Dr"macruuf

Dr"macruuf ka hel page kan waxrbixino Caafimaad oo ku anfaca ee ku xirnow.

Asc wrwb,OGEEYSIIS OGEYSIIS !!!!!      Ka faaideysi wacan course kaan physiology  gaar ahaan qeybtiisa   iyo   (Respirat...
01/10/2023

Asc wrwb,

OGEEYSIIS OGEYSIIS !!!!!

Ka faaideysi wacan course kaan physiology gaar ahaan qeybtiisa iyo (Respiratory System ama Pulmophysiology).

Course kaan wuxu socondoona mudo bil (1 month).

Casharada waxaa lagu qaadan doona hab ahaan anagoo isticmaali doona aalada .

8:30 pm mogadishu. salaada cishaha kadib.

Asbuuci labo maalin ayaan qaadandoona oo kala ah maalinta (Sunday) iyo maalinka (Wensday).

casharad ku bixi doona waa .

Diiwan galisto waa inta u dhaxeyso 1/10/2023 - 1/11/2023
Zoom:

1. Ku soo gal zoomka magacaado sedexan.
2. Attendance ayaa lagu soo diri doona..
3. Waa inaa xisad walbo xaadirtaa in kabadan 30 daqiiqo.
4. Waxaa jiro doono suaalo.

Uga dambeen:

Waxaa lagu gudoonsiinaya Shahaado.
Waxaa jiridoona imtixaan.
Lacagta course waa 5 dolar.

Laxariir Whattsup number: 0615-462-873

عيد الفطر المبارك  وكل عام وانتم بخير وصحه وسلامه
20/04/2023

عيد الفطر المبارك
وكل عام وانتم بخير وصحه وسلامه

TAXANAHA CAAFIMAADKA: FAA’IDOOYINKA TOONTAToontu waxay dajisaa:1. Dhiigkarka.2. Kalastroolka.3. Neerfayaasha.Waxay siyaa...
15/07/2022

TAXANAHA CAAFIMAADKA: FAA’IDOOYINKA TOONTA

Toontu waxay dajisaa:

1. Dhiigkarka.
2. Kalastroolka.
3. Neerfayaasha.

Waxay siyaadisaa ama xoojisaa:

1. Xusuusta.
2. Difaaca jirka.
3. Hurdada.
4. Socodka dhiiga gaar ahaan xididada.
5. Dareenka.

Waxay daawo u tahay:

1. Hargabka soo noqnoqda.
2. Cudurada wadnaha.
3. Cudurada lafaha.
4. Cambaarta iyo finanka.
5. Cudurada maqaarka.
6. Baabasiirka.

Waxay yaraysaa:

1. Lalalabada.
2. Muuqaalka gaar ahaan dadka u muuqda inay da'dooda ka wayn yihiin.
3. Miisaanka iyo xeyrta caloosha.
4. Lafa xanuunka.

Waxay u daran tahay:

1. Qofka beerka ka xanuunsan.
2. Qofka dhiig baxaya.

Waxaa la cunaa:

1. Subaxdii.
2. Quraacda kahor qofka oo baahan.
3. Maalintii hal xabo.

Waxay fiican tahay:

1. In sideeda loo cuno.
2. In la jarjaro sida kaniini loo liqo.

Waxay dishaa kana takhalustaa:

1. Bakteeriyada.
2. Fayras-ka.
3. Gooryaamada caloosha.

20/12/2021

Waxaa loo baahanyahay dhiig nuuciisu yahay O- waxaana u baahan Hooyo Fool ah oo ku jirto Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho.

Fadlan ku caawi, wixii faah faahin ahna kala xariir ah 0618146752/ 0612124704

14/12/2021

07/12/2021
Bismillahi..Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay oo dunida ku beeray geedo daawo xambaarsan, maanta casharkeenu waa dh...
06/12/2021

Bismillahi..

Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay oo dunida ku beeray geedo daawo xambaarsan, maanta casharkeenu waa dhir kale oo qiimo badan ku fadhiso laakiin nasiib xumo dadkeena aysan aqoon badan u lahayn, iyagoo beeran kara hadane aysan beeran.

Waa geedka "HURUUDKA".

Huruudka waxaa lagu tiriyaa geedaha ugu caansan dhinaca daaweynta iyo ka hortagga cudurro dunida dhibaato badan ku hayo, waa geed aad loo diraaseeyay illaa iyo haddane la qiyaasayo in laga diyaariyay in ka bada 6,000 oo cilmibaaris qiimo leh "Peer-reviewed articles".

Cilmibaarradaas qaarkood waxay sheegeen inuu geedkaan gali karo badalka illaa 10 daawo oo maanta dunida aad looga isticmaalo.

Marka h**e aan ku bilaabo cudurrada ay cilmibaaradaas badankood isku raaceen inuu daawo u yahay:

Mile dhiig: Dad badan ayaa qaato daawooyin loogu talagalay inay dhiigga milaan, dadkaas oo loo siiyay si loo daaweeyo ama looga hortago xinjiroobista dhiigga oo halis u ah wadna xanuunka iyo cudurka faalij-ka, daawooyinkaas waxaa ka mid ah: Asprin, Clopedigrol, Warfarin, Enoxaparin iyo kuwa kale. waa daawooyin qofka qaadanayo lagula taliyo inuusan isbitaalka ka fogaan maadaama dhiigbax keeni karaan, sidaas ay tahayne lagama maarmo laakiin waxay cilmibaarayaashu sheegeen in huruuuda ay ku jirto maaddo loo yaqaano "curcumin" oo qabanayso howsha daawooyinkaas, waxyeellane aanan jirka ku reebaynin, sidaas dareedeed dadka dhiiggooda uusan dhakhso xinjiroobin waa looga digaa huruuda inay isticmaalaan.
Niyad dajiye:Huruuda waxay daawo u tahay diiqada, cilmiaaris lagu sameeyay 60 qof oo qaba cudurka "Major Depressive Disorder" ayaa waxaa loo qeybiyay laba koox, kooxda 1-aad waxaa la siiyay daawada "Prozac", kooxda kalane waxaa la cabsiiyay "Huruud", waxaa la arkay in huruuda aysan ka yaraysan daawada ugu caansan ee loo adeegsado niyad jabka ee prozac, Sidaas ay tahayne waxyeello kuma reebin dadkii isticmaalay huruuda markii loo fiiriyo kuwa qaatay daawada "prozac", sidaas awgeed waxay ku taliyaan dadka qabo niyadjabka fudud in la doorbido in huruuda la siiyo badalka daawooyinka.

Lur bi'iye: Waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Anti-inflammatory" waa hur ama lur keena xanuno badan, maadada "curcumin" ee ku jirta huruuda waa lur bi'iyaha ugu awoodda badan ee dunida yaallo maanta sida ay cilmibaarayaal ah ay tilmaameen, waxay barbardhigeen daawooyinka caanka ah ee loo adeegsado lur bi'inta sida "Diclofenac" iyo "Ibuprofen", xanuunada ugu caansan ee lurka u saaxiibka ah waxaa ugu h**eeya xanuunada lafaha ku dhaca sida roomaatiisamka, riixa, dhabar xanuunka iyo xanuunada raaga ee murqaha iyo neerfaha ku dhaca.
diraasadaha mid ka mid ah waxay hruduuda ku tijaabisay dad qaba xanuunka roomaatiisamka iyadoo la barbardhigay daawada "diclofenac", waxaa la arkay dadkii qaatay huruuda inay ka xanuun yaraayeen, shaqadooda si sahlan u qabsadeen iyagoo wax waxyeello ah ku reebin, sidaas daraadeed shirkado ayaa bilaabay inay qaab kaniini capsule ah ka dhigaan si loogu adeegsado xanuunka roomaatiisamka iyo riixa.

Ka hortage kansar: Maadada curcumin ee huruuda wuxuu alle ku abuuray awood dilis unugyada kansarka, diraasad lagu sameeyay sheybaar iyadoo huruuda lagu tijaabiyay unugyo kansar ah, waxaa la arkay inay unugyadii kansarka noqday inay baab'isay, kuwii isu badali rabayne ay ka hortagtay, cilmibaaris kale waxaa huruuda lagu tijaabiyay dad qaba kansarka ku dhaca mindhicirrada iyadoo bukaananda lala siiyay daawada kiimikada ah, waxaa la arkay kooxdii huruuda loogu daray inay si dhakhso ah wax looga gartay. waxay cilmibaaristaan iyo kuwa kalaba dunida tuseen ahmiyadda huruuda taasoo dhakhaatiir badan kula taliyaan bukaannadooda laga helo xanuunada kansarka.

Macaan dhime:Huruuda waxay hoos u dhigtaa macaanka, waxay firfircooni siisaa hormoonka "Insulin", cilmibaarisyada mid ka mid ah waxay sheegtay in huruudu ay ka awood badan tahay 400 jeer daawada la dhaho "metformin" oo ah daawada ugu caansan ee loo isticmaalo macaanka ama sonkorowga nooca 2-aad. waxaa kaloo la arkay in huruuda ay baab'iso dhibaatoyinka ay sonkorta ku reebtay jirka qeybihiisa sida neerfaha, kilyaha, indhaha iyo xididada. cilmibaarayaal qaar ayaa tilmaamay rajo in haddii insuliinta ay dib u howlgasho oo firfircooni yeelato in cudurka macaanka uu ka tagi karo qofka!!.

Dheefshiid Nadiifiye: Huruuda waxaa la arkay in dhowr cudur oo mindhicirrada ku dhaco inay wax ka tarto oo illaa iyo maanta daawo loo heynin, waxaa ka mid ah xanuunka lurka mindhicirrada ee loo yaqaano "Crohn's diseases,

Xanuunka boogoobidda maroorka "Ulcerative Colitis",

Xanuunka Mindhicirrada Kacsan "Inflammatory Bowel Syndrome:

Dufan dajiye: Huruuda waxay hoos u dhigtaa dufanka dhiigga ama kolestaroolka, daawooyinka maanta dunida laga isticmaalo waxay leeyihiin waxyeello dhinaca beerka iyo kilyaha ah, laakiin huruuda waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka, waxyeellane ma keento, wax ka baro cudurka Kolestaroolka:

Xanuun Baab'iye: huruuda waxaa ku jirto awood xanuun baa'iye ah taasoo lagu arkay dhowr cilmibaaris, qaabka ay xanuunka u baab'iso ayaa ah inay ka shaqaysiiso nidaamka xanuunka ee loo yaqaano "Opoid System", sidaas awgeed bukaano badan ayaa lagu tijaabiyay, wuxuuna machadka "US. Army Institute Of Surgical Research ku taliyay in huruuda loo adeegsado ku daaweynta xanuunka dadka gubtay, maadaama qofka gubtay u baahnaanayo xanuun baa'biyeyaal badan oo hadhow waxyeello ku reebi kara.
Badalka daawada "Steroid"-ka: waa daawo waxyeello badane leh, hadane aan laga maarmin, waxaa lagu daaweeyaa xanuuno badan, sidaas awgeed cilmibaarisyada waxay tilmaameen in huruuda ay sida daawadaas oo kale u shaqayso oo gali karto badalkeeda, xanuunada lagu daaweeyo waxaa ka mid ah: Findoobka, Neefta, Sanboorka, cuncunka dhuunta, qufaca riiraxyada leh oo dadka hurdada u diido habeenkii, Caadka indhaha fuulo, Bogsashada nabraha, dheefsiid xumada, hurdo la'aanta, kilyo xanuunka, qanjirro bararka, murqo xanuunka, korriimo xumada caruurta, cilladaha maqaarka ku dhaco iyo kuwa kale oo badan.

Maxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa?
Huruuda waxaa loo adeegsada qurxinta jirka, taasoo aad looga adeegsado wadankeena, waxay ifisaa maqaarka, waxay yaraysaa findoobka iyo nabarada wajiga ka soo baxo.
Waxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa carfinta cuntada iyo midabaynta cuntada, inkastoo dadkeena qaarkood ay cuntada ka ilaashadaan in ay u isticmaalaan.

Huruuda wadankeena ma laga helaa?
Huruuda asalkeeda waxay ka timid dalka Hindiya, halkaas ayaana dunida badankeed looga dhoofiyaa, laakiin wadamo badan oo beertay ayaa jira, taariikhda huruuda markii laga sheekaynayo waxaa la sheegaa wadankii ugu h**eeyay ee la geeyo wuxuu ahaa dalka shiinaha "CHINA", waxaa ku xigay oo la geeyay bariga africa oo la sheego inay timid waqti ku aadan 700 sano ka hor dhalashada nabi ciise, markaasoo doomo lagu keeni jiray xeebaha bariga africa, sidaas ayaana loogu beeray.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dhulalka Huruuda ay ka bixi karto, haddii taariikhda la fiiriyane waa lagu beeri jiray, laakiin nasiib xumo, waxaa hadda lagu beeraa wadamada dariska aan dhahay oo noolaga keenaa iyadoo budo ah, sida ethiopia, kenya illaa Sudan waa lagu beeraa.

Dadka xiiseeyo beerashada geedaha daawada leh khaasatan qolooyinka keenay geedka "Moringa" waxaan kula talin lahaa in la bilaabo beerashada huruuda oo la qiyaasayo in dhulkeena ay ka soo bixi karto huruud tayo leh,

Sidee loo isticmaalaa Huruuda?
Huruuda iyadoo qalalan iyo iyadoo qoyan intaba waa la isticmaalaa, faa'idadane waxay ku badan tahay midda fresh-ka ah oo qoyan ama isla markaas la shiiday, cunis iyo cabitaan intaba waa loo isticmaalaa, waxaa jirta siyaabo kala duwan oo loo isticmaalo waxaana ugu caansan qaababkaan:
Bariiska oo lagu darsado markii la karinayo.
Mushaarida waa lagu karsadaa
Shaaha iyo caanaha waa lagu qastaa.
Rootiga iyo canjeelada ama laxooxda waa lagu dubtaa.
Maraqa la cabo waa lagu darsadaa.
Qudaarta iyo cagaarka waa lagu bilbilaa markii la cunaayo.
Waa lagu cadaystaa sida daawada ilkaha oo kale.
Dhaawacyada nabraha waa lagu shubaa
Daawooyinka kale waa lagu qasaa sida malabka oo kale.
Biyo qandac ah ayaa lagu qasaa, kadibne waa la cabaa, waa qaabka ugu badan ee loo isticmaalo.
Dad badan ayaa geedkaan ku qaladay Zanjabiilka ee fadlan halkaan ka akhriso Sanjabiilka iyo Caafimaadka laga helo.
W/Q: somali Doc

👉𝐆𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢 Ama 𝐌𝐞𝐧𝐭𝐢𝐨𝐧 Dheh Asxaabta si Eey uga faaideystaan.👈

𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞- dheh wll

29/11/2021
𝐐𝐚𝐫𝐚𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐚 𝐝𝐚𝐜𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐥𝐨𝐨𝐬𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐱 𝐤𝐚 𝐨𝐠𝐨𝐰 Dad badan ayaa aaminsan in markii muddo la joogaba, uu qofku u baahan yahay inu...
18/10/2021

𝐐𝐚𝐫𝐚𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐚 𝐝𝐚𝐜𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐥𝐨𝐨𝐬𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐱 𝐤𝐚 𝐨𝐠𝐨𝐰

Dad badan ayaa aaminsan in markii muddo la joogaba, uu qofku u baahan yahay inuu is qaras-bixiyo, oo loola jeedo sifeynta Caloosha.

Xoolalaydu waxay taas u adeegsadaan Caanaha Geela. Beeralaydu waxay isticmaalaan dhir ay ka mid yihiin:-Carmada, Raqayga, Salamakiga iyo kuwa kale. Reer-magaalku waxay cabbaan Saliid ama Kaniiniyaal lagu iibiyo Farmasiyayaasha oo lagu baxo.

Qarasta ama dacarta waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa (Bile ama Gall), waa dheecaan qaraar oo jaallo iyo cagaar ah waxaa dheecaankaan soo saaro unugyada beerka waxaana lagu aruuriyaa xamiitada oo markii qofka cunno cuno ayaa la soo daayaa si ay uga qeyb qaataan shiiditaanka cunnada dufanka leh.

Dadka aanan laheyn qarastaas calooshoodu ma shiiddo dufanka sidaa awgeed waxay dhigaan saxaro dufan leh, marka waxaan ka fahmeynaa halkaan in qarastu aysan aheyn wasakh ku aruurtay caloosha una baahan in laga faarujiyo si loo sifeeyo.

Isqaras-bixinta waa caado aan sal iyo raadba ku laheen caafimaadka waxayna ka mid tahay caadooyin badan oo ay aaminsantahay soomaalida.
Hadda ka hor nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah ayaa waxaa ku soo booday Xanuun wata Shuban iyo Matag, waxaana la soo dersay xaaladda ay Soomaalidu yiraahdaan 'Horay iyo Gadaal'. Taas oo socotay laba maalmood oo xiriir ah.

Markii wixii dheecaan jirkiisa ku jiray ka baxeen oo fuuq-baxay, wuxuu dareemay in carabkiisa oo noqday qaraar (dacar oo kale) iyo inuusan cunnada si fiican u qaadan karayn.

Ninkii ayaa u yimid dhallinyaro kale oo saaxiibbadii ahaa. Wuxuu uga sheekeeyay xaaladda uu ku sugan yahay. Waxay Saaxiibbadii u sheegeen ninkii: in ay Qaras ku kacday, si fiicanna uusan u Qaras bixin, loona baahan yahay inuu helo Dawo culus oo si fiican u Qaras bixisa...!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Ninkii dhallinyarada ahaa, ayaa u yimid Takhtar, wuxuuna ku cawday inay ku kacsan tahay Qaras, uuna u baahan yahay helitaanka Dawo uu si fiican ugu qaras baxo...!!.

Takhtarkii markuu arkay sida uu u fuuqbaxsan yahay iyo tabardarrida ka muuqo, ayuu isagoo dhoolla-caddaynaya ku yiri Ninkii:-"Wadaayow dhammaan wixii biyo iyo dheecaan ahaa ee ku jiray jirkaaga waa ay kaa baxeen, Qaras bixid la'aan ayaad ka sheeganaysaa, adiga ayaaba waxaad u baahan tahay in wixii Qaras ee magaalada taalla in lagugu shubo"!!.

Taasi waxay aheed sheeko gaaban oo ka tarjumaysa dhibaatada ay yeelan karto qaar ka mid ah caado dhaqameedka.
Haddii aan u imaado su'aashaada labaad lugaha aad ka cabanayso sida ka muuqdo cabashadaada xiriir lama lahan baabasiirka maxaa yeelay maalintii aadan shaqada aadin kuma xanuunaan.
Lugaha oo ku hura ama kululaadaan waxa ay ka imaanaysaa inta aad fadhido luguhu way gororaan waxaana ka buuxsama qulqulka dhiigga sida la yaqaanna caafimaad ahaan meeshii dhiiggu ku aruuro way kululaataa taa ayaa keeneyso in aad ka dareento kuleel ama hur.
Waxaa taas uga hortagi kartaa adigoo lugaha dhaqdhaqaajiya qaabka ay u yaallaane ka badala si murqaha u shaqeeyaan kabuubyane aaadan dareemin.
Cabitaanka aad badsatane xiriir lama laha kuleelka aad dareemeyso.

La sii wadaag bulshada kugu sii xiran cafimaadku waa nolasha nafta.

Somalidoc

17/10/2021

Aabbe Soomaaliyeed ayaa si degdeg ah ugu baahan dhiigga noociisu yahay O-, Waxa uuna yaalla Isbitaalka Shaafi ee Muqdisho.

Fadlan walaal sadaqeyso dhiiggaada oo ku bad baadi naf, Allaah SWT ayaa wax bad baadin karee.

Waxii faah faahin kala xariir lambarkaan 0616555879

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr"macruuf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category