Dr AnaN

Dr AnaN medical student

congenital melanocytic nevus is a skin condition characterized by an abnormally dark, noncancerous skin patch (nevus) th...
10/08/2022

congenital melanocytic nevus is a skin condition characterized by an abnormally dark, noncancerous skin patch (nevus) that is composed of pigment-producing cells called melanocytes.
The nevus may be small in infants, but it will usually grow at the same rate the body grows and will eventually be at least 40 cm (15.75 inches) across.
The nevus can appear anywhere on the body, but it is more often found on the trunk or limbs.

Follow us for more πŸ‘‰πŸ‘‰πŸ‘‰ Dr AnaN

09/05/2022

Silicone breast augmentation

Waa hab lagu weyneyo xubinta nuujinta dumarka iyado lagalinaayo silicone gel oo ay ku jiraan walxo u dhigma ama u sameesan sida dufanta ama xeerta uu asal ahaan breast (naasku) uu ka samesanyahay

W/Q : Anaz ahmet salaad

Like πŸ‘πŸ™

Tamaatada (Yaanyada)Tamaatada amma yaanyadu waa il muhiim ah oo haddii la cuno laga helo maadada (Carotenoid) oo ay ku s...
22/02/2022

Tamaatada (Yaanyada)

Tamaatada amma yaanyadu waa il muhiim ah oo haddii la cuno laga helo maadada (Carotenoid) oo ay ku sii jirto (Lycopene) oo ah maadada dhabta ah ee tamaatada midabka casaanka u samaysa.
Daraasad laga sameeyey ayaa sheegtay in maadadaasi indhaha, gaar ahaan qaybta (Retina-da) ka difaacdo laydhka dhaawac ku keeni kara. Sidoo kale, waxay maadadani ka hortagtaa amma unugyada jirka ka difaacdaa dhaawaca uu u keeno cudurka kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka, caloosha iyo sambabada.
Waxa kaloo tamaatada aad ugu badan faytamiin C (vitamin c )oo isagu indhaha ka ilaaliya in aragu ka tego amma dhaawac ka gaaro xaga araga, waxaanu u saamaxaa in Iron-ta jirku uu ka nuugo cuntada qofku quuto

Fadlan like gare page ka si aad uga bogoto xogaga Ku saabsan caafimadka

Follow for more Dr AnaN

Waa sambabadda nin ku dhintay da’da 52 jir-ka, waxay dhakhaatiirtu sheegeen in uu 30 kii sano ee la soo dhaafay cabay 1 ...
04/12/2021

Waa sambabadda nin ku dhintay da’da 52 jir-ka, waxay dhakhaatiirtu sheegeen in uu 30 kii sano ee la soo dhaafay cabay 1 kartoon oo sigaaar ah kadibna sanbabadiisi sidaas ayay u wax yeeloobeen.

Jooji cabidda sigaarka 🚬🚫 waa haddi aad cabtid ee, hadii kale waxaad halis u tahay inuu kugu dhaco kansarka sambabada!!!.

Gaarsii walaalahaaga si ay uga digtoonaadaan ama ugu waano qaataan

Like na saar page ka so aad uga bogoto waxwalba oo quseeya caafimaadka mahadsanid

Like and share πŸ™πŸ™
05/09/2021

Like and share πŸ™πŸ™

Like Saar bage ka πŸ™πŸ™
04/09/2021

Like Saar bage ka πŸ™πŸ™

Maxay iskaabulada u leeyihiin shiir u gaar ah?Waxaa jira macluumaad dhinaca seyniska iyo cilmi nafsiga ah oo nagu saabsa...
03/09/2021

Maxay iskaabulada u leeyihiin shiir u gaar ah?

Waxaa jira macluumaad dhinaca seyniska iyo cilmi nafsiga ah oo nagu saabsan, balse waxaad mooddaa inaan mararka qaar iska indho tirno.

Muxuu gaar u yahay shiirka iskaabulada?

Daraasad la sameeyay ayaa lagu sharraxay farqiga u dhaxeeya shiirka iskaabulada iyo ragga xaasaska leh.
Waxaa cilmi baaristan lagu ogaaday in iskaabulada ay ka shiir adag yihiin kuwa aan iskaabulada ahayn, gaar ahaan ragga.
Sababtu waa in awoodda raganimada nimanka ay la socoto arrintaas, mar walba oo ay hoos usii dhacdana uu shiirka noocaasi ah sii yaraanayo.
Tani micnaheeda waa in ragga ay awoodda shahwadooda daciifto marka ay sii gaboobayaan ama ay carruur leeyihiin oo korna usii dhaafeen 40 sano.
Inkastoo daraasaddan laga qayb galiyay kumannaan qof haddana khabiirada science ka waxe sheegeyn in aysan wali jirin caddeyn ku filan oo lagu adeegsan karo xogtaas.

By mohamed ibrahim

Maanfur

Bage ka Like saar  and share
12/08/2021

Bage ka Like saar and share

29/05/2021

EXPRIMENT!!!

What happen if you smoke 300 ci******es

RESULT 😱😱

Like paGe and share πŸ™πŸ™

Sababaha Keena Xididada Xiniinyaha Oo Weynaada (Varicocele)farikoosil (Varicocele) waa midka ugu badan ee madhalees ku s...
01/04/2021

Sababaha Keena Xididada Xiniinyaha Oo Weynaada (Varicocele)

farikoosil (Varicocele) waa midka ugu badan ee madhalees ku sababa ragga waana markii ay weynaadaan ama balaartaan xididada dhiiga ka qaada xiniinyaha oo geeya sambabada si dhiiga loogu soo daro ogsijiin, Xididadaan oo dhumucdooda kabalaarta ayaa loo yaqaana varicocele.
Waa xaalad lagu arko in badan oo ragga ka mid ah. Waxaa la qiyaasaa in 100kii ninba 15 kamid ah lagu arko xaaladdaan.

farikoosil waxaa uu hoos udhigaa soo saarida shahwada, taasoo keeni karta in ninku uu noqdo ma dhalays.
98% iyo in kabadan waxaa lagu arkaa farikoosil xiniinta bidix. farikoosil waxuu sababi karaa in xaniinyahu aysan samayn wax koriimo ah, taas oo sidoo kale keeni karta in tayada shahwada noqoto mid hooseeysa oo aan bacrimin kara ugxanta dumarka.

Maxaa sababa?

Inta badan ma cada waxa sababa farikoosil, balse waxaa la aaminsan yahay in weelalka u dhaxeeya veinska ku dhexjira tubada soo qaada minida ay isusoo dhawaadaan taaso sababaysa in dhiiga maraya xididadaasi uu la kulmo cadaadis, kadibna uu waynaanayo ama balaaranayo dhumacda xididka. Tani waxay dhaawici kartaa xaniinyaha waxayna bilow u noqon kartaa dhalma la’aan. Xalaadaan waqtiga ugu badan ee la arko ayaa ah xiliga qaangaarnimada.

Astaamaha Lagu Garto:

farikoosil malahan wax astaan ah inta badan, waxaana laga yaabaa inay marmarka qaar la dareemo xanuun kaasoo kasii dara marka la istaago, xanuunka ayaa iska taga marka loo jiifsado dhanka dhabarka. Calaamad kaliya ee la arki karo ayaa ah xididada veinska ee haraga xaniinyuhu ku jiraan oo ishu qaban karto, kana balaaran ama dhumuc weyn marka ay caadiga yihiin.

Waa maxay khataraha ka dhalan kara?

Khataraha ka dhalan kara farikoosil ayaa ah kuwo ku kooban taranka ninka. Inta badan waxaa lagu arkaa xaniinta bidix waxaana yaraada ama isku soo urura xaniinta taasoo saamayn ku yeelanaysa heerka shahwad samaynta. Yaraanshaha shahwada iyo tayadeeda ayaa ugu danbeyn keenaya in taranka ninku uu noqdo mid aan mira dhalayn.

Ma la dawayn karaa?

Farikoosil inta badan uma baahna wax dawo ah waana mid iska xalismata, haday keenayso xanuun ama calaamado muuqda oo la arki karo ama dhalma la’aan waxaa lagama maarmaan in la daweeyo. Qaabka ugu badan ee loo daweeyo ayaa ah qalliin taasoo lagu furayo xididka ay isu soo dhawaadeen weelalkiisu, si dib loo soo celiyo isusocodka dhiiga ee xaniinyaha. Qalliinka kadib waxaa dhici kara in ay dib usoo noqoto farikoosil ama in dheecaan uu galo haraga xaniinta hydrocele.

Talo:

Hadii aysan jirin wax xanuun ah ama dhalma la’aan ah oo uu sababayo farikoosil waxaa wanaagsan inaadan xiran dharka kugu dhagan ama aadan isku dhajin suunka tani waxay yarayn kartaa cadaadiska dhiiga ee xididada xaniinyaha. Marwalba la tasho dhaktar waayo xaaladaan waa mid ugu danbeyn keeni karta dhalmo la’aan.

Bismillahi.Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cillad aad ugu badan bulshada, waana cijida dhexgasho hilibka suulka taas...
01/04/2021

Bismillahi.

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cillad aad ugu badan bulshada, waana cijida dhexgasho hilibka suulka taasoo keenayso in suulku bararo, xanuun siyaadane la dareemo.

Waa maxay cijida suulka dhex gasho?
Waa cillad aad u badan waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Ingrown Toenails" oo ah macnaheeda cididada oo gudaha u baxdo, markii cididda gudaha u dheeraato waxay dhaawac gaarsiisaa hilibka suulka, tan oo marka h**e loo dareemo barar ahaan laakiin isku badali karto caabuq loo yaqaano "cellulitis", waxaa dhici karto in suulku malax gasho.

Maxaa keeno cijada gudaha u korto?

Dhaxal: ciddida oo gudaha u korto badanaa waa arrin la kala dhaxlo, hadduu waalidkaa qabo, waxaa dhici karto adigane in aad isku aragtid.

Ciddiyo jarista: qaabka loo jaro ciddiyaha waxay ka qeyb qaadataa in ciddidu qaab khaldan u dheeraato sidaasne ay dhaawac ugu gaysato hilibka suulka, ku dadaal in aadan sakiin isticmaalin markaa ciddiyaha iska jaraysid, iska ilaali in aad dhaawac gaarsiisid hilibka suulka.

Kabaha ciriiriga ah: kabaha kugu dhaggan waxay keenaan inay cadaadiska cijida ku hayso hilibka suulka inay kordhiyaan, tanoo u sahlayso in dhaawac ka dhasho, ku dadaal in kabuhu aysan cadaadis ku haynin faraha.

Socodka khaldan: dadka qaar waxay leeyihiin socod qalloocan ama istaagni qalloocan, tan waxay keenaysaa in faruhu qalloocdan sidaasne cidiyaha qaabka ay u baxayeen inay isbadalaan.

Macaanka: dadka qaba cudurka sokorowga ah way kaga nugul yihiin dadka kale inay ciddidu dhaawacdo hilibka suulka.

Cillada cidiyaha: haddii ay jirto cillad aad ku dhalatay ama aad kasbatay oo cidiyaha ah waxay keeni kartaa in cidiyuhu hilibka dhexgalaan.

Dhididka badan: waxaa kaloo la arkay dadka aad uga dhidida lugaha inay cilladaan ku badan tahay.

Bararka cagta: hadduu barar cagaha jiro waxay keentaa in hilibka ku soo durko ciddida barar awgiis sidaasne dhaawac ku gaaro.

Cilladaan farahee ku dhacdaa?
Wuxuu badanaa ku dhacaa suulasha cagta khaasatan dhinaca gudaha xigo, wuxuu kaloo ku dhici karaa faraha kale ee jirka.

Astaamaha lagu garto in suulka caabuq qaaday:
Waxaa ugu horayso barar, gaduudasho, xanuun iyo daqnasho, ur ama dheecaan ka yimaado, waa in aad dhakhtar u tagtaa sida ugu dhakhsiyaha badan si uusan caabuqa u faafin.
Iska ilaali in aad qoddo ama wax geliso meesha dhaawaca ah way ka sii dari kartaa maadaama infekshanka uu u gudbi karo meelo kale oo caafimaad qabay.

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Daawayntu waa laba nuuc hadduu barar kaliya ay tahay, welina aysan jirin astaan malaxaysi ah, waxaa la isticmaalaa daawo qalaljiyayaal ah, kaniini ama kareem, lugtane kor ayaa loo qaadaa, kabaha xirane waa laga fogaadaa, hadduu dhakhtarka ku taliyo qalliin sida caabuq malax leh ama cilladaan oo soo noqnoqto mar waliba waa in ciddida hilibka gashay la jaro, wasakhda ku jirtane laga soo saaro.
Wixii faahfaahin intaa dheer kala tasho dhakhtarkaaga.

Sidee looga hortagi karaa?

Ka fogow xirashada kabaha ciriiriga ah

Hilibka suulka ka riix cidida adigoo gacaantaada ku daliiga, isticmaal saliid macsaro.

Iska ilaali in aad dhaawac isgaarsiiso markaa cidiyaha jaranaysid

Haddii aad ka shakisid in ciddidu ay hilibka dhaawacayso, ka fogow kabaha xiran maalmahaas si dhididka uusan gudaha u galin, cagta nadaafadeedane ku dadaal.

F.G: xigasho somali Doc

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr AnaN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr AnaN:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category