15/11/2025
Cudurka ka dhashay Koonfurta dalka Itoobiya – waa maxay? Xaggee ka yimid? 🦇
••••••••••••~••••••••••••••••••
《Marburg Hemorrhagic Fever 🦇》
Sidee ayuu ku faafaa?
⬇️
Cudurkan waxaa keena fayraska loo yaqaan Marburg. Wuxuu horay uga dillaacay dalal Afrikaan ah sida Angola, Uganda, Rwanda iyo kuwo kale. Baadhitaanno la sameeyay ayaa muujiyay in fayraskani laga helo shimbirta habeenkii (fiidmeerta, bats 🦇). Marka dadku ay taabtaan xayawaankan, cudurku wuxuu ku faafay dad badan oo dalal kala duwan ku noolaa. Sidaas darteed, waxaa la rumeysan yahay in fayrasku ku jiro shimbirta fiidmeerta 🦇
Sidee ayuu qof qof ugu gudbaa?
• Taabashada dhiigga qof qaba cudurka
• Dhiigga ama dheecaannada jidhka sida candhuufta, matagga, kaadi, saxarada iwm
• Taabashada qof qaba cudurka kadibna aad taabato afkaaga, sanka ama indhaha.
• Galmada iyo xidhiidhka dhow ee jidhka
✔️ Ma jiraan caddeyn muujinaysa in cudurku ku faafo hawada/nefiska.
Ka fogaanshaha taabashada qofka la tuhunsan yahay iyo u gudbinta xarun caafimaad si loo yareeyo faafitaanka.
Calaamadaha Cudurka:
Kadib marka fayrasku qofka ku dhaco, calaamadaha waxay soo baxaan 3 ilaa 21 maalmood gudahood:
► Qandho kulul
► Madax xanuun iyo daal badan
► Dhiig bax gudaha jidhka ah
► Dhiig ka yimaada afka, sanka ama indhaha
Daaweynta:
Daaweyntu waa daryeel iyo taageero caafimaad. Inkastoo daawooyin qaar loo adeegsado fayrasyada kale ay faa’iido yeelan karaan, haddana daawada cudurkan si rasmi ah looma xaqiijin. Tallaallo kala duwan oo la isku dayay in la sameeyo way jiraan, balse weli lama helin mid si buuxda u shaqeeya bulshada anfaca.
Ka Hortagga:
☞ Gacmaha si fiican u dhaqo ama u isticmaal saabuun/jeermis-dile
☞ Ka fogow taabashada qof la tuhunsan yahay inuu qabo cudurka
☞ Raac talooyinka caafimaadka
Caafimaad wanaagsan!
🖊 Source: Ethiopian Medical Association