Covid-19 Somalia

Covid-19 Somalia Halkan kala soco xogta quseysa cudurka saf-mareenka ee Coronavirus

20 April 2020: Warbixinta Maanta ee COVID-19Waxaa cudurka -19 laga helay 73 qof.> Lab: 51> Dhedig: 22> Bogsasho: 1> Dhim...
20/04/2020

20 April 2020: Warbixinta Maanta ee COVID-19

Waxaa cudurka -19 laga helay 73 qof.

> Lab: 51
> Dhedig: 22
> Bogsasho: 1
> Dhimasho: 1

> Tirada Guud: 237

Tirada guud ee dadka uu saameeyay cudurka dilaaga ee Corona-Virus (COVID-19) inta la xaqiijiyay waa:-Wuxuu ku dhacay = 1...
09/04/2020

Tirada guud ee dadka uu saameeyay cudurka dilaaga ee Corona-Virus (COVID-19) inta la xaqiijiyay waa:-

Wuxuu ku dhacay = 1,484,811 Qof
Waxaa ka bogsaday = 329,876 Qof
Waxaa u dhintay = 88,538 Qof

Cudurkaan ayaa Somalia ku cusub, waxaana la xaqiijiyay in uu ku dhacay 12 Qof, hal qof ayaa caafimaaday, qof kalana waa uu u dhintay.

Sidaan ka warheyno, musiibadaan waxaa ay sababtay in la hakiyo dhammaan isu'socodka dunida inteeda badneed, waana saameyntii ugu xooganeed Dagaal Labaad ee Caalamka kadib.

Sidoo kale, Waa markii ugu horreysay ee la hakiyo jamaacada Masjidka xaramka taariikhdan casriga ah, taas oo ka tarjumeyso musiibada culeeska ay sababtay.

Cudurkan loo yaqaan COVID-19 ayaa saameyn xooggan ku yeellan doona dhaqaalaha adduunka sida ay saadaaliyeen dhaqaalyahanda dunida, wuxuuna sababi doona khasaare dhan $1,000,000,000,000 (hal trillion oo doolar).

Sidaan wada ogsoonahay, dalkeennu wuxuu ka soo kabsanayaa burburkii dagaalada sokeeye, oo wali ma lihin hay'ado caafimaad oo taya ahaan lagula tacaali karo cudurkaan.

Sidaa awgeed, maadaama tabar-darridaas ay jirto wadada kaliya ee noo furan waa sida soo socota:-

Marka h**e ogoow calaamadaha cudurkaan, haddii aad isku aragtana fadlan joog gurigaada oo la xiriir 449 si laguu caawiyo. Calaamada ugu waaweyn waa:-

*Qandho heer sareeya ah
*Qufac joogto ah
*Daal fara badan
*Cabur ama neefsiga oo cuslaada
*Madax xanuun

Cudurkaan dilaaga ah waxaan uga hortageynaa duco iyo dadaal.

Tilmaamaha soo socda ku dhaqan:-

▪︎Gacamaha iska nadiifi mar waliba.

▪︎Marka aad qufaceyso ama aad hindhiseyso isticmaal maro, tiish ama xusulkaada, sidoo kale iska xoor tiishka aad mar isticmaasho.

▪︎Wajigaada ka dhaaf taabashada joogtada.

▪︎Iska nadiifi sheeyada ama meelaha dadku wada taabtaan

▪︎Gurigaada joog haddii ay kuu suurta galeyso.

▪︎Iska yareey aadista goobaha dadku isugu yimaadaan sida Suuqyada, Masaajidda, Goobaha Jirdhiska, Makhaayadaha, IWM.

▪︎Jooji gacan qaadka iyo xabad-gelinta oo ku ekaaw Assalaamu Calaykum.

Sidoo kale walaal, ku duceyso ducadaan hoose, subixii iyo galabtii min seddex jeer:-

"بِسْمِ اللَّهِ الَّذِي لَا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ".

Ugu danbeyn, xusuusnow Nadaafaddu waa Iimaanka Barkiis!

Haddii aad qormadaan ku qanacday, fadlan gaarsii asxaabta iyo qaraabada si ay uga faa'iideystaan oo share gareey.

Ilaahay ha u naxariistee waxaa la xaqiijiyay geerida qofkii u dhintay cudurka COVID 19. Waxaa kaloo isla galabta la xaqi...
08/04/2020

Ilaahay ha u naxariistee waxaa la xaqiijiyay geerida qofkii u dhintay cudurka COVID 19.

Waxaa kaloo isla galabta la xaqiijiyay 4 xaaladood ee cudurka taas oo ka dhigeysa tirada guud 12 case Waa faafida bulshada dhexdeeda.

Fadlan raaca talooyinka caafimaad si cudurka loo xakameeyo.

Sida ey xaqiijisay wasaarada caafimaadka waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo ah xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa mu...
07/04/2020

Sida ey xaqiijisay wasaarada caafimaadka waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo ah xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan.

Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8

Tirada bogsashada : 1

Tirada dhimashada : 0

04/04/2020

Talooyin Muhiim ah oo cudurka Covid-19 ku saabsan, Sh Abdirahman Shariif ayaa soo jeedinaya.

Ra’iisul wasaarihii h**e ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada London, halka...
01/04/2020

Ra’iisul wasaarihii h**e ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada London, halkaasi oo uu la xanuunsanaa toddobaadyo cudurka Coronaviruska.

Qaramada Midoobay waxay ka codsaneysaa Soomaalida oo dhan inay 'isu yimaadaan' si loola dagaallamo aafada COVID-19UN app...
01/04/2020

Qaramada Midoobay waxay ka codsaneysaa Soomaalida oo dhan inay 'isu yimaadaan' si loola dagaallamo aafada COVID-19

UN appeals to all Somalis to ‘come together’ in fight against COVID-19 pandemic

Address

Benaadir
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Covid-19 Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram