Dr Harun Jaldha

Dr Harun Jaldha hadafkenu wa bulsho cafimad qabta ku so dawada pagekan oo aad ka heli dontan arimo quseyo cafimad sida Cuntada iyoCafimadkeda,Dawenta iyo Qesoyinka .

23/09/2022

How
work

  kala korinta Caruurta ama Kala dheereynya .Kala dheereynta carruurta waxa ay faa’iido u leedahay hooyada Iyo dhalaanke...
29/03/2021

kala korinta Caruurta ama Kala dheereynya .

Kala dheereynta carruurta waxa ay faa’iido u leedahay hooyada Iyo dhalaankeeda waa haddii ay waaliddiinta Soomaalida ay Ku dadaalaan caafimaadka carruurtooda iyo midda hooyada.
Markii la joogo Soomaaliya waxaad arkeysaa hooyooyin da’ ahaan Aad u yar oo wata carruur badan waxaadna argeysaa ayadii ku jahwareersan korintooda iskaba daa waxbarasho iyo akhlaaq in ay helaan

Sidoo kale hooyada ma helayso nasiinyo iyo caafimaad buuxa markii ay dhasho waxaa suurtagal ah in ay horay uur ka yeelato cunigii kale oo gaarin Halsan sidoo kale waxaa meesha ka baxaya daryeelkii cuniga kale sababtoo ah waxaa laga yabaa in ay kala weynyihin 10 bilood
Ma tahay gabar ama hooyo fadlan dhalaankada u nax naftada u nax si aad cafimaad u heshid.

Soomaalida ayaa ah dad boqolkiiba boqol muslim ah hadaba diinteena islaamka maxay ka leedahay xaqsiinta carruurta iyo kala korinta owlaadda sida ku cad Aayadaha 33 saddexaad ee suurada Baqara.

Harun Jaldha
la wadag asxaptad sii aya uga sii faaideysatn .share sii dheh .

  Oo Cayilka Rida ama Cuntooyinka cuntooyinka aynu cunno, gaar ahaan cuntooyinka lagu yaqaanno in ay cayilka yareeyaan o...
01/02/2021

Oo Cayilka Rida ama Cuntooyinka

cuntooyinka aynu cunno, gaar ahaan cuntooyinka lagu yaqaanno in ay cayilka yareeyaan oo ay khubarada ku xeel-dheer cilmiga cuntada iyo faa’idada ku jirtaa caddeeyeen in ay miisaanka dhinto.

,Boorashku: waa cuntada ugu fiican ee ay tahay in uu cuno qofka doonaya in uu miisaanka iska dhimaa, waayo waxa uu ka mid yahay cuntooyinka baalka leh sidaa awgeed waxa uu u fiican yahay caafimaadka caloosha.

: Sinjibiisha oo xaddi macquul ah lagu darsado shaaha ama xataa biyaha caadiga ah ee la cabbaa waxa ay leedahay faa’idooyin caafimaad, oo ay ka mid tahay in ay jidhka ka saarto suntan, sidoo kale waxa ay leedahay faa’idada ah in jidhku iska saaro dareeraha saayidka ah ee k u haraa ama ku

: Waxey gacan ka geysataa dhimista miisaanka, ukunta waxaa ku jira nafaqooyin muhiim ah, cilmi baarayaasha jaamacada Louisiana State University ayaa sheegay in dadka subixii ku quraacda ukunta uu miisaan badan ka dhaco marka loo eego kuwaan aan ku quraacan

: Badso cunista noocyada kala duwan ee looska waayo waxay yareeyaan caloosha, daraasad ay samaysay Purdue University ayaa lagu xusay in dadka cuna looska ayna mudo dheer gaajo dareemin marka loo fiiriyo kuwa cuna doolshaha oo ka mid ah cunooyinka kordhiya calories-ka.

Harun Jaldha
Sii share gare si ay walaha kale uga sii faideystan adigo mahadsan .

Faaiidooyinka toontaToonta waxay ka mid tahay cuntooyinka cilmi baadhayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaad toontu...
29/01/2021

Faaiidooyinka toonta

Toonta waxay ka mid tahay cuntooyinka cilmi baadhayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaad toontu waxay daawo ka tahay inta badan cudurada bini aadamka ku dhaca , sidoo kale toonta waxay ugu horaysa geedo daaweedyada umado badan ay taariikhda soo isticmaali jireen mudo aad u dheer.

Toonta iyo caafimaadka

Toonta waxay leedahay ur taas oo dadka qaar ay dhibsadaan laakiin sidoo kale urtaas markii cuntada lagu karsado waxay yeelataa udgoon iyo caraf soo jiidasho leh taas oo cuntada dhadhan wanaagsan iyo xiiso gaar ah u yeesha.

Waxtarka toonta

1.Toonta iyo timaha : toonta wuxuu alle ku abuuray maadooyin cajiiba kuwaas oo la dagaalama jeermiyada iyo bakteeriyada kuwaas oo sabab u ah daadashada timaha iyo ciladaha ku yimaada sidaas darteed toonta waxay ka qayb qaadanaysaa koritaanka timaha iyo caafimaadkooda.

2.Toonta iyo galmada : toonta waxaa ku jirta maadada loo yaqaano allicin taas oo ka qayb qaadata xoojinta dareenka raga iyo dareenka dumarka labadaba sidaa darteed inaad isticmaasho waxaa ku filan inaad cuntada uun ku darsato sida caadiga ah.

3.Toonta iyo malabka : oo la isku daro ama la isku khamiiriyo waa jeermis dile awoodiisu badan tahay waxayna roon tahay caafimaadka caloosha iyo dheefshiidka waxay kaloo hoos u dhigtaa dhiig kalastaroolka iyo dhiig karka.

4.Tonta iyo babaasiirta : toonta waxay ka mid tahay geedo daaweedka u roon jidhka meelihiisa buka sidaas daraadeed saliida toonta marka la mariyo meesha nabarka hadii la gaadhaayo waxay yaraysaa xanuunka.

5.Toonta iyo beerka : waxaa laga yaabaa inaad ka cabanayso beerka oo ku xanuuna ama beerka oo ku barara hadii ay sidaa tahay arintu kuuma wanaagsana toontu sababtoo ah khuburada caafimaadka waxay ku talinayaan in dadka qaba dhibaato dhinaca beerka aysan u fiicnayn inay cunaan toonta.

6.Toonta iyo hargabka : illaahay ayaa mahadleh waayo toonta waa mid kamida dhirta dabiiciga ah ee lagu daaweeyo hargabka waxay caawisaa qofka waxayna ka bogsiisa hargabka.

Dhibaatooyinka toonta:

afka oo ur yeelata iyo shiirka qofka oo isbedela
oo ku hura iyo afka ilaa dhuunta oo ku hurta
kale oo qofku hadii uu iska badiyo ama ku xanuunsado isku arki karaa lalabo iyo matag iyo waliba gaas sidaa daraadeed toonta iyo gaaska hadii aad doonayso inaad qaadato waa inaad dhakhtarkaaga kala tashataa.

Harun Jaldha
Si share gare si ay walalaha kale uga sii faideystan adigo mahadsan.

  uurka leh ma cabbi kartaa malabka? Haa, malabka waa la cabbi karaa xilliga uurka.Waxaa laga yabaa inaad maqashay in ma...
20/11/2020

uurka leh ma cabbi kartaa malabka?

Haa, malabka waa la cabbi karaa xilliga uurka.

Waxaa laga yabaa inaad maqashay in malabku uusan u fiicanayn ilmaha, waana run. Malabka waxaa ku jirta bakteeriyo jeermis u keeni karta ilmaha yaryar madaama calooshoodu aysan awood u lahayn inay iska difaacdo oo ay la dagaalanto bakteeriyadaas. sidaas darteed dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in malabka la fogeeyo caruurta ka yar 1 sano.

Hadii hooyadu uurka leh ay qaadato malab ay ku jirto bakteeriyadaas dhibaato uma keeni karto ilmaha caloosheeda ku jira sababtoo ah bakteeriyadaas awood uma lahan inay ka gudubto mandheerta dhibaatana ma gaarsiin karto uurkajiifta.

Malabku waxaa u caawiyaa wallaca, waxaad isku darsan kartaa sanjabiil iyo biyo, karkari kadibna malab ku darso, subax kasta ayaad cabbi kartaa.

Sidoo kale malabku aad ayuu ugu wanaagsan yahay inay badsato hooyadu bisha ugu dambeysa ee uurkeeda maadama uu adkeeyo minka isla markaana uu caawiyo foosha.

Harun Jaldha
Si Share gare si ay walalaha kala uga sii faideysan adigo mahadsan.

  Iyo Cuntada Nafaqada Leh Uurku wuxuu yimaada marka ay manida bacrimiso ugxanta laga soo daayay ugxan sidaha, ugxantu w...
16/11/2020

Iyo Cuntada Nafaqada Leh

Uurku wuxuu yimaada marka ay manida bacrimiso ugxanta laga soo daayay ugxan sidaha, ugxantu waxay soo martaa tuubada ugxan sidaha oo ah meesha bacrimiska uu ka dhaco. Ugxanta marka ay bacrismato waxay usoo gudubtaa minka oo ah meesha ay ku dhageyso. Marka ukunta bacrimisan si guul ah ay ku dhagto uur ku jirta waxaa meesha ka dhasha uur. Uurku waa hab socda mudo 40 todobaad. In kastoo habkaan uu u muuqdo mid fudud, hadana waxaa jira waxyaaba badan oo saameeyn kara uurka.

Waa maxay astaamaha Uurka?

Ka hor inta aadan iska baarin uur, waxaa laga yaabaa inaad dareentid calaamado xili h**e soo baxo, calaamadaha inta badan la dareemo waxaa ka mid ah:

Daal

Xanuun sahlan oo aroortii la dareemo

Naasaha oo barara ama danqada

Jawiga ama qaabka nolosha oo isbed bedela

Calool istaag ama kaadida oo badata.

Dumarka qaar waxaa laga yaabaa iney dareemaan calool qabad iyo dhiig bax fudud, dhiiga baxa fudud wuxuu ka dhashaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka, inta badana wuxuu yimaada 1 ilaa 2 isbuuc gudahoda, dhiiga uma badna sida dhiiga caadada, mararka qaar waxaa laga yaaba in dhiig baxa ka dhasha marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka lagu qaldo dhiiga caada.

Astaamaha uurka waxaa laga yaabaa iney ukala duwan yihiin dumarka qaar, tusaale ahaan; waxaa laga yaabaa inaad dareentid xanuunka arooti uurka kugu h**eeya, oo aadan dareemin uurka ku xiga. Astaamaha la dareemo ee uurka ma ahan kuwa kaliya ee lagu ogaan karo inuu jiro uur, sababtoo ah astaamaha qaar waxaa la wadaaag xaalado kale oo caafimaad.

Sidee lagu ogaadaa uurka?

Si loo ogaado uurka waxaa cabir lagu sameeyaa xadiga dheecaan la dhaho Human Chorionic Gonadotropin (hCG), waxaana loogu yeeraa hormoonka uurka. Hormoonka hCG waxaa la soo daayaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhegto minka, xadiga hormoonka wuxuu bataa marka uu imaan waayo dhiiga caadada, taasna waxay tusineysaa in ogaanshaha uurka ay fududahay kadib marka caadada ay imaan weydo.

Hormoonka hCG waxaa laga helaa kaadida iyo dhiiga, faaidada ugu badan oo ay leedahay in lagu ogaado kaadida ayaa ah, in qofka asagoo qarsanaya ogaan kara, wuxuuna ku ogaan karaa si qiimo jaban, marka loo bar bar dhigo in lagu ogaado dhiig baaris.

Uurka iyo cuntada nafaqeysan

Cuno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo lacuna xiliga uurka waxay sara uqaadaa koriimada iyo dhismaha jirka uurjiifka, waa muhiim inaad ogaatid nafaqa noocee ah ayaad ubaahan tahay iyo meesha laga helo nafaqooyinka.
Majirto cuno mid ah oo la dhihi karo waxaa loogu talagalay uurka. Xaqiiqada ayaa waxay tahay uur iyo uur la’aanba waa muhiim in dabeecad laga dhigto cunidda cunno isku dheelitiran. Cunooyinka isku dheelitiran waxaa ka mid ah cunidda mira ama fawaakihaat badan, qudaarta, haruurka sida digirta, galeyda, qamadiga, borotiinka iyo dufinta fiican oo laga helo (kaluunka, lowska, avocadada, sisinta).
Hasa yeeshee waxaa jira nafaqooyin qaar oo ubaahan in il gooni ah lagu hayo xiliga uurka, waxaa ka mid ah nafaqooyinkaas.

-Folic-ama folet asid (folic acid): waxay ka hortagtaa in ilmaha ay ku dhashaan iin ama cilad, Maadadaan waa Vitamin B, waxay caawisaa iney ka hortagto cilad ku timaada tuubada neerfaha, oo ah xaalad halis ah oo soo wajihi karta maskaxda iyo xangulaha.
Cuntada laga helo: badarka, qudaarta cagaaran, liin bambeelada, digirta la qala jiyay, iyo digirta cagaaran oo lagu kariyo cunada. Cabirka loo bahaan in lacuno xiliga uurka waa 800 micrograms.

-kalsiyam (calcium): wuxuu xoojiyaa lafaha. Hooyada iyo uurjiifkaba waxay ubaahan yihiin kalsiyam si ay uhelaan lafa xoog iyo ilkaha, sidoo kale kalsiyam wuxuu caafimaad wareega dhiigga, murqaha iyo habka dareemayaasha.

Cuntada laga helo: Wax yaabaha laga sameeyo caanaha ayaa ah meesha ugu fiican ee laga helo maadada kalsiyam sidoo kale waxaa laga heli karaa cabitaanada la shiido. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 1,000 milligrams.

-Vitamin D – wuxuu caawiyaa dhisidda lafaha
Cuntada laga helo ayaa ah kaluunka.

-Borotiin (protein): borotiinku wuxuu caawiyaa koriimada. Borotiinka wuxuu lagama maarmaan uyahay koriimada uurjiifka, khaasatan 6da bil ee dambe ee uurka.
Cuntada laga helo- hilibka aan cadiinta lahayn, digaaga, kaluunka, ukunta ayaa ah meelaha ugu badan uu jirka ka heli karo borotiinka, sidoo kale waxaa laga heli karaa digirta cagaaran ee lagu kariyo cunada, waxyaabaha laga sameeyay caanaha iyo subaga lowska la marsado rootiga. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 71 grams.

-Ayron (iron):> waxay ka hortagtaa dhiig yari.
Jirka wuxuu isticmaalaa maadada Ayron si uu usameeyo HB oo ah maadada xambaarta ogsijiinta kujirta dhiigga, xiliga uurka cabirka dhiigga wuu is bedelaa si jirka uu ula qabsado shaqada jirka hooyada iyo kan uurjiifkaba, sidaa darted jirka wuxuu ubaah naanaayaa Ayron dheeraad ah si loo helo HB badan oo xambaari kara ogsijiinta ay ubaahan tahay hooyada iyo uurjiifkaba.
Hadii aadan cunin ayron kugu filan, waxaa laga yaabaa inaad dareentid daal, waxaad kaloo unuglaaneysaa infekshan, sidoo kale waxaa kor ukacaya farsadaha in uu cunuga dhasho xiligi loogu talagalay kahor asagoo kayar culeyski laga filaayay.
Cunada laga helo waxaa kamid ah hilibka aan lahayn baroorta, digaaga iyo kalunka, sidoo kale waxaa laga heli karaa badarka, digirta iyo qudaarta cagaaran.

Harun Jaldha
Si share gare si ay wlalaha kale ay uga faideystan adigo mahadsan.

Amygdala iyo Prefrontal Cortex(PFC)====================Cilmi baadheyaal aya ogaaday ina qayb kamid ah maskaxdeena (Bani-...
30/10/2020

Amygdala iyo Prefrontal Cortex(PFC)
====================
Cilmi baadheyaal aya ogaaday ina qayb kamid ah maskaxdeena (Bani-aadamka) oo la yiraahdo 'Amygdala' ay Fal-celin taban(Negatively) ah samayso markaan waajahno wax aynaan horay ula kulmi jirin( Qayru caadi ah),
Qaybtaan maskaxda ah waa inoo muhiim sababto ah waxay ina siinaysaa farriimo digniineed oo ah inay xaaladdu sidii h**e ahayn, Qatarna ay ka dhalan karto xaaladaan cusub ee soo darrisay sidaa awgeed jidhka isagoo farriimihi maskaxada qaadanaya ayu heegan iyo diyaar garaw galaa .

Nasiib darro marka aan sawiranno hummaagga Mustaqbalka iyo heerka nolosha aan hiigsanayno ee aan rabno inaynu gaadhno waxa ino soo baxaysa in Mustaqbalkaasi aad uga gadisanyahay nolosha maanta ah, Wax walboo nolosha manta ah ka gadisanna sidaan horay uso shegnayba waxaa si taban(Negatively) ah uga fal-celinaya 'Amygdala' iyado nagu qancinaysa inaynaan wax isbadal ah samynin si ay qatar uga iman isbadalkaas nololeed.
FG: Amygdala wa qaybta maskaxada ah ee sababta in qofku Ku dhiirran waayo ama uu ka cabsado inu isbadal Sameeyo.

Nasiib wanaag waxa jira oo Eebe SW ino abuuray qayb kale oo maskaxda kamid ah oo lagu magacaabo 'Prefrontal Cortex'(PFC) oo dheelli- tirta shaqadii 'Amygdala'.
PFC waxay u shaqaysaa lidka (Caksiga ama opposite ka) 'Amygdala' si meesha looga saaro wixi cabsi ah ama dhiirrasho la'aan ah oo aanu qofka u baahnayn.
FG: Prefrontal Cortex (PFC) waa qaybta maskaxda ah ee sababta qofku inuusan cabsan dhiirradana mararka qaar.

FAAIDAD CAFMAD EE  KU JIRTO DHOLACADEYNTA .Diinteen islaamku waxay meel wanaagsan dhigtay dhoolacadaynta. isagoo nabi mo...
26/10/2020

FAAIDAD CAFMAD EE KU JIRTO DHOLACADEYNTA .

Diinteen islaamku waxay meel wanaagsan dhigtay dhoolacadaynta. isagoo nabi moahmed SCW xadiis ku yiri .Walalkaaga muslimka ah wajiga u furfurtaa waa sadaqo .isagoo markaa uga jeeday inay dhoolacadeyntu tahay sadaqo aad ajar iyo fadli ku helayso .Sunahaa ka sokow waxaa ku qorsoon faaidooyin badan oo dhanka caafimadka iyo farxad ku nolaashiyaha dadka.

meelabadanoo dunida ah dhoolacedinta waxa loo isticmalaa daawo ahaan. alka dadbadani u isticmalaan so jiidasho ahaan .waxaa jiray actor caan ku noqday hal film oo aduunko dhan si wanaagsan looga daawaday maalin maalaha ka mid ah yuu nin wariya ahi doonay inuu waraysi ka aqaado .wuxu ugu yimi gurigiisa .marku ka so laabtey waraysigiina ka qaadey waxa uu yiri .markaan u yimi muqaalkisu imi cajabin balse waxaan gadaal ku ogaadey sirta uu ku noqday actorka ugu wanaagsan inay tahay dhoolacdeyntiisa.

Culimada cilmi nafsigu waxay shegaan markaso dhoolacadeyntaadu badato waxa aad yeelanaysaa cadow yar xita kuwa kugu cadowga ah way dilaysaa markay arkaan ado dhoolaceynaaya.


Halkan kuma so koobikarno dhamaan faaidadeeda balse waxaanu isku dayi donaa inaanu ka hadalo waxna ka niraahno faaidada caafimaad Ee dhoolacadeynta kuwan oo xaqiijiyeen dhakhatiirka dunidu iskuna waafaqeen. ka bogosho wacan .

1.Dheecaanka endorphins waxa la so daayaa xiliga dhoolacadeynta.

Dheecaankan wuxu firfircooni galiyaa in muruqyada wajigu si wacan u shaqeyaan.taso maskaxdu so turjunto .endorphins wuxu ka masuul yahay inaad dareento farxad.waxaxnu inagu caawiyaa in diiqada iyo murugadu heerkedu hoos udhaco kuna yaraato jidhka .

Dhoolacadeynta beenta ah iyo tan runta ah waa isku mid maskaxduna makala saaari karo .tan iska keenkenaka ah iyo tan dhabta ah .waxanay ka bixisaa isla hal dareen o isku mida .markasto jidhku so daayo endorphins waa marka ay koradho farxada raynraynta iyo raaxada intuba .

2.Dheecaanka endorphins dareen ahan ina siyaa .farxad iyo murugo yari



Sido kale wuxuu u shaqeeyaa inuu la dagaalamo xanuunka .dhoolacadeyntu waxay si wanaagsan umaamushaa xanuunka sida jabniinka lafaha .xanuunka muruqyada.

3.dhoolacadeynta qosolka wadataa waxay si wanaagsan uga shaqaysiisa sanbabada.dhakhaatiirta caafimadka qaar ka mid ahi waxay ku tageen in dholacadeyntu tahay sida jimicsiga oo kale ,sida uu sanbabku ushaqeeyo marka aynu ku jirno jimicsiga u shaqeyaa waqtiga aynu dhoolacadeynta ku jirno .tasi waxay inoo cadeynaysaa in dhoolacadeynta tahay jimicsi waliba si fudud loo qaban karo.

4.waxay ka hortagtaa gabowga iyo duuduubka maqaarka gaar ahaan kuwa wajiga.

5.Dhoolacadeyntu waxa kor uqadaa xasuusta,Cilmi baarayaal kale waxay soo daabaceen warbixin sheegaysa iyo qosolka uu sare u qaado xasuusta welib mideeda dhow, si sahlane wax u soo xasuusan karo hadii loo fiiriyo qofka murugeysa.

Harun jaldha
Sir garsi walalaha kale si ay uga faadideystan adigo mahadsan.

Arrimaha  Dafacayo Xusuusta QofkaXusuusta oo daciifta, illowga badan ama maahsanaanta maskaxdu waxa ay ka mid yihiin xaa...
11/09/2020

Arrimaha Dafacayo Xusuusta Qofka

Xusuusta oo daciifta, illowga badan ama maahsanaanta maskaxdu waxa ay ka mid yihiin xaalado dad badani ka cawdaan, lagana yaabo in qof kasta uu isku arko, mar keliya oo noloshiisa ka mid ahna ha noqoto ee. Waxaa dhacda in aynu weyno shay aynu doonayno, laakiin meel aynu dhignay aynu xasuusan kari weynay, in aynu illowno hawl iyo waajibaad inoo yaallay, ama mararka qaarkood in illowgeenu uu gaadho dadka innagu xeeran ama xidhiidhku innaga dhexeeyo.
Qoraalkan waxa aynu ku so oqaadanaynaa tiro ka mid ah sababaha ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay yihiin kuwa ugu badan ee saamaynta taban ku yeesha xusuusta.

Qanjo xanuun

Khalkhal ku yimaadda shaqada qanjidhka dhuunta ku yaalla ee Tayroodhka loo yaqaanno ayaa qofka ku keenta xummad, jidhidhico iyo in uu qofku galo xaalad nafsiya oo tusaale ahaan warwar, sakati iyo cabsi aanu garanayn sababteeda, gaadhina karta heer niyadjab iyo qulub uu qofku isku arko. Markaas ayaa ay qofka ku bilaabataa in ay xasuustiisu daciifto. Waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in qofku uu sida ugu dhaqsaha badan u daweeyo qanjo xanuunka.

Heerkulka

Marka uu heerkulku bato, waxaa kordha dhiigga ku burqanaya maskaxda, waxa aanu saamayn ku yeeshaa shaqada maskaxda, gaar ahaan awoodda fikir iyo xusuuseed. Nasiibwanaag, dhiiggaas badan ee maskaxda gaadhayaa wax dhaawac ah oo weyn kuma keeno. Waxa uu qofku dib u soo ceshadaa awooddiisii xasuuseed marka uu kulaylku yaraado ama dhammaado.

Hurdo xumo ama hurdo yaraan

Dadka aan helin saacado hurdo oo ku filan, sababtu waxa ay doonto ha noqoto ee, waxa ay inta badan isku arkaan dhibaato maskaxeed oo ay ka mid yihiin illow iyo in maahsanaan badan oo maskaxdu ay ku foofto meel aanu garanayn, waxa kale oo ay isku arkaan wahsi aad u badan. Si aad xaaladahan uga badbaaddo waxaa fiican in aad goor h**e seexato si aad u hesho saacado hurdo oo kugu filan.

Qulubka

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa xaqiijiyey in qulubku uu raad taban ku yeesho awoodda xasuuseed ee maskaxda. Qulubka iyo murugada badani waxa ay qofka si tartiib-tartiib ah ugu keenaan khalkhal ku dhaca xidhiidhka unugyada dareen-wadayaasha. Sidaa awgeed waxa uu qofku isku arkaa illow iyo daciifnimo badan oo dhinaca maskaxda ah. nasiibwanaag xaaladdani waxa ay qofka ka tagtaa marka uu ka baxo xaaladdaas nafsiga ah ee qulubka ama murugada ahayd.

Sigaarka

Sigaarku khataraha caafimaad ee uu keenaa kuma koobna dhaawaca uu gaadhsiiyo sambabada, balse waxa uu u gudbaa in uu dhaawaco maskaxda iyo awooddeeda xusuusta. Sigaarku waxa uu caqabad ku noqdaa in dhiiggu si nidaamsan oo caafimaad qabta uu ku gaadho maskaxda, taas oo sababta khalkhal ku yimaadda laba shaqo oo muhiim ah oo ay maskaxdu qabato; waa isku-dubaridka, iyo gudbinta xogta.

Jimicsi la’aan

Jimicsigu waxa uu u fiican yahay caafimaadka jidhka, maskaxda, iyo xaaladda nafsiga ah ee qofka oo uu wanaajiyo. Waxa uu wanaajiyaa hurdada iyo dabeecadda waxa aanu xoojiyaa xusuusta qofka.

Faytamiin yaraanta

Faytamiinka iyo macdanaha kale ee uu jidhku u baahan yahay, haddii ay yaraadaan waxa ay saamayn taban ku yeeshaan awoodda fikir iyo xusuuseed ee maskaxda, waxa aana ku adkaata in ay dib u soo celiso macluumaadkii ku kaydsanaa.

Harun jaldha
Fadlan la wadag wlalaha kale si ay uga si faideysan adigo mahadsan

  Dhiiga Kor U QaadaMarka uu dhiiga qofka ay ku yaraado Hemoglobin-ta dhiigu waxa uu had iyo jeer dareemaa daal,  caajis...
03/09/2020

Dhiiga Kor U Qaada

Marka uu dhiiga qofka ay ku yaraado Hemoglobin-ta dhiigu waxa uu had iyo jeer dareemaa daal, caajis iyo wahsi aad u fara badan, sidoo kale waxa uu marrarka qaar dareemaa dhibaato dhinaca neefsiga ah iyo madax xanuun aan joogto ahayn oo marar kala duwan kusoo noqnoqda qofka iyo waliba in garaaca wadnaha qofku uu noqdo mid xad dhaaf ah, sidoo kale haddii Hemoglobin-tu ay ku yar tahay dhiigaaga waxay gacmahaaga iyo cagahaaguba inta badan ay ahaanayaan kuwa aad u qabaw.
Haddaba, haddii aad isku aragtay astaamaha mid ka mid ah ogow in dhiigaaga ay ku yar tahay Hemoglobin-tu sidaasi awgeed adiga oo aan isticmaalin dawooyin waxaad isiticmaali karataa cuntooyin kor u qaadaya Hemoglobin-ta uu dhiigaagu u baahan yahay waxaana ka mid ah cuntooyinkaasi, khudaarta caggaaran ee uu ku mid yahay 1.Salladhka, 2.Fuulka, 3.Beerka, 4.Muuska, Timirta, Liin macaanta iyo Liin dhannaanta iyo 5.Tufaaxa dhammaan cuntooyinkaasi waxay kor u qaadayaan Hemoglobin-ta dhiigaaga, sidoo kale waxay ilaalinayaan dheeli tirkeeda.
Haddaba, haddii aad dhibaatooyinka kor ku xusan naftaada ka dareentay ku dedaal inaad isticmaasho cuntooyinkaasi.

Harun Jaldha
wadag walalaha kale .

  Ku Jira Koostada?Maxey faaidoyin oo ay lee dahay?Koostadu waa caleen cagaaran oo aad looga isticmaalaa meelo badan oo ...
31/08/2020

Ku Jira Koostada?

Maxey faaidoyin oo ay lee dahay?

Koostadu waa caleen cagaaran oo aad looga isticmaalaa meelo badan oo dunida ka mid ah, waxaa afka english-ka lagu yiraahdaa Spinach siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa sida in cunto ahaan loo karsado ama cabbitaan loo shiito.

Nafaqada Koostada:

Koostada waa khudaar ay ka buuxaan maadooyin jirka waxtar u leh waxaana ka mid ah Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, B2, manganese, Birta (iron), Magnesium, Potassium, Copper iyo calcium.

Koostada waxaa aad ugu badan maadada jirka sunta ka saarto ee loo yaqaan Antioxidants, waxaa kaloo ku jiro maadada Folate taasoo la rumaysay yahay in ay faa’iido caafimaad u leedahay wadnaha iyo xididada.
Maadada magnesium ee laga helo koostada waxay ka qeyb qaadataa kantaroolidda cadaadiska dhigga.
Koostada waxaa kaloo ku badan maadooyin la dhaho beta-carotene, lutein iyo xanthen oo indhaha faaido ugu jirto kuwaas oo siyaadiyo awoodda aragga.
Cilmbi baaris dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in koostadu in koostada ay kobciso xasuusta, shaqada maskaxda iyo foojignaanta.
Nafaqada muhiimka ah ee koostada ku jirta sida Vitamin B, C, E, potassium, magnesium, iron, calcium iyo omega3 waxay u fiican yihiin caafimaadka timaha. Tusaale ahaan birtu (iron) waxa ay caawisaa in ogsajiinta dhiiggu ay gaarto timaha, isku darna waxa ay maaddooyinkani timaha u soo celiyaan quruxda, iyo bixitaanka dabiiciga ah.
Ugu Dambeyntii koostadu waxay u wanaagsan tahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska.

Harun Jaldha
sii gar si walalaha kale si ay uga si faaideystan adigo mahadsan walal.

 'iidooyinka huruudaHuruud   (  Af Ingiriis : Turmeric) waa geed dhireed iyo xididkiis oo oo ka mida bahda sanjabiisah m...
28/08/2020

'iidooyinka huruuda

Huruud ( Af Ingiriis : Turmeric) waa geed dhireed iyo xididkiis oo oo ka mida bahda sanjabiisah meesha laga helay ayaa ahayd koonfur galbeed Hindiya, wuxuuna u baahanyahay heer kul 20 ilaa 30 °C (68 و 86 °F) ah iyo roob badan si uu u

Huruuda waxaa loo adeegsada qurxinta jirka, taasoo aad looga adeegsado wadankeena, waxay ifisaa maqaarka, waxay yaraysaa findoobka iyo nabarada wajiga ka soo baxo.

Waxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa carfinta cuntada iyo midabaynta cuntada, inkastoo dadkeena qaarkood ay cuntada ka ilaashadaan in ay u isticmaalaan.[7]

Huruuda iyadoo qalalan iyo iyadoo qoyan intaba waa la isticmaalaa, faa'idadane waxay ku badan tahay midda fresh-ka ah oo qoyan ama isla markaas la shiiday, cunis iyo cabitaan intaba waa loo isticmaalaa, waxaa jirta siyaabo kala duwan oo loo isticmaalo waxaana ugu caansan qaababkaan:

Bariiska oo lagu darsado markii la karinayo.

Mushaarida waa lagu karsadaa

Shaaha iyo caanaha waa lagu qastaa.

Rootiga iyo canjeelada ama laxooxda waa lagu dubtaa.

Maraqa la cabo waa lagu darsadaa.

Qudaarta iyo cagaarka waa lagu bilbilaa markii la cunaayo.

Waa lagu cadaystaa sida daawada ilkaha oo kale.

Dhaawacyada nabraha waa lagu shubaa

Daawooyinka kale waa lagu qasaa sida malabka oo kale.

Biyo qandac ah ayaa lagu qasaa, kadibne waa la cabaa, waa qaabka ugu badan ee loo isticm
NB:faaidoyinka huruda intan laguma so kobi karo ,intan wa inta Intu watiga uu i samaxay Darasada an ka so sameyay .

Harun Jaldha
sii gar si walalaha kale si ay uga sii faaideystan adigo mahadsan walal.

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252617556554

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Harun Jaldha posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category