29/08/2022
Caawa iyo qalinkaygii markale.........!!
1-Dadka qaar adiga daacad kuuma ahan, waxay daacad u yihiin baahida ay kuu qabaan, mar haddii ay baahidooda beddelaan, daacadnimada ay adiga kuu qabaan wey beddelantaa.
2- Xanuun kasta waa kumeel gaar Noqo qof adag.
3- Nolosha sideedaba waa sida adigoo ku socda wada raf ah, waligaaga sabarka iyo dulqaadka wehesho ogowna xaaladaha kusoo maraya inay yihiin kuwii ku bari lahaa casharada Nolosha.
4- Qalbiga wax badan udulqaata markuu isbadalo lagama yaabo in uu sidii h**e oo kale kusoo noqdo waligii.
5- Dadka qaar ayaa gabow ku dareema 18 jirka, qaarkoodna dhalinyaranimo ayey ku dareemaan 90 jirka waqtigu waa fahan uu aadanu abuurto.
6- ka dhaqaaq oo ka fogaaw meel waliba oo aad u aragto inay sharaftaada ku waxyeeloobayso.
7- ha eegin midka kaa sareeya ee kaa hantida badan eeg midka kaa hooseeya Nolosha waa darajo darajo waxaad haysato iyo heerka aad joogtaba ku qanac kuna xamdi Eebe.
8- Si adag u shaqeey maalinkii iskuna day inaad ka fogaato Mobile-ka kaa mashquulinaya inaad wax qabato, qof adag iska dhig oo Noloshaada iyo tan qoyskaagaba maareey, hana ka faanin shaqo waliba.
9- guurka iyo gacansigaba geesinimo ayey ubaahanyihiin dhaqaaq oo mid uun si geesinimo leh ku gal Rabbigaagana Talada udhiibo hadaad jeebkaaga wax ku ogtahay.
10- Dhiiragalintu waa sida quud (cunto) maskaxda la siiyo, kagama dhargaysid hal fadhi, wa inaad kusoo noqnoqodka badisaa.
Nala Wadaag qodobkee si gaar ah kuu soo jiitay..?
Hadaad ka heshay lasii wadaag saaxibadaada kale si ay uga faaideystaan........!!
Qodobka ku cajib galiayay comments nugu reeb