Drs Fatima maye

Drs Fatima maye Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Drs Fatima maye, Medical and health, 61048, Mogadishu.

Kulligeen waan ognahay sida biyuhu ay muhiimka ugu yihiin nolsha uguna faa’iido badan yihiin jirka, qofkana looga baahan...
20/05/2021

Kulligeen waan ognahay sida biyuhu ay muhiimka ugu yihiin nolsha uguna faa’iido badan yihiin jirka, qofkana looga baahan yaahy inuu cabo 7 illaa 8 koob oo biyo ah maalintii si uu caafimaadkiisa u ilaalshado, laakiin waxaa dhici karta inaan ogeyn cabista biyaha diirran, gaar ahaan subxa h**e ay cudurro badan daawo ka tahay.

Hadaba, maanta waxaan idiin soo gudneynaa 10 faa’ido ee cajiibka ah ee laga helo cabista biyaha diirran, waa sida lagu soo daabacay website-ka BoldSky ee ka hadla arrimaha caafimaadka.

1 – paranasal sinuses Sanka ayuu dajiyaa

Qiiqa kasoo baxaya biyaha diirran ayaa khafiifiya san xiranka iyo madax wareerka, gaar ahaan dadka sanboorka qaba.

2 –Shaqada habdhiska dheefshiidka oo ku hagaagta

3 -Dareemayaasha jirka oo ku xasila

Dareemayaasha jirka ayaa ku xasila, gaar ahaan marka uu qofku xanuun ka dareemayo kala goosyada.

4 -Calool Majiirka ayuu u wanaagsan yahay

Marka aad koob biyo diirran ah aad cabto waxa uu kaa garab siinayaan in calool majiirka uu kaa yaraado, calooshana waxa uu ku garab siinayaa iney saxarada banaanka u saarto.

5 -Miisaanka jirka ayaa lagu dhimaa.

6 -Jirka ayaa suntan looga nadiifiyaa

Biyaha diirran waxay dhiirigelinayaan Endocrine jirka, sidaa darteed jirku si wanaagsan ayuu dibadda ugu saarayaa dhidid farabadan oo bannaanka u saran suntan.

7 – Waa xanuun baabi’iye dabiici ah

Biyaha kulul waxay dhiirigelinayaan in unugyada jirka dhiir farabadani uu ku burqado, taas oo xubnaha u saamaxaysa iney nasasho dareemaan, waana arrinta keenaysa in nooc kasta oo xanuun ah oo ku hayaa uu kaa khafiifo.

8 -Hurdo wanaagsan ayaa laga helaa

Haddii hurdo xumo ay ku hayso, waxaa fiican inta aadan seexan ka hor inaad cabto koob biyo diirran ah, hurdo xasilloon oo degdeg ah ayaad ka helaysaa.

9 – Daalka ayaa lagu yareeyaa

Haddii aad cadaadis badan aad ka dareemayso shaqada iyo nolosha, waxaa lagaa rabaa oo kaliya inaad cabto biyo diirran si daalka aad uga yareyso jirka.

10 -Jirka ayuu qalleylka ka ilaaliyaa

Marka aad cabto koob biyo diirran ah waxa uu jirka ka helayaa qoyaan maalintii oo dhan ah, arrintaas oo kaa ilaalinaysa mushkiladaha qalleylka ka dhasha ee uu ka mid ka yahay garaaca wadnaha, hamaansiga xilliga maalintii, daalka iyo madax xanuunka.

14/03/2021

Hadalka wanagsan waa sadaqo

Send a message to learn more

Wax ugu wngsn aad hormar kugaari  karto waa:1 ku xirnaw rabigaa2 badi qoraan iyo adkarta  aqriskeeda  3 cawi ruux kasta ...
08/03/2021

Wax ugu wngsn aad hormar kugaari karto waa:
1 ku xirnaw rabigaa
2 badi qoraan iyo adkarta aqriskeeda
3 cawi ruux kasta oo dhibaataysan si uu illahey kucawiyo markaaga
4 iwm

26/02/2021

Hadalka wanagsan wax uu katurjumaa shaqsiyada qof
Hadalka wanagsan wax uu kalasaraa inaad tahay qof wanagsan ama qof xun

12/10/2020

Maxaa gargaar ka geysan kara xakameynta kolesteroolka?

Waxa gargaar kaa siin kara xakameynta heerka kole-steroolkaaga waxyaabahan soo socda oo aad sameysid:

Cun cuntooyin uu ku yar yahay dufan, dufanka "trans" iyo kolesterool. Waxa ka mid ah:
khudaarta iyo furuutka
xabuublayda dhammeystiran
waxyaabaha caano ah ee aan lahayn dufan ama ku yar yahay
borootiinka baruur lahayn sida shafka dhigaaga, shafka teerki, kaluun, nooc digir (digir, misir, digirta yaryar)
saliidaha caafimaad leh (saliid seytuun, saliid kanoola, iwm.)
Yaree macmacaanka, cabbitaanada la macaaneeyay iyo hilibka cas. Xadee ama iska dhaaf cunista saliida "cimilada kulul" sida qumbaha, midhaha dhirta baarta ama iyo saliidaha dhirta baarta.
Iska yaree miisaanka haddii miisaankaagu siyaado yahay. Waxay taasi hoos u dhig doontaa heerkaaga LDL isla markaana ay sare u qaadi doontaa heerkaaga HDL.
Samee firfircooni ama jimics saddex illaa afar jeer todobaad kasta taasoo ah isku-darka ugu yaraan 150 daqiiqadood. Waxay taasi hoos u dhigi doontaa heerkaaga LDL i isla markaana ay sare u qaadi doontaa heerkaaga HDL.
Dawo kasta oo yareysa kolesteroolkaaga u qaado sida laguu sheegay. Cunista cuntooyin sii caafimaad badan iyo kordhinta heerka firfircoonidaada ayaa badanaa aan ku filnayn inaad gaadhid hadafyadaada kolesteroolka.
Waxa laga yaabaa in aad leedahay heer kolesterool oo sare balse aanad wali lahayn wax ah calaamadaha cudurka. Bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ayaa ku talin doona inta jeer ee ay tahay in la baadho heerka kolesteroolkaaga.

06/10/2020

Drs Fatima maye

06/10/2020

Sawabta ay aamusnanta utahay xikmad iyo Awood:


Marka aad isku daydo inaad dadka hadal ku soo jiidato, waxaad isku dhibeysaa hadal tiro badan, waxaanad si tartiib tartiib ah u lumineysaa haybadaadii qof ahaaneed, haddii waxa aad sheegaysaa uu yahay wax aan macno lahayn, waxaad si toos ah u lumineysaa qiimihii ay dadka kale kuu hayeen.

Waxaa hubaal ah markasta oo hadalkaagu badan badan yahay in uu dhacdhacaagu badanayo. Hadba, waa maxay sababta ay aamusnaantu u tahay xikmad iyo awood?

Sababta 1aad| Haddii eraygu uu afkaaga ka soo baxo dib uguma celin kartid

Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo ‘Af dabooni waa dahab’, sidaa darteed waxaa habboon inaan afkeenna xakameynno marka aan careysannahay gaar ahaan, si aanan waxwalba ugu hadal oo aan nafteenna u xakameynno, waxaa la yiraahdaa, haddii aad dooneyso inaad qof ogaato ra’yiga uu kaa qabo, waa laga careysiiyaa, xumaan walba oo uu kuu hayo dibadda ayuu usoo saarayaa.

Sababta 2aad| Cadowgaaga ka dhig kuwo u baahi qaba macluumaadkaaga

Mar kasta oo macluumaad dheeraad ah lagaa helo, hadhow adiga ayaa laguu adeegsan karaa in lagugu weeraro ama saaxiibaadaa la idinku kala dilo, sidaa darteed ka digtoon erayga afkaaga ka soo baxaya, ogowna inta badan in aamusnaantu ay awood tahay.

Sababta 3aad| Waxaad yeelaneysaa awood aad dadka kale ku cabsi geliso

Boqorkii faransiiska ee Louis XIV, waxa uu ahaa qof aamus badan oo aad u af gaaban, erayga ugu badan ee uu isticmaali jiray waa ‘Waan arki doonnaa”, aamusnaatiisu dadka ku hareeraysa waxey ku beertay argagax, mar kasta oo aamuskaagu badan yahay qiimahaaguna wuu kordhaa.

Sababta 4aad| Af gaabnida waxaa looga fogaadaa mushkiladaha khatarta ah

1825, ayaa dalka Ruushka hoggaamiye la oran jiray “Kondraty Ryleyev” oo dil ku xukunnaa ayaa la geeyay goobtii lagu daldali lahaa, waxaa la joojiyay goobtii lagu dili lahaa, markii kursigii laga hoos qaaday ayaa xariggii lagu daldalayay uu lasoo go’ay. Markii uu arkay inuu badbaaday weliba si mucjiso leh, iska aamuu aamusine dadkii goobta iskugu yimid ayuu la hadlay waxa uu ku yiri: “Dalkeenna Ruushka waxwalaaba sidan oo kale ayay yihiin, xitaa xarigga daldalaadda sida loo xiro ma garaneyno.”

Boqorkii ayaa loo sheegay mucjisada dhacday iyo xariggii Kondraty lagu daldalayay inuu la ogay, waxa uu dadkii weydiiyay oo markii uu sidaa layaabka leh u badbaaday muxuu yiri; waxaa loo sheegay hadalkiisii jees jeeska lahaa; dadkii boqorka ka agdhawaa waxey tilmaameen inuu boqorku damacsanaa inuu iska cafiyo, laakiin markii hadalkiisa loo sheegay ayuu go’aan adag soo saaray oo uu yiri, wixii dadka uu u sheegay wax ka duwan aan tusno. Maalintii labaad ayaa si wanaagsan loogu soo diyaar garoobay oo la daldalay, sidii ayuuna ku dhintay.

Si kastaba, aamusnaantu waa xikmad iyo awood, laakiin mararka qaar ayaaney habbooneyn inaad aamusto, waa marka si khaldan laguu fahmo inaad wax kala caddeysana loo baahan yahay, xilliyada qaar inaad hadalbadan tiraahdo waa lagama maarmaan, waa marka aad tirtirayso saameynta hadal dad kale ay sheegeen oo bulshada raad xun ku yeeshay, markaa inaad raadkaa tirtirto waa lagama maarmaan.

Qoraal kaan haduu kuqanciye sii

Like
Shere
Comments
aniga oo idin leh mahadsanidin asxbt drs Fatima maye oo salan hawada idin soomarinayso Asc

Address

61048
Mogadishu
1612

Telephone

+252612893846

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs Fatima maye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram