25/11/2025
Faaraxow mawduucan waa muhiim ee si fiican u akhriso.
Postpartum depression: xanuunkan wuxuu hooyada ku dhacaa markay dhasho ka dib, waa xaalad ay hooyadu marto, balse hooyooyinka somaliyed midaa kuma baraarugsana.
Maxaa keena Postpartum Depression?
Waxaa jira dhowr sababood oo isku dhafan:
1. Isbeddelka hormoonnada:
Ka dib dhalmada, hormoonnada estrogen iyo progesterone si degdeg ah ayey hoos u dhacaan. Isbeddelkan wuxuu saameyn ku yeelan karaa maskaxda iyo niyadda.
2. Daal jireed iyo hurdo la’aan:
Dhalmada iyo daryeelka ilmaha ayaa keena hurdo la’aan iyo daal, taasoo kordhinaysa niyad-jabka.
3. Culeyska maskaxeed iyo dareenka:
Welwelka ku saabsan ilmaha, mas’uuliyadda cusub, iyo walaaca nolosha ayaa keeni kara stress iyo niyad-jab.
4. Taariikh h**e oo niyad-jab:
Haween h**e u qabay depression ama anxiety waxay u nugul yihiin postpartum depression.
5. Taageero la’aan:
Haddii aysan jirin taageero qoys, saaxiibo, ama lammaane, waxay kordhin kartaa halista.
Marka laga yimaado inaad dhakhtar u gayso xaaskaaga, waxaa loo baahan yahay inaad samayso.
●waa inaad u ogolaan inay qol kle u wareegto markay umusho, ee ay qolkeeda hurdada joogtaa.
● waa inaad u ogolaato inay habeenkii hesho hurdo ku filan, kala qaybsada wakhtiga haynta ilmaha intay haynayso adigu seexo ka dib kac o markaaga hay iyaduna ha nasato.
● waa inaad niyada u dhistaa o aad u sheegtaa inay tahay xaalad ku meel gaadha oo tegi doonta.
● waa inaad hadyado u keenta, ubax usoo iibisaa waxyaabaha yaryar ee ay ku farxayso waa inaad u keentaa.
Mala kulantay xaaladan marka dhashay ka dib comment nalu wadaag walal 👌