Lataliyaha Caafimaadka Bulshada Somaliyeed

Lataliyaha Caafimaadka Bulshada Somaliyeed We are here to consult to our Somali community and to inspire, give some medical lectures to our med

22/05/2024
Bisha Wacyi Gelinta Kansar ka Kaadi Heysta Statistics 📊 Kansarka Kaadiheysta wuxu ka mid yahay kuwa ugu halista badan ee...
22/05/2024

Bisha Wacyi Gelinta Kansar ka Kaadi Heysta

Statistics 📊

Kansarka Kaadiheysta wuxu ka mid yahay kuwa ugu halista badan ee ku dhaca dadka waase la xakameyn kara hadii goor h**e la ogaado.

Bishan May waxaa loo aqoonsaday bisha wacyi gelinta cudurka Kansarka Kaadi heysta.

Waxaa si wada jir ah isaga kaashaday hey’ada Iskaashiga Bukaanada Kansar Kaadi heysta Aduunka (World Bladder Cancer Patient Coalition), Dr-Najib Isse Dirie
Dr.Sumait Hospitals SIMAD University

Fadlan boggaan booqo (waxaa ku qoran macluumaad badan oo Af Somali ku qoran)

https://padlet.com/WBCPC/bladder-cancer-awareness-month-2024-insider-documents-files-2k81sxroxwg57zuw

10/03/2024

أهلآ يا رمضان المبارك 🤲 2024 March

World Diabetic Day 2023 Cudurka macaanka ee aduunka ayaa sanad walba la xusaa 14-ka November, si looga wacyi galiyo saam...
14/11/2023

World Diabetic Day 2023

Cudurka macaanka ee aduunka ayaa sanad walba la xusaa 14-ka November, si looga wacyi galiyo saameynta ay ku leedahay caafimaadka dadka iyo waxa laga qaban karo kahortaga, ogaanshaha iyo daawaynta.

Sonkorowga waa cudur aan la kala qaadin; Waxay dhacdaa marka jidhkeenu aanu soo saarin insulin ku filan, ama aanu si wax ku ool ah u isticmaali karin insulinta uu soo saaro.

Nooca 1-aad ee Macaanka lagama hortagi karo laakiin Nooca 2-aad ee macaanka waxa lagaga hortagi karaa ama dib loogu dhigi karaa cunto caafimaad leh, xakamaynta miisaanka iyo dhaqdhaqaaqa jidhka oo joogto ah.

Sanadihii la soo dhaafay, dowladihii kala dambeeyay waxay siiyeen daryeel iyo daawaynta xarumaha kala duwan ee caafimaadka iyo isbitaallada

Dhibaatooyinka sonkorowga

-Indho la'aan( Blindness )
-Istaroog( Stroke )
-Kelyaha oo xumaada ( Nephropathy ) iyo
-Neerfaha o gaarta wax yeelo ( Neuropathy) tas ka dhasha goynta lugaha hoose,

Inta Aan so shegnay waa laga fogaan karaa ama la ogaan karaa goor h**e haddii aan samayno baaritaanno joogto ah.

Sonkorowga waa la xakameyn karaa, maaha xukun dil ah.

Shakhsiyaadka waa in la edbiyaa, ku celceliyaan cunto caafimaad leh iyo jimicsi joogto

Dr. Sumait Hospitals
Imraan Mohamed Abdi
Adam Isak Abdi
Abdullahi Adan Dhagacadde
Anytime Hospital

01/11/2022
Ma ogtahay in Cudurka Sokorta uu sameyn ku yelan karo indhahaga .... sawirka hoose ka aqriso astaamaha.
30/10/2022

Ma ogtahay in Cudurka Sokorta uu sameyn ku yelan karo indhahaga .... sawirka hoose ka aqriso astaamaha.

Faa'idooyinka uu leeyahay Naaska hooyadda waxaa ka mid ah qodobada hoos ku xusan. ka faa'ideysi wacan
10/09/2022

Faa'idooyinka uu leeyahay Naaska hooyadda waxaa ka mid ah qodobada hoos ku xusan. ka faa'ideysi wacan

28 July: Xuska Maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga                      (WORLD HEPATITIS DAY)Dhibaato intee le'eg ayuu...
28/07/2022

28 July: Xuska Maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga

(WORLD HEPATITIS DAY)

Dhibaato intee le'eg ayuu cudurka Cagaarshowga ku hayaa Bulshada soomaaliyeed ?

Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan , sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2022 waa “Inaan la sugin oo la ciribtiro cagaarshowga “Hepatitis Can’t Wait”.

Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM
Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifi n iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.

Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood , xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.

Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah.

h**ey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 294 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

 Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.
 Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
 Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
 Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual In*******se).
 Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-
- Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-
- Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.
- Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
- Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
- Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.
Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka.

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 60 milyan qof ; sanad kasta tirada bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka h**eeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).

Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-
Qeybta H**e :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labo-labo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan, xumad, quun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase):

Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase): Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaan calaamadihii h**e laakiin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa, , waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo.
Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay , taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga.

Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

25% - 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% - 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).

Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% - 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% - 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).

Ka hortago Cudurka Cagaarshoowga

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu h**eyn waa in la xoojiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha la galo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashinka la cuno. Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro, sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta, dalqa goynta, quun-gooynta, gudniinka wiilasha, dhaga durista, uu nadiif yahay lana jeermi dilo taasoo laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha is-guursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.
Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuuna siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

WHO waxay xoogga saareysaa ka hortaga cagaarshowga nooca B (HBV) ee hooyada u gudbiso dhallaanka, iyadoo la adeegsanayo tallaalka xilliga ilmaha dhalanaayo.

Sidoo kale Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii h**e, waxaana loo qaataa marka h**e bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6), Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga .

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.
Ugu h**eyntii waxaa la faryaaa:

1. Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uu ku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.

2. Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

3. Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabidda khamriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaanadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.

Ma ogtahay Inta ay uurka leedahay hooyada , haddii hooyadu ay soo gaadho dhaawac xubnaha (organ damage) ama ay shaqada g...
28/10/2021

Ma ogtahay Inta ay uurka leedahay hooyada , haddii hooyadu ay soo gaadho dhaawac xubnaha (organ damage) ama ay shaqada gabaan (organ failure) , ilmaha uurka ku jira waxa uu soo diraa unugyo jireed(stem cells) si ay u hagaajiyaan xubinta shaqada gabtay 😍

27/10/2021

Wa maxay Niyad -jabka(DEPRESSION)?

Niyad-jabka wa xanuun weyn ama waa jirro caafimaad oo caadi ah oo halis ah oo si xun u saameeya sida aad dareemeyso, qaabka aad u fekereyso iyo sidaad u dhaqmi lahayd. Nasiib wanaag, sidoo kale waa la daweyn karaa. Niyad-jabku wuxuu keenaa dareen murugo iyo/ama luminta xiisaha hawlaha aad mar ku raaxaysanaysay

Calaamadaha niyad-jabka( Symptoms of Depression)

--Dareen murugo ama niyad jab.
--Luminta xiisaha ama raaxada hawlaha mar lagu raaxaysto.
--Isbeddellada rabitaanka cuntada.
--miisaanka oo yaraada ama korodhka aan la xidhiidhin cunto-cunidda.
--Dhibaato hurdada hurdo la'a ama hurdada oo badan.
--Tamar luminta ama daalka oo kordha Kordhi dhaqdhaqaaq jidheed oo aan ujeeddo lahayn (tusaale, fadhiid la'aanta, dhaqdhaqaajinta, gacan-qorista) ama dhaqdhaqaaqa ama hadalka oo gaabis ah (ficiladani waa inay ahaadaan kuwo aad u daran oo lagu arki karo dadka kale).
--Dareemidda bilaa qiimo ama dambi.
--Ku adkaanta fikirka, xooga saarida ama go'aan qaadashada.
--Fikirka dhimashada ama is-dilka.

Arrimaha Khatarta u ah Niyad-jabka(Risk factors of Depression)

Dhowr arrimood ayaa door ka ciyaari kara niyad-jabka:

Biochemistry : Kala duwanaanshaha kiimikooyinka maskaxda qaarkood ayaa laga yaabaa inay gacan ka geystaan ​​calaamadaha niyad-jabka.

Hidde(Genetic) : Niyad-jabku wuxuu ku dhex socon karaa qoysaska. Tusaale ahaan, haddii hal mataan ah oo isku mid ah uu qabo niyad-jab, ka kalena wuxuu leeyahay boqolkiiba 70 fursad ah inuu cudurka ku dhaco mar nolosha ah.

Shakhsinimada (Personality) : Dadka isku kalsoonaantoodu hoosayso, oo ay si sahal ah culays uga saarayso walaaca, ama guud ahaan rajo-beelku waxay u muuqdaan inay aad ugu dhow yihiin inay la kulmaan niyad-jabka.

Arrimaha deegaanka(Environmental) : Soo-gaadhista joogtada ah ee rabshadaha, dayaca, xadgudubka ama faqriga ayaa laga yaabaa inay dadka qaar ka dhigaan kuwo aad ugu nugul niyad-jabka.

Sidee Loo Daweeyaa Niyad-jabka(Treatment of Depression)
Daawooyinka(Medication) : dawooyinka niyad-jabka ee caanka ah waxaa ka mid ah ---citalopram (Celexa)
escitalopram (Lexapro)
fluoxetine (Prozac, Sarafem, Selfemra, Prozac todobaadle).

Daawaynta cilmi nafsiga ( Psychotherapy: Psychotherapy) : teraabiyada cilmi nafsiga.

Electroconvulsive Therapy (ECT): waa daawaynta inta badan loo qoondeeyay bukaanada qaba niyad-jabka daran ee aan ka jawaabin daawaynta kale.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615299934

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lataliyaha Caafimaadka Bulshada Somaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Lataliyaha Caafimaadka Bulshada Somaliyeed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram