Al aqsa General Hospital

Al aqsa General  Hospital Marwalbo kataxadir caafimaadkada

San-gororka carruurtu wuxuu waalidiinta ku keena welwel marka ay arkaan dhiig saafi ah oo ka soo dareeraya sanka ilmahoo...
21/09/2020

San-gororka carruurtu wuxuu waalidiinta ku keena welwel marka ay arkaan dhiig saafi ah oo ka soo dareeraya sanka ilmahooda. Waxaa laga yaabaa in san gororku ilmaha iyo waalidkiisba ku keeno cabsi, laakiin runtii san gororku maahan xaalad khatar ah.

Waxaa suuragala cunnugu noloshiisa ugu yaraan hal mar inuu san gororo ama marar badan. Inta badan gororku wuxuu ka bilaabmaa mid ka mid ah labada dul ee sanka ama derbiga u dhexeeya labada dul.

Maxaa keena San-gororka?

Inta badan san gororadu waxay dhacaan marka xididada yar yar ee ku teedsan sanka ay qarxaan ama dilaacaan. Xididadaas yar yari waa kuwo aad u nugul oo aad ugu dhaw dusha sare, si fududna u dhaawacmi kara.
Sababaha inta badan soo jiida san garorka waa kuwaan:

Sanka oo la fareeyo ama walax ajnabi ah la galiyo.

Hargab ama allerji ilmaha hela dabadeedna sanka si aad ah loo fuufiyo.

Hawada oo qalasha sida xilliga jiilaalka oo sanka gudihiisu qallalo oo qolofi fuusho ka dibna dilaac ku imaan karo.

Dhaawac gaaray sanka ama madaxa ilmaha muddo yar ka hor gororka.

Marar dhif ah waxaa keena habka xinjiraynta dhiigga ilmaha oo dhib ka jirto.

Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan  dadka qabaahina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta waxaa...
17/09/2020

Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan dadka qabaahina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta waxaana loo yaqaanaa ‘’hyperglycemia’’.

Cudurka macaanka waxa uu ku imaan karaa :

In jirku uusan helin insulin ‘hormone’ kufilan

Iyo in jirka uu san ka jawaabin insulinta.

Insulin waxaa sameeya xameetiga oo ah xubin kutaala caloosha gadaasheeda , xameetiga waxaa ku jira unugyo ‘‘islets’’ kuwaasi oo sameeya insulinta kadibna ku dara dhiiga si ay u yareeso sokorta badan eek u jirta dhiiga.

Waqti dheer hadii cudurkan uu sii raago waxa uu keeni karaa caqabado ay kamid yihiin: cudurada wadnaha, sida wadnaha oo istaaga, kilyaha oo shaqa gaba, indha la’an dhibaatooyin dhanka ilkaha ah farxd darro iyo dhibatoyin dhanka uurka ah hadii ma**da xaamilada ah uu kudhaco sokorta. Hadaba kakac fadhiga oo samee jimicsi
Maalinla,ah

Subax wanaagsan dhamaan bulsha weyntaSomaaliyeed
17/09/2020

Subax wanaagsan dhamaan bulsha weynta
Somaaliyeed

Gulukooma waa cudur indhaha ku dhaca oo keeni kara indho-la’aan ama lumis arag. Marka aad qabtid gulukooma, dheecaan aya...
16/09/2020

Gulukooma waa cudur indhaha ku dhaca oo keeni kara indho-la’aan ama lumis arag. Marka aad qabtid gulukooma, dheecaan ayaa iska buuxiya isha, taasoo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. Cadaadiskaasi waxa uu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve) waxana uu sababaa lumis arag. Badanaa marka h**e waxa waxyeelo soo gaaraa aragga dhinacyada, taasoo ay ku xigto aragga xagga h**e. Hadaba waxaa kuula diyaar ah hindha fiiqa
Al aqsa General hospital ay xaaruntiisa tahy gobalka gedo gaar,ahaan dagmada luuq kasoo horjeedka masjidka godondhawe

Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya Macnaha cadaadiska dhiigga ee sareeya (high blood pressure) ama dhiig kar, sida dadka qaar...
16/09/2020

Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya Macnaha cadaadiska dhiigga ee sareeya (high blood pressure) ama dhiig kar, sida dadka qaarkii u yaqaanaan, waxa weeye cadaadiska dhiigga ee gudaha xididadaada dhiigga ama halbowleyaashaada ayaa waxa uu yahay heer ka sareeya ka caadiga ah. Waxay taasi keeni kartaa halis caafimaad wakhti kasta, waxana ay sii halis tahay wakhtiga uurka. Haddii aan la daweyn, waxay dhibaatooyin culus u keeni kartaa adiga iyo ilmahaaga. hadaad dareento tabardari caafimaad laxiriir oo gaar Al aqsa General hospital silaguu caawiyo

Xanuunka dhiiga caadada dumarka caalamka barkooda way ka sheegtaan, xanuunkan oo loo yaqaano afka carabiga الم الدورة ال...
15/09/2020

Xanuunka dhiiga caadada dumarka caalamka barkooda way ka sheegtaan, xanuunkan oo loo yaqaano afka carabiga الم الدورة الشهرية ama عسر الحيض afka ingiriiskana “Dysmenorrhea”.
Gabadha inay dareento xanuun xiliga dhiiga caadada waa wax dabiici ah oo naagaha badankooda ku dhaca, taasna waxaa sabab u ah hormaanaadka oo isbaddala xiliga dhiiga caadada uu joogo, sidoo kale taas waxay keenaysaa inay qasanto caadada oo mar ay soo daahdo marna ay soo degdegto, waxaa kaloo dhici karta xanuunka caadada inuu ka yimaado jirro ka jirta gudaha xubinta taranka ama ilmagaleenka, ama barar inuu ka jiro afka ilmagaleenka, ama caabuqa joogtada ah ee afka ilmagaleenka.
inta badan waxaa lagu daaweeyaa marka la ogaado daawada intibiyootiga ama kaaniga uurka reeba, laakin waxaa muhimsan in baaritaan lagu sameeyo si loo ogaado sababka ugu muhimsan oo keenay xanuunka.
Hada gaar Al aqsa hospital xaarunteeda luuq

Al aqsa hospital waxaa kuugu diyaar ahDhaqaatiir hool kar,ah adeegyada uuqabtaIsbitaal ka waxaa kamid ah  daawayntaCudur...
15/09/2020

Al aqsa hospital waxaa kuugu diyaar ah
Dhaqaatiir hool kar,ah adeegyada uuqabta
Isbitaal ka waxaa kamid ah daawaynta
Cudurada Guud daawaynta cudurada
Caruurta daawenta cudurada haweenka
Daaweynta cudurada hindhaha iyo
Indha fiiqa iyo qaliinada Guud kabniinka
Kabniinka lafaha jabay gudniinka caruurta
Iyo xaaladaha amargansiga ah hadaba booqo
Ispitaalka wuxuu kuyaalaa gobalka gedo
Gaar,ahaan dagmada luuq gannane kasoo
Horjeedka masjidka godon dhawe
Kawac lambaradaan 0615016600
625178536

Address

Luuq
Mogadishu
252

Telephone

+252618223257

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al aqsa General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category