16/02/2026
๐๐-๐ค๐ ๐
๐๐๐ซ๐๐๐ฒ๐จ ๐๐๐๐
waxaa shir muhiim ah oo ay iskugu yimaadeen dhammaan guddoomiyeyaasha kulliyadaha Caafimaadka ee jaamacadaha Gobolka Banaadir lagu qabtay xarunta Jaamacadda SIMAD.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada ardayda barata culuumta caafimaadka, iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi rasmi ah oo dhex mara kulliyadaha caafimaadka ee jaamacadaha Gobolka Banaadir.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la dhiso midow ay ku mideysan yihiin guddoomiyeyaasha kulliyadaha caafimaadka, si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta xirfadaha ardayda.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda Health ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Mudane Abdinasir Islow, ayaa ka qeyb galay shirkaas, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in ardayda caafimaadka ay yeeshaan iskaashi mideysan oo wax ku ool ah.
Kulanka waxaa lagu falanqeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen:
In la sameeyo madal mideysa guddoomiyeyaasha kulliyadaha caafimaadka.
In si wadajir ah looga shaqeeyo wacyigelinno caafimaad iyo baaritaanno caafimaad oo loo fidiyo bulshada.
In la hirgeliyo is-weydaarsi aqoon iyo xirfad oo u dhexeeya ardayda caafimaadka, si loo kordhiyo waayo-aragnimada iyo tayada waxbarasho.
Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo horseedi kara iskaashi waara iyo mideyn ardayeed oo wax ku ool ah, taasoo sare u qaadi karta doorka ardayda caafimaadka ee u adeegidda bulshada iyo horumarinta caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir.
Madaxa warbaahinta Nasra Abdifitah Elmi
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Midowga kulliyada HSSA ee JUS
E-mail:
snuhssa@student.snu.edu.so