08/08/2025
Xanuunka gawracato (Diphtheria ) ee hada dalkeena aad ugu sii faafaya waa cudur khatar ah oo ay keento bakteeriyada Corynebacterium diphtheriae. Wuxuu ku dhacaa cunaha, sanka, ama maqaarka, isagoo sababa qolof caddaan ah oo ku samaysma cunaha, cunto liidasho, neefsasho dhib, iyo mararka qaar barar qoorta ah. Cudurka wuxuu ku faafo hawada ama taabashada. Tallaalka DTP ayaa looga hortagaa, waxaana lagu daweeyaa antitoxin iyo antibiotics sida penicillin ama erythromycin. Waxaa muhiim ah in si deg deg ah loo daaweeyo si looga fogaado dhibaatooyin halis ah. Marka waxa ad ugu nugu kuna dhacaa caruurta waxa fiican in talalka lasiiyo caruurta si looga hortago xanuunka halista ah dilaagana ah ee ku faafa dhaqsida loona yaqaano gowracatada ama (Diphtheria)