Drs nasra

Drs nasra On this page you can find more information about labortory

Ogoow Waxyaabaha Keena Xasaasiyadda oo si fududna iskaga daweeyWAA MAXAY XASAASIYAD?Xasaasiyadda waxa ay dhacdaa marka h...
30/08/2021

Ogoow Waxyaabaha Keena Xasaasiyadda oo si fududna iskaga daweey

WAA MAXAY XASAASIYAD?

Xasaasiyadda waxa ay dhacdaa marka habka difaaca jirka ay walax shisheeye ah soo gasho oo caadi ahaan waxyeello u lahayn jidhka,

balse difaaca jirka uu umaleeyo walaxdaas mid dhib ku ku ah jirka sidaasna uu ula diriro,
Dabadeed dagaalkaas uu difaaca jirku qaadey ayey ka dhashaan inta badan calaamadaha xasaasiyada ee aad aragtàan.

CALAAMADAHA XASAASIYADA.– Cun-cun sanka iyo indhaha ah.

-duuf kulul iyo ilmo kulul.

– Jirka oo ku cun-cuna,xoqma oo dhiiga

– Nabro yar-yar oo guduud ah oo maqaarka kaasoo yaaca oo cun cun badan bararna leh.

– Barar sanka carabka iyo indhaha ah.

– hindhiso ama neefta oo ku dhibta.

– qufac saaid ah mararka qaar.

MAXAA SABABA XASAASIYADDA?

Cilmi-baadhayaashu Ma caddeen wali sababta habka difaaca jidhku uu u sababo fal-celin xasaasiyad leh marka walxaha caadiga ah ee aan khatarta lahayn ay soo galaan jidhka.

Xasaasiyaddu qayb ka mid ah ayaa la socota hiddo-wadayaasha waalidiinta. Tani macnaheedu waxaa weeye waalidiinta ayaa u gudbin kara carruurtooda xasaasiyadda.

Xasaasiyad gaar u ah waalidiintada k**a dhaxli kartid Tusaale ahaan, haddii hooyadaadu xasaasiyad ku leedahay Digirta, macnaheedu maahan inaad adna digirta ay qasab tahay in aad xasaasiyad ku yeelato balse waxyaalo kale ayaad xasaasiyad ku yeelan kartaa oo aad ka dhaxli kartaa.

WAXYAALAHA UGU CAANSAN OO KICIYA.

1= CAYAYAANKA: Qaniinyada kaneecada,in aad caaro taabato ama baran-baro.

2=CUNTADA: Hilibka kaluunka, looska, caanaha,digirta,ukunta iyo qaar kale oo badan.

3=DAAWADA: sida Penicillin ama sulfa iyo qaar kale.

Qof walbana xaasaasiyada waxaa ku kiciya shey ama dhowr shey oo kuwaan kamid ah,

Waana muhiim qofku in uu ogaado waxa ku kiciya xasaasiyada si uu uga dheeraado.

DAAWADA XAASAASIYAD.

Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo xasaasiyadda waa in laga fogaado wax kasta oo kugu kicinaya xasaasiyad, Haddii aysan suurtagal ahayn, waxaa jira fursado daaweyn ah oo la heli karo.

Daawada xasaasiyadda waa in laxiraa dheecaanka histamine oo ah kan kiciya xasaasiyada si dheecaankaas loo xirana waa in la qaataa daawada antihistamines ka ah.

SIDEE ADIGA OO XAAFADAADA JOOGA AAD ISKAGA DAAWEYN KARTAA XASAASIYADA?

1= MOOSKA

moosku waxa ku jirta maado layiraahdo antioxidant taas oo aad faa’iido ugu leh in ay baabi’iso dhamaan bararka iyo nabarada ay keentey xasaasiyadu.

Sidoo kale waxaa ku jirta patashiyum oo isku dheeli tireysa biyaha dhecaanada jirka ay saameysey xasaasiyadu.

Hadii aad cun-cun faro badan maqaarka ku leedahay soo qaado diirka mooska kadib si fiican ugu xoq meelaha ku cun-cunaya ama nabarada iyo bararka leh.

2= CABITAABKA LIINTA.

In aad cabto mar walba cabitaan liin rasiin ah ayaa kaa caawineysa in aad ka hortagto xasaasiyada jirka,

Kumiiro galaas barkiis oo biyo ah liinta kuna darso qaado malab ah cabna aroor walba.

Taas ayaa ka hortag u ah xasaasiyada daawana u ah jirkana kasaari doonta sunta.

3= SANJABIISHA

Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta kicisa xasaasiyadda

Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walb.

4= BABAYGA

Hadii aad xasaasiyad jirka ah leedahay iyo cun-cun siyaado ah babaygu waa daawo muhiim ah oo aad ku raysan karto hadaad isticmaasho,

Soo qaado babayga si fiican u mar-mari meelaha aad xasaasiyada ku leedahay daawo wanaagsan oo aad ku raysan karto ayuu leeyahay babaygu.

5= TOONTA

Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.

Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.

4= CABIDDA BIYO BADAN

Hadii aad leedahay xasaasiyada waa in aad cabtaa biyo badan maalin walba waxay kaa caawinayaan biyaha badan jirka in laga qashin saaro sunta iyo waxyaalaha xasaasiyada kicinaya,waxayna dheeli tiraayaan caafimaadka jirkaada iyo murqaha.

Maalin walba isticmaal ku dhawaad 2 liitar oo biyo ah ama kabadi.

TALLO

Hadii mid kamid ah daawadan aan idiin soo xusey aad markaad isticmaasho aad xasaasiyad ka sii qaado amaba aad horey u ogeed midkood in aad xasaasiyad ku leedahay fadlan iska jooji.

Xanuunkan daawadiisa ugu muhiimsan waa in inta aad ogaato waxa kugu kiciya xasaasiyada aadna ka dheeraataa waxyaalahaas.

W/Q: Dr Mohamed Amen

02/08/2021

A blood film—or peripheral blood smear—is a thin layer of blood smeared on a glass microscope slide and then stained in such a way as to allow the various blood cells to be examined microscopically.
How to prepare a thin smear

FAA II DADA KOOSTADAKoostadu waa caleen cagaaran oo aad looga isticmaalaa meelo badan oo dunida ka mid ah, siyaabo kala ...
24/07/2021

FAA II DADA KOOSTADA
Koostadu waa caleen cagaaran oo aad looga isticmaalaa meelo badan oo dunida ka mid ah, siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa sida in cunto ahaan loo karsado ama cabbitaan loo shiito.

Nafaqada Koostada:
Koostada waa khudaar ay ka buuxaan maadooyin jirka waxtar u leh waxaana ka mid ah Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, B2, manganese, Birta (iron), Magnesium, Potassium, Copper iyo calcium.
° Koostada waxaa aad ugu badan maadada jirka sunta ka saarto ee loo yaqaan Antioxidants, waxaa kaloo ku jiro maadada Folate taasoo la rumaysay yahay in ay faa’iido caafimaad u leedahay wadnaha iyo xididada.
Dadka dhiig karka qaba waxaa lagula taliyaa inay joogteeyaan cunista koostada sababtoo ah waxaa ku jira maadooyinka magnesium iyo potassium oo ka qeyb qaata kantaroolidda cadaadiska dhigga.
Koostada waxaa kaloo ku badan maadooyin la dhaho beta-carotene, lutein iyo xanthen oo indhaha faaido ugu jirto kuwaas oo siyaadiyo awoodda aragga indhaha.
Cilmbi baaris dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in koostadu in koostada ay kobciso xasuusta, shaqada maskaxda iyo foojignaanta.

° Nafaqooyinka muhiimka ah ee koostada ku jira sida Vitamin B, C, E, potassium, magnesium, iron, calcium iyo omega waxay u fiican yihiin caafimaadka timaha. Tusaale ahaan birtu (iron) waxa ay caawisaa in ogsajiinta dhiiggu ay gaarto timaha, isku darna waxa ay maaddooyinkani timaha u soo celiyaan quruxda, iyo bixitaanka dabiiciga ah.
Koostada waxaa laga helaa fitamiin “K” oo jirka ka caawiya inuu nuugo macdanta calcium taas oo muhiim ah caafimaadka lafaha. Fitamiin K oo jirka ku yaraada waxay keeni kartaa jajabka lafaha.
Ugu Dambeyntii koostadu waxay u wanaagsan tahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS ayaa shaacisay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas o...
22/07/2021

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS ayaa shaacisay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo ay ka qeyb galeen 34908 Ardey
Dhaman ardayda somaliya wxaan leeyhy hmplyo guul cawan

22/07/2021

All ingredients in COVID-19 vaccines are safe 👇

Shapes of bacteria
22/07/2021

Shapes of bacteria

Stool sample.... what can you identity❓ A_ ascaris lubercoid B_ hookworm C _ trichuris trichiura
19/07/2021

Stool sample.... what can you identity❓
A_ ascaris lubercoid
B_ hookworm
C _ trichuris trichiura

identify  this instrument ❓❓
19/07/2021

identify this instrument ❓❓

19/07/2021
𝗧𝗲𝗲𝘁𝗮𝗻𝗼Cudurkaan waa cudur ka mid ah cudurada faafa (communicable diseases) gaar ahaan lixda cudur ee dilaaga ah (six ki...
09/03/2021

𝗧𝗲𝗲𝘁𝗮𝗻𝗼

Cudurkaan waa cudur ka mid ah cudurada faafa (communicable diseases) gaar ahaan lixda cudur ee dilaaga ah (six killer diseases)

𝗪𝗮𝘅 𝘆𝗮𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮 𝗰𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮𝗮𝗻

Cudurkaan waxaa sababo noole bacteria oo lagu magacaabo (Clostridium Tetani)
bacteriyada keentay cudurkaan waxa ay jirka ku gashaa marka waxyaabo wasaqeysan ay mudaan ama ay gooyaan qofka jirkiisa,

waxa kale oo ay jirka ku geli kartaa marka
meel nabar ah ama dhaawac ah ay taabato ciid wasaqeysan Bacteriyada keentay cudurkaan waxaa laga helaa ciida iyo calyada xayawaanka.

Bacteriyada keenta cudurkaan waxay ku kortaa boogaha iyo dhaawacyada waxayna soo saartaa sun xanuun badan Suntaasina waxay si dhaqsi leh u raacdaa qulqulka dhiigga (blood stream)

waxayna weerartaa habdhiska dareen wadka (nervous system) suntaasina waxay sababtaa in ay murqaha qofka soo kogaan taasina waa calaamada ugu muhiimsan ee lagu garto qofka qaba cudurka Tetanada

𝗫𝗶𝗹𝗶 𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮

Xilli huuriska cudurkaan waa 2 ilaa 16 maalmood

𝗖𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮

1 Qofka oo aan afka kala furi Karin
2 Qofka waxaa ku adkaada wax calalinta
3 Bukaanka oo ay murqihiisa soo kagaan
4 Bukaanka waxaa lagu arkaa naxdin daran
5 Bukaanka oo carrabka ruugo
6 Dhabarka oo gadaal u goto

𝗣𝗮𝘁𝗶𝗲𝗻𝘁 𝗖𝗮𝗿𝗲

1. Bukaanada qaba cudurkaan waa ay dhintaan haddii aysan helin Tetanus anti toxin iyo xanaano kalkaalnimo oo wanaagsan.

2 Ka hor inta aadan u gudbin isbitaalka isticmaal Antibiotics sida Penicilline Pial haddii penicilline-tu allergic ku noqoto ugu badal Erythromycine

3 Ka nadiifi boogaha ama dhaawacyada inta aadan ugudbin isbitaalka.

4 Haddii aad ku aragto bukaanka oo ay murqihiisa soo kogaan isticmaal Va**um

lexadine Pial lixdii saacba mar adigoo ka isticmaalayo IV

5 Waxaa kaloo la siiyaa Dextrose solution 5%.

Share

Normal laboratory values    # hematology   # others      # chemistry   # pancreas  # lipid   # Toxiclvel  #  differentia...
09/03/2021

Normal laboratory values
# hematology
# others
# chemistry
# pancreas
# lipid
# Toxiclvel
# differential CSF
# bloodgas
# urine
# CSF
# endocrine
# synovialfluid
# gramstain
# pleuralfluid
# microcytic anemia

Page : like and share 🙏🙏

Address

Mogadishu

Telephone

+252612662009

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs nasra posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Drs nasra:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram