29/08/2025
Rajada waa tiirka ugu weyn ee nolosha bini’aadamka, waa halbeegga ay dadku ku noolyihiin, kuna dhabar-jabiyaan duruufaha, Qofka rajada leh, xitaa haddii ay noloshiisu marayso wadiiqo madow, wuxuu had iyo jeer arkaa nuur ka soo muuqda dhammaadka mugdiga, Waa qof aan quusan, aan ka niyad jabin, kana digtoon inuu ka haro riyadiisa.
Rajadu ma ahan wax la taaban karo, balse waa dareen xooggan oo ka dhasha kalsoonida nafta iyo aaminaadda Alle, Waa inaad aaminsan tahay in xaaladda adag ee maanta aysan noqon doonin sida berri, waa inaad qabto rajo xitaa hadii xaaladda jirta aysan kuu muuqan wax wanaagsan.
Guushu waxay bilaabataa marka qofku rajo yeesho, qof aan rajo qabin, ma yeesho niyad, dadaal iyo adkaysi, Rajadu waxay dhiirrigelisaa hal-abuur, karti iyo dulqaad, inta badan dadka guulaystay waxay ku bilaabeen nolol adag, laakiin rajadoodu waxay ka dhigtay in aysan quusan.
Qof kasta oo guulaystay waa qof rumeysan jiray maalin uun in uu gaari doono rajadiisa, Hadduu qof walba quusto halkii uu dhibaato ku arko, dunidu meel ay gaarto ma jirteen.
وَلَا تَيْأَسُوا مِن رَّوْحِ اللَّهِ ۚ إِنَّهُ لَا يَيْأَسُ مِن رَّوْحِ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْكَافِرُونَ
Ha ka quusanina naxariista iyo f***jka Alle, xaqiiqdii k**a quustaan naxariista Alle dadka gaalada ah mooyee.
Aayada waxay muujinaysaa in rajo la’aantu ay ka mid tahay astaamaha dadka iimaan laawayaasha ah, Muslimka dhabta ahi, mar walba wuu rajo qabaa, xitaa marka ay cadaadis iyo dhibaato jirto.
Aayadda waxay dhiirrigelin xooggan siinaysaaa qof kasta oo dhib ku jira, Waxay na baraysaa in rajo la’aantu aysan u qalmin qof Muslim ah, waayo Allaha na abuuray wuu na arkaa, wuu na maqlaa, wuuna ogyahay baahideenna oo mar walba wuu u dhow yahay sidii uu u furi lahaa iridaha kheyrka.
Is-xasuusi in wax walba is beddeli karaan Dhibaatada maantana waxay noqon kartaa sababta farxadda berri, Dadka aad la joogto waxay saameeyaan maskaxdaada, Ka fogow kuwa had iyo jeer tabanaya.
Aaminsanow in Alle kuu hayo khayr aanad ogeyn, Waxa Alle kuu hayo ayaad u baahan tahay, ma ahan waxaad rabto oo keliya, Waad ku guulaysan doontaa, Waad ka bixi doontaa dhibkan, Weli fursado ayaa kuu bannaan, Ducooyinka rajada lagu muujiyo waxay kor u qaadaan niyadda iyo kalsoonida.
Rajo-gelintu waa furaha guusha, waa daawada qalbiga, waa waddada iftiinka ku dhisan, Ha u ogolaanin naftaada inay quusato, waayo quusashada micnaheedu waa inaad ka tanaasusho riyadaada iyo mustaqbalkaaga.
Dhib kasta oo aad la kulanto, rumayso in ay tahay kaliya tijaabo, Dadaal, duceeyso, dulqaado, oo ha lumin rajadaada, Maalintaad sugayso way imaan doontaa, ee u diyaargarow Insha Allah.
In la rumaysto in Alle mar walba khayr keeni karo, xitaa marka ay xaaladdu aad u adag tahay, Quusashada iyo niyad-jabka waa sifooyinka dadka aan Alle rumaysnayn, sababtoo ah qofka Muslimka ah wuxuu ogyahay in Alle awood u leeyahay inuu xaalad kasta beddelo daqiiqad gudaheed.
Ha quusanin, Haddii aad dhiban tahay, ogow in Alle kuu hayo f***j aad u weyn oo aadan ogayn, Waxaad waayi kartaa wax walba, laakiin ha lumin rajadaada ku aaddan Allah, Qofka iimaanka leh waa mid dulqaata oo sugaya waqtiga Alle, F***jka Allaah wuu imaan doonaa, laakiin wuxuu yimaadaa marka waqtigiisu yimaado.
Marna ha ka quusanin naxariista Alle, maxaa yeelay, f***jka Alle wuxuu imaan karaa markaad ugu baahi badan tahay, Rajadu waa shidaalka nolosha, quustuna waa dabin lagu halaagsamo.