17/08/2024
HALIS CAAFIMAAD.....................................................
Xanuunkan oo lagu magacaabo "Monkeypox) ama Somaali ahaan "furuqa daayeerka" wuxuu noqday maalmahan u dambeeyey halista caafimaad ee ugu weyn qaaradan Afrika .
Sida ay sheegtay WHO, haayada caafimaadka aduunku, xanuunkani wuxuu u fidayaa si aad u dhakhso badan marka loo eego wakhtigii la diwaan geliyey kiisaska cusub iyo hada halka uu marayo.
Xanuunkani wuxuu dhawaan ka bilaabmay wadanka DRC Congo, halkaas oo uu ku dilay inta la shaaciyey 450 qof, durba wuxuu ku faafay wadamada bariga iyo badhtamaha Africa sida Kenya, Burundi iyo Rwanda.
Xanuunkaan ayaa ah mid uu keeno nooc fayrus ah oo la mida midkii keeni jiray cudurka FURUQA.
Wuxuu xanuunku ku bilowdaa calaamadaha hargabka oo kale sida xumad, madax xanuun, jir xanuun, qanjirada oo barara ama xanuuna, wuxuuna kadib u gudbaa NABARO kasoo baxa wajiga marka h**e, kuwaas muda kadib ku wada faafa jirka intiisa kale
Xanuunkan waxa lagu kala qaadaa:
1. In aad taabato, dhunkato ama si kale ula falgasho qof xanuunka qaba
2. Haraga xoolaha uu ku dhacay
3. Galmada qof xanuunka qaba
4. Uurka hadii hooyadu xanuunka qabto, taas oo ilmaha yar u gudbin karto
5. Shay virusku gaadhay sida maro, weel ama wax lamida.
Xanuunka ayaa noqon karo mid halis ah oo dhimasho ka dhalan karo ( 3-6%) ama sababi karo dhibaatooyin xoogan uu u geysto qofka uu ku dhaco.
Daawo malahan ilaa iyo hada xanuunkaan, kaliya wuxuu leeyahay daawooyin kaalmaati ah.
Maadaama wadamo badam oo aan Africa aheyn xanuunku u gudbay, annaguna qatar ayaan ku jirnaa oo inaan ka feejignaano waa lagama maarmaan.
W/Q : Dr katriina Mohamed