10/01/2022
Kansarka Nasaha Iyo Calamadaha Lagu Garto
Iyada oo la kaashanayo baaritaanka joogtada ah, kansarka naasaha waxaa la ogaan karaa marxalad h**e.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan kansarka naasaha ayaan la aqoonsan karin iyadoo la isticmaalayo habkan.
Kansarka naasuhu waa buro malignant oo ka bilaabata unugyada naaska iyadoo si tartiib tartiib ah ku fidi karaan qaybaha kale ee jirka.
Burooyinka naasaha ah aya si tartiib ah u koraan, iyada oo markii buro laga dareemi karo, waxaa laga yaabaa in ay soo koreesay ku dhawaad 10 sano.
Calaamadda ugu badan ee kansarka naasaha waa buro naaska ah. Mararka qaarkood, burada ayaa lagu arki karaa baaritaanka waxay soo saartaa kansarka markuu bilowga yahay lkn 30% oo kale masoo saarto waxaana lagu ogaadaa keliya inuu barar jiro iyo in wax ku dhex jiro kadibna waxaa loo diraa 2- baaritaan cad ama dheecaan laga qaado(Histocytopathology) si loo xaqiijiyo.
Calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu garto.
* Meelo adag iyo Guntimo kugu cusub oo Naaska kusoo kordhay ;
* Isbedel kuyimi qaabka iyo weynida mid kamida Naasaha ;
* Dhaq-dhaqaaqa Naasaha oo kala duwanaada marka aad Gacmaha kor u qaado ;
* Oogada ama Caarada-naaska oo u ekaata sidii wax jactadey ama fuuq-baxay ;
* Isbedel kuyimaada Midabka iyo dareenka oogada sare ee qaybaha kudhow ama Naaska caaradiisa ;
* Dhinac kamida Caarada h**e ee Naaska oo u ekaada sidii wax Dhiigu kategey ama dhiig rooray ;
* Barar ama Guntin aad kadareento Kilaankilooyinka
* Cun-cun kuyimaada caarada h**e ee Naaska.
* Xanuun aad kadareento guud ahaan Naaska gaar ahaan maqaarka sare;
* Dheecaan kayimaada Naaska caaradiisa.(waxa suurta gal ah inuu dheecaankaasi yahay Dhiig).
calaamadaha dambe iyo astaamaha waxaa ka mid ah xanuun lafaha, lalabo, miisaan lumis, madax xanuun, aragga oo labalaabma, tabardaro murqaha ah iyo rabitaanka cuntada oo luma.
Hadaba hadii aad tahay qof ka cabanayo fadlan laxidhiid
WHAT'S APP NUMBER KA HOOS KU XUSAN
Or CALL number 614770047