10/04/2026
Galabta, Mogadishu Specialist Hospital waxa uu si sharaf leh u martigeliyay kulan kubadda cagta ah oo xiiso iyo xamaasad badan lahaa, kaas oo dhex maray Dhakhaatiirta Isbitaalka iyo Bahda Social Media-da.
Kulankan oo ahaa mid si qurux badan u qabsoomay, wuxuu ka tarjumayay midnimo, is-ixtiraam, iyo tartan caafimaad qaba, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen ciyaar heer sare ah, dadaal iyo wadajir.
Waxaa farxad gaar ah noo ah in kulanka uu ku soo dhammaaday guul ay gaareen Dhakhaatiirta Mogadishu Specialist Hospital, iyagoo ku badiyay 1-0, taas oo muujinaysa karti, isku-duubni iyo niyad-sami.
Si kastaba ha ahaatee, natiijadu kaliya ma ahayn ujeedada ugu weyn, balse waxa ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa in kulankani noqday fursad lagu xoojiyo xiriirka bulshada, lagu dhiirrigeliyo caafimaadka jirka iyo maskaxda, isla markaana lagu muujiyo sida ciyaaruhu u dhisaan walaaltinimo iyo wada-shaqeyn.
Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa Dhakhaatiirteena oo maalin kasta naftooda u hura badbaadinta bukaannada, haddana maanta muujiyay firfircooni iyo ciyaar wanaag,sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa Bahda Social Media-da, kuwaas oo door weyn ka qaata wacyigelinta bulshada iyo faafinta farriimaha muhiimka ah ee la xiriira caafimaadka iyo horumarka bulshada.
Mogadishu Specialist Hospital waxa uu aaminsan yahay in horumarka bulshada lagu gaari karo oo kaliya marka la helo iskaashi, is-faham iyo xiriir wanaagsan, waxaana ku faraxsanahay in kulankani uu noqday astaan cad oo muujineysa ciyaar wanaag iyo qurux sports mid jireed.
Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka soo qeybgalayaasha, taageerayaasha iyo cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda kulankan qiimaha badan.
Mogadishu Specialist Hospital
We Care โข We Serve โข We Heal