Drs Faatima faraxsan

Drs Faatima faraxsan Asc wll kuso dhawaw pagekan i.a waxan rajaynaya inan kawada faidi doono

22/12/2023

Asc asxabta qaliga ah so dhawada isku so noqosho wacan saxibada gadal iiga so birana aadad umahadsantihiin
Taxanehenii ayan sii wadi donaa I.a
Mantana waxan ka hadli dona
Nooc ka mid ah qudarta dalkena kabaxda
Taas oo aad lo isticmalo wana :-

BATIIQA (CANTLOPE)

Batiiqu wuxu asal ahan ka so jess dalka China
Wuxuuna ka tirsanyahay qoys dhireedka lo yaqano (cucubitacea)
Faidooyinka cfimad uu leyahay waxa ka mid ah
● waxa uu saxa sokorta ,qofk macanka qabo aad ayu ugu ficanyahay
● waxa uu yareyaa cudurada ku dhaca wadnaha
● waxa uuna yareyaa halista dhiig karka
● waxa uu u wanagsanyahay maqaarka iyo timaha
● waxa uu kordhiyaa tamarta jirka
● waxa uu yareyaa ama ka hortaga qatarta cudurka neeefta
● waxa uu cawiyaa dheebshiidka
● waxa uu ka qeebqataa cafimadka indhaha iyo maskaxda
● waxa uu yareyaa Walwalka ama stress ka
● wuxuuna leyahay hurdo
● wuxuu hoos udhigaa miisaanka ama culeeska jirka
● wuxuu yareyaa halista kansarka

Batiiqa waxa ku jiro potassium, vitamin c,fiber
Kuwas oo dhamaan ka cawinaya cafimadka wadnaha

Asc sxbyaal fiid wanaagsan Sonoqosho wacan Halkan ayaan kasii wadi doonaaTaxaneheena  Insha allh
21/12/2023

Asc sxbyaal fiid wanaagsan
Sonoqosho wacan
Halkan ayaan kasii wadi doonaa
Taxaneheena Insha allh

TAXANAHA CAAFIMAADKA.Waa Maxay Faa'iidada Caafimaad ee Laga Helo Dhagayaraha?.Dhagayaraha waa ubaxa ama caleenta geedka ...
31/12/2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA.

Waa Maxay Faa'iidada Caafimaad ee Laga Helo Dhagayaraha?.

Dhagayaraha waa ubaxa ama caleenta geedka loo yaqaano cloves waana midho faaiido badan cabitaan ahaan iyo cunto ahaan waxaana lagu darsan karaa cuntada iyo cabitaanka waxaa la sheegaa inuu ka soo jeedo dalka indonesia iyo meelo kale oo ka mida qaarada afrika.

Caafimaadka dhagayaraha:
Dhagayaraha waxa geed udgoon badan oo lagu darsado cuntada sidoo kalena waxay umado badan u isticmaalaan daawo dhaqan ahaaneed sidaas daraadeed soomaaliduna waxay ku darsadaan shaaha iyo cuntada iyago oo aaminsan inuu xanuuno badan ka hortago taasina waa run oo wuxuu ka hortagaa dhammaan xanuunada iyo cudurada bini aadamka dhibaato u gaysta.

Faaiidooyinka dhagayaraha
Dhagayaraha wuxuu ka kooban yahay oo ka buuxa fiber, fiitamiino iyo macaadiin sidaa darteed hadii aad ku darsato cuntada waxaad ka helaysaa nafaqooyin muhiim ah.

Waxtarka dhagayaraha:
Waxaa ka buuxa xadi aad u badan oo ah maadooyinka jidhka sunta ka saara ama ladagaalama ee loo yaqaano antioxidants sidoo kale maadadan waxay hoos u dhigtaa walwalka.

1.Dhagayaraha iyo xanuunka: dhagayaraha waa geed xanuun baabiye ah waxaa loo isticmaalaa daawaynta ilkaha sababtuna waa saliida dhagayaraha ee loo yaqaano eugonol oil.

2.Dhagayraha iyo beerka : daraasadaha qaar waxay sheegaayaan faaiidooyinka dhagayaraha laga helo darteed in shaqada beerka uu wanaajiyo waa hadii uu qofku qadar yar oo ku filan ka qaado, waayo faaidooyinka dhagayaraha waxa kaloo kamida oo ku jirta maado loo yaqaano eugonol taas oo u wanaagsa beerka.

3.Dhagayaraha iyo kansarka: sidoo kale daraasadaha qaarkood waxay tilmaameen in dhagayaraha uu la dagaalamo kana hortago cudurka kansarka waayo maadada aynu soo sheegnay ee loo yaqaano eugonol ayaa ah mid ka hortag u ah kansarka.

4.Dhagayaraha iyo dheefshiidka: waxyaabaha kale ee lagu daaweeyo dhagayaraha waxaa ka mid dheefshiid xumada iyo calool majiirka iyo shubanka waayo dhagayaraha wuxuu ka qayb qaata shiidida cuntada iyo la dagaalanka bakteeriyada caloosha, taasi waa faaidada dhagayaraha ee kugu riixaysa inaad cuntada ku darsato inta badan.

5.Dhagayaraha iyo uurka: maadaama geedkan uu leeyahay waxtar iyo faaiidooyin caafimaad isla markaana nafaqooyinkiisa ay badan yihiin taas macnaheedu maaha in qofkastaa uu isticmaali karo sababtoo ah waxaa jira dad aan qaadan karin sidaa darteed hooyada uurka leh maaha inay isticmaasho geedka ilaa uu dhakhtarkeedu kula taliyo.

Faa'iidooyinka dhagayaraha ee kale waa kamida in lagu daaweeyo roomatiisamka iyo jilbe xanuunka waxaana la adeegsadaa saliida dhagayaraha oo la mariyo xubnaha qofka xanuunaayaa sidoo kale waxaa lagu shubaa nabraha iyo dhaawacyada jidhka, waxaa kale oo lagu daaweeyaa sanboorka iyo neefta waxaana loo adeegsadaa in la qiiqsado ama biyo xoogaa kulul lagu daro.

Akhriste hadaad akhrisatay qormadan caafimaad fadlan saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin.

Hadaad tahay walaal ku cusub boggan, nagula soo biir si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.

Asc asxaabta qaliga ah wan idin salamay idil ahantiin meel walbo joogtan fiid wanagsan Taxanehenena cawa wuxu noqonaya B...
08/03/2021

Asc asxaabta qaliga ah wan idin salamay idil ahantiin meel walbo joogtan fiid wanagsan
Taxanehenena cawa wuxu noqonaya BAYTARAAF
Geedka looyaqano baytarafka waxa uu leeyahay faidoyin fara badan gaar ahan xiliga soonka / Ramadanka
Kasoo aan kenin in miisankagu kordho
Waxad cabi karta xiliga afurka si aad ugu heshid nafaqoyin badan
Oo kujira cabitanka baytarafka
Waxa kamida inuu dawo uyahay dhiig yarida,babasiirka, kaliyo xanuunka, dheefshiidka calool istaga,kansarka, toxobta madaxa yesho, caada wareerka, xanunada wadnaha halela,iyo waxa inta uraaca ilalinta timaha ,duxda iyo dufanka maqarka
Baytarafka waxa ku jira fitamino badan iyo macdanta kala duwan
Sida vitamin C, meganesium,Iron, Zink , phosphate iyo kuwa kalo badan
Cabitanka baytarafka cafimadka wadnaha wa u mihiim,wuxu hoos udhiga heerka cholesterol ka Sido kale wuxu hos udhiga madada loyaqano harmosiin taaso dhib ukenta halbowlayasha dhiiga
Cabitanka baytarafka wuxu door muhiim ah uleyahay hoyoyinka uurka leh waxa uu sameya source laga Helo vitamin B iyo folic kuwaso ka cawiya uur jiifka inay abuuranto laf dhabarka
Baytarafka waxa uu door wayn ka qata ka hortaga kansarka maqarka,kansarka ku dhaca sambabada, iyo kansarka hunguriga waxa ku jira madoyin faido uleh joojinta korinada unugyada kansarka
Waxa ku jiro baytarafka mado loyaqano baytiin oo kor uqada shaqada beerka
Cabitanka baytarafka waxa ku badan carbohydrate taas oo awod badan siinesa jirka waqtiga Ramadanka
Potassium oo jirka ku yarata waxay keenta in maskaxda qeyb ka mid ah fadhiisato BAYTARAFKA wuxu kordhiyaa potassium ta si ay maskaxda uwada shaqeeso
Dadka da'da ah waxay ka cawdan asaasaq xasuus guur iyo waxyalo badan cabitanka baytarafka waxa uu leeyahay awood ka hortagis dhibatoyinka badan ee gabowgu keeno
Ugu yaran waxa lobahanyahay inu qofka cabo cabitanka baytarafka 1 koob ama 2 koob malinti
Wad ku mahadsantiihiin aqriskiina wacan

Asc asxaabta qaliga ah fiid wanagsan Wad mahadsantihiin inta pageka like iisartay Een manta waxan ka hadli dona Faaidada...
28/02/2021

Asc asxaabta qaliga ah fiid wanagsan
Wad mahadsantihiin inta pageka like iisartay
Een manta waxan ka hadli dona
Faaidada babayga
Babaygu wa qudar aad umacan,lagana Helo wadamo kooban oo lagu qiyaso 17 wadan
Kuwaso kuyalo dhulalka kuleleyda ah
Soomaliya waxay ka mid tahay wadamada fara ku tiriska eekabaxa babayga
Babaygu wuxu jirka uleyahay faidoyin nafaqadeed iyo mid cafimad intaba.
1-Babaygu waxa laga hela waxyabo ilalin karo xididada jirka qaasatan kuwa wadnaha inay fadhiistan .
2-Babaygu wa cuno dhaqsi lagu dhargo ,kuwaso aan cayil keenen, waxana lagula taliya dadka raba in ay is cateyan inay cunan babayga Kuna dadalan isticmalkiisa
3- Wuxu sare uqada unugyada difaca jirka ,waxa ka buuxo vitamin C oo isagana muhim u ahan difaca jirka
4-Wuxu yareya halista caadka indhaha fuula ee loyaqano cataract.
Babaygu waxa kalo kabuuxo vitamin A iyo beta carotene
5- Wuxu aad uyareya aash*tada caloosha ,hadii uu qofku leyahay laab jeex iyo bog xanuun wa inuu ku dadaala isticmalaka babayga
6- babaygu wuxu iftiimiya maqarka,wuxuna koriyaa Timaha sababtana wuxu shaqo galiya qanjirada saliida ,wuxuu ka hortaga agoolka.
7-Wuxuu yareya streska ama walwalka
8- wuxu ka mid yahay cunoyinka yareya halista cudurada nefta,sababtana wa madada beta-carotine oo aad ugu badan ,hadii aad neef qabtid kudadal cunida babayga
9-wuxu yareya infection ka jirka
10- wuxuu ka hortaga dhiig yarida
11- wuxuu ka hortaga calool fadhiga
12-N,B hooyada uurka leh uma wanagsana qasatan bilaha h**e ee uurka
Babayga Aya sababa in murqaha uterus ka uu si adag isugu imado oo ay sodatan uur jiifka ku jiro minka ayagon bila dhamesan ay sida ku noqdan abortion
Wad kumahdsantihiin aqriskiina

26/02/2021
Asc asxaabta galab wanagsan cafimad iyo nabad ban idin rajaynaya i.aMowducena 2aad wuxu noqonaya faidada baamiyahaBaamiy...
25/02/2021

Asc asxaabta galab wanagsan cafimad iyo nabad ban idin rajaynaya i.a
Mowducena 2aad wuxu noqonaya faidada baamiyaha
Baamiyaha waxa uu ka mid yahay dhirta ubaxleyda ah
Wuxuna ka tirsanyahay qoys dhireedka loyaqan mallow
Baamiyaha wuxu ka baxa dalalka kulelayda dalalka kulel xigenada iyo gobalada ay cimiladoda diirantahay ee calamka
3500 sano kahor Aya la ogaday jiritanka geedka baamiyaha
Faidoyinka cafimad uu leyahay baamiyaha
1- bamiyuhu wuxuu ilaliya cafimadka wadnaha
2-baamiyuhu wuxu ka hortaga cudurada beerka
3-baamiyaha wuxuu ka hortaga cudurada sokorowga
4- baamiyuhu wuxu cayima heerka kolestaroolka
5-baamiyu wuxuu dilaa unugyada kansarka naasaha
6- baamiyuhu wuxu ka hortaga gastariga
7- wuxuu ka hortaga cudurada nefta
8- wuxuu caawiyaa sosarista unugyada dhiiga cas wuxu ka hortaga dhiig yaranta
9- wuxuu kordhiyaa awooda difaca jirka
10- wuxuu kor uqada cafimadka hooyada uurka leh
11- wuxuu adkeya lafaha wuxuuna ka hortaga dhiig baxa
12- wuxuu wanajiyaa araga indhaha
13-wuxuu dhowra cafimadka maqaarkaa
14- wuxuu fududeeyaa dhaqdhaqaaqa mandhiciirada waxa kujiro fiber lagu magacabo mucilaginous fiberkas oo ka hortago calol fadhiga
15- baamiyaha waxa uu uwanagsanyahay daawana uyahay dhiig karka
16- wuxuu la dagalamaya timaha in ay gurman ama ay daatan wuxuu uso Sara tima qurux badan
17- waxa ku jiro vitaminada kala ah A.B.C.E.iyo K Sido kale waxa kujiro macdanta kala ah Calcium .Iron.Maganesium.potasium iyo Zink
Wad kumahdsantihiin aqriskiina

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs Faatima faraxsan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram