Dr Jey

Dr Jey Dr Jey Emergency room

 Dadka badankood ayagoo ku afurin sanbuus ma a furi karaan. Haduba mxy thy  Sanbuuska Dhibaatadiisa ama dhibka uu qofka ...
13/03/2024



Dadka badankood ayagoo ku afurin sanbuus ma a furi karaan.

Haduba mxy thy Sanbuuska Dhibaatadiisa ama dhibka uu qofka ku keeni karo?

Sanbuuska waxaa laga sameyaa hilib iyo qudaar ha ugu badnaatee basasha.

Sanbuuuska marna adigoo dhib kugu yahay marna bulshada.

●Dhbikuu kugu haayo waxee tahay , adigoo maanta soonnaa haddii aad ku afurto waxyaabo shiilan oo hilib ku jiro waxee kugu sababeysaa in dheefshiidkaaga oo burburin waayo cuntadii kadibna aad calool xanuun ,lalabo iyo matag ka qaado, kadibna aad cashadii ama saxuurtii cuni weyso.

● Dhibka kale aad bulshada ku keeneyso waxaa ka mid ah,sanbuuska waxaa ka buuxa mararka qaar basal taas oo afkaaga laga yaabo inee ka soo urto eena ku dhibsadaaan dadka masjidka kula dukanaayo.

  ?°Jadeecadu waa cudur lasocda qandho iyo finan kuwaas oo noqon kara halis.°Waxaa sababa feyraska jadeecada waxayna sif...
09/09/2023

?

°Jadeecadu waa cudur lasocda qandho iyo finan kuwaas oo noqon kara halis.

°Waxaa sababa feyraska jadeecada waxayna sifudud ugu faaftaa dadka dhexdooda qofba qofka kale.

°Dadka halis sareysa ugu jira qaadista jadeecada waxaa kamid ah:

Dadka aanan laga tallaalin cudurka jadeecada.

° da’adoodu kayartahay 1 sanno (kahor inta aanan laga tallaalin cudurka jadeecada).

kuwaas oo aanan weligooda kudhicin cudurka jadeecada ama aanan h**e loogu samaynin tallaal cudurka jadeecada ah.

Dadka qabba nidaamyo difaaca jirka ah oo daciifsan.

Dadka lagu tallaaley nooc tallaalka kamid ahaa oo la heli jirey xiligii laga soo bilaabo 1963-1967 hadana aanan dib-tallaal loogu samayn.

Dadka dhashay kahor 1957 waa kuwo guud ahaan loo tixgeliyo in ay yihiin kuwo ilaalsan (la ilaaliyey) sababtoo ah ayagu waxay u badantahay in ay qabbeen jadeeco markii ay yaraayeen.
?

Calaamadahu waxay biloowdaan kudhowaadkii 7–21 maalmood kadib marka laga helo feyraska,
jiraduna waxay sii joogaysaa laga bilaabo 1 illaa 2 todobaad.

Jadeecadu waxay kubilaabmaysaa dareere sanka ah, biyo indhaha kayimaada, qufac, iyo qandho daran oo aad u sareyso.

Kadib 2 illaa 4 maalmood, waxaa soo muuqanaya finan guduud ah, caadi ahaan kubiloowda wejiga kadibna kufaafa jirka hoose kadibna garbaha iyo lugaha.
Finanku badanaa waxay sii joogayaan 4 illaa 7 maalmood.
Dadka qabba jadeecada waxay yihiin kuwo cudurka kuqaadsiin kara 4 maalmood kahor illaa kudhowaadkii 4 maalmood kadib marka ay finanku bilowdaan.

Dadka qabba jadeecada sidoo kale waxay sameyn karaan jeermisyo dhegta ah, oof wareenka, ama gubasho iyo caabuq maskaxda ah (gubashada madaxa).

Jadeecadu waxay sababi kartaa dhicis ama dhelid h**e ah oo kudhacda haweenka uurka leh.

Aad ayay u yartahay, dadku in ay qabbaan xaalado dhexdhexaad ah oo jadeeco ah taas oo aan loo aqoonsan sida jiro jadeeco ah.

?

Cudurka jadeecada waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan dhiiga lagu sameeyo, suuf baaritaan ah oo lageliyo gudaha sanka iyo baaritaan kaadida lagu sameeyo oo laga baarayo feyraska.

Badanaa dhammaan baaritaanadaan waxaa laqabtaa isku wakhti ama halmar.

Majirto daawo xadidan oo loogu talo galay jadeecada.
Nasasho iyo in baddan oo cabbitaan dareere ah ayaa lagula talinayaa qofka qabba cudurka jadeecada.
Maadaama feyraska sababo jadeeco, daawada antibiyootikada ahi ma ahan mid faa’iido ama waxtar leh.

Haddii ay dhibaatooyinku sii horumarto (sida oof wareenka) waxa loo baahnaan doonaa daaweyn dheeri ah.

?

Jadeecada waxaa looga hortagi karaa tooska tallaalka MMR.
Wuxuu kulminayaa tallaalka jadeecada ay lajirto tallaalada loogu talo galay qaamo qashiirka iyo jadeecada jarmalka.

Gobolka Washington, dhammaan caruurta waxaa looga baahanyahay in ay qabbaan tallaalka MMR loogu talo galay gelida iskuulka ama xarumaha daryeelka cunuga.

Dadka qabba jadeeco waxaa khasab ku ah in kafogaadaan xiriirka ay layeeshaan dadka kale ayna kafogaadaan meelaha dadweynaha illaa ugu yaraan 4 maalmood oo buuxda ay kagudubtey tan iyo intii finka uu soo baxey.

Dadka laga helay jadeecada ama u maleeya in ay qabbaan jadeeco waxa khasab ku ah in ay joogaan guriga, kafogaadaan meelaha dadweynaha, ayna si dhakhso ah u latashtaan bixiyaha daryeelkooda caafimaad.

Iska hubso in aad h**e u wacdo kahor inta aadan booqan bixiyaha daryeelkaada caafimaad si aad uga fogaato faafinta cudurka jadeecada aad kufaafiso dadka kale ee jooga qolka sugida.

Tallaalka jadeecada lagu bixiyo sedex maalmood gudahooda oo laga joogo maalinta la helay waxay dad kucaawinaysaa kahortaga jeermiska caafimaadka dadka aanan-uurka lahayn.

Difaaca gulobulinta waxay tahay daaweyn taas oo lagu isticmaali karo 6 maalmood gudahooda oo laga joogo maalinta lahelay cudurka si loo ilaaliyo dadka khatar sareysa ugu jira dhibaatooyin ka ahaaday jadeecada ay kamid yihiin haweenka uurka leh, dhallaanka iyo dadka qabba nidaam jir difaace daciif ah.
Mhdsnd

  Iyo  !Ramadaan Mubaarak. Akhriste, waxa aynu qormada maanta ku lafa guri doonaa mid ka mid ah cudurada lala noolaado k...
23/03/2023

Iyo !

Ramadaan Mubaarak. Akhriste, waxa aynu qormada maanta ku lafa guri doonaa mid ka mid ah cudurada lala noolaado kaas oo ah macaan ka.

Macaanka ayaa noqda dhawr nooc oo ay ugu caansan yihiin -1 iyo -2.

Nooca labaad ayaa ah kan aynu maanta faaqidayno.
Noocan ayaa ah mid aan si rasmi ah ugu tiirsanayn qofku in uu qaato .

Waxa xusid mudan in uu cudurkani yahay mid ay qasab tahay in si joogto ah loo xakameeyo ee aanay ahayn in daawada la qaato keliya marka uu xadka ka baxo.

Waa cudur ku suntan sonkorta dhiiga ku jirta oo badata iyada oo ay ugu wacan tahay dheecanka loo yiqaan oo yaraada ama unugyada jidhka oo ka jawaabi waaya, Waxa mararka qaar la arkaa in dheecan ku lid ah Insulin shaqadeedu uu ku bato dhiiga.

waa dheecaan uu soo daayo ganacu ( Pancreas) oo ka qayb qaadata in ay sonkor-tu (Glucose) ay gasho unugyadeena si ay uga soo saaraan tamar uu jidhku ku adeegto, isla markaana uu hoos u dhaco xadiga sonkorta ah ee wareegaysa dhiiga.

Cudurkan ayaa inta badan saameeya dadka da’doodu ka weyn tahay waxaa se la arkaa waqtiyadan dambe dad da’doodu yar tahay oo yeesha cudurkan walow ay u badan yihiin dad qoyskoodu marka h**eba leeyihiin.

Cudurkan ayaa leh astaamo badan oo ay ka mid yihiin , , iyo qofka oo .

Maanta waxa aynu dul istaagaynaa sidee ayuu qofka macaan lihi u soomi karaa?

Maxay tahay dheefta uu u leeyahay soonku macaanka?

Maxaa kaga iman kara qofka macaanka leh soonka?

Qofka macaanka leh ayaa ah mid u soomi kara sida qof caafimaad qaba.
Waxa uun muhiim ah in uu isu dheeli tiro dawada uu qaadanayo iyo cuntada soo galaysa jidhkiisa.
Ma aha sida dad badani qabaan in hadii uu qofku soomo uu cuni karo waxa uu doono amaba uu joojin karo gebi ahaanba dawada. Waxa kale oo mudan Iyana in la xuso in jimicsigu isna yarayn karo sonkorta wareegaysa, sidaa darted ay tahay in laga la tashado dhakhtar iyo adeege caafimaad si uu kuugu hago habka ugu haboon ee la isu waafajin karo.
Ma lihi hala joojiyo jimicsiga laakiin waxa uu caawin karaa qof uu macaankiisu kacsan yahay halka uu ridi karo qof ay sonkortiisu yarayd.

Soonka ayaa u leh badi dadka la nool cudurkan faaido badan oo ay ka mid yihiin:-

Miisaanka oo yaraada

●In uu jidhku u nuglaado dheecaanka insulin

●In ay hoos u soo dhacdo sonkorta dhiiga wareegaysaa

●In ay yaraadaan halbeegyada lagu la socdo kacsanaanta macaanka

Waxa laga ma maarmaan ah in dadka qaata dawada Insulin iyo qaar ka mid ah daawooyinka macaanku ay la tashadaan dhakhtaradooda si hoos loogu dhigo oo aanay u keenin in uu macaanku dhaco.

Waxa dhacda in mararka qaar uu dhaco macaanku ama ay xoog u yaraato sonkorta dhiiga wareegaysaa, taasina ay keento xaalado ay ka mid yihiin awood darro, dawakhaad, yalaalugo iyo in uu qofku gaadhaba heer uu miyir beelo Hadii aad dareento macaanka oo dhacsan waxa kuu fiican in aad jebiso soonka isla markaana aad qaadato cunto.

Maskaxda bini aadmigu ma xamili karto in ay ka yaraato sonkortu iyada oo aan haysan kayd ay sii isticmaasho.

Waxa mudan in uu qofku si joogto ah u cabiro macaanka si loola socon karo xaaladiisa caafimaad.

Waxa dhici karta in dhakhtarku kaa yareeyo ama joojiyo dawooyinka qaar, waayo cudurkan marar badan waxa uu ku saxmi karaa hab nololeedka oo la hagaajiyo kaas oo uu ka mid noqonayo soonku.

  All muslims Allah ha inaga aqbalo Dhmntyna i.a
22/03/2023



All muslims
Allah ha inaga aqbalo Dhmntyna i.a

Xilliyada ku leelaha sida bishaan aan ku jirno ee   waxaa la rabaa in qofka biya badan cabo.Dadka aad ayee u dhididaan w...
11/03/2023

Xilliyada ku leelaha sida bishaan aan ku jirno ee waxaa la rabaa in qofka biya badan cabo.

Dadka aad ayee u dhididaan waqtiyada kuleelka jiro taas waxeey keeneysaa in uu qofka (dehydration),

waxaa ka dhalan karo in pressure ka dhigga hoos u dhaco iyo kilyaha in eey shaqada joojiyaan.

Waxaan kula talin lahaay qofka in aad biya badan cabto si aad uga badbaado waxyaabaha aan kor ku soo xusnay.
Mhdnsd

Asc manta wxn rb inn ka hadlo wax yar Beerka La cunaayo markii la cunaayo waxyabaha lagu cuni karin ama lagu cabi karin ...
23/02/2023

Asc

manta wxn rb inn ka hadlo wax yar Beerka La cunaayo markii la cunaayo waxyabaha lagu cuni karin ama lagu cabi karin iyo sababtoodi

Adigoo beer cunaaya shaax ha cabin.

Sababto ah Shaaxa waxuu diidaayaa in jirkaada iron nuugo( iron absorption),

sidaas darteed waxaa qatar u galeysaa in Iron deffiency anemia kugu dhacdo.

Waxaa la rabaa in aad biyo ku cabto cunta kasta oo iron laga helaayo haddi aad taaa badalkeed shaax ku cabto waxaa jirkaaga ka dhumaayo iron.

Mhdnsd by

 ...Waa 18 talo oo aan ugu talagalay qofka qaba cudurka macaanka bisha ramadaan.Hooyada macaanka qabto oo uurka leh waxa...
01/04/2022

...

Waa 18 talo oo aan ugu talagalay qofka qaba cudurka macaanka bisha ramadaan.

Hooyada macaanka qabto oo uurka leh waxaa haboon inaysan soomin illaa uu dhakhtar u fasaxo mooyee si loo xafido caafimaadkeeda iyo midka uurjiifkeeda.

Qaadashada cirbadda insulinta iyo tallaalka ma jabiyo soonka sida culumada badankeed ay qabaan

Dadka qabo macaanka nooca 2-aad badanaa si aan dhib lahayn ayay u soomi karaan haddii aysan xanuuno kale jirin.

Dadka qabo macaanka nooca 1-aad waa in ay taxaddar muujiyaan ayna qaataan talooyinkaan hoose inta aysan go'aansan soonka.

Waa qasab qofka qaba macaanka oo rabo inuu soomo in caafimaadkiisu uu u saamaxayo, waana in aysan sokortaadu ahayn mid wareersan oo markay rabto kacayso ama dhacayso.

Bukaannada qaar waxaa lagula taliyaa in cabirka insulin-ta ay yareeyaan, ama nooceeda la badalo si aysan sokorta u dhicin xilliga soonka.

Waxaa laga yaabaa in dhakhtarka uu kugu la taliyo qaadashada insulin-ta degdegta ah xilliga afurka si sonkortaada loo xakameeyo, laakiin waa in dhakhtarkaaga la tashataa marka h**e.

Qofka macaanka qabo waa qasab in uusan suxuurta ka tagin, weliba cuno cunto tayo leh.

Qofka macaanka qabo ee sooman waa inuu badsadaa cabitaanka badan ee aan sokorta lahayn, waana inuusan hal mar wada cabin oo habeenkii loo qeybiyo.

Qofka macaanka qabo waa inuu saxuurta dib dhigto oo addinka oo wax yar dhiman cunaa.

Cunnooyinka badanaa soonka la cuno sida , , iyo waxay ku xiran tahay macaankaaga noociisa iyo sidaad u xakamaysid, badanaa dadka sokortoodu dagan tahay, daawadane joogteeyo way ku afuri karaan iyo aan la shiidin, hal xabo oo ama ahne way isticmaali karaan laakiin waa in daawada sokorta aysan hilmaamin, haddii aad dareentid in sokortaadu ay aad u kacayso markii aad isticmaashid cunnooyinkaas, waxaa haboon in aad ka fogaatid.

Qofka macaanka qabo markuu afuraayo wuxuu qaataa 3 xabo oo ah iyo ah, kadib ayuu dukanayaa, kadib wuxuu qaadanayaa daawadiisa inta uusan bilaabin cunno culus.

Haddii daawadu ay tahay (1×2), waa inuu qofka suxuur fiican cunaa, kadibne daawada uu qaato.

Haddii daawadu ay ahaan jirtay 3 (1×3)waa in laba waqti laga dhigaa adigoo la kaashanayo dhakhtarkaaga.

Haddii aad daawada -ta aad qaadatid, cabirka badan waa xilliga afurka, cabirka yarne waa xilliga saxuurta, tani waxay kugu caawinaysaa inaysan sokortaada kicin habeenki aysanne dhicin maalintii.

Haddii insulin-ta aad qaadatid ay thay middii halka jeer la qaadan jiray waa in aad xilliga afurka kaliya aad qaadatid.

Waa muhiim in aad ogaatid astaamaha
sokorta dhacsan sida

ah,
, , , , , oo ama ,

haddii aad isku aragtid astaamahaas waa qasab in aad soonka furtaa xittaa haddii afurku uu wax yar ka dhiman yahay, ajarkaagane waad heli doontaa ilaah idinkii.

Haddii xanuun dartiis aadan la soomi karin ogow in niyadaada lagugu ajar siinayo, adigoo afur kuu banaanyahay xanuun dartiis, haddii aad soon isku qasabtid oo dhibaato kaaga timaado, dambi ayaa kaaga imaan karo.

Mahadsanid Sir Garey garsii Wllkgg

ASC..MALMAHAAN WAXAA SOO BATEY WAXA LAYIRAADO HARGAB MARKA WAXAAN RABAA INAAKA HADLO WELIBA DADKA AY GARTAN WUXU YAHAY ....
26/11/2021

ASC..
MALMAHAAN WAXAA SOO BATEY WAXA LAYIRAADO HARGAB MARKA WAXAAN RABAA INAAKA HADLO WELIBA DADKA AY GARTAN WUXU YAHAY .

?

Hargab (ifilo) waa cudur kaas oo si aasaasi ah u saameeya waddooyinka neefsashada iyo sambabada dadka.
Waxaa sababa feyraska hargabka kaas oo si fudud ugu faafa dadka dhexdooda qofba qofka kale. Xili kasta oo hargab, waxaa faafa feyraso hargab baddan oo kala duwan. Hargabka wuxuu halis kunoqon karaan dadkaan soo socda:

iyo (gaar ahaan kayartahay da'doodu )

uurka leh

Dadka qabba

Dadka qabba

Dadka qabba mushkilado qalbiga ama sambabka ah ama daciifnimo nidaamyada jirka difaaca ah

Dadka

Xitaa caruurta caafimaadka leh iyo dadka waaweyn waxay aad ugu xanuunsan karaan hargabka

?

Calaamadaha hargabku badanaa waxay biloowdaan kudhowaadkii 1 illaa 4 maalmood kadib marka lala kulmo ama loo banbaxo qof qabba hargab.

Calaamadaha caadiga ah waxaa kamid ah:

Qandho

Qufac

Xanuun dhuunta ah

Dareere sanka ka ama

Daal dareemid (waxay noqon kartaa mid daran)

Madax xanuun

Xanuun murqaha ah

Dadka qaarkii waxay qabbi karaan mataq iyo shubban, inkastoo midani ay aad ugu badantahay caruurta hadii loo eego dadka waaweyn

Xaaladaha qaarkooda, hargabka wuxuu sababi karaa oof wareen iyo mushkilado kale oo halis ah.

?

Feyrasada hargabka waxay inta baddan kufaafaan dhibcaha lasameeyo marka dadka qabba hargabku qufaco, hindhiso ama hadlo. Dhibcahaan waxay kudhici karaan afka ama sanka dadka qofka u dhow.

Sidoo kale qofka hargabka wuxuu kaqaadi karaa taabashada dusha meel ama shay sita feyraska hargabka kadibna kutaabta gacantaasi afkooda, indhahooda, ama sanka.

?

Dhakhtarkaada ayaa aqoonsan kara hargabka taas oo kusalaysan calaamadahaaga jiro.

Dhakhtarkaada ayaa sidoo kale kutijaabin kara suuf lageliyo gudaha sankaada ama gadaasha dhuunta.

Dadka intooda baddan kuwaas oo qabba hargab ma ahan kuwo u baahan daaweyn caafimaad ama daawada kahortaga feyraska, laakiin dadka kujira halis khatar ah oo jiro daran ah (fiiri kor) waxaa khasab ku ah in ay wacaan dhakhtarkooda haddii ay sameeyaan calaamado hargab.

Dhakhtarada ayaa qori kara daawada kahortaga-feyraska si looga hortago jirooyinka daran ee halista ah; daawooyinkaan waxay sifiican wax u qabanayaan hadii lagu siiyo qofka 48 saacadood gudahooda oo kamid ah marka uu xanuunsanayo.

?

Qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo hargabku waxay tahay tallaalka hargabka sannad kasta ah.

Tallaalka hargabka waa mid lagula taliyo dhammaann dadka da'adoodu tahay lix biloood ama kaweyn.

Iska hubso in qofkasta oo la nool ama sida dhallaan kayar da'ada 6 bilood, haween uur leh, ama dadkale oo kujira halis-sareysa ay helaan tallaalka hargabka.

Sidoo kale adiga waxaad qaadan kartaa tallaabadahaan maali laha ah si aad nafsadaada iyo dadka kaleba uga ilaaliso in ay xanuun qaadaan.

Gacmahaada kudabool afkaada iyo sankaada ama istiraashada marka aad qufacayso ama hindhiseyso.

Marwalba kudhaq gacmahaada saabuun iyo biyo ama isticmaal aalkoole-kusaabsan nadiifinta gacanta.

Kafogoow taabashada indhahaada, sanka, ama afka. Taabashada meelahaan waxay faafisaa jeermiska.

Iskuday in aad kafogaato xiriir dhowaansho ah in aad layeelato dadka xanuunsan.

Joog guri hana aadin shaqada iyo iskuulka illaa ugu yaraan 24 saacadood laga joogo kadib marka ay qandhadaada baxdo ama dhamaato, kadibna kafogoow in aad xiriir dhowaansho ah layeelato dadka kale marka aad xanuunsantahay.

👨‍⚕️👍

Fadlan sii garey Garsii walalaha ku dhibaan xanuunka ama la jiifa sida ay ugu faidaan sar Mahadsanid

24/09/2021

WADNAHAOO HAWSHIISA GABAY AMA SHAQEYN WAAYEY!

MaxayTahay Wadnaha oohawshiisa Gabay?

Shaqa gabka wadnahu waxa uu yimaadaa marka uu wadnahu awoodi waayo in uu dhiigga u soo saaro sidii la rabay.

Tani waxay keeni kartaa in dhiiga iyo dareere ku ururaan , iyo , taasoo keenta in wadnahu shaqo badan sameeyo si uu jirka u gaarsiiyo dhiiga.

Hawl-gabnimada wadnaha la mid ma aha wadnahoo istaaga.

Maxaa sababa wadnaha oo hawshiisa gaba (CHF)?

Hawl-gabka wadnaha ee caruurta waxa uu ku yimaadaa cilad xaga wadnaha ah ee lagu dhasho.
Waxaa suurtowda, inuu wadnuhu duleelo ama uu jiro xidid dheeraad ah.
Ciladaha wadnaha ee lagu dhasho dhamaantood ma sababaan wadnaha inuu hawl-gab noqdo.
Xaalada kale ayaa keeni kara in uusan wadnahu si fiican u shaqaynin, keentana wadnaha oo hawshiisa gaba.

Maxay yihiin calaamadaha hawl gabka wadnaha?

Si tartiib ah bay u bilaabataa calaamada hawl-gabka wadnaha, waxaa markiiba garan kara cunugga isbadalkiisa waalidka. Calaamada haas markasta ma sheegayaan hawl-gab wadnaha, laakiin wac bukaan socodka, haddii aad ku aragtid cunugaaga. Calaamadaha hawl-gabka wadnuhu waa:

●Dhakhso u neefsasho

●san baloolin

●hinraagid neeftoo ku adag awgeed

●neef tuur

●qufac daba dheeraada

●ilmo dudaya marka uu jiifo oo loo qaato in kor u fariisto

●kaadida oo yaraata inta badan

●wejiga ama jirka intiisa kale oo dhidida (badanaa marka uu wax cunayo)

●cunida iyo cabidda oo ku dheeraata
cunid yar yar inta badan

●miisaan koridda oo yar

●hurdo badan oo u baahan in loo toosiyo cuntada

●midabka jirka oo isbadala ama bushimaha

●cagaha ama gacmaha oo mar kasta qabow

●gacmaha, cagaha, ama xiribaha indhaha oo bararsan.

Goormaan wacaan kartaa ama utagi kartaa dhakhtarka?

Markad aragtid calaamadaha hawl-gabka wadnaha wac dhakhtarka.

Sidee loo daryeelaa hawl-gabka wadnaha?

Hawl-gabka wadnaha waxaa lagu maareeyaa daawo ama qaliin.
Daawooyinka lagu xakameeyo astaamaha hawl-gabka wadnaha waxaa ka mid ah:
daawo keenta kaadi badan, sida ( ®) oo ka saarta jirka biyaha siyaadada ah

•daawooyinka ay ka mid tahay sida ( ) oo loo isticmaalo in ay wadnaha xoog uga shaqaysiiso

•Daawooyinka sida ( ) oo loo isticmaalo in ay dajiso dhiig karka, kana qaada culayska wadnaha.

•Haddii sababaha keena hawl-gabka wadnaha aysan iskii u hagaagin, waxaa suurtogal noqon karta in qaliin lagu hagaajiyo.

WAA MAXAY ALLERGIC? Dr Mohamed Jailani mioXasaasiyaddu waxay dhacdaa marka habka difaacaagu uu u falgalo walax sida ubax...
03/08/2021

WAA MAXAY ALLERGIC?

Dr Mohamed Jailani mio

Xasaasiyaddu waxay dhacdaa marka habka difaacaagu uu u falgalo walax sida ubaxa dhirta,sunta shinada marka ay ku qaniinto iyo cuntooyinka qaar.
habkeena difaac waxa uu soo saaraa hab difaac unugyo cad cad ah oo loo yaqaan antibodies.
Markaad xasaasiyad qabtid, nidaamkaaga difaaca ayaa ka dhigaya unugyada difaaca jirka tilmaama xasaasiyad gaar ah inay waxyeello leedahay, inkasta oo aysan ahayn. Markaad la xiriirto xasaasiyadda, falcelinta nidaamka difaaca jirka wuxuu kicin karaa maqaarkaaga, sankaaga, marinnada hawada ama habka dheef-shiidka.
Darnaanta xasaasiyaddu way ku kala duwan tahay qof ilaa qof waxayna u dhaxaysaa xanaaq yar ilaa anaphylaxis – xaalad deg deg ah oo nolosha halis gelisa. In kasta oo xasaasiyadaha badankood aan la daaweyn karin, daaweynta ayaa kaa caawin karta yareynta astaamaha xasaasiyaddaada.
calaamadaha xasaasiyadda.

hindhiso joogto ah.

cun-cun sanka ,dalqada iyo indhaha ah.

hadii aad cunto allergic kuleedahay waxa aad ku garan gartaa:-

barar afka ,indhaha iyo wajiga.

naqaska oo aad kuu qabta.

dibnaha oo waaweynaada .

xasaasiyadda cayayaanku waxay sababi kartaa:

jidhka meelo badan oo barara.

cun-cun aan kale joogsi lahayn.

qufac badan.

xabadka oo aad u cuslaada.

naqaska oo qofka qabta.

xasaasiyad ay dawadu sababto:-

cun cun aan kale joogsi lahayn.

kasoo bax.

cod foodhi oo kale ah oo kasoo yeedha sanbabada .

qofka oo miirdoorsooma.

ANAPHYLAXIS.
xaaladan waa xalad degdega ah oo allergygu uu saameeyo waxa ay keeni kartaa xalad adag oo caafimaad darro.
MAXAA SABABA.

Alerjiiyada xasaasiga ah ee hawada, sida ubaxyada dhirta, dhogorta xoolaha iyo caarada.

Cunnooyinka qaarkood, gaar ahaan lawska, miraha geedka, qamadiga, kalluunka, ukunta iyo caanaha.

cayayaanka sida shinida qaniinyadeeda.

Daawooyinka, gaar ahaan penicillin ama antibiyootig ku saleysan penicillin.

walxaha kale ee aad taabatid, oo sababi kara ficil celinta maqaarka xasaasiyad.

YAA U HALIS AH.

dadka hidaha u leh xasaasiyadaha sida xiiqda.

dadka finanka leh.

beerelayda.

xoolo dhaqatada.

CAWAAQIB XUMADA KA DHALATA.

xiiq qofka ku dhacda.

qofka oo miir beela.

caabuq ku dhaca daldaloolada sanka dushiisa ku yaal .

KA HORTAG.

isticmaal qalabka shinida hadii aad shini dhaqatid.

isticmaal qalabka beeraha ee dharka ah hadii aad dhirbadan aad beertid ilaa madaxa sifiicin u gaadhsii.

hadii aad ogtahay inaad xasaasiyad aad leedahay ka fogow waxyabaha kugu kicinaya xasaasiyada kuwaan kor kusoo xusnay.

DAAWAYN IYO SHAABAADHKA.
daawaynta iyo shaybaadhka dhakhtarka ayaa goaaminaya.



Mhdsnd.

Address

Hodon
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Jey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category