26/09/2025
WARQAD FURAN
Ku socota:
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Xasan Sheekh Maxamuud
2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xamza Cabdi Barre
3. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe
4. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator ** Cabdi Xaashi Cabdullaahi**
5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DFS
6. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS
7. Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abukar Daahir Cusmaan (Abukar Baale)
Ujeeddo: Codsi Gurmad Degdeg ah oo ku saabsan Caafimaadka Dhimirka ee Soomaaliya
Aniga oo ah Dr. Abdirahman Ali Awale (Dr. Habeeb), waxa aan idiin soo gudbinayaa cabasho iyo codsi qaran oo ku saabsan xaaladda caafimaadka dhimirka ee shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa jira in ka badan 340,000 (saddex boqol iyo afartan kun) oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah — rag iyo dumar, miyi iyo magaalo — ku silcaya xanuunnada dhimirka, kuwaas oo intooda badan ku xiran silsilo adag oo ka hor istaagay nolol sharaf leh iyo dhaqdhaqaaq xor ah.
Dhibaatadan waxay leedahay saamayn baaxad weyn oo ku saabsan caafimaadka bulshada, nabadda iyo horumarka dalka. Waxaan ka cabsi qabaa in aan dhinto anigoon arag dhalinyarada Soomaaliyeed oo laga furay silsiladahaas adag.
Markii aan wacyigelin iyo xogta la wadaagnay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka caalamiga ah, waxa naloo sheegay in madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli si toos ah uga hadlin dhibaatadan, taas oo loo baahan yahay ballanqaad siyaasadeed (political commitment).
Sidaas darteed, warqaddan furan waxaan idinka codsanayaa:
1. In aad si qaran u muujisaan baaq rasmi ah oo ku saabsan gurmadka caafimaadka dhimirka.
2. In dowladdu ku booriso hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha saaxiibada ah in ay ka qeybqaataan gurmad qaran oo lagu badbaadinayo bulshada Soomaaliyeed.
3. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ballanqaaddo in ay si qaran u jeediso baaq rasmi ah oo ku saabsan gurmadka caafimaadka dhimirka, iyadoo bulshada caalamka iyo hay’adaha samafalka loogu yeerayo in ay ka qeybqaataan gurmadka. Dowladda looguma baahna bixinta nus-doolar ($0.5) halkii qof, balse waxaa lagama maarmaan ah hoggaanka iyo codkooda siyaasadeed.
Waxaa xusid mudan in:
• Soomaaliya ay hadda leedahay oo keliya 54 dhakhtar iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo tababar gaaban (3 bilood Diploma) ku dhameystay, kuwaas oo ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Habeeb Mental Health Organization wada diyaariyeen.
• Qorshaha cusub ee 2026–2030 uu yahay in la tababaro 3,000 xirfadle caafimaad dhimirka iyo neerfaha, kuwaas oo noqon doona cutubkii labaad ee dalka ka fulin doona adeeg caafimaad maskaxeed casri ah.
Fariin:
Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed, waxaan kugu xusuusinayaa masuuliyadda taariikheed ee kugu saabsan badbaadinta kumannaan muwaadiniin ah oo ku silcaya cudurrada dhimirka. Shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin taageero, caafimaad iyo nolol sharaf leh.
Dr. Abdirahman Ali Awale (Dr. Habeeb)
Habeeb Mental Health & Rehabilitation Organization – Soomaaliya.
walaalayaaloow 43 sano ayaan umadaanudadaalaayay si fariintaan aay ugaaro madaxda qaranka Comments, like, share 3 mlyan hala gaarsiiyo garabsii walaalahaaga xanuunsan.