03/01/2026
Warkii iigu farxad badnaa ee aan 2025 maqlay..
Dhaqtarad u joogtay magaalada dhusamareeb iney tabobar ku bixiso ayaa fool ku qabatay kuna dhashay magaalada dhusamareeb.
“Fool ayaa igu qabatay dhusamareeb, markaan dhalayay ilamheyga ayaan u cabsanayay, lakin umuluso aad u taqaan (Newborn care ) ayaan lakulmay, markey wixii dhan noo dhameysay ayey igu tiri DR. FARTUN OREY ayaa tababar nagusiisay NEWBORN CARE ka oo aan cilmigan ka bartay. Anna waxaan iri waan u sheegaa Dr Fartun inaan ku faa’iiday wixii ay ku bartay”.
Waana ku farxay iney sabab u noqday badbaadada ilmo badan oo Somaaliyeed.
Sawirda hoose waa Tababarkii aan ku qabtay. Magaalad dhusamareeb December 2024, ay umulisadaas iyo inkabadan 60 xirfadle caafimad ay ka faa’iideysteen.
Waxaan ku bogaadinaa nafteyda iyo dhaqatirta saxibadey ahba inaan Tababa barada nuucan ah aan badino.