Drs Muno muqtaar maxamed

Drs Muno muqtaar maxamed waa KU faraxsanhy inaa ka mid noqoto asxbteyda fadln like saar

😁😁😁
15/11/2025

😁😁😁

20/04/2021
02/05/2020

Ramadan Mubarak

Dad badan oo Muqdisho jooga ayaa ka cabanaya wax uriska haddaba Maxaa ka dhaxeeya wax uriska iyo Cudurka COVID19Bukaanna...
25/04/2020

Dad badan oo Muqdisho jooga ayaa ka cabanaya wax uriska haddaba Maxaa ka dhaxeeya wax uriska iyo Cudurka COVID19

Bukaannada qaba cudurka COVID19 qiyaastii 25% ilaa 50% k**a soo muuqdaan wax astaamo ah, halka bukaannada qaar lagu arko calaamadaha ugu caansan sida; qandho, qufac, neefsashada adkaato.

Haddaba, bukaannada uu ku dhacay cudurka COVID-19 ayaa lagu arkay cabasho la xariirta dareenka uriska iyo dhadhanka oo dhuma. Inkastoo fayraska sababa hargabka caadiga ah uu caan ku yahay calaamadaan.

Toddobaadyadii dhowaa dhakhaatiirta la tacaalesay daaweynta bukaannada la xaqiijiyey ee qabay cudurka COVID-19 waxa ay soo gudbiyeen in dareenka uriska iyo dhadhanka oo dhuma ey ku arkeen bukaanno badan oo ay daaweynayeen.

Ururka ee ku midaysanyihin dhakhaatiirta Cunaha, Sanka iyo Dhagaha ee Mareekanka iyo dhiggooda dalka Ingriiris oo ka hadlay arintaan ayaa soo jeediyey in uriska iyo dhadhanka oo dhuma loo aqoonsado mid ka mid ah calaamadaha looga shakin karo jiritaanka cudurka COVID-19.

Ururadaan oo soo xiganaya dhambaalo ka imaaday dalka koonfurta kuuriya halkaas oo 30% bukaannada qabay cudurka calaamadooda ugu weyn aheyd dareenka uriska oo dhuma, halka dalka Jermani dhaqaatiirtu arkeen seddexdii (3) qof ee qaba cudurka COVID19 labo (2) ka mid ah ey lahaayeen cabasho la xariirta dareenka uriska.

β€œWaxaan ku aragnay cabashadaan bukaanno badan laakiin weli lama oran karo waa calaamad sax ah oo la xariirta cudurka COVID-19” sida waxaa yiri, madaxa xarun ka shaqeysa cudurada uriska iyo dhadhanka ee jaamacadda Florida ee dala Mareekanka

Dhinaca kale, cilmibaaris horudhac ah oo laga sameeyey 12 Cisbitaal oo ku yaala dalalka yurub kana qeyb qaateen 417 qof oo la xaqiijiyey in ey qabaan cudurka COVID19 ayaa 85.6% dadkii qeybta ka ahaa cilmibaarista ey ka cabanayeen uriska oo dhuma halka 88% ay ka cabanayeen dhadhanka oo dhuma.

Maxaa fariin ah oo laga qaadan karaa arrintaan?
Waxaa muhim ah in foojignaan dheeri ah la yeesho haddii aad isku aragto dareemaha uriska oo kugu yaraado waayo waxaa dhici kara in ey bilaaw u tahay calaamadaha cudurka COVID19 ilaa iyo inta sheybaar ahaan laga xaqiijinayo, sidoo kale in aad is karantiishid haddii calaamadahaas isku aragto si aad u illaalisid badqabka dadka kula nool. Ugu dambeyn, la xariir xarumaha wasaradda caafimaadka ugu talo gashay cudurka COVID-19.

Somalihealth

Barashada Umuliso ( Midwifery )AbortionDhicisku waa dhiig kayimaada ilmagaleenka in ka horeeysa 28weeks ee uurka hooyada...
09/01/2020

Barashada Umuliso ( Midwifery )

Abortion

Dhicisku waa dhiig kayimaada ilmagaleenka in ka horeeysa 28weeks ee uurka hooyada waa mid Qatar ah maxaa yeelay way udhiman kartaa hooyadu

Dhiig baxaas waxaa keena waxyaabo kaladuwan sida

1 Duumada =malaria
2 Dhiig karka= hypetention
3 Buro kasoo minka
4 Sokorowga= diabetes
5 Isfiilitada= syphilis

Types of abortion Qeebaha dhicista

1 Threatened abortion
2 Inevitable abortion
3 Incomplete abortionComplete abortion
4 Septic abortion
5 Habitual abortion
6 Missed abortion

Threatened abotion

Waa dhiig bax yar malahan wax xanuun ah hadii uu dhiig baxaas sidagdag ah ujoogsado uurka waa mid sii jira

Treatment

1 Nasaho iyo cunto nafaqa leh
2 Vitamin –k hadii uu dhiga siisocdo

Inevitable abortion

Dhiciskaan waa dhicis aan nooleen sidaa daraadeed xiligaas ilmo galeenka waa mid aan furneyn

Syptoms Calaamadaha

1 Mindhicir xanuun
2 Dhiig bax

Treatment Daawada

1 Glucose infusion 500ml 6xabo 1x2
2 Paracetamol tab 500mg 10xabo 1x2
3 Incomplete abortion

Incomplete abortion

Dhiciska nuucaana wuxuu leeyahay dhiigbax daran hooyaduna waxay dareentaa xanuun badan oo xaga caloosha ah xanuunkuna waa mid u eg sida foosha oo kale sidaas daraadeed dhiig buxu waxuu noqonkaraa mid siisocda ilaa uurka oodhan uu dhamaado

Symptoms Calaamadaha

1 Mindhicir xanuun
2 Ilmagaleenka oo furma
3 Dhiig kayimaada saxaha

Treatment Daawada

Ergometrine injection IM 0.5mg 1x1

Qof walba oo arka cashirkaan share ha dhaho

Dr muno

26/11/2019

Asc asxbta pge cusub soo dhaweya oo kala kiciya

Address

Mogadishu

Telephone

+252619137966

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs Muno muqtaar maxamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Drs Muno muqtaar maxamed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category