Som-medical Advice

Som-medical Advice Welcome to Som Medical Advice for advice and awareness on health issues.

06/03/2024

Dhibaatooyinka Tubaakada ama taabuu

Waa Maxay Fuuq Baxa (Dehydration)?Fuuq baxa (dehydration) waa xaalad timaada marka uu jirkaaga lumiyo in ka badan xaddig...
09/12/2022

Waa Maxay Fuuq Baxa (Dehydration)?

Fuuq baxa (dehydration) waa xaalad timaada marka uu jirkaaga lumiyo in ka badan xaddiga dareere ee aad qadatay. Sida ugu badan oo uu jirkaaag ku lumiya dareeraha waxaa ka mid ah dhidid xad dhaaf ah.
Waa Maxay Astaamaha Fuuqbaxa?

Dadka qaar waxay u nugul yihiin fuuq baxa sida :

• Dadka ka shaqeeya meelaha heer kulkooda sareeya

• Qofka xanuun la iil daran

• Dadka dagan meel dhulka ka sareyso

• Carurta iyo dhalaanka

Astaamaha qaar ee fuuqbaxa waxaa ka mid ah:

• Hurdo badan

• Afka oo qalala

• Haraad badan

• Kaadida oo yaraata

• Maqarka oo qalala

• Wareer

• Madax xanuun

• Qandho

• Dhididka oo yarada

• Shuban badan

• Calool istaag
Maxaa Sababa Fuuq baxa?

• Gubasho

• Hawad kulul ama in aad goob her kulkeeda dareeyo in aad waqti joogto

• Xalad xanuunada qaar sida sokorowga

• Jimicsiga jirka oo keena dhidid fara badan

• Dawooyinka qaar sida ku wa dhiig-karka.

• Dhiig bixid

• Matag, hunqaaco iyo shuban.

1. Waxyaabaha dabiiciga ah ee yareeya caabuqa iyo infectionka dhiiga raaca waxaa ka mid ah cunista timirta subaxdii adig...
04/09/2022

1. Waxyaabaha dabiiciga ah ee yareeya caabuqa iyo infectionka dhiiga raaca waxaa ka mid ah cunista timirta subaxdii adigoo baahan, cun ugu yaraan saddex timir ugu badnaan todobo timir adiga oo aan gowska ku ruugayn carabka oo kaliyana ku calalinaya timirtu waxay dhiiga ka sifaynaysaa infectionka

2. Faaiidada moosku leeyahay waxaa ka mid ah in uu daweeyo kalastaroolka sidoo kale in miisaanka qofka ama cayilka uu yaraado ayuu ka qaybqaataa, cun 2 xabo oo moos ah subax kasta adiga oo baahan si jirkaagu uga faaiidaysto mooska maadooyinka ku jirta

3. Caanaha geela waa mid ka mid ah waxyaabaha adkeeya lafaha inteena badan taas waan dareensahay balse faaiidada kale ayay leeyihiin. Caanaha geela waxay ka hortagaan in hooyadu dhasho ilmo maskaxiyan xanuunsan ama qoorta aan ceshan karin waayoo waxay ka qayb qataaan in ilmaha uurka ku jiro maskax ahaan iyo lafo ahaanba uu noqdo mid adag oo caafimaad qaba

4. Daraasado badan oo la sameeyay waxaa la xaqiijiyay in haweenka cuna timirta uurka ka hor iyo bila ugu dambaysa ee uurka aysan ku dhibtoon foosha, timirtu waxay yaraysaa xanuunka foosha, sidoo kale waxa ka hortagtaa waxa soomaidu u taqaan fool diinka

5. Canbaha wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dabiiciga ah ee liishe ka dhiga maqaarka wuxuuna maqaarka ka dhiga mid jilcan oo aan xarfad iyo adayg lahayn, sidoo kale wuxuu yareeya cayilka isagoo qofka ka dhiga jirkiisa mid isu dheelitiran, cun isbuucii 2 ama 3 cambo oo an wax sokor ama biyo ah lagu darin si jirkaaagu u noqdo mid isu dheelitiran.

Waa maxay calool-adaygu?Calool-adaygu waa jaahwareer ku dhaca mindhicirka (saxarada) oo aan si sahal ah ama joogta u soo...
14/08/2022

Waa maxay calool-adaygu?
Calool-adaygu waa jaahwareer ku dhaca mindhicirka (saxarada) oo aan si sahal ah ama joogta u soo saarayn saxarada. Astaamaha waxaa ka mid ah:

Saxarada oo adkaata
Docasha siyaada ah
Awood la’aan inaad saxaradu kaa timaado iyo/ama adiga oo dareema in aan saxaradu si buuxda kaaga imaan.

Maxaa keena calool-adayga?
Faybarka aad qaadato oo cuntada ku yar
Biya aan kugu filnayn oo aad qaadato maalintii
Jimicsi aan kugu filnayn oo aad samayso
Daawo iyo/ama xanuun joojiye oo aad gadato warqad la’aan ama xaallad caafimaad oo aad u daran oo joogto ah
Uurka iyo dhalida ilmaha
Jaahwareer ka jira mindhicirka iyo/ama dhaawac u baahan baaritaan caafimaad oo siyaada ah
Soo dhicid— soo degid iyo/dhicida xubnaha gudaha kuwaas oo faragelin ku sameeya kaadihaysta iyo kantaroolka mindhicirka

Hormone kee ayaa yareeya sonkorta dhiiga
05/08/2022

Hormone kee ayaa yareeya sonkorta dhiiga

Waxyaabaha yareeya madax xanuunka1. Koob shaah ah caleentu ku badan tahay inaad cabto2. Maro inaad ku xirto baraf yar is...
04/08/2022

Waxyaabaha yareeya madax xanuunka

1. Koob shaah ah caleentu ku badan tahay inaad cabto
2. Maro inaad ku xirto baraf yar iskana saarto indhaha adigoo laabaya indhaha
3. Biyo diiran inaaa ku qabaysato
4. Telka, laptopka, computer iyo tv wax kasta oo ifaya inaad ka fogaato
5. Sanjabiil iyo biyo diiran inaad isku darsato kadibna cabto
6. Saliid madaxa inaad bariso
7. Qoorta masaaj in lagugu sameeyo
8. Dhagta gadaasheeda ah lafa ku taaala inaad riixo mudo 4 ila 5 ilbiriqsi ah
9. Barkin dheer inaadan ku seexan
10. Baahi inaad iska ilaaliso
11. Biyo badan ugu yaraan 5 galaas biyo ah in maalonkaas cabto
12. Qol kulayl ah inaadan seexan madaxana aadan saaran maro ama go'

Cudurka duumadu wuxu ka midyahay cudurada la kala qaado, waxaana gudbisa kaneecada nooceeda dhedig.Cudurka duumadu wuxu ...
20/07/2022

Cudurka duumadu wuxu ka midyahay cudurada la kala qaado, waxaana gudbisa kaneecada nooceeda dhedig.

Cudurka duumadu wuxu ka midyahay cudurada la kale qaado, waxaana gudbisa kaneecada nooceeda dhedig.

Calamaadaha lagu garto malaariyada waxaa kamid ah

• Qandho sareysa

• Madax xanuun

• Murqo xanuun

• Qoorta oo xanuunta

• Daal

• Dhaxan.
SIDEE LAGAGA HORTAGI KARAAH XANUUNKA.

• Kaneecadu waxa Ay ku kortaa meelaha biyo qabatinka leh sida baraagaha, webiyada, Suuliya (musqulaha), waxa ayna jeceshay biyaha wasakhaysan oo ay quudataa, sidaa daraadeed waa in biyo lagu daraa wax jeermiska kadila sida kalooriin, suuliyada in lagu shubo wax oksijinka (oxygen) ka joojiya sida naafto ama saliid.

• Gurigaada iyo meelaha u dhow ha u ogolaan inay biyo fariistaan taasoo u sahli karta kaneecadu inay kunoolaato.

• Caagadaha biyaha laga cabo waxaa haboon in laga dhameeyo biyaha ama aad ka qubto.

• In la buufiyo guriyo gudihiis.

• In la buufiyo dhaman xaafadaha magaalada.

• In la xirto maro ama sin shiyeeri.

• In qofka ay kaneeco ku dhacdo loo xiro maro kaneeco si dadka kale looga ilaaliyo.

10/07/2022

Mala socotaa nooca dhiigaaga iyo dabeecadaha aad leedahay ka ogow muuqaal kan

 :●  Waxyaabaha dabiiciga ah ee yareeya caabuqa iyo infectionka dhiiga raaca waxaa ka mid ah cunista timirta subaxdii ad...
08/07/2022

:
● Waxyaabaha dabiiciga ah ee yareeya caabuqa iyo infectionka dhiiga raaca waxaa ka mid ah cunista timirta subaxdii adigoo baahan, cun ugu yaraan saddex timir ugu badnaan todobo timir adiga oo aan gowska ku ruugayn carabka oo kaliyana ku calalinaya timirtu waxay dhiiga ka sifaynaysaa infectionka

ama muus
●Faaiidada moosku leeyahay waxaa ka mid ah in uu daweeyo kalastaroolka sidoo kale in miisaanka qofka ama cayilka uu yaraado ayuu ka qaybqaataa, cun 2 xabo oo moos ah subax kasta adiga oo baahan si jirkaagu uga faaiidaysto mooska maadooyinka ku jirta

Geela
● Caanaha geela waa mid ka mid ah waxyaabaha adkeeya lafaha inteena badan taas waan dareensahay balse faaiidada kale ayay leeyihiin. Caanaha geela waxay ka hortagaan in hooyadu dhasho ilmo maskaxiyan xanuunsan ama qoorta aan ceshan karin waayoo waxay ka qayb qataaan in ilmaha uurka ku jiro maskax ahaan iyo lafo ahaanba uu noqdo mid adag oo caafimaad qaba.

Toonta faaidooyinka ay leedahay waxa ka mid ah:● Waxay Sare u qaadaa Caafimaadka Wadnaha ● Waxay Kantarooshaa Dhiig-Kark...
02/07/2022

Toonta faaidooyinka ay leedahay waxa ka mid ah:

● Waxay Sare u qaadaa Caafimaadka Wadnaha

● Waxay Kantarooshaa Dhiig-Karka

● Waxay Sare U Qaadaa Difaaca Jirka

● Waxay Dawaysaa Qufaca

● Waxay La Dagaalantaa Xasaasiyada

● Waxay Daweysaa Ilko-Xanuunka

● Waxay Caawisaa Dheefshiidka

● Waxay Ka Hortagtaa kansarka

Karootada  waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu muhiimsan uguna caafimaadka badan waxaa ku jira  curiyaal aad u sareeyo wa...
26/06/2022

Karootada waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu muhiimsan uguna caafimaadka badan waxaa ku jira curiyaal aad u sareeyo wax tarkooda .

waxay leedahy faa’idooyin dhowr waxaana ugu muhiimsan.

1: Karootada iyo aragga: waxay xoojisaa aragga , waxayna wanaajisaa arraga sidoo kale waxaa ku jira maado la dhaho fatamiin A kaas oo u wanaagsan Indhaha.

2: Karootada iyo beerka: karootada waxay ka shaqeysaa iney beerka ka ilaaliso waxyaabaha sunta ah oo ka dhasha maadooyinka kiimikaalka ah kuwaas oo inta badan laga helo deegaanka, waxayna kaalin weyn ka qaadataa iney jirka ka nadiifiso waxyaabahaas suntan ah oo laga helo deegaanka.

3: Kahortag: karootada waxay xoojisaa inuu jirka iska difaaco ama uu ka hortago cudarrda.

4: karootada: waxay la dagaalantaa cudurada ku dhaco wadnaha iyo xidida jira ama tiiftaafyada karootada waa daawo waxaana lagu daaweeyaa dadka qabo cudurada dhiig karka iyo kuwa ku dhaco wadnaha sidoo kale waxay yareysaa karastaroolka waxayna yareysaa cudurka wadna istaagga.

5:Karootada: waxay caafimaad u tahay Afka waxayna afka ka ilaalisaa inuu ciradka uu jirado sidoo kale waxy ka qeyb qaadataa nadiifinta ilkaha.

6:Karootada: waxay caafimaad u tahy maaqaarka jirka iyadoo la eegayo maadooyinka fatamiinka ah eek u jira ayna la dagaalanto aash*tada waxay maqaarka jirka ka caawisaa iney ka difaacdo falaaraha qoraxda.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Som-medical Advice posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram