Hadhwanaag Daafi

Hadhwanaag Daafi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hadhwanaag Daafi, Medical and health, Mogadishu.

27/01/2023
31/10/2022

Ilmaahan waa mucjiso😂

25/10/2022

😂😂

Sanadka bilawga ah ee 2022 haddii uu nasiib watay wiilkaan Ciraaqiga ah baa helay.Waxa uu guursaday 36 sano jir Mastar k...
27/01/2022

Sanadka bilawga ah ee 2022 haddii uu nasiib watay wiilkaan Ciraaqiga ah baa helay.

Waxa uu guursaday 36 sano jir Mastar ka diyaarisay daraasadaha dawladnimada oo uu dhalay suldaanka dunida ugu hodonsan. Waxa ay xafladda arooskiisu socotay muddo todoba maalmood ah, waxaa lagu qabtay qasriga saldanadda oo ah qasri boqortooyo midka ugu weyn caalamka, xitaa kan Ingiriiska ee Boqorad Elizabeth waa uu ka weynyahay.

Sawirradan hoose midab kasta oo jaalle ah oo kaaga dhex muuqda waa wax ka samaysan dahab asal ah, ama dahab dahaar looga dhigay. Xitaa dhulka dahab ayaa goglan oo lagu dul soconayaa.

Qorma yar oo suldaanka hantidiisa inyar oo kamid ah aan beri dhexdaas ah kaga sheekeeyay hoos ka akhri:

Waa boqorka ugu hodonsan boqorrada dunida iyo madaxwaynayaasha caalamka, hantidiisu isma taqaan.

Qasriga ugu wayn dunida ayaa uu leeyahay, xitaa boqortooyada ingiriiska ee hodonka ah qasrigiisa oo kale maleh, waxa uu ka dhisanyahay jiinka wabiga burunaay, waxaa uu ka koobanyahay qasrigu ku dhowaad 2000 oo qol, suuliyaashiisa kaliya baa 500 oo suuli gaara, suxuunta lagu saxaroodo ee suuliyaasha u yaala ayaa dahab iyo fiddo ka samaysan, qasriga intiisa kalana maxaad ka fili ? Baabuurtiisu waa dhawr boqol oo gaari, oo ah gawaarida dunida ugu qaalisan.

Iska daa wax kalee looxaanta farshaxanka ah ee gidaarada u suran baa 700 oo loox ah, midka ugu qiimaha yari waxa uu ku fadhiyaa 150,000 oo Yuuro.
Diyaaradda ugu qaalisan dunida ayuu leeyahay, gudaheeda wax walba oo yaalla dahab iyo xariir ayeey ka samaysanyihiin, iyadana biyo dahab baa lagu midabeeyay.

Carshiga uu ku fariisto waxa uu ka sameesanyahay dahab, waxaa ku qaada 50 qof oo xooggan sidii boqorkii Faraacinada.

Ninkani waa Suldaan Xasan Balqiya waa Suldaanka dalka yar ee Burunaay. Dalkaa uu boqorka ka yahay waa dal aad u yar oo Aasiya ka tirsan, dadka ku nooli 400 oo kun kaliya weeye.

22/12/2021

Address

Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hadhwanaag Daafi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram