLOOD PRESSURE ).?

Waxaa jira laba nooc oo dhiikarka ah :

1-: Primary hypertension
2-: Secondary hypertension.

Primary gu waa nooc aan la garanayn ama aanay cadayn waxa ku keenay dhiikarka (high blood pressure) waxaanu noocani ku badan yahay dadka waawayn, waxaana looyqanaa primary essential hypertension waxaanu usoo kordhaa sisiyar.

Secondary hypertension dadka leh waxaa keena xaalado caafimaad dhiikarka noocana waxaa loogu yeedhaa secondary hypertension waxaanu u soo muuqdaa si dhakhso ah, waxaanu keenaa sababa mid ka sareeya ka primary ga ah.

Waxaa sidoo kale keeni kara xaalada badan oo kala duwan iyo waliba daawooyinka qaar ayaa iyaguna sababi karta dhiikarka sidan hoos aan ku xusni doono.

■ Xidhan sababa hurdo xumo ( obstructive sleep apnea )
Xidhan kuyimaada marinka hawada ee sare kaas oo noqonkara mid wada xidhan ama mid qayb ahaan xidhan.

■ Dhibaato kutimaada kalyaha, ( kidney problems).

■ Qajidhka kalyaha kudul yaala oo fiixi kasoo baxdo (adrenal gland tumar).

■ Qanjidhada cunaha kuyaala oo dhibaato ku timaado ,( thyroid problems).

■ Xididada dhiiga oo iyaga oo aan caadi ahayn uu qofku ku dhasho certain defect you born with ( congenital in blood vessels).

waxaa iyana keeni kara dhiikarka daawooyinka qaar sida kuwa dhalmada kala fogeeya ee looqaato kala korinta umadka, kuwa cabudhka biiya, daawooyinka xanuun Biiinta ah iyo daawooyinka dhakhtaradu qoraan qaarkood, sida daawooyinka aan sharciga ahayn, CO***NE, AMPHETAMINES.

SIDA LOO CABIRO DHIIKARKA. AMA HYPERTENSION.

Dhakhtarkaaga ayaa noqonaaya qofka ugu h**eeya ee kaa eegaaya inaad dhiikar leedahay iyo inkale, waanay badan yihiin mishiinada lagu cabiro dhiikarku, halka uu maraayo dhiikarkaagu dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaaya cabiraada kadib.

Cabiraada iyo eegida labada tiro ee cadaadiska dhiigaagu aadbay mihiim u tahay.
Dhakhtarkaaga ayaa go aaminaaya inaad dhiikar leedahay iyo inkale, waxaana lagu eegi doonaa 3 ilaa wax kabadan si loo hubiyo inaad dhiikar leedahay, hadii maalintii dhowr jeer lagu cabiro waxaa kala duwanaanaya cabirka sidaa daraadeed dhowr cisho oo isku xigxigta ayaa lagu cabiri doonaa.

Waxaa iyana jirta oo dhacda in dhiikarkaagu kaco marka aad timaado goobta cabirka lagaaga qaadaayo ee dhakhtarka aad kula kulmayso xaaladana waxaa lagu yidhaahdaa afka qalaad WHITE COAT HYPERTENSION.

Cadaadiska dhiiga waa in si isku mid ah looga cabiraayo labada gacmoodba, si loo eego inuu jiro kala duwananaanshiyo adigoo gacmahana meel isku mida saaraya cabirka.

Waxa uu dhakhtarku kaacodsan doonaa inaad guriga isku soo cabirto si loo xaajiyo inaad dhiikar leedahay.

Dhakhaatirta qaar waxay bukaan kooda kula taliyaan inay iscabiraan 24 sacadood waxaana cabirkan loo yaqanaa AMBULATORY BLOOD PRESSURE MONITORING.
si markaa loo hubiyo inaad dhiikar leedahay.

Hadaba mishiinkan lagu waxaa lagu ogaanayaa inta uu maraayey dhiikarkaagu ama cadaadiska dhiigaagu 24 kii sacadood ee uu kugu xidhnaa miskiinkani.
Tanina waxay kusiinaysaa cabirka saxda ah eecadaadiska dhiiga ee habèenka iyo maalinta ahaa.

Hadiiba aad haysato nooc kamida machine ka lagu cabiro dhiikarka (hypertension) dhakhtarku waxaa uu ku samayn donaa dib u eegis, waxaana wehelindoona inuu shaybaadh jidheed kuu sameeyo (physical examination), waxaa intaa uu kuu raacin doonaa shaybaadh uu kugulana talin doono sida, kaadi (urinanalysis ) dhiig, (blood test ) sida cholesterol test, shaybaadh beer subaga, iyo in wadanaha la eego, Electrocardiogram.

DAAWAYNTA DHIIKARKA. TREATMENT OF HYPERTENSION.

Ugu horayn waxaa mihiim ah inaad wax kabadasho hab nololeed kaaga mana fufuda ee xisaabta ku darso, hana fududaysan waxaa laga yabaa inay wakhti kugu qaadato dajinta cadaadiska dhiigu, sidaa daraadeed waxaa kugu adkaynayaa inaad wax ka badasho sida aad u nooshahay iyo cuntooyinkaaga maalin laha ah.
● cun cunto caafimaadka wadnaha u fiican milixduna ku yartahay.
● waa inaad si noogta ah jimicsi u samaysaa.
●waa inaad miisaankaaga ku ilaalisaa meesha ugu fiican , hadaad miisaan badan leedahayna ama aad Bhutan tahay waa inaad ridaa.
● yaree xadiga sigaarka aad cabto amaba iska jooji,

Marmarka qaar inaad sidaad u nooshay iyo cuntada aad cunto iyo jimicsiga aad samaysaa kuguma filnaan karaan oo waxaa laga yabaa inaad daawo u baahato lagu dhimaayo cadaadiska dhiiga .

Waxaa laga yaabaa in dhalhtarkaagu kugula taliyo daawooyinka hoos u dhiga dhiikarka.
Daawaynta iyo daawada laguu qorayaa waxay ku xidhan tahay sida xaaladaada caafimaad ay tahay.

Waa inuu jiraa hadaf kaas oo kuu qorayshaysan ood ku talo galsan tahay ogtahayna halka aad gaadhsiinayso iyo inta aad dhimaysaa inta ay tahay uu dhakhtar kaagu kugula taliyey, waxaa laga yabaa inuu tiro aad gaadhsiinayso kuu sheegay dhakhtarkaagu sida in uu ka hoose noqdo 80 kasarana 130.

Hadii ay dadaadu ay tahay dadaadu tahay 65 ama ay kawaytahay oo laguu qoray daawooyinka hoos u dhiga dhiiga, cabirka dhiikarkaaguna uu maraayo 130/80 mg hg daawadaadu uma baahna inaad badasho hadii aanay kugu keenin samayn kale oo caafimaad.

Way badan yihiin daawooyin loo qaato dhimida dhiikarku ee uu dhakhaatiirtu qoraan, lakin marwalba waxay ku xidhan tahay daawada laguu qorayaa heerka uu maraayo dhiikarkaagu iyo xaladaada caafimaad.

DAAWOOYINKA LOO QAATO HIIKARKA.

1.Chitosan capsules
2.Lipid metabolic managment tea
3.Grape Extra capsules
4. Lecithin+Calcium

Tolo adaa kunool ee iyadu kuguma noola.

Matahay qof dhibsaday dhiig karka
Mala noo shahay xanuunka dhiig karka
Ma is weydiisay xageed ka heshaa daawadada
Haka quusan in aad iska daweyso dhiig karka

Hadaba waxan ku hayaa daawo dabiici ah oo kaa dhaqeyso dhiig karka

Hadii aad u baahan tahay ila soo xariir
whatsapp num

+252618395490

Labadaan sawir waa kaaf iyo kala dheeri hada waa hal qof  marka h**e wuxuu ahaa xamaali an isku filneyn balse manta waaa...
23/11/2021

Labadaan sawir waa kaaf iyo kala dheeri

hada waa hal qof marka h**e wuxuu ahaa xamaali an isku filneyn balse manta waaa hantiile oo isku filan
Ogow horumarkaaga gacantaada ayuu ku jiraaa

waxa aad iska dhigto ayaad ahaanaysaa waligaa fursadunu kuma.soo marto maalin kasta ee hal mar ayeey albaabka kuu soo gargaraacdaa
-- Guusha cidna lama dhalan
--Dadalaa wuu garaa


wll maanta waa dhalin yartahay ka faaiidayso fursada ku soo marta hadii aad jeceshahay inaad maanta badasho noloshaada
Waan kugu caawinayaa soo dhawaaw wll

wathasupp +252618395490

Haweeneyda marka ay dhalataba waxay leedahay malyan ugxaan ah. Marka ay qaan gaarto waxaa u soo haraya 300,000 oo ugxaan...
21/11/2021

Haweeneyda marka ay dhalataba waxay leedahay malyan ugxaan ah. Marka ay qaan gaarto waxaa u soo haraya 300,000 oo ugxaan ah. Marka ay gaarto 37 jir waxaa usoo hara 25,000 ugxaan ah, halka xilliga ay 51 jir yihiin ay lahaadaan 1,000 ugxaan ah, waxaana markaas fal-galid diyaar noqda 300 ilaa 400 ugxaan.

Bil kasta hal ugxan ayaa ku dhaceysa ilmo galeenka ama diyaar u ah in ilmo ay ka sameysmaan, lamana oga sababta ka dambeys arrintaas, dhammaan ugxanta kalena wey dhimanayaan.

XIGASHADA SAWIRKA,SCIENCE PHOTO LIBRARY
Qoraalka sawirka,
Keydinta ugxanta waxay haween badan u ogolaatay fursadda ah inay uur qaadaan, kuwaas oo markii h**e in uur ay qaadaan suurogeli weyday

Inta badan haweenka waxay caadada ugu dhacdaa da'da 9 ilaa 13 jir balse ilma galeenkooda masoo daayo wax ugxan ah kaddib hal sano ama labo sano marka uu ku dhaco dhiigga caadada ee ugu horreeya. Waxaa sidoo kale jiri kara caddeymo muujinaya in tirada ugxanta haweenka ay hoos u dhacdo marka ay gaaraan da'da 33. In ta badan dumarka waxay dhalmo daayaan siddeed sano ka hor xilliga dhalmo deyska haweenka.

Waxaa lagu ogaan karaa tirada ugxanta in baaritaan lagu sameeyo heerka nooca hormoonada ee loo yaqaano AMH ee dhiigga. Hormoonnadan ayaa kaalin weyn ka ciyaara kobaca unugyada ugxanta taranka ee ka qeyb qaata sameynta ilmaha.

Heerka hormoonnadan ee dhiigga ayaa hoos u dhaca marka uu is dhimo heerka taranka ee haweenka

? Lokobciya ugxanta habeneya

Laxiriir.



WhatsApp or +252 618395490

Bidaartu dadka qaar waxay ka aaminsanyihiin iney tahay Qurux qasaartay halka dad kale ka aaminsanyihiin iney bidaartu ta...
19/11/2021

Bidaartu dadka qaar waxay ka aaminsanyihiin iney tahay Qurux qasaartay halka dad kale ka aaminsanyihiin iney bidaartu tahay Heybad uu qofku eebe ku maneestay hadaba Bidaarta waxa ay tahay madoonayno inaan haatan ka wada hadalno balse aan tucda Mowduuca guda galo.

Bidaarta waxbaaha keena ama sahal u ah iney imaato bidaarta waxa ka mid ahi hadba waxa aad u isticmaalayso tintaada daawooyinka tinta Sida :-

– Isticmaalkka Geelka: daawooyinka kala duwan ee tinta la mariyo kana dhiga tintu kuwa duub duuba ooo isku maleega soomaaliduna uwada taqaan Geel ama Rasto.

Daawo Madoobeyso: Daawada lagu qariyo cirada taasoo dadku tinta ka cadaatay aay iskaga dhigaan kuwa carjaw ah ama hadaba uso baxday tinta da’a marka laga soo tago dad waxaa jira ay tintooda ka noqotay casaan ama Gaduud ciif ciif ah sidaa awgeed u marsada Daawa madoobeysada si ay tintu ugu qurxoonaato Waaase wadada aad ku kasban karto Bidaarta.

Tinta adan DhaQin: tinta oodan daryeelin waxaa imaan karta in ay tintaadu kaa buubto ama kaa gurmato dhanka dhakada ah tinta dhaq mar walba marsana Saliid ama Kareemka madaxa kuwooda saliida ah
Faahfahin kala xariir

WHATSuPP_ +252618395490

Matahay qof doonayo adeeg caafimaad oo dhameystiran?Matahay qof laxanuunsan xanuunno  kaladuwan ama laga xannuunsanyahey...
14/11/2021

Matahay qof doonayo adeeg caafimaad oo dhameystiran?

Matahay qof laxanuunsan xanuunno kaladuwan ama laga xannuunsanyahey?

Haddii jawabtadu tahy “Haa”

Waxaan kuu heynaa daawo dabiici ah oo aad u tayaaysan, muddo gaban guduhoodna cudurada ku xalin karto. waxaa kaloo ay awood uleedahay la tacaalidda cudurrada iyo iney baabi'iso gabi'ahaantoodba (Insha Allaah).

Xalbaa loo helay xanuunada joogtada ah:
Waxaa la helay daawoyin dabiici ah Herbal product wax badanna kataraysa cuduraddii lala noolan jirey sida:

1=Gaaska
2=Dhiikarka
3=Dhalma la'aanta
4=Buurnida ama cayilka muddo gaaban
5=Burada adigon qaliin marin
6=Babasiirka adigon qalin marin
7=Macaanka ama sonkorta
8=finaha ama nabraha wajiga
9=Kansarka iyo xanuunno kale.

Haddii xanuun , murugo iyo dhibaatooyin kugu haayaan soo gaar xarunta TIANSHI HERBAL PRODUCTS

Fadlan nagala soo xiriir WhatsApp lambarkan

me/252618395490

𝗠𝗨𝗥𝗤𝗔 𝗫𝗔𝗡𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔  (𝘅𝗼𝗴 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗺 𝗮𝗵) Murqa xanuunka waxa badana lagu arka bulshada inteeda badan tusala ahaan ( 60 ila 85 %) d...
10/11/2021

𝗠𝗨𝗥𝗤𝗔 𝗫𝗔𝗡𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔 (𝘅𝗼𝗴 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗺 𝗮𝗵)
Murqa xanuunka waxa badana lagu arka bulshada inteeda badan tusala ahaan ( 60 ila 85 %) dadka qan garay waxay isku arkan murqa xanuunka

Murqo-xanuunku badanaa waxaa keena kacsanaanta qofka, ,murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaartay jimicsi ama shaqo culus.
xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku dhacaaa murqaha kaliya ay culeeska la saaray ama dhaawaca soo gaaray wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku dhaco ama jimicsigu ama hawshu dhamaato.

Murqa xanunku sidaa si lamida wuxu ku inaan karaa xanuuna kale oo ah cudura guud oo jirka bani aadam ka ku dhaca sida SLE da oo kale

Murqa xanunka hadii aan la iskala tacaalin wuxuu sababi karaa in u ku gaarsiyo heer aad wax qabsan waydo ama aad socod kaba gabto

𝐌𝐀𝐗𝐀𝐀 𝐊𝐄𝐄𝐍𝐀 𝐌𝐔𝐑𝐐𝐀 𝐗𝐀𝐍𝐔𝐔𝐍𝐊𝐀:

•Shaqa culus oo aad qabato
•Excercise ama aalamito kugu cusub
•Jug ka soo gaarta muruqa
•Dilaac gaara xili aad kubad cayaarayso

•Cudurada guud sida SLE iyo rhomatoid arthritis oo ayagana wata murqa xanuun
•Infection nada dhiiga raaca
•Daaawo aad qadanaysay oo side effect ahaan u wax yeleysa murqaha
•Cudurka dhiig karka ( cloudication )


𝐂𝐀𝐋𝐀𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐆𝐀𝐑𝐓𝐎:

•Danqasho
•Barar murqaha ah
•Murqaha oo gaduuta
•Qandha kaa fuusha muruqa

𝐆𝐎𝐎𝐑𝐌𝐄𝐄 𝐔 𝐁𝐀𝐀𝐇𝐀𝐍 𝐓𝐀𝐇𝐀𝐘 𝐈𝐍𝐀𝐀𝐃 𝐃𝐇𝐀𝐐𝐓𝐀𝐑 𝐋𝐀 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐈𝐑𝐓𝐎 :

*Murqo-xanuunku sii jiro in ka badan 3 maalin
*Xanuunku uu noqdo mid aadan u adkaysan karin
*Aad isku aragto calaamad caabuq sida barar, gaduudasho iyo xanuun haddii murqaha la taabto ah
* Aad ku aragto murqaha dushooda finiinic/faruuruc.

𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞-dheh oo gaarsii si ay uga faaideystaan.

Wathasup /+252618395490

Taxanaha CaafimaadkaSalpingitis (Salbinjaaytis) - infakshan ku dhaca Tubooyinka1. Salpingitis waa caabuq ama infakshan s...
09/11/2021

Taxanaha Caafimaadka

Salpingitis (Salbinjaaytis) - infakshan ku dhaca Tubooyinka

1. Salpingitis waa caabuq ama infakshan saameeya ama ku dhaca tubooyinka makaanka waxaana caabuqaan dadka qaba kasoo daahda ama qalqal gasha caadada, marka ugu dambaysana waxa aad u yaraada fursadaha dhalmada gabadha

2. Salpingitis calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qoyaan ka yimaada xaga hoose gaar ahaan qoyaan midabkiisu badalan yahay, shirif la socda qoyaankaas, dhiiga caadada in gabadhu aad ugu xanuunsato iyo gabadha oo jamaaca dhexdisa ku dareenta xanuun zaaid ah

3. Sidoo kale calaamadaha cudurkaan lagu garto waxaa ka mid ah in dhiig yar yimaado inta u dhaxaysa labada wareeg ee caadada, dhabar xanuun, caloosha oo dhinac ama labada dhinac qofka ka xanuunta, qandho yar, dhabar xanuun joogta ah iyo lalabo marka qaar la arko

4. Xanuunkaan waxaa keena ama sababa noocyo ka mid ah bakteeriyada (bacteria), sidoo kale xanuunkaan wxaaa keeni kara cudurada lagu kala qaado galmada qaybo ka mid ah, haweenka la xanuunsan cudurkaan ayaa aad usoo badanaya marka loo eego sanadihii h**e

5. Waa cudur la daawayn karo aadna u fudud hadii si dhab ah loo baaro, iyada oo laga duulaayo astaamaha cudurkaan sidoo kale xanuunkaan waxaa dhici karta in saamayn uu ku yeesho galmada, timaha qofka oo daata, dhalmada iyo dhicis ama dilan inuu keeno

6. Vitaminada qaar oo qofka jirkiisa ka maqan, barar in gabadhu ka dareento xuddunta hoosteeda, iyo fadhiga oo aad u badan waa waxyaabaha sababta u noqon kara xanuunkaan, sido kale xanuunkani saamayn toos ah iyo mid dadban ayuu ku yeelan karaa ugxaanta

7. Exercise ama jimicsi in uu qofku sameeuo ay waajib tahay, cuntooyin in uu ka fogaado lagula taliyo iyo waxyaabo in uu cuno lagu taliyo ayaa jira marka laga hadlaayo xanuunkaan sidaa darteed la xiriir dhakhtarka kuugu djow hadiu aad isaga shakiso xanuunkaan.

Gaarsii Walaalaha Kale Si Taladaan U Caawiso

whatsp or call +252618395490

Cudurka qalalka ama suuxdintaMaanta waxa aan soo qaadaneynaawaxna kaiftiimineynaa miyir-beelida ama suuxdinta. Waxaynuma...
09/11/2021

Cudurka qalalka ama suuxdinta
Maanta waxa aan soo qaadaneynaa
waxna ka
iftiimineynaa miyir-
beelida ama suuxdinta. Waxaynu
maqaalkan ku soo qaadi doonaa
waxyaabaha sababa miyir-beelka, calaamadaha lagu garto iyo daaweyn
tiisa ba
Miyir beelida ama suuxdinta macnaheedu
waxa weeyi qofka oo miyirbeelaya, ama
uu miyirkii ka lumay. Waxaanu miyirka
qofka u soo noqdaa daqiiqado ama saacado kadib ka dib.
Waxaanu qofku dareemaa marka uu
miyirka u soo noqdo, daal iyo naxdin.
Haddaba marka ay xaaladdan oo kale
qofka ku timaado maxaa u sababa?
Waxaa u sababa waxyaalo badan laakiin inta badan waa cadaadiska dhiiga oo
hoos u dhaca (blood pressure) ka dib
markii qofku si degdeg ah ku kacay
isagoo markaa fadhiyey. Marka
cadaadiska dhiigu uu hoos u dhaco,
waxaa dhacaysa in aanay maskaxdu helin dhiig ku filan.
●●●👉Daaweeyn rasmi ah oo daaweynaysa noocyada qalalka lana qaato muddo gaaban wax tarkeedana in badan la
xaqiijiyey dhibaato caafimaad na aan
keeneynin si deg deg ah na wax uga
qabata inshaa allaah cudurka qalalka /
suuxdinta daaweyn
tayeysan oo wax tar leh iyo caawimaad
talo iyo tusaaleyn inshaa allaah.
Hadii aad ka cabaneyso cudurkaan ama
uu hayo qof ehelkaada asxaabtaada dhaqaatiirta ayaa kuu ballan qaadey
daaweyn kaa kaafisa cudurkaan inshaa
allaah si fudud noogu soo gudbi adigoo
isticmaalaya telefoonada iyo emailada
ku jira page ka nala soo xiriir mahad
sanidiin
ka la soo xiriir Numberkaan

whats up+ 252618395490

∆ 𝗪𝗔 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗬  𝗞𝗢𝗟𝗘𝗦𝗧𝗔𝗥𝗢𝗢𝗟?!Kolestarool (Cholesterol) waa shay dufan ah oo jirku uu u baahan yahay inuu ku shaqeeyo. Waxaa ...
09/11/2021

∆ 𝗪𝗔 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗬 𝗞𝗢𝗟𝗘𝗦𝗧𝗔𝗥𝗢𝗢𝗟?!
Kolestarool (Cholesterol) waa shay dufan ah oo jirku uu u baahan yahay inuu ku shaqeeyo. Waxaa lagu sameeyaa beerka waxaana laga helaa cuntada ka timaadda xoolaha, sida hilibka, ukunta, waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo subagga.
Kolestarool fara badan oo jirka ku jira wuxuu noqon karaa mid waxyeello u leh jirkaaga wuxuuna kordhin karaa halista aad ugu jirto cudurka wadnaha.
∆𝗬𝗔𝗔 𝗛𝗔𝗟𝗜𝗦 𝗨𝗚𝗨 𝗝𝗜𝗥𝗔 𝗞𝗢𝗟𝗘𝗦𝗧𝗔𝗥𝗢𝗢𝗟?
Halis ayaad ugu jirtaa dhiig kolestaroolkiisu sarreeyo haddii:
# Jirkaagu uu sameeyo kolestarool fara badan
# Aad cunto cunno uu dufanka cayriin iyo kolestaroolku ay ku sarreeyaan
# Aad sonkorow qabto, heerka qanjirka dheecaan burburintaadu uu hooseeyo kaasoo loo yaqaanno hypothyroidism, ama cudurka killida

𝗠𝗔 𝗝𝗥𝗧𝗔𝗔 𝗖𝗔𝗟𝗔𝗔𝗠𝗔𝗗𝗢 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗚𝗔𝗥𝗧𝗢 𝗞𝗢𝗟𝗘𝗦𝗧𝗔𝗥𝗢𝗢𝗟𝗞𝗔 𝗛𝗘𝗘𝗥𝗞𝗜𝗜𝗦𝗨 𝗦𝗔𝗥𝗘𝗘𝗬𝗢?
Cudurkaan waxaa loo yaqaanaa "dilaaga aamusan" sababtane waxay tahay calaamado lagu garto ma lahan, waxaa dhici karto calaamadda ugu horreysa inay noqoto, wadna xanuun "Angina", wadna qabad "Heart Attack", Faalij "Stroke" ama xanuun murqaha lugta markaa socotid.
Cillada kolestaroolka kacsan wuxuu noqon karaa dhaxal, caruurta ama dhalinyarada wuu ku dhacaa noocaan.

𝗛𝗔𝗟𝗜𝗦 𝗠𝗔 𝗨𝗚𝗨 𝗝𝗜𝗥𝗔𝗔 𝗫𝗔𝗡𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔 𝗞𝗢𝗟𝗘𝗦𝗧𝗔𝗥𝗢𝗢𝗟𝗞?
Haddii hooyadaa, aabaahaa, walaalahaa ay kolestarool qabaan ama da'daadu ka sarreeyso 50 jir, ama sonkor nooca 2 aad qabto, ama cayilan tahay ama aadan dhaqdhaqaaq samaynin ama sigaar iyo khamri cabto ama astaamaha lagu garto kolestaroolka aad indhaha ku leedahay.

Waxaa jira 3 nooc oo waaweyn oo dufan ah oo dhiiggaaga ku jira:



# (Dufanka Cufkiisu Sarreeyo) High Density Lipoproteins (HDL):



Kolestaroolkaan "wanaagsan"? wuxuu kolestaroolka dheeraadka ah ka qaadaa dhiiggaaga wuxuuna ku celiyaa beerka si markaas jirkaagu uu u awoodo inuu uga takhaluso.
# (Dufanka Cufkiisu Hooseeyo) Low Density Lipoproteins (LDL):
Kolestaroolkaan "xun"? ee dhiiggaaga ku jira wuxuu ku kordhaa marinnada dhiiggaaga. Tani waxay keeni kartaa in marinnada dhiiggaagu ay ciriiri galaan, iyadoo dhibaato gelinaysa socodka dhiigga.
# Triglycerides: Cunidda Kaarbohaydareyt fara badan waxay kordhin kartaa heerka triglyceride.
Dufannada dhiigga waxaa lagu cabbiraa baaritaanka dhiigga.
Natiijooyinkaagu waxay kuu sheegi doonaan heerka guud ee kolestaroolka dhiiggaaga
# Heerka caafimaadka oo ka hooseeya 200.
# Haddii kolestaroolkaaga guud uu ka sarreeyo 200, takhtarkaagu wuxuu kaa baari doonaa HDL, LDL iyo triglycerides.

Heerka HDL ee kolestaroolka dhiiggaaga
Kani waa kolestaroolka "wanaagsan"?: mar kasta oo ay tiradiisu sarreyso, way ka sii wanaagsan tahay.
# Heerka caafimaadka leh waa 60 iyo ka kor.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu ka hooseeyo 40.

Heerka LDL ee kolestaroolka dhiiggaaga
Kani waa kolestaroolka "xun"?: mar kasta oo ay tiradiisu hooseyso, way ka sii wanaagsan tahay.
# Heerka caafimaadka leh wuxuu ka hooseeyaa 100.
# Waxaa laga yaabaa in takhtarkaagu uu doonayo in LDL-kaagu uu ka hooseeyo 70 haddii aad in dhawaale dhibaato wadne la kulantay.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu uu yahay 130 iyo ka kor.

Heerka triglyceride-ka dhiiggaaga
# Heerka caafimaadka leh wuxuu ka yar yahay 150.
# Takhtarkaaga kala hadal daaweynta haddii heerkaagu uu yahay 200 iyo ka kor.

Si aad hoos ugu dhigtid heerka kolestaroolka dhiiggaaga


𝗧𝗔𝗟𝗢𝗢𝗬𝗡 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗
# Takhtarkaaga u tag oo kolestaroolka si joogto ah ha lagaaga cabbiro.
# Kala hadal takhtarkaaga, kalkaalisada ama cunto qoraha wax ku saabsan qorshaha cunto cunidda iyo jir dhiska.
# Daawo ayaa laga yaabaa in loo baahdo haddii cuntada la qoray iyo jir dhisku aysan ku filneyn xalka arrinta.
# Cun cunto buunshuhu ama faybarku aad ugu badan yahay, sida miraha isu dhan, digirta isu dhan, iyo furuto markaas la gooyey iyo khudrad.
# Xaddid cuntada ay ku jiraan xaddiyo sare oo kolestarool ah iyo dufannada cayriin iyo dufannada polyunsaturated-ka ah, sida hilibka lo'da, farmaajada, iyo caanaha.
# Cun cuntooyin dufankoodu hooseeyo, sida digaagga haragga laga diiray, kalluun ama caano dufanka laga saaray.
# Dooro cuntooyinka ay ku sarreeyaan dufanka monosaturated-ka ah, sida saytuunka ama saliidda canola iyo naatiska.
# Dub, kari, sol ama dhagax ku dub halkii aad shiili lahayd.
Takhtarkaaga kala hadal sidaad u maamuli lahayd heerarka kolestaroolkaag
waxii fafahin ah naga la soo xiriir +252618395490
𝗹𝗶𝗸𝗲 &𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲 𝗟𝗮𝘀𝗶𝗶 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗮𝗴 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲

Waxaan kuu hayaa fursad qaali ah oo badaleysa noloshaada; kuna abuuri karto dhaqale💰💲💱 wanagsan - ma ahan fursad aad maa...
08/11/2021

Waxaan kuu hayaa fursad qaali ah oo badaleysa noloshaada; kuna abuuri karto dhaqale💰💲💱 wanagsan - ma ahan fursad aad maalmo kooban dab ka shidan karto oo kaliya ee waa fursad aad hantiile ku noqon karto.
Waan ogahay inaad isweydiin karto SU'AALAHAAN

Muxuu kuugu sheegayaa adiga? Sow ma jirto cid kaaga sokeysa oo uu la wadaagi karo.

HAA HAAA WAA AY JIRAAN, BALSE KAAMA MUDNA, SABABTOO AH DHAGAXYADA DAHABKA AH WAXAA KA SOKEEYA DHOOBO AMA QASHIN
SIDAAS DARTEED MA OGI INAAD DAHABKII TAHAY AMA DHOOBADII KA SOKEYSAY.

SUALAHA KALE EE AAD ISWEYDIIN KARTO:-
waa Maxay danta ugu jirta in uu fursadaan kula wadaago.
WAA RUNTAA QOFNA DAN LA'AN HOWL UMA QABTO,BALSE FURSADAN WAA INOO WADA DAN.
KUMA KHASAARI DOONTID INAAD KU FAAIDO MOOYAANE.

HADAAD DANEYNAYSO INAAD OGAATO FURSADAN SI AAD UGA FAAIDEYSATO WAXAA MUHIIM AH INAAD II SHEEGTO INAAD DIYAAR U TAHAY LAWADAAGISTA FURSADAAN.

1- HAA ILA WADAAG
2- MAHADSANID WALAAL.
Igalasoo xiriir hadii aad daneyneysid numberkaan
♡+252618395490📞 siaan kula xiriiyo 💽●●●●haye wall jiifka badan ma fiicnee waqtigaga kafaiideyso walhi waxaad ku jirtaa maalmihii noloshaada ugu firaaqada ficneed waana waqtigii aad noloshaada go,aamin laheyd

80 nuuc o kamida dhecanada jidhkeeni waxay kushaqeyaan madada zink 1 zink waxaykorisa unugyada jidhkena2 zink waxay horm...
08/11/2021

80 nuuc o kamida dhecanada jidhkeeni waxay kushaqeyaan madada zink

1 zink waxaykorisa unugyada jidhkena
2 zink waxay hormarisa xubnaha taranka
3 zink waxay ad ugu fiicantay hamiyarida
4 zink waxay ad ugu fiicantay dumarka urkale
5 zink waxay ad ugu fiican tahay hooyada nuujisa
6 zink waxay ufiicantay araga indhaha
7 zink waxay ad ugu fiicantay maqaarka
8 zink waxay ka hor tegta igshanka
9 zink waxay ufiicantahy dadka urtu ka tegto
10 zink waxay ufiicantahay sare uqadista shaqada maskaxda
11 zink waxay dawaysa boogaha inay h**e ucafimadan Ayaay ka qab qadataa

inta iyo inkalo badanba waxad xarunteena muqdisho
kala xiriirta

Tell 0618395490

THYROID = DILAAGA QARSOON EE DUMARKAqanjirka thyroid ka waa qanjir u samaysan sidii balan baalisti oo kale waxa uuna qay...
08/11/2021

THYROID =

DILAAGA QARSOON EE DUMARKA

qanjirka thyroid ka waa qanjir u samaysan sidii balan baalisti oo kale waxa uuna qaybta h**e kaga yalaaa cunaha ( hawa marenka )waxa uuna dhuunta kahga yalaa dhan ka hoose
Qanjirkaan marka uu cadiga yahy lama daremo
Waxa uuna leeyahy 2 dhinac

FG = DUMRKA QABAN CUDURKA KUDHOCO QANJIRKAAN WAXA AY MARAN XALADO
Ku bilawdaan tartiib tartiib kadibna isu badala halis cafimaad

●Astaamaha qanjirka 'thyroid' (hypothyroidism)

👉Calaamaduhu si tartiib tartiib ah ayey u kobcaan oo ma ogaan kartid inaad dhibaato caafimaad qabto dhowr sano.

Calaamadaha ugu h**eyo waxaa ka mid ah:

● daallanaan
● u nuglaansho qabow
● miisaanka oo kordha
● calool istaag
● niyad jab
●dhaqdhaqaaq oo dhiba
● fikir gaabis ah
● murqo xanuun iyo daciifnimo
● maqaar qalalan oo fiiqan
● timo jajaban iyo ciddiyaha oo siibta
● kabuubyo iyo dareemid la aan gacanta iyo faraha
● qufac iyo hergab soolaalabta ayan kadiba
● hurdo badan oo xad dhaaf ah

🤔 Xaaladaha halista ah 🤔

● indhaha oo soo barara
● Isha iyo baarka inta udhaxaysa oo midabku isbadala
● Kansar dhuunta ah

Si laguu cawiyo fadlan la xirir whatsapp number +252618395490

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Thursday 06:00 - 17:00
Friday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00

Telephone

+252618395490

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs Anab mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Drs Anab mohamed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category