03/02/2021
Hurdo La’aanta (Insomnia)
Hurdo la’aan waa xaalad caafimaad oo aan caadi ahayn taasoo lagu garto iney qofku ku adkaato inuu hurdo ama uusan hurdada ka dhergin, dadka qaba xalaadaan waxaa lagu gartaa calaamadahaan
Hurdada ma ahan shey sahlan oo la dhayalsado, sababtoo ah hurdada waxay aasaasi utahay caafimaadka jirka iyo maskaxda, hadii ay hurda la’aantu daba dheeraato waxaa iman kara qofka inuu ku dhufto ama maskaxda ay khalkhal gasho, hurdada waxay saxdaa kiimikooyinka uu jirka isticmaalo maalin kasta, hadii qofku uusan hurdin kiimikooyin kaan waxay halis gelin karaan habsami u socodka shaqada jirka iyo tan maskaxda ba
• Iney adag tahay qofka inuu hurdo
• Inuu soo tooso marar badan habeenki/ iney adag tahay inuu kulaabto hurdada
• Inuu soo tooso waqtiga h**e subaxdi
• Inuu weli daal dareemo marka uu soo kaco
Noocyada hurdo la’aan
[ ] Hurdo la’aan Primary (kowaad)ah waa xaalad caafimaad oo saameyneysa hurdada.
[ ] Hurdo la’aan Secondary (labaad)ah waxaa kajira jirka xaalad caafimaad oo si toos iyo si dadban u sababeysa hurdo la’aan sida neef ,caabuqa gala goysyada, laab jeex, iyo kansar, waxaa kaloo sababi kara daawooyinka qaar.
hurdo la’aanta ayaa ku kala duwan muddada uu qofku dareemo, waxay ukala baxdaa hurdo la’aan jirta muddo gaaban sida hal habeen ilaa hal isbuuc, hurdo la’aanta joogta ah waxaa lagu ogaadaa hadii qofku uu hurdo la’aan dareemo 7 maalmood ilaa bilooyin.
Maxaa sabab hurdo la’aanta
Waxyaabaha sababa hurdo la’aanta mudda gaaban waxaa ka mid ah.
• Walwal nololeed la taaban karo sida ( shaqo la’aan, dhimashada qof aad jeceshahay, iyo furiinka )
• Xanuun
• Dagaanasho la’aan xaga jirka iyo shucuurta
• jawi daganaan la,aan sida ( buuq, iftiin badan, iyo cimilo kulul am qaboow)
• Dawooyinka qaar ayaa khalkhal gelin kara hurdada
• Jadwalka qofka oo is bedelo ( sida inuu diyaarad ku safro ama habeenki waqti badan shaqeyo)
Waxyaabaha sababo hurdo la’aanta joogtada ah waxaa ka mid ah:
• Niyad jab iyo/ ama walbahaarka
• Walwalka joogtada ah
• Xanuun am daganaan la’aan xiliga habeenki
Astaamaha hurdo la’aanta?
• In qofku hurdoodo xiliga maalinta
• Inuu qofku dareemo daal guud
• Dabeecad xumo
• Ufiirsasho la’aan iyo xasuus xumo
┏━━━━━━━🍁━━┓
👩🏻⚕Dr umeyma
┗━━━━━━━🍁━━┛