Dr.Maslah Osman Ali

Dr.Maslah Osman Ali Dhakhtar Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah ugu shaqeeya bulshadiisa, jecelna inuu siiyo talooyin, fikrado iyo wacyigelin caafimaad oo bilaash ah.

Mahadsanidiin dhammaan walaalaha ku xiran pageka Dr.Maslah Osman Ali, waxaan rajeynaa inaad ka faaideysan doontaan xogah...
11/06/2025

Mahadsanidiin dhammaan walaalaha ku xiran pageka Dr.Maslah Osman Ali, waxaan rajeynaa inaad ka faaideysan doontaan xogaha caafimaad ee aan idiinkula wadaago bartaan.


CIID WANAAGSANDhammaan muslimiinta gaar ahaan walaalah soomaaliyeed ee ku xiran pageka waxaan idiinkugu hambalyeynayaa m...
05/06/2025

CIID WANAAGSAN

Dhammaan muslimiinta gaar ahaan walaalah soomaaliyeed ee ku xiran pageka waxaan idiinkugu hambalyeynayaa munaasabadda farxada ๐‚๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐”๐‹ ๐€๐ƒ๐—๐€๐€ ee sanadka 1446 hijriga.

Ciiddan ciiddeeda kale Rabbi ha innagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad.

Waa maxay Tongue-tie (ankyloglossia) waa in ay gaabato isku xirka udhaxeeya carrabka iyo qeybta hoose ee afka waana xaal...
25/05/2025

Waa maxay Tongue-tie (ankyloglossia)

waa in ay gaabato isku xirka udhaxeeya carrabka iyo qeybta hoose ee afka waana xaalad ay ku dhashaan carruurta taasoo xaddidaysa dhaqdhaqaaqa carrabka.

Dhibtu waxey ka imaaneysaa cad yar oo hilib ah oo Isku xidha carrabka iyo qeebtaa hoose ee afka, waana xadhig gaaban, dhumuc weyn ama cidhiidhi ah ( frenulum lingual ) wuxuu xidhaa xagga hoose ee caarada carrabka ilaa sagxada afka, sidaas darteed carrurta marka ugu horreyso waxaa lagu arkaa naas nuujinta oo ku adkaata sababtoo ah waxaa ku adkaanayo inuu carabkiisa soo saaro. Af-ku-xidhnaanta sidoo kale waxay saamayn kartaa habka ilmuhu wax u cuno, u hadlo iyo wax u liqo.

Dhibaatooyinka carab xiranka

1. Carruurta oo naas nuujinta ku adkaata
2. Hadalka canuga oo aanan dhawaqiisa saxneen
3. Nadaafad darro afka ah
4. Waxyaabaha qaar uusan cuni karin sida jalaatada(ice-cream)

Daaweynta carab xiranka

Daaweynta Carab xiranka marwalba waa isku mid, waana qallin yar oo aad ufududoo cadka isku haaya carrabka iyo qeebta hoose ee afka la jarayo, suaal badan ayaa la iska weydiiya goormee la qalaa.
Xilliga la qalaayo hal dhinac ayaa laga fiiriyaa oo ah naas nuujinta
Hadii naas nuujinta ugu h**eysaba ay dhibeyso canugaas lagama saarayo isbitaalka uu canugaa ku dhahsay oo waa la qalaya, hadii uu san naas nuujinta dhib sidaa uweyn ku qabina waxa loo sugi karaa shan sano jir ilaa 10 jir.

W/Q: Dr Maslah Osman Ali

QATTARTA KA DHALATA CASHADA HABEENKIISida caadiga ah qofka marka uu cunto cuno dheefshiidkiisa ayaa burburiya kana soo s...
02/01/2025

QATTARTA KA DHALATA CASHADA HABEENKII

Sida caadiga ah qofka marka uu cunto cuno dheefshiidkiisa ayaa burburiya kana soo saara sonkor(Glucose) kadibna waxaa qaada dhiiga si loo gaarsiiyo jirka oo idil, kadibna jirka waxa uu soo daayaa dheecaan loo yaqaan Insuline oo gudaha ugelin doona unugyada jirka.

Waa maxay dheecaanka insuline?

Insulin waa dheecaan laga soo daayo Beer-yaraha oo qaabilsan in sokortii cuntada laga helay uu geliyo unugyada jirka si jirka u isticmaalo oo uu uga helo tamar(energy).

Sida caadiga ah jirka baniadamka xilliga habeenkii wuxuu isku diyaariya soon(cunto in aysan soo galeyn), sidaa darteed sooma daayo dheecaanka loo yaqaan insuline.

Hadii qofka cuno cunto(casho) xiliga habeenkii ah uuna maqanyahay dheecanka insuline waxa dhaceysa in unugyadii jirka aysan isticmaalikarin sokortii(Glucose) katimid raashinka wuxuna qofka galaayaa xaalad ah in uu daciifo waxqabadka dhecanka insuline(insuline resistance) kadibna sokorta kubadato dhiiga(hyperglycemia), waxaana qofka ku dhacaaya xanuunka macaanka(Diabetes).


Biyaha Bariiska Qaabkaan U Isticmaal, Timahaagu Waxay Noqon Doonaanโ€ฆ.Timaha waa mid ka mid ah waxyaabaha quruxda ka qayb...
04/11/2023

Biyaha Bariiska Qaabkaan U Isticmaal, Timahaagu Waxay Noqon Doonaanโ€ฆ.

Timaha waa mid ka mid ah waxyaabaha quruxda ka qayb qaata waxaana soo badanaya ragga iyo dumarka timuhu aadka uga daataan taas oo keeni karta nafaqada timaha oo yaraata, daryeelka timaha oo qofku uusan fahamsaneen iyo cuduro saamayn ku yeesha timaha in qofku lasoo darsaan

Bariiska waa mid ka mid ah waxyaabaha timo daadashada lagu daaweeyo balse waxaa muhiim ah in aad fahamsan tahay qaabka aad u isticmaalayso, waxaan mawduucan kaga hadli doonnaa qaabka aad u isticmaalayso biyaha bariiska si timo daadasho dambe isugu arkin, timahaaguna u noqdaan kuwa midab ahaan aad u qurxan sidoo kalana si dhakhsi ah usoo baxa

Koob Bariis ah ayaa ku shubaysa baaquli kadibna waxaad ku daraysaaa galaas ama galaas iyo bar biyo ah. Biyaha ayaga oo diirran ayaa bariiska ku dari kartaa sidoo kale biyaha ayaga oo aan la kulaylayn waa ku dari kartaaa bariiska.

Hadii biyaha ayaga oo diiran aad ku shubto bariiska waxaa qasab ah in aad sugto ilaa biyahaas ay ka qaboobayaan balse hadii biyaha aysan kululayn uma baahnid inaa sugto, daqiiqado yar kadib ayaa u isticmaalaysa qaabkan

Marka biyaha aad ku shubto bariiska waxaa biyaha ku u qasaysaa bariiska waliba marka aad biyaha qasayso isticmaal Gloves sababtoo ah Gloveska waxay kaa ilaalinayaan jeermiska gacmaha in timahaagu saamayn aad u xun ku yeeshaan.

Marka aad biyaha si fican u qasto bariiska, ku shub caaga yar ee buufiska ah kadibna inta aadan biyaha bariiska ku buufin timahaaga ku dhaq shaambo kadibna ku qallaji timahaaaga shukumaan ama maro jilcan midka aad heli karto

Marka timaha aad ku dhaqdo shaambo kadibna ku qallajiso timaha shukumaan ama maro, soo qaado caagii buufiska ahaa ee biyaha bariiska ku jireen kadibna ku buufis timahaaga biyaha bariiska adiga oo timaha si fiican u dhex galinaya faraha si biyaha bariiska u gaaraan lafta hoose ee timaha.

Marka timaha si fican u dhex galiso faraha, biyaha bariiskana gaaraan lafta hoose ee timaha, shanlee timahaaga adiga oo ku shanlaynaya shanlada qaybteeda waawayn kadibna bac ku xir madaxa. Bacduna waa inay tahay bac aad u jilcan, bac qafiif

Bacdu waxay sababaysaa in madaxa dhidid sameeyo, dulduleeda hoose timaha aya furmayaa kadibna biyaha bariiska si toos ah ayay u galayaan gudaha duleelada, natiijo aadan filayn ayaana arkaysa, timahaaga waxay yaraynayaan daadashada, waxayna noqonayaan kuwa dhakhsi u baxa, midab ahaanna aad u madow

Fiiro Gaar Ah: Bacda waxay madaxa ku duubnaanaysaa ugu yaraan 20 daqiiqo ugu badnaan 35 daqiiqo. Kadibna timaha ayaa ku dhaqaysaa biyo aad marka h**e karkarisay kadibna soo qaboojisay, natiijadan cajiibkana ah ayaana ku helaysa muddo kooban. Insha Allah

Dr Waahin Sabriye

waxa ugu muhiimsan ee aad xidhato waa dareenka ka muuqda wajigaaga (facial Expression)DrMaslah
02/06/2023

waxa ugu muhiimsan ee aad xidhato waa dareenka ka muuqda wajigaaga (facial Expression)

DrMaslah

Burushkaaga/cadayga muddo intee la'eg baad haysatay? Goorma ayay tahay in aad beddesho burushka cadayga? dhaqaatiirta af...
01/06/2023

Burushkaaga/cadayga muddo intee la'eg baad haysatay? Goorma ayay tahay in aad beddesho burushka cadayga?

dhaqaatiirta afka iyo ilkaha waxey ku taliyaan in burushka ama cadayga la isticmaali karo ugu badnaan 3 bilood

Sababaha loo beddelaayo waxaa kamid ah
1. In burushka afkiisa dhamaaday oo uu ilkaha sifiican u nadiifin karin
2. Burushka marka uu duquubo wuxuu unugulyahay wasaq badan
3. burushka marka uu duqoobo wuxuu dhaawacaa ilkaha iyo ciridka.

DrMaslah

Finanka Ayaa Mar Kasta Kugu Sii BadanayaFinanka waa mid ka mid ah waxyaabaha quruxda wajiga ku ciyaara gaar ahaan dumark...
31/05/2023

Finanka Ayaa Mar Kasta Kugu Sii Badanaya

Finanka waa mid ka mid ah waxyaabaha quruxda wajiga ku ciyaara gaar ahaan dumarka. Waxaa jira dad aysan finanka kasoo bixin, dad mararka qaar finan kasoo baxaan mararka qaarna iska waaya iyo dad finankuba ay saaxiib ka dhigteeen oo finanka guri iyo hooy u noqday

Finanka waxay jirka ku bataan marka qofku ku yaraato maadada Beta Carotene oo ah maaado muhiim u ah quruxda wajiga, finankana si fudud uga takhalusta. Sidoo kale Beta Carotene waxay finanka ka ilaalisaa inay dib usoo laabtaaan marka qofku mar ay ka baxaan, hadii maadadan kugu yar tahay finankaagu way sii badanayaan

Beta Carotene waxay aad u yaraataa xilliyada kulaylaha ah sidoo kale xilliyada qaboobaha jirku uma baahna isticmaalka Beta Carotene madama xilliyada qaboobaha kor u kac samayso.
In wajigaagu noqdo mid liishe ah, in finanku ka suulaan wajigaaga iyo in finanku kugu bataanba waxay ku xiran tahay heerka Beta Carotene

Cuntooyinka laga helo Beta Caroteneka
1.liin bambeylmada(Oranges)
2. Karootada
3. Koostada
4. Yaanyada
5. Bataati macaanka
6. Broccoli
7. Canbaha
8. Basbaaska marka uu bislaadk oo uu gaduuto
9. Bocor weyne(bocor jaalaha)
10 malaayga iyo beerka xoolaha

FG: maadada Beta Caroteneka marka ay jirka gasho qeyb kamid ah waxaa loo bedelaa Vitamin A, tusaale katootada aad ayey ugu badantahay lkn karootada marka lakariyo inta ugu badan beta Carotene ahaan ayuu jirka u isticmaalaa, marka qeyriinka lagu cuno ama cabitaanka laga dhigtana waxaa inta badan loo bedelaa Vitamin A oo sidoo kale indhaha iyo difaaca jirka muhiim u ah.

Fadlan garee

DrWaahinSabriye
DrMaslah

Marka Hormone-ka Testosterone Aad U Yaraado1. Waxaa isbedel ku yimaadaa muuqaalka naasaha ragga sida barar oo kale in na...
29/05/2023

Marka Hormone-ka Testosterone Aad U Yaraado

1. Waxaa isbedel ku yimaadaa muuqaalka naasaha ragga sida barar oo kale in naasuhu soo galaan, waxaana soo dagdag macdanta gaar ahaan biyobax degdeg ah oo yimaada xilli h**eba

2. Waxaa siyaada fikirka qofka, hurdada oo yaraata iyo in stress, walwal, diiqo iyo xabad xanuun iyo ciriiri laabta ah ayuna dareemaa qofku waxaana usii dheer xiniinyaha oo cuncun ka dareemo

3. Waxaa bata daalka qofka wuxuuna qofku dareemaa daaal aan dhamaad lahayn xitaa isagoo maanta dhan jiifay aan waxba qaban ayuu daalan yahay, dhalmada qofkana saamayn ayuu ku yeesha

4. Waxaa adkaata qofku inuu si fudud isaga jaro xeyrta gaar ahaan xeyrta caloosha si kasta qofku baahi isuugu dilo hadii testosterine yar yahay xeyrtu si sahal ah ugama dhacayso

5. Hurdo iyo caajis ayaa qofka qabta marka uu wax cuno, wuxuuna qofku qalbi ahaan dareemaa in dhirirkiisii sii yaraanayo ama sii gaabanayo, si kasta uu u qubaystana boor ayaa ka muuqda

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐’๐ฎ๐š๐š๐ฅ ๐€๐ก ๐‹๐ข๐ง๐ค๐ข๐ ๐š๐ง ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐Š๐ฎ ๐ƒ๐ก๐ฎ๐Ÿ๐จ ๐Š๐š๐๐ข๐›๐ง๐š ๐–๐ก๐š๐ญ๐ฌ๐š๐ฉ๐ฉ-๐ค๐š ๐ˆ๐ข๐ ๐ฎ ๐’๐จ๐จ ๐ƒ๐ข๐ซ ๐’๐ฎ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐๐š.
โฌ‡๏ธ
https://wa.me/message/JICDUU5DPDIFA1

Socodka Biyaha Ragga, In Ugxaanta Si Fudud Bacrimin U Samayso Iyo Tayada Shahwadaadu Waxay Ku Xiran TahayShahwada in ay ...
28/05/2023

Socodka Biyaha Ragga, In Ugxaanta Si Fudud Bacrimin U Samayso Iyo Tayada Shahwadaadu Waxay Ku Xiran Tahay

Shahwada in ay noqoto mid tayo leh, dhaqaaqeeduna fiican tahay, ugxaantana si fudud bacrimin ugu samayn karta waxay ku xiran tahay Argenin iyo Nitric Acid

Nitric Acid iyo Argenine waxay shahwada ka dhigaan mid si fudud ku gaarto goobta saxda ah waxay shahwada ka dhigaan mid si fudud ugxaanta bacrimin ugu samaysa.

Argenon iyo Nitric Acid waxay Midabka biyaha ragga ka dhigaaan kuwa aad u cad, hadii shahwadu tahayna mid qafiif ah waxay ka dhigaaan shahwo adag socodkeeduna yahay 100%

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐’๐ฎ๐š๐š๐ฅ ๐€๐ก ๐‹๐ข๐ง๐ค๐ข๐ ๐š๐ง ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐Š๐ฎ ๐ƒ๐ก๐ฎ๐Ÿ๐จ ๐Š๐š๐๐ข๐›๐ง๐š ๐–๐ก๐š๐ญ๐ฌ๐š๐ฉ๐ฉ-๐ค๐š ๐ˆ๐ข๐ ๐ฎ ๐’๐จ๐จ ๐ƒ๐ข๐ซ ๐’๐ฎ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐๐š.
โฌ‡๏ธ
https://wa.me/message/JICDUU5DPDIFA1

Dad Ay U Fududahay Inay Cayilaan Ama Caatoobaan Bilo Yar Gudahooda1. Ectomorph waaa dad jirkoodu u samaysan yahay caatan...
28/05/2023

Dad Ay U Fududahay Inay Cayilaan Ama Caatoobaan Bilo Yar Gudahooda

1. Ectomorph waaa dad jirkoodu u samaysan yahay caatanimada, qofka Ectomorph si kasta uu wax u cuno way adag tahay inuu cayilo. Ectomorph cuntooyin mamnuuc ka ah ayaaa jira

2. Mesomorph waa qof ay u fududahay inuu cayilo iyo inuu caatoobo labadaba, qofkan waa qofka ugu fiican dheelitirka cuntadiisa kaloya ayay ku xiran tahay inuu caatoobo ama cayilo

3. Endomorph waa qof aysan u fududeen inuu caaatoobo, qofkani cuntada si kasta isaga yareeyo ma fududa inuu caatoobo. Endomorph iyagana waxaa jira cuntooyin ka mamnuuc ah si ay caatoobaan

Dadka ugu badan waaa Ectomorph iyo Endomorph sababtoo ah dadka inay cayilaan ay adag tahay iyo dadka inay caatoobaan ay adag tahay balse dadka ugu fiican waa qofka marka uu yahay Mesomorph

Mesomorph waa hab qofka hadii uu fahmo jirkiisa isaga ayaa maamulaya oo sida uu rabo ka dhigaya waliba dad sidaas ahna inaa taqaan ayaa macquul ah bilna cayilan bilna caaato ah

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐’๐ฎ๐š๐š๐ฅ ๐€๐ก ๐‹๐ข๐ง๐ค๐ข๐ ๐š๐ง ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐Š๐ฎ ๐ƒ๐ก๐ฎ๐Ÿ๐จ ๐Š๐š๐๐ข๐›๐ง๐š ๐–๐ก๐š๐ญ๐ฌ๐š๐ฉ๐ฉ-๐ค๐š ๐ˆ๐ข๐ ๐ฎ ๐’๐จ๐จ ๐ƒ๐ข๐ซ ๐’๐ฎ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐๐š.
โฌ‡๏ธ
https://wa.me/message/JICDUU5DPDIFA1

Address

Mogadishu
274149

Opening Hours

Monday 06:00 - 21:00
Tuesday 06:00 - 21:00
Wednesday 06:00 - 21:00
Thursday 06:00 - 21:00
Friday 06:00 - 21:00
Saturday 06:00 - 21:00
Sunday 06:00 - 21:00

Telephone

+252617553299

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Maslah Osman Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Maslah Osman Ali:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category